Home Blog Page 1086

Ciidamada Xoogga iyo kuwa Jubbaland oo weerar qorshaysan ka fuliyay Gobolka Jubbada Hoose.

Isniin 31, March-2025 {HMC} Ciidanka Daraawiishta Dowladda Jubaland iyo kuwa XDS gaar ahaan Kumaandooska Danab ayaa Weerar qorsheysan ku qaaday saldhigyo Al-shabaab ay ku leeyihiin Waqooyiga gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka ayaa waxaa lagu burburiyay xarumo ay Maleeshiyaadka Al-shabaab ay ku ku lahaayeen Gobolka Jubada Hoose, iyadoona halkaasi loogu dilay saraakiil iyo dagaalameyaal badan oo ka tirsan Kooxda.

Saraakiisha ciidanka Daraawishata iyo kuwa kumaandooska XDS ayaa sheegay inay burburiyeen meelihii gabaadka u ahaa khawaarijta oo ay kamid yihiin goob ay shacabka kaga qaadayeen baadda ay ku sheegeen sakaatul-fidri.

Sidoo kale saraakiisha ay sheegay in la sii wadi doono howlgalka si meesha looga saaro Maleeshiyaadka Al-shabaab.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {31.03.2025}

Isniin 31, March-2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Ahmed

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Farmaajo oo war kasoo saaray baaqii madaxweyne Xasan Sheekh.

Isniin 31, March-2025 {HMC} Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo qoraal ka soo saaray gogoshii uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku tilmaamay “tallaabo loo baahan yahay oo qeyb ka noqon karta xal u helidda duruufaha siyaasadeed iyo khataraha amni ee dalka.”

Farmaajo ayaa qoraalkiisa ku bilaabay “Baaqa ku saabsan qabsoomidda shir wadatashi qaran ah ee uu soo jeediyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waa tallaabo loo baahan yahay oo qeyb ka noqon karta xal u helidda duruufaha siyaasadeed iyo khataraha amni ee ku gadaaman dalkeenna.”

Farmaajo ayaa sheegay in marar badan uu soo jeedinnay, in arrimaha masiiriga ah ee taabanaya aayaha dalka iyo nidaamka dowladnimada yihiin “masuuliyad wadareed u baahan wadatashi iyo wada-ogolaansho.”

“Sidaas awgeed waxaan adkaynaynaa in shirkan ay isugu yimaadaan dhammaan dhinacyada ay khusayso heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed,” ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale, Madaxweynihii hore Farmaajo ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku dhiirrigelinayo in uu ficil u beddelo baaqa, kana dhabeeyo gogosha uu fidiyey.

“Madaxweynuhu waa inuu abuuraa jawi siyaasadeed oo ku dhisan kalsooni, wadashaqeyn iyo ilaalinta dastuurka lagu doortay,” ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale, madaxweynihii hore wuxuu ku taliyey in meesha laga saaro tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimaysa midnimada dalka iyo hannaanka dowladnimo ee heshiiska lagu yahay.

“Annagoo adkaynayna waajibka qaran ee inaga saaran Ciidamada Qalabka Sida ee naftooda u huraya difaaca dalka iyo ilaalinta sharafta shacabkeenna Soomaaliyeed, waxaan soo jeedinaynaa in shirkan uu fursad u noqdo garab istaagga iyo sidii taageero buuxda loo siin lahaa Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed,” ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweynihii hore ayaa ku taliyey in la qiimeeyo duruufaha ay wajaheen ciidamada qaranka Soomaaliyeed, intii ay ku jireen howlgallada, “taas oo aas-aas u ah in ay awood buuxda u yeeshaan xoreynta deegaannada ku harsan gacanta argagixisada.”

Iran oo laga cabsi qabo in ay weerarto saldhig ciidamada Maraykanka leeyihiin.

Isniin 31, March-2025 {HMC} Wargeyska Telegraph, ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa ku warramay inay Iran qosheynayso inay weerarto saldhigga ciidanka Mareykanka iyo Ingiriiska ay si wadajir ah u adeegsadaan ee ku yaalla jasiiradda badweynta Hindiya ee Diego Garcia,haddii Mareykanka uu weerar ku qaado Iran.

Saldhigan ayaa la sheegay in markii u horreysay Mareykanku geeyay diyaaradaha wax burburiyay ee B-2 oo ah kuwa kaliya ee la aaminsanyahay inay burburin karaan saldhigyada nukliyeerka Iran ee dhulka hoostiisa ku yaalla.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran ayaa u sheegay Telegraph, inaysan Iran kala sooci doonin hantida milatari ee Mareykanka iyo Ingiriiska ee saldhigga jasiiradda Diego Garcia oo ah dhul ka baxsan boqortooyadda midowday ee Ingiriiska oo hadana ay maamusho London.

Hanjabaadda Iiraan ayaa jawaab u ah hadal ka soo yeeray madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump oo wacad ku maray in uu tallaabo militari ka qaadi doono Tehran haddii aysan heshiis la gaarin Washington oo ku saabsan hakinta barnaamijkeeda Nukliyeerka.

{DAAWO MUQAALKA} Dhacdooyinkii Ugu Dambeeyay Caalamka 30-03 2025.

0

Axad 30, March 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Dhacdooyinkii Ugu Dambeeyay Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Milatariga Suudaan hanjabaad u diray kooxda uu taagero Imaaraadka

0

Axad 30, March 2025 {HMC} Milatariga Suudaan hanjabaad u diray kooxda uu taagero Imaaraadka

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {30.03.2025}

Axad 30, March 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo :Abdiqani Osoble

Farsamadii :: Maxamed Xasan Cooseey

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 30-3-2025.

0

Axad 30, March 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Wararkii ugu rbacoDambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

{DAAWO MUQAALKA} Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 10 AS ah

Axad 30, March 2025 {HMC} Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 10 AS ah

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 10 AS ah

Axad 30, March 2025 {HMC} Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 10 AS ah

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA