Home Blog Page 1057

Mareykanku iyo Iran oo wada hadalo tooos ah yeelanaya Sabtida +Agendaha kulanka.

Talaado, 08 Abriil 2025 {HMC} Madaxweyne Donald Trump ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqay in Mareykanku bilaabayo wada-hadallo toos ah oo heer sare ah oo lala yeesho Iran Sabtida, si looga wada hadlo barnaamijkeeda nukliyeerka. Hadalkan ayuu jeediyay isagoo kulan kula yeeshay Aqalka Cad Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu.

Isagoo Isniintii ka hadlayay xafiiskiisa, Trump wuxuu muujiyay rajo ku aaddan in heshiis lala gaaro Tehran, balse wuxuu u digay si adag, isagoo sheegay in jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ay gali doonto “khatar weyn” haddii wada-hadalladu guuldareystaan.

Saacado kadib, Tehran ayaa xaqiijisay in wadahadallada lagu wado inay Sabtida ka dhacaan dalka Cumaan, hase yeeshee waxay carrabka ku adkeysay in ay yihiin wada-hadallo “aan toos ahayn.”

“Wakiillo ka kala socda Iran iyo Mareykanka ayaa Sabtida ku kulmi doona Cumaan si ay u yeeshaan wada-hadallo aan toos ahayn oo heer sare ah,” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Iran, Abbas Araghchi, isagoo ku qoray baraha bulshada.

“Waa fursad iyo tijaabo isku mar ah,” ayuu raaciyay. “Hadda kubaddu waxay taal Mareykanka hortiisa.”

Dhanka kale, Netanyahu ayaa sheegay in Israa’iil iyo Mareykanka ay isla wadaan dadaal lagu doonayo in lagu sii daayo la-haystayaal ku sugan Gaza, halkaas oo ay burburtay xabbad-joojin ay Mareykanku garwadeen ka ahaayeen oo u dhexeysay Israa’iil iyo Xamaas — oo xulafo la ah Iran.

“Waxaan si toos ah ula macaamilaynaa Iran, Sabtida waxaa nagu soo fool leh kulan aad muhiim u ah,” ayuu Trump u sheegay suxufiyiinta kadib kulan la sheegay inuu diiradda saari doono dadaallada Israa’iil ee lagu doonayo in looga baaqsado canshuuraha cusub ee Mareykanka.

Trump ma uusan sheegin goobta rasmi ah ee kulanku ka dhici doono, balse wuxuu carabka ku adkeeyay in aysan jiri doonin wakiillo matalaya labada dhinac, islamarkaana ay kulamadu noqon doonaan “ku dhowaad heerka ugu sarreeya.”

Ku dhawaaqistiisa lama filaanka ah ayaa timid maalmo un kadib markii Iran ay si cad u diidday in ay gasho wada-hadallo toos ah oo ku saabsan heshiis cusub oo lagu xakameynayo barnaamijkeeda nukliyeerka, iyadoo ku tilmaamtay arrintaasi mid aan macno samaynayn.

Trump, oo heshiiskii hore uga baxay sanadkii 2018 intii uu xilka hayay, ayaa wajahayay cadaadis sii kordhaya oo ka imaanaya mala-awaalka ah in Israa’iil – oo laga yaabo inay ka hesho taageero Mareykanka – ay weerar ku qaado xarumaha nukliyeerka Iran haddii aan heshiis cusub la gaarin.

Si kastaba, Trump ayaa digniin culus u diray Tehran.

“Haddii wada-hadalladu fashilmaan, Iran waxay wajihi doontaa khatar weyn — waana ka xumahay inaan sidaas iraahdo — khatar weyn,” ayuu yiri. “Ma ogolaan karno inay haystaan hub nukliyeer ah.”

Mas’uuliyiin kale ayaa sheegay in Ruushka, Shiinaha iyo Iran ay la filayo in Talaadada ay Moscow ku yeeshaan wadatashi ku saabsan arrinta nukliyeerka Iran.

Ku dhawaaqista Trump ayaa timid iyadoo Netanyahu uu noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay ee dal shisheeye ah ee si toos ah u codsada in laga dhaafo canshuuraha cusub ee Mareykanka, kuwaas oo saameyn weyn ku yeeshay suuqyada caalamka.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa ballanqaaday inuu xallin doono farqiga ganacsi ee u dhexeeya labada dal, isagoo sidoo kale ku celiyay inuu doonayo inuu meesha ka saaro “carqaladaha ganacsi.”

Kahor kulanka, Israa’iil waxay qaaday tillaabo ay ku baabi’isay canshuurihii ugu dambeeyay ee saarnaa badeecooyinka laga keeno Mareykanka.

– Wada-hadallada Gaza –
Trump iyo Netanyahu waxay sidoo kale ka wada hadleen xaaladda Gaza, halkaas oo ay burburtay xabbad-joojin uu Mareykanku dhex-dhexaadin ka ahaa, taasoo u dhexeysay Israa’iil iyo Xamaas.

Netanyahu wuxuu sheegay in la qorsheynayo wada-hadallo cusub oo lagu doonayo in lagu sii daayo la haystayaal kale oo ay Xamaas afduubtay intii lagu jiray weerarkii taariikhiga ahaa ee ay ku qaaday Israa’iil 7-dii Oktoobar 2023 — weerar sababay dagaalka hadda socda.

“Waxaan hadda wadnaa dadaal kale oo lagu doonayo in la gaaro heshiis cusub, waxaana naga go’an in aan la haystayaasha oo dhan kasoo saarno,” ayuu yiri.

Trump ayaa markale adkeeyay qorshihiisa ku saabsan in Mareykanku “maamulo” marinka Gaza, isagoo ku tilmaamay “dhul qiimo badan leh.” Wuxuu qorshahan shaaciyay markii Netanyahu uu la kulmay bishii Febraayo.

Trump wuxuu ku soo dhaweeyay Netanyahu bannaanka Aqalka Cad isagoo gacan taagay, kadibna waxay gudaha ugu galeen kulan ka dhacay xafiiska Oval-ka.

Shirka jaraa’id ee la qorsheeyay ayaa si lama filaan ah loo baajiyay iyadoo aan wax sabab ah la sheegin — arrin aan caadi ahayn. Si kastaba ha ahaatee, labada hoggaamiye ayaa hadallo dheer siiyeen koox yar oo wariyeyaal ah gudaha xafiiska Oval-ka.

Booqashadan Netanyahu ayaa ahayd tii labaad ee uu ku tago Washington tan iyo markii Trump dib ugu laabtay talada, waxaana lagu soo qorsheeyay si degdeg ah – iyadoo ay kasoo wareegtay dhowr maalmood oo kaliya tan iyo markii Trump ku dhawaaqay canshuur dhan 17% oo uu Israa’iil kusoo rogay, isagoo ugu magac daray “Maalinta Xorriyadda.”

Trump wuxuu diiday inuu Israa’iil – oo ah dalka ugu badan ee hela gargaarka milatari ee Mareykanka – ka dhaafo canshuuraha uu caalamka ku soo rogay, isagoo xusay in Mareykanka uu la daalaa dhacayo farqi ganacsi oo weyn oo kala dhaxeeya Israa’iil.

Xafiiska Netanyahu ayaa sheegay in uu Axaddii la kulmay Wasiirka Ganacsiga Mareykanka Howard Lutnick iyo Wakiilka Ganacsiga Jamieson Greer, waxyar kadib markii uu Washington soo gaaray.

Netanyahu ayaa sidoo kale wada hadallo la yeeshay mas’uuliyiin kale oo Mareykan ah si uu u xoojiyo xiriirka ganacsi iyo iskaashi dhaqaale oo labada dal u dhexeeya.

Somaliland oo Hanjabaad udirtay Ra’iisul Wasaare Xamse Kadib Booqashada………

Talaado, 08 Abriil 2025 {HMC} Tan iyo markii uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, shaaciyey inuu tegayo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxaa si adag uga hor yimid maamulka Somaliland oo horey u lumiyay gobolkaas.

Somaliland, oo wacad ku martay inuu Ra’iisul Wasaare Xamse ka qoomameyn doono booqashadiisa Laascaanood, ayaa haatan bilowday qorshe weerar ah oo saddex jiho ah, kaasi oo ay ku qaadeyso magaaladaasi.

Qorshaha weerarka saddexda jiho

Taliyaha guud ee ciidamada Somaliland, General Nimcaan Yuusuf Gaax-nuug, ayaa haatan booqasho ku jooga jiidda hore ee deegaanka Oog, oo ku yaalla gobolka Sool. Taliyaha ayaa halkaasi kulan degdeg ah kula yeeshay saraakiisha sare ee ciidamada Somaliland, waxaana kulankaasi si rasmi ah looga shaacin warbaahinta.

Shirka ayaa ka dhacay saldhigga taliska ciidamada ee ku yaalla Oog, waxaana la sheegay in kulankaasi lagu falanqeeyay xaaladda amni ee gobolka iyo suurtagalnimada jawaab ciidan oo laga bixiyo safarka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee Laascaanood.

Ilo wareedyo amni oo si hoose ula socda dhaqdhaqaaqyada ciidamada ayaa sheegay in ujeeddada ugu weyn ee kulankaasi ahayd in la qiimeeyo tallaabo militari oo looga jawaabo safarka Ra’iisul Wasaaraha, taasoo la rumeysan yahay inay farriin siyaasadeed u ahayd maamulka Somaliland.

Saraakiisha ciidamada ayaa kulankooda ku lafa-guray in safarka Ra’iisul Wasaaraha ee Laascaanood uu qayb ka yahay dadaallada lagu muujinayo in SSC-Khaatumo ay tahay dhul ka madax-bannaan maamulka Somaliland, taasoo horseedi karta xaalad dagaal oo hor leh.

Waxaa la go’aamiyey in lagu beegsado safarka Ra’iisul Wasaaraha weerar saddex jiho ah, kaas oo ciidamada Somaliland ay qorsheeyeen inay kaga furaan dagaal deegaannada ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada SSC-Khaatumo. Ujeeddada weerarkan ayaa ah in la muujiyo awood ciidan iyo in laga hortago xoojinta SSC.

Saddexda jiho ee la qorsheeyey in weerarka laga bilaabo waxay kala yihiin: Buqdharkayn, Qorilugud, iyo Ceerigaabo, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo muhiim ah.

Waa markii ugu horreysay ee ciidamada Somaliland ay isku mar dagaal ka furaan saddexdan jiho, iyadoo qorshaha la dejiyey uu yahay mid si weyn loo abaabulay.

Furinta Buqdharkayn ayaa muhiimad gaar ah u leh dagaalka, maadaama ay tahay meel istiraatiiji ah oo u dhow Laascaanood, halka Qorilugud iyo Ceerigaabo ay ka mid yihiin meelaha ay ciidamada Somaliland doonayaan inay cadaadis ka saaraan SSC-Khaatumo.

Xogaha ayaa intaas ku daraya in shirarka noocan oo kale ah ay sii socon doonaan maalmaha soo socda, iyadoo la filayo in xaaladda gobolka Sool ay markale gasho marxalad colaadeed oo cusub.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn {08.04.2025}

Talaado, 08 Abriil 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Ali Addow

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Bilaal Bulshaawi “Reer Muqdisho Wexeey ku Baraarugeen in aay Iska Dhiciyaan AS”

0

Isniin 07, April-2025 {HMC} Bilaal Bulshaawi “Reer Muqdisho Wexeey ku Baraarugeen in aay Iska Dhiciyaan AS”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} fanaaniin ka Qeybgalay Banaanba lagu taageayay ciidanka qaranka

0

Isniin 07, April-2025 {HMC} fanaaniin ka Qeybgalay Banaanba lagu taageayay ciidanka qaranka

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Cabdiwali “Aniga iyo Xaaskeyga diyaar baan u nahay dagaalka Khawaarijta”

0

Isniin 07, April-2025 {HMC} Cabdiwali “Aniga iyo Xaaskeyga diyaar baan u nahay dagaalka Khawaarijta”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Somali Ambassador Presents Credentials to Italian President.

Rome, April 7, 2025 {HMC}– The Ambassador of the Federal Republic of Somalia to the Italian Republic, H.E. Eng. Ibrahim Omar Shegow, presented his credentials to the President of Italy, H.E. Sergio Mattarella, during a ceremony held on Monday evening in Rome.

President Mattarella welcomed the ambassador and extended his best wishes for a successful mission, highlighting the historic friendship and close cooperation between the two nations.

Ambassador Shegow reaffirmed his commitment to further strengthening the enduring relations between the two countries and expanding avenues of collaboration.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn {07-04-2025}

Isniin, 07 Abriil 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble

Farsamadii ::Mohammed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGAYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweeynaha Suuriya oo Booqanayo imaaradka Carabta

0

Isniin 07, April-2025 {HMC} Madaxweeynaha Suuriya oo Booqanayo imaaradka Carabta

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Dagaal ka Billowday Faro ka Ciyaar sababay in uu aabe Soomaaliyeed Naftiisa ku waayo.

0

Isniin 07, April-2025 {HMC} Dagaal ka Billowday Faro ka Ciyaar sababay in uu aabe Soomaaliyeed Naftiisa ku waayo.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA