Isniin 31, March 2025 {HMC} Shacabka Jalalaqsi oo Soo Bandhigay Ciyaar dhaqamed ay ugu talagaleen Ciida.
Somaliland oo ka hor timid qorshe mw xasan mareykan ku siinayo dekad iyo saldhig ciidan
Isniin 31, March-2025 {HMC} War qoraal ah oo uu ku baahiyay Bartiisa X ee loo aqoon jiray Twitter Afhayeenka madaxweynaha Somaliland Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa ka horyimid qorshaha madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aadan inuu deked iyo saldhigyo uu Mareykanka ka siiyo deegaanadeeda, isagoona arrintan ku sifeeyay in tallaabada madaxweynaha Soomaaliya, uu ugu bandhigay Maraykanka inuu ku wareejinayo dekedda iyo garoonka Berbera ay tahay tusaale dhammaystiran oo fasiraya beenta iyo dawladnimada fashilantay ee Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.
Afhayeen Xuseen Deyr ayaa waxa uu cambaareeyay hindiso uu ku sheegay in ay tahay been abuurka ee Soomaaliya ku tilmaamay in daboolka lagu saarayo waaqaca dhabta ah.
Maraykanka iyo beesha caalamka ayaa waxaa uu ugu baaqay inay aqoonsadaan madaxbannaanida J Somaliland oo leh hantida uu madaxweynaha Soomaaliya sida been abuurka ah u sheeganayo, sida uu yiri afhayeenka.
Sidoo kale Afhayeenka ayaa waxaa qoraalkiisa intaas ku daray in dekedda iyo Garoonka Berbera ay yihiin kaabeyaasha istaraatajiga ah ee dhaqaalaha maamulka Somaliland.
” Somaliland tan iyo markii ay dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda oo waafaqsan xuduudihii gumeystuhu ka tagay, waxa ay Somaliland dhidibada u taagtay dawlad xasilloon, dimuqraadi ah, isla markaana is bixisay,” ayuu yidhi Afhayeenka madaxweynuhu.
Afhayeenka ayaa sidoo kale qoraalkiisa sii wata waxaa uu ku dooday in Somaliland ay si buuxda u xukunto xudduudaheeda badda, dhulka, hawada, iyo dhammaan hantida qaran ee muhiimka ah, oo ay ka mid yihiin Dekedaha iyo Garoonka magaalada Berbera.
Sidoo kale Afhyeenka waxaa uu shaaca ka qaaday in sheegashada gurracan iyo farogelinta Madaxweyne Xasan Sheekh ee ku wajahan arrimaha Somaliland ay tilmaamayso been abuurkiisa indho la’aanta, waa sida uu hadalka u dhigay.
“Dekedda iyo garoonka Berbera waxay door muhiim ah ka qaataan kobcinta ganacsiga gobolka, kasbashada maalgashiga, iyo sugidda amniga Geeska Afrika. waxaa naga go’an in la ilaaliyo madax-bannaanideenna iyo in hantideenna qaran ay u adeegaan danaha shacabka Somaliland, isla markaana ay gacan ka geystaan horumarka gobolka,” ayuu yiri Afhayeen Xuseen Deyr.
Madaxweynaha burkina faso oo mushaar kordhin u sameeyey shaqaalaha rayidka
Isniin 31, March-2025 {HMC} Madaxweynaha Dalka Burkina Faso ee Galbeedka Afrika waa Ibrahim Traore ayaa 50% u kordhiyey mushaaraadka shaqaalaha rayidka ah ay qaataan si looga gudbo cabashada ka taagan sida uu hadalka u dhigay.
Ibraahim Traore ayaa sidoo kale qaaday tallaab kale oo 30% uu ku dhimay mushaaraadka Xildhibaannada, Wasiirrada iyo Siyaasiyiinta, waxaa ka dhashay hadal hayn badan oo la xiriirta sababta ka dambeysa arrintaas.
Traore ayaa ku dhaqaaqay dhowr arrin oo kala duwan oo ku cusub dalkaas kuwaas oo intooda badan dhaliyay hadal hayn gudaha ah iyo falanqeyn dibadda, horay waxa uu u sameeyay tallooyin ka careysiiyay Dalalka Reer Galbeedka.
Hoggaamiyaan Militariga ah ayaa dalkiisa afgambi ku qabsaday, waxa uu eryay ciidamadii shisheeye ee dalkiisa ku sugnaa maadaama uu ugu yeeray in ay yihiin dhibaatooyinka keliya ee reer Burkina Faso heysta.
{DAAWO MUQAALKA} Galmudug oo maanta laga ciiday maalintii 1-aad.
Isniin 31, March 2025 {HMC} Galmudug oo maanta laga ciiday maalintii 1-aad.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 31/3/2025
Isniin 31, March 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Hoos ka daawo Wararka ugu waa weyn
{DAAWO MUQAALKA} Israa’iil oo ka hadashay Xiisada ka taagan Xuduuda Siinaay.
Isniin 31, March 2025 {HMC} Israa’iil oo ka hadashay Xiisada ka taagan Xuduuda Siinaay.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Maxaa ka Cusub Dagaalada ka socda Puntland.?
Isniin 31, March 2025 {HMC} Maxaa ka Cusub Dagaalada ka socda Puntland.?
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Danab Commandos Successfully Conduct Operation Against Militants in Lower Juba.
Isniin 31, March-2025 {HMC} Danab Commandos of the Somali National Army (SNA) and the Jubbaland forces have successfully carried out a large-scale operation against militant groups in northern Lower Juba.
The operation, part of ongoing efforts to restore peace and stability in the country, resulted in the destruction of key militant hideouts and inflicted heavy losses on the insurgents. According to SNA commanders, the forces targeted locations used by the militants as shelters, including a site where they were forcibly extorting civilians under the guise of collecting Zakat al-Fitr.
Authorities have reiterated their commitment to eliminating terrorist threats and ensuring the safety of the local population.
Source SONNA
Gurmad Ciidan oo Soo Gaaray Gobolka Hiiraan.
Isniin 31, March-2025 {HMC} Abaabul dagaal oo ka dhan ah Al-shabaab Ayaa ka socda Magaalada tardo ee Gobalka Hiiraan ka dib markii Saraakiil hogaamisa ciidanka deegaanka ay gaareen Magaaladaas. Wafdigaan saraakiisha waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa odayaal kasoo jeeda Gobalka Shabeeladda dhaxe, oo hormuud u ah dadaalada Kooxda looga saarayo deegaanadda Afarta-tuulo ee Gobalkaas.
Shacabka iyo Maamulka Tardo oo soo dhaweeyay ciidankaan ayaa sheegay in aad ugu faraxsan yihiin Wafdi soo gaaray, isla markaana ay direyso fariin Nabadeed oo meesha ka saareysa Colaado mudo badan u dhaxeysay dadka wada dhashay ee kasoo wada jeeda labada Gobal ee Hiiraan & Sh-dhaxe.
Ganacsade Caydiid Maxamed Hogaamiyaha Macawisleyda Afarta tuulo ayaa sheegay in saf balaaran oo is garabsi ah lagu gali doono dagaalka, cadowga dadka ku nool labada gobal uu yahay Al-shbb.
Gudoomiyaha Magaaladda Tardo Cismaan Xuseen Guure oo la hadlay Ciidanka loo diyaariyay dagaalka Al-shbb Waxaa uu sheegay in Kooxda ay dhowr meel isku dayeyso in ay weeraro ka geystaan balse hadii xagooda loo dhaqaaqo kooxda laga guuleysan doono.
Dowladda Soomaaliya ayaa todobaadyadii dambe waday Abaabul balaaran oo xiliyada qaar ay barbar socdeen dagaal iyo duqeymo intooda badan ka dhacayay Gobalka Sh-dhaxe.
{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {31-03-2025}
isniin 31, March 2025 {HMC} –Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo :: Yaasiin Cali Axmed & Shugri Baryare
Farsamadii ::Mohammed Hassan Owsei



