Home Blog Page 1059

RW xamse “Hey’adaha waa in ay bixinta adeegyadooda ku xiraan aqoonsiga qaranka”

Isniin, Abriil 07, 2025;{HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shir looga hadlayey dhaqangelinta adeegsiga Aqoonsiga Qaranka iyo isku-xirka Aqoonsiga iyo adeegyada muhiimka ah ee ay isticmaalaan dadweynaha, taas oo meesha ka saareysa in ka badan 34 sano oo muwaadiniinta Soomaaliyeed ahaayeen aqoonsi la’aan.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in adeegsiga dhijitaalku yahay fursad horumarineed oo saldhig u ah dhammaan qorsheyaasha kala ee dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda, amniga iyo in Soomaaliya ay noqoto tusaalaha horumar ee gobolka iyo caalamka intiisa kale.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in la sameeyey dhammaan shuruucdii iyo hageyaashii kale ee saldhigga u ahaa ilaalinta xogta muwaadiniinta, Xukuumadduna ay ballanqaadeyso in dadweynaha la diiwaangeliyo oo aqoonsi la siiyo, isaga oo faray Hey’adaha heerarka kala duwan ee Dowladda JFS iyo Hey’adaha aan dowliga ahayn ee bixiya adeegyada uu aqoonsiga muhiimka u yahay in ay bixinta adeegyada ku xiraan Aqoonsiga Qaranka.

RW xamse oo kulan la qaatay ku-simaha Danjiraha Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Isniin, Abriil 07, 2025;{HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku-simaha Danjiraha Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mr Chen Wendi.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Safiirka Shiinaha, ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada waddan ee Soomaaliya iyo Shiinaha,.

Kulanka labada masuuk ayaa sidoo kale looga hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa taageerada dhinacyada kala duwan leh ee uu Shiinaha siiyo dalkeena, gaar ahaan dhinacyada bani’aadannimada.

Dowladda Shiinaha, ayaa mid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya , waxa ayna ka taageeraan dhinacyada gargaarka , horumarinta iyo arrimo kale oo dalkeenna muhiimad gaar ah u leh.

Madaxweynaha suuriya oo booqashadii ugu horeysay ku tegayo Imaaradka Carabta

Isniin, Abriil 07, 2025;{HMC} Madaxweynaha Suuriya, Axmed al-Sharaa, ayaa markii ugu horreysay booqan doona Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE), sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suuriya.

Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada Madaxweyne Sharaa uu ku kasbanayo taageero caalami ah oo uu u raadinayo maamulka cusub ee uu hoggaamiyo.

Sharaa ayaa sidoo kale qorsheynaya safar uu toddobaadka dambe ku tagayo Turkiga, kaasi oo noqon doona booqashadiisii labaad ee dalkaas tan iyo bishii Febraayo.

Isutagga Imaaraadka Carabta wuxuu noqonayaa waddankii labaad ee Khaliijka ka tirsan ee uu booqdo, kadib safarkiisii hore ee uu ku tagay Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Safarradan ayaa loo arkaa kuwo siyaasadeed oo muhiim u ah dadaallada diblomaasiyadeed ee maamulka cusub ee Suuriya, xilli dalkaasi isku dayayo inuu dib u soo celiyo xiriiradii uu la lahaa dalalka Caalamka.

Xildhibaanada BFS oo ku kala aragti duwanaaday safarka RW xamse ee laascaanood

Isniin, Abriil 07, 2025;{HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maalnimadii shalay shaaciyey in uu socdaal ku tagayo magaalada Laascaanood oo ah xarunta maamulka SSC-Khaatumo, oo dowladda Soomaaliya ay u aqoonsan tahay in uu yahay maamul KMG oo aan helin aqoonsiga maamul gobaleed.

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka hadlayey munaasabad ah xilwareejin ah oo ka dhacday Wasaadda Gaashaandhiga ayaa sheegay in safarka uu maalmaha soo socda ku tagi doono Laascanood ay si wadajir ah uga sheqaynayaan xafiiska Raiisul Wasaaraha iyo hoggaanka maamulka Khaatumo.

“Waxaan uga mahad celinaya maamulka iyo shacabka SSC Khaatumo rajada wanaagsan ay muujiyeen, Booqashadaasi ma ahan mid wax loogu dhibayo maamul iyo dad gaar ah, laakiin waa mid isku soo dhaweynaysa Bulshada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamse.

Xildhibaan Ifraax Maxamed Cawad oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, taas oo deegaan doorashadoodu tahay gobollada Waqooyi oo ka hortimid socdaalka Wasiirka koowaad ayaa tiri, “Ra’iisul Wasaare Xamsa arrinta Laascaanood halkii uu nabad ku baaqi lahaa waxa ay u muuqataa in uu dab ku sii shidayo.”

Xildhibaan Dayax Cumar oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka oo ka falceliyey warka ka soo yeeray Xildhibaan Ifraax ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku yiri, “Dadka diidan socdaalka xoojinta Midnimada ee Raysal wasaare Barre ku tegayo Laascaanood; waa kuwa diidan Qaran mid ah, ee u sheega in la is fahmay.”

Sidoo kale Senator Saynab Tiimbiye oo Sanaag ku metesha golaha Aqalka Sare oo ka falcelisay socdaalka Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tiri, “Soomaaliya waa mid, silsiladda isu haysana waa Sool iyo Sanaag, weyna dhammaatay xilligii la kala haynayey; qolyaha arki-jiray-doonka ahna iyada oo dacar ka qadhaadh ayey aqbali doonaan.”

Magaalada Laascaanood oo ah magaalo ay dadkeedu si xoogan uga soo horjeedaan kala go’a Soomaaliya ayaa sannadihii u danbeeyay waxaa ka socday dagaallo u dhaxeeyay maamulada Somaliland iyo SSC Khaatumo, kuwaasi oo ay ku geeriyoodeen dad badan, halka kuwo kalena ay ku barakaceen.

Baarlamaanka Somaliland oo ka hor yimid socdaalka RW xamse ee laascaanood

Isniin, Abriil 07, 2025;{HMC} Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliland ayaa si kulul u cambaareeyay socdaalka la filayo in uu Raysal Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ku tago magaalada Laascaanood, oo hadda uu gacanta ku hayo maamulka SSC-Khaatumo.

Kalfadhigii ugu horreeyay ee Baarlamaanka Somaliland kadib muddo fasax ah ayaa saaka si rasmi ah u furmay, iyadoo ay isla markiiba kulankaasi hadheeyeen hadal-heynta socdaalka Raysal Wasaaraha. Xildhibaanada ayaa ku adkaystay in Laascaanood ay weli tahay qayb ka mid ah Somaliland, ayna tahay arrin aan la aqbali karin in mas’uul ka tirsan dowladda federaalka uu halkaas booqdo.

“Jamhuuriyadda Somaliland iyo Federaalka Soomaaliya waa laba dal oo kala madax-bannaan. Maxaa naga dhexeeya? Waxba nagama dhexeeyaan. Dalkayaga waanu difaacanaynaa, golahayaguna arrintan wuu ka shirayaa,” ayuu yidhi Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Wakiillada, Cali Xaamud Jibriil, oo la hadlay warbaahinta.

Xildhibaano kale oo hadlay ayaa iyaguna ku tilmaamay socdaalka Raysal Wasaaraha mid xadgudub ku ah madax-bannaanida Somaliland, ayna tahay tallaabo keeni karta xiisad siyaasadeed iyo mid amni.

Dhinaca kale, maamulka SSC-Khaatumo ee hadda ka arrimiya magaalada Laascaanood ayaa si diiran u soo dhaweeyay booqashada Raysal Wasaaraha, iyagoo ku tilmaamay tallaabo muujinaysa taageerada dowladda federaalka ee deegaannadooda. Waxay sidoo kale ay sheegeen in gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ay hoos tagaan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa isaguna sheegay in socdaalka Raysal Wasaaraha uu yahay mid muhiim u ah midnimada dhuleed ee dalka Soomaaliya.

Somaliland ayaa lumisay gacan ku haynta magaalada Laascaanood sanadkii 2023, kadib markii kacdoon ballaadhan oo ka dhashay deegaanka uu horseeday in ay dadku diidaan maamulkii Somaliland, kuna dhawaaqaan maamulka cusub ee SSC-Khaatumo.

 

Golaha Ammaanka QM oo ka shirayo xaaladda soomaaliya

Isniin, Abriil 07, 2025;{HMC} Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa qorshaynaya kulan gaar ah oo la asteeyay in uu dhaco 31 abriil 2025, kaas oo looga looga doodi doona xaaladda Soomaaliya, sida laga soo xigtay ilo diblomaasiyadeed iyo dukumiintiyo rasmi ah; iyada oo kulankaas uu yahay mid albaabadu u xiran yihiin oo diiradda lagu saari doona amniga, horumarka siyaasadeed ee dalka, iyo horumarka dadaallada caalamiga ah ee lagu taageerayo xasilloonida soomaliya. Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Hawlgalka Kumeelgaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) James Swan ayaa la filayaa inuu Golaha siiyo warbixin dhameystiran.

Sidoo kale, waxaa la filayo in khudbadiisa ku soo bandhigo horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso ku filnaashaha mas’uuliyadda amniga qaranka, dagaalka socda ee ka dhanka ah Al-Shabaab, iyo wareejinta mas’uuliyadaha UNTMIS ee dowladda Soomaaliya iyo daneeyeyaasha kale, iyada oo la qorsheeynayo in mashruucani uu soo gaba-gaboobo bisha Oktoobar 2026. dhanka kale, wakiillo ka socda Midowga Afrika (AU) ayaa kulanka ku soo bandhigi doona warbixin ku saabsan hirgelinta Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), oo si rasmi ah u beddelay Hawlgalka Kala-guurka Midowga Afrika (ATMIS) 1-da Janaayo, 2025.

AUSSOM ayaa ku shaqeynaya oggolaanshaha Qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2767, kaas oo la ansixiyay 27-kii Diseembar, 2024, iyadoo 14 xubnood ay u codeeyeen oggolaanshaha qaraarka halka Mareykanku uu ka aamusay. Mashruuca AUSSOM ayaa loo aqooonsaday in yahay tallaabo muhiim ah oo lagu taageerayo Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay u wiiqdo kooxda Al-Shabaab iyo kooxaha la xiriira, iyadoo la fududeynayo in mas’uuliyadda amni si tartiib tartiib ah loogu wareejiyo ciidamada Soomaaliya. Maalgelinta mashruuca AUSSOM ayaa ah Qodob muhiim oo laga doodi doono kulanka taas oo ahayd arrin muran dhalisay intii lagu jiray wadahadalladii qaraarka 2,767.

Sidoo kale, warbixinta Midowga Afrika ayaa laga yaabaa in ay iftiimiso diyaar garowga lagu wajahayo kala-guurka dhaqaale, iyadoo weli ay jiraan walaacyo ku saabsan deeq-bixiyeyaasha iyo xiisadaha juqraafiyeed ee saameynaya ciidamada. Xaaladda amni ee soomaaliya ayaa weli ah mid aan la isku halayn Karin, xilli wali kooxda Al-Shabaab aay khatar weyn ku hayso xasilloonida, inkasta oo ciidamada dowladda ay sameeyeen guulo wax tarleh. Sidoo kale, Diblomaasiyiin ayaa filaya in wadahadallada ay taaban doonaan isbeddellada gobolka, oo ay ku jiraan xiisadaha dhowaan ka dhex aloosmay Soomaaliya iyo Itoobiya, kuwaas oo carqaladeeyay soo xulidda ciidanka AUSSOM.

Kulankan ayaa imaanaya xilli xasaasi ah oo Golaha Ammaanku uu dib u eegayo heerka ay marayso taageerada caalamiga ah ee la siiyo Soomaaliya, iyadoo dowladdu ay dadaal ugu jirto horumarinta hannaanka dimuqraadiyeynta iyo dib-u-eegista dastuurka dalka. Natiijooyinka kulanka 31-ka Abriil ayaa la filayaa inay saameyn ku yeeshaan go’aamada Golaha Ammaanka ee bisha Maajo, markaas oo uu qiimeyn doono in la buuxiyay shuruudihii lagu dhaqan gelin lahaa habka isku-dhafka maalgelinta ee AUSSOM.

{DAAWO MUQAALKA} Allaha u Naxariisto Dhaqter Caan ah oo Labo Maalin kadib Meeydkiisa Laga Helay Baladweyne.

0

Isniin 07, April-2025 {HMC} Allaha u Naxariisto Dhaqter Caan ah oo Labo Maalin kadib Meeydkiisa Laga Helay Baladweyne.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 7/04/2025

0

Isniin 07, April-2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Hoos ka daawo Wararka ugu waa weyn

{DAAWO MUQAALKA} qashin Saar iyo Dib u dayactir lagu Billaabay Buunada Nuur Xawaad ee Baladweyne.

0

Isniin 07, April-2025 {HMC} qashin Saar iyo Dib u dayactir lagu Billaabay Buunada Nuur Xawaad ee Baladweyne.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {04-07-2025}

isniin 07, April-2025 {HMC} –Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo :: Mustaf Cali & Sahro Gabre

Farsamadii ::Mohammed Hassan Owsei