Home Blog Page 1083

Dowlladda Soomaaliya oo Abaabul dagaal oo xogan kawada Maamulka Galmudug.

Talaado 01, April-2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa taliyaha Guutada 18-aad ee ciidamada Gorgor, Gaashaanle Xasan Ciraaqi u dirtay Galmudug, si uu halkaas uga bilaabo abaabul culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Xasan Ciraaqi oo hadda ku sugan magaalada Wisil ee koonfurta gobolka Mudug ayaa wada qorshe culus oo lagu dardar-gelinayo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale, taliyaha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in haatan Galmudug ay ka bilaabayaan howlgallo lagu baacsanayo maleeshiyaadka Khawaarijta, si looga xoreeyo deegaannada ay ka haystaan gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Taliyha Guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor ayaa sidoo kale farrriin u diray siyaasiyiinta Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqay inay taageeraan dagaalka scoda.

“Siyaasiyiinta haddey doonayaan in ay dalka ka taliyaan waa in dowladda ku taageeraan dagaalka adag ee lagula jiro kooxaha Nabad-diidka ” ayuu yiri Taliye Xasan Ciraaqi

Waxaa sidoo kale qorshahan qayb ka ah Daraawiista Galmudug iyo ciidamada deegaanka oo iyaguna abaabulka wax ka wada, si looga hortego argagixisada.

Dhinacyadan kala duwan ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah ka wada demada Wisil, kuwaas oo looga hadlayo diyaar garowga howlgallada ka bilaabanayo halkaasi.

Horay Xasan Ciraaqi ayaa uga qayb-qaatay howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka Shabeelaha Dhexe, isaga oo ku sugnaa aagga degmada Aadan Yabaal, waxaana hadda loo sii wareejiyay deegaannada Galmudug oo laga bilaabayo howlgallo kale.

Waxaa kale oo sarkaalkan lagu xasuustaa inuu hoggaaminayay ciidamadii ay horay dowladdu ugu daabushay deegaannada Jubbaland, gaar ahaan aagga Raaskambooni, kuwaas oo dagaal la galay ciidamada uu hoggaamiyo Axmed Madoobe, kadibna lasoo jabiyay, taas oo keentay in qaar kamid ah ciidanka Soomaaliyeed ay galaan dalka Kenya.

Si kastaba, ha’ahaatee, maaalmihii la soo dhaafay madaxda sare ee dalka oo uu ugu horreeyo madaxweyne Xasan ayaa waday qorshayaal lagu dardargelinayo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, isaga oo tegay furimaha hore ee dagaalka ee HirShabelle.

{DAAWO MUQAALKA} Dowladda Soomaaliya ma ku guuleysan doontaa hawlgallada AS ee ka socda dalka?

0

Talado 1, March 2025 {HMC} Dowladda Soomaaliya ma ku guuleysan doontaa hawlgallada AS ee ka socda dalka?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {01.04.2025}

Talaado 01, April-2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Ali Addow

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Dowladda Soomaaliya oo Faah-faahin ka bixisay Howgaldii ugu dambeeyay.

Talaado 01, April-2025 {HMC} Wararka ka imaanaya Deegaanka Sabiib iyo Caanoole oo hoos yimaadda Degmadda Afgooye, ayaa la sheegay in ay halkaas dagaal ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo Al-shabaab.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Sheekh Abuukar Maxamed oo faahfaahin ka bixiyay ayaa sheegay in AS uu gaaray khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhawaac.

“Ciidanka ayaa hadda deegaanka Sabiid iyo Caanoole gacanta ku haayo, inkastoo tiro 30, ayaa laga dilay walow dib aan ka soo xaqiijin doonno”, ayuu yiri, Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS

Dhinaca kale, Afhayeenka ayaa sheegay in hawlgallo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, lagu dilay xubno ka tirsan AS iyo gaari nooca dagaalka oo laga gubay.

Hawlgalkaan ay ciidamada dowladda sameeyeen ayaa ku soo aadayo xilli uu maalin ka hor uu gaaray deegaanka lambar 50, iyada oo maalmahii u dambeeyay ay ciidamada hawlgallo ka wadeen duleedka deegaanada Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Donald Trump Wadamada uu ku tagaayo safarkiisii ugu horreeyey oo la shaaciyay,

Talaado 01, April-2025 {HMC} Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay Isniintii inuu qorshaynayo booqasho uu ku tagayo Sacuudi Carabiya horaanta bisha May, taas oo noqon doonta safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda ee muddadiisa labaad ee xilka madaxweynaha.

Safarkan ayaa ujeeddadiisu tahay inuu halkaas ku saxiixo heshiis maalgashi oo weyn, iyadoo sidoo kale uu kadib booqan doono dalalka Qatar iyo Imaaraadka Carabta.

“Waxaa laga yaabaa inay noqoto bisha soo socota ama inyar kadib,” ayuu Trump u sheegay warbaahinta isagoo ku sugan Xafiiska Oval ee Aqalka Cad.

Afar ilo-wareed oo xog-ogaal u ah arrinkan ayaa sheegay in bartamaha bisha May loo asteeyay waqtiga safarka. Trump ayaa horey u booqday Sacuudiga iyo Israa’iil, isagoo ka dhigay dalalkii ugu horreeyay safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda ee muddo xileedkiisa koowaad ee sannadkii 2017.

Trump ayaa mar kale ku celiyay hadallo uu sheegay bilowgii Maarso, isagoo xusay in ujeedka safarkiisa Sacuudiga uu yahay in la saxiixo heshiis lagu maalgashanayo dhaqaalaha Maraykanka, kaas oo gaaraya ilaa $1 tirilyan oo doollar, oo ay ku jiraan iibka qalabka militariga.

Waxa kale oo uu intaa ku daray in heshiisyo noocaan oo kale ah lala saxiixi doono Qatar iyo Imaaraadka Carabta.

“Shaqooyin badan ayaa la abuuri doonaa labadaas ama saddexdaas maalmood gudaheed,” ayuu yiri Trump, inkastoo madaxweynuhu uusan faah-faahin gaar ah ka bixin heshiisyadan.

Arrimaha kale ee laga yaabo in laga wada hadlo waxaa ka mid ah dagaalka saddex sano jirsaday ee Ruushku ku qaaday Ukraine iyo dagaalka hadda ka socda Gaza, sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah.

Sacuudi Carabiya ayaa door muhiim ah ka ciyaartay siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka, iyadoo martigelisay wadahadalladii lagu raadinayay xabbad-joojinta ee Ruushka iyo Ukraine.

“Fursadda safarada caalamiga ah ee madaxweynaha waa arrin hadda laga baaraan-degayo. Weli qorshe rasmi ah lama diyaarin, waxaana faahfaahin dheeraad ah la bixin doonaa marka si rasmi ah loo soo saaro,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ka hor hadalka Trump.

Toddobaadkii hore, Trump ayaa ballanqaaday inuu dalal dheeraad ah ku dari doono Heshiisyada Abraham (Abraham Accords), kuwaas oo ahaa heshiisyo lagu caadiyeeyay xiriirka Israa’iil iyo qaar kamid ah wadamada Khaliijka, kuwaas oo uu maamulkiisii hore soo abaabulay.

Trump ayaa sheegay in dalal badan ay xiisaynayaan inay ku biiraan heshiisyadaasi. Aqalka Cad ayaa si gaar ah u tilmaamay Sacuudi Carabiya inay noqon karto dal ku soo biira heshiisyadan, balse Sacuudiga wuxuu marar abdan sheegay in aanu geli doonin heshiis Israel ilaa laga ogolaado dal ay yeeshaan Falastiiniyiinta.

{DAAWO MUQAALKA} Saraakiil hor leh oo ku biiray Abuul dagaal oo AS looga saarayo Gal-gaduud.

0

Isniin 31, March 2025 {HMC} Saraakiil hor leh oo ku biiray Abuul dagaal oo AS looga saarayo Gal-gaduud.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Xamaas oo si cad ugu soo horjeesatay hindiso ay soo SaartayIsraa’iil.

Talaado 01, April-2025 {HMC} Xamaas oo ku gacan sayrtay hindiso ay soo jeedisay Israa’iil

Faahfaahin cusub oo ku saabsan soo jeedinta Israa’iil ee wadaxaajoodyada heshiiska maxaabiista:

Maalinta koowaad ee xabbad-joojinta: Waxaa Xamaas ay sii deynaysaa 10 maxbuus oo nool, iyo sidoo kale askariga Mareykanka-Israa’iiliga ah, Idan Alexander.

Maalinta shanaad: Hamas waa in ay bixisaa xog dhameystiran oo faahfaahsan oo ku saabsan dhammaan maxaabiista ay hayso, taasoo la micno ah in ay soo gudbiso liiska dhammaan 59-ka maxbuus ee ay gacanta ku hayso, iyada oo si sax ah u cadeynaysa xaaladooda.

Arrintan ayaa ka duwan tii wejigii hore, markaasoo Hamas ay bixisay oo kaliya macluumaad guud oo ku saabsan qaar ka mid ah 33-kii maxbuus ee la sii daayay iyagoo nool.

Maalinta tobnaad: Waxaa Xamaas ay soo celinaysaa meydadka 16 maxbuus oo dhintay, taasoo qiyaastii u dhiganta kala bar maxaabiista la dilay.

Dhinaca kale, Israa’iil waxay sii deyn doontaa maxaabiis Falastiiniyiin ah oo ah tiro le’eg kuwa lagu sii daayay heshiiskii ugu dambeeyay.

Inta lagu jiro maalmaha xabbad-joojinta, waxaa laga wada hadli doonaa waxa dhici doona “maalinta xigta,” taasoo la micno ah shuruudaha lagu soo afjarayo dagaalka.

Israa’iil waxay dalbaneysaa in, marka lagu daro sii deynta dhammaan maxaabiista iyo soo celinta meydadka la dilay ay tahay in la fuliyo:

Aag ammaan ah oo gudaha Qaza ah.
In hubka laga dhigo Gaza.
In hoggaamiyeyaasha Hamas laga saaro Qaza.
Hamas waxay si cad u diiday soo jeedintan, iyada oo ku dhawaaqday in ay diyaar u tahay in ay sii deyso oo kaliya 5 maxbuus oo nool.

Israa’iil wali ma aysan go’aamin waqti kama dambeys ah oo ay Hamas kaga jawaabayso hindisahan, balse waxay ku hanjabtay in haddii Hamas aysan oggolaan soo jeedinta, ay ballaarin doonto howlgallada dhulka ee Qaza, cadaadisna sii kordhin doonto, taasoo ay ku jirto la wareegidda goobo dheeraad ah iyo sare u qaadista weerarrada

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn {31-03-2025}

isniin 31, March 2025 {HMC} –Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo :: Yaasiin Cali Axmed & Shugri Baryare

Farsamadii ::Mohammed Hassan Owsei

{DAAWO MUQAALKA} Dhacdooyinkii ugu Dambeeyay ee Caalamka 31-03 2025.

0

Isniin 31, March 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Dhacdooyinkii Ugu Dambeeyay Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Waa kuma Janaraal Xamdan, ninka hoggaminaya xoogagga Dacmu Sariic?

0

Isniin 31, March 2025 {HMC} Waa kuma Janaraal Xamdan, ninka hoggaminaya xoogagga Dacmu Sariic?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA