Home Blog Page 1053

SSC-Khaatumo vows to secure Somali PM’s visit to Las Anod, rejects Somaliland warnings.

0

Wednesday 9, April -2025  {HMC} The SSC-Khaatumo administration has asserted full responsibility for the security of Somali Prime Minister Hamse Abdi Barre during his upcoming visit to Las Anod, amid growing tensions following warnings from the Somaliland administration.

SSC-Khaatumo’s Minister of Information, Najib Barkhadle Warsame, dismissed remarks made by Somaliland’s Minister of Information, Ahmed Yasin Sheikh Ali Ayaanle, who accused the federal government of provoking conflict by planning the high-level visit to a disputed region.

“This statement is baseless, and it is possible that the Minister made that statement due to lack of information,” said Minister Najib. “If we had even 1% doubt about our territorial control, we would not have extended any invitations. We are fully capable of ensuring the Prime Minister’s safety in SSC-Khaatumo.”

He added that SSC-Khaatumo forces are well-prepared and have the capacity to welcome all federal leaders. “Minister Ayaanle has no understanding of the strength or readiness of our forces,” he noted.

On Monday, Somaliland’s Information Minister warned that Prime Minister Barre’s planned visit was a “deliberate provocation” and an attempt to export Somalia’s internal crises into Somaliland. He declared that Las Anod remains part of Somaliland’s territory and warned of possible consequences if the visit proceeds.

Responding to those remarks, Minister Najib said Somaliland is “causing insecurity in the Horn of Africa” and would bear full responsibility for any escalation resulting from its rhetoric or actions.

The SSC-Khaatumo administration assumed control of Las Anod in early 2023 after a popular uprising expelled Somaliland forces from the city. Since then, SSC has declared itself aligned with the Federal Government of Somalia and is seeking recognition as an official federal member state.

Prime Minister Barre’s upcoming visit is being framed by Mogadishu as a significant show of unity and federal support for SSC-Khaatumo’s administration, at a time when the region remains contested by both Somaliland and Puntland.

Wararkii ugu dambeeyay Dagaal culus oo saaka markale ka Soconaya deegaanka Abooreey.

Arbaco, 09, April 2025 {HMC} Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidanka dowlladda iyo kuwa deegaanka oo isku dhinac ah iyo Xubno katirsan kooxda AS ayaa maalintii labaad ka soconaya deegaanka Abooreey ee Hoostagta Degmada Buula-burde ee Gobolka Hiiraan.

Wararka ka imaanaya halkaasi ayaa tibaaxaya in markale saaka leesku noqday dagaal culusna uu ka socda deeganka Abooreey.

Gudoomiyaha Deegaanka Abooreey oo la hadlay Warbaahinta Hiiraanweyn ayaa sheegay in inta badan laga saaray deeganka kooxda AS lagana sifayn doono inta ay ku hareen.

Wali lama helin Qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka saaka markale ka qarxay deegaanka Abooreey.

Ciidanka Dowllada ayaa dagaalkii shalay guulo ka shegtay iyagoo sheeegay in dagaalyahano badan looga dilay kooxda AS.

Abooreey ayaa kamid ah deegaanadii la xureeyay wajiga koobaad ee dagaalka lagula jiro Kooxda AS.

Kumaandooska Danab oo howlgallo gaar ah ka fuliyay Masaajid Cali Gaduud.

Arbaco, 09, April 2025 {HMC} Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey degmada Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo lagu beegsaday xarumo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan AS.

Howlgalka ayaa isugu jiray duqeymo cirka ah oo ay si wadajir ah u fuliyeen saaxiibada caalamka iyo ciidamada dowladda, iyo weerarro dhulka ah oo ay Danab ay fuliyeen.

Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay Intii uu socday Howlgalka in lagu dilay 15 xubnood oo ka tirsanaa AS, waxaana la burburiyey saddex gaari, oo labo ay ahaayeen gaadiid dagaal, mid kalena uu ahaa Ambalaas u adeegayay ujeeddooyin militari.

Xubnaha la dilay howlgalka ayaa waxaa kamid yahay Bashiir Axmed Dhuxul (Bashiir Caadle), oo ahaa Madaxii Dacwada AS ee gobolka Shabeellaha Dhexe, sida ay sheegeen saraakiisha Amniga.

Taliska CXDS ayaa sheegay in howlgalkaan uu qeyb ka yahay dhaqdhaaqyada ka dhanka ah AS ee ka socda deegaannada maamulka Hirshabeelle.

{DAAWO MUQAALKA} Dagaal Markale Dib ugu qarxay Degaanka Abooreey ee Gobolka Hiiraan.

0

Arbaco 09, April-2025 {HMC} Dagaal Markale Dib ugu qarxay Degaanka Abooreey ee Gobolka Hiiraan.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Fahad Yasin oo Sheegay in Shirqool Halis ah loo maleegay Ciidanka Xoogga Dalka.

Talaado, 08 Abriil 2025 {HMC} Fahad Yaasiin, Taliyihii hore ee Nabad Sugidda iyo Laanta Sirdoonka Soomaaliya (NISA), ayaa si kulul u dhaliilay xaaladda adag ee maanta ku sugan yihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed isagoo sheegay in saddexdii sano ee ugu dambeysay la lala eegtay shirqoolo ballaaran oo lagu burburinayo awooddii iyo dib u dhiska ciidanka.

Fahad wuxuu sheegay in ciidanka loo galay shirqool uu soo maleegay dal Carbeed, ayna fuliye ka noqdeen laba qof oo Soomaali ah, kuwaasoo si toos ah uga shaqeeyay xafiisyo muhiim ah oo awood u siinayay hirgelinta qorshahaas.

Mid ka mid ah labadaas mas’uul ayuu Fahad ku tilmaamay “laba kaarle” — qof si isku mid ah ugu adeegaya danaha shisheeyaha iyo kooxda Al-Shabaab, inkastoo ay kala hadaf yihiin.

Qoraalka Fahad wuxuu si cad u muujinayaa tuhun weyn oo la xiriira in Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay si ula kac ah u burburisay nidaamkii dib u dhiska ciidanka qaranka ee si tartiib tartiib ah ugu socday xilligii Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa uu sheegay in mid ka mid ah raggaasi horey xil muhiim ah uga soo qabtay Wasaaradda Gaashaandhigga, balse markii ay fashilmeen qorshihii shirqoolka, hadana dib loogu celiyay isla Wasaaraddii si uu u dhameystiro howlgalka burburinta.

Fahad si cad uma sheegin magacyada raggan waxaa la aaminsan yahay inuu ula jeedo Wasiirkii gaashaandhiga DF ee xilka wareejiyey Maalmo ka hor C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac & iyo Taliyihii hore ee NISA Mahad Salaad.

HOOS KA AKHRISWO QORAALKA FAHAD YAASIIN

SHIRQOOLKII CIIDAMADA XOOGGA DALKA

Ciidanka Xoogga Dalka, saddexdii sano ee u dambaysay, waxay u gacan galeen shirqool uu dal carbeed soo maleegay, ayna fuliye ka noqdeen laba qof oo si toos ah xilal uga soo qabtay xafiisyo awood u siinaya iney hirgaliyaan qorshaha shisheeyaha, waxayna adeegsadeen habab arxan darro ah.

Taariikhda Ciidanka Xoogga Dalka intii ay jireen, dhibaatada ay u geesteen ciidanka qaranka labadaas qof, waligeed mid lamid ah ma soo marin.

Shacabka Soomaaliyeed waxay mudan yihiin iney helaan sharraxaad qeexaysa nooca shirqool ee loo dhigay Ciidanka Xoogga.

Labadaas, mid kamid ah wuxuuba ahaa laba kaarle, oo hal qorshe ayuu ugu adeegayey shisheeye iyo Shabaab oo isku ajande ah, balse kala hadaf ah.

Midkood, shisheeyuhu waxay ku guuleesteen iney xilka Wasaaradda u dhiibaan xiligii Madaxweynihii hore, waxayse ku fashilmeen fulinta shirqoolkoodii, Taliskii CXD ee waqtigaas ayaana ahaa kuwa feejigan. Nasiib darro, isla Wasaaraddii ayaa lagu soo celiyey, si uu u fuliyo qorshihii. Midka kalena, xilka ugu sarreeya Xoogga Dalka ayuu qabtay, oo Madaxweynaha jooga ayaa u dhiibay.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn {08-04-2025}

Talaado, 08 Abriil 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble

Farsamadii ::Mohammed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGAYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO MUQAALKA} Yaa Caawa ku sugan Deegaanka Aboorey oo maanta Dagaalo xoogan ay ka dhaceen.

Talaado 08, April-2025 {HMC} Yaa Caawa ku sugan Deegaanka Aboorey oo maanta Dagaalo xoogan ay ka dhaceen.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Waakee Dalka Ay daacish ka hagto Howlgalada ay fuliso.

Talaado 08, April-2025 {HMC} Waakee Dalka Ay daacish ka hagto Howlgalada ay fuliso.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay Xaalada Aboorey iyo DF oo guulo ka sheegatay.

Talaado 08, April-2025 {HMC} Wararkii ugu Dambeeyay Xaalada Aboorey iyo DF oo guulo ka sheegatay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 08-4-2025.

Talaado 08, April-2025 {HMC}Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Wararkii ugu rbacoDambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.