Home Blog Page 1087

Sheekh Shariif, kheyre Iyo C.C. Shakuur Oo Soo Dhaweeyay Gogosha MW Xasan Sheekh

Axad 30, March-2025 {HMC} Siyaasiyiinta mucaaradka ee kala ah; Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Khayre, iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si wadajir ah u soo dhaweeyey gogosha wadatashi ee uu xalay ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ku tilmaamay “tillaab dhanka wanaagsan loo qaaday.”

Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen, ayey marka hore ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyeen munaasabadda Ciidul Fidriga, iyagoo Alle SWT ka baryey inuu “naga aqbalo cibaadadii Soonqaadka, quluubteennana isu-soodumo, midnimada iyo wadajirkeennana xoojiyo.”

Siyaasiyiintan ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan gogosha wadatashiga, iyagoo xusay in “halista Argagaxisada iyo duufaanta is-beddelka siyaasadeed ee dunida ka socota waxay nagu waajibinayaan isku tanaasul, xisaabtan caqli ku dhisan iyo waaqicinnimo, si loo badbaadiyo jiritaanka qarannimadeena.”

Hase yeeshee, waxay intaa ku dareen in “si ay gogoshu u noqoto mid wax ku ool ah, natiijo mira dhal ahna u yeelato, looguna midoobo difaaca dalka iyo dagaalka argagixisada lagula jiro, waxaan dhowraynaa in faahfaahin dheeri ah laga helo, ajandaha, waqtiga iyo ka soo qaybgalayaasha aan looga maarmin ka mira dhalinta gogosha.”

Hadalkan ka soo baxay siyaasiyiintan ayaa yimid kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu khudbad uu xalay ka jeediyey uu ku shaaciyey inuu gogol u fidinayo siyaasiyiinta iyo hoggaamiyaasha bulshada, si talooyinkooda ay ugu biiriyaan dagaalka Khawaarijta iyo dhismaha dowladnimo casri ah oo ku dhisan dimoqraadiyad iyo nidaam federaal ah, kuna shaqeysa dastuurka iyo sharciyada noo degsan.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ku bogaadiyey garashada wanaagsan ee hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee ku aaddan inaan “Khawaarijta aannan isku heysan, balse aan isku heysanno hanaanka loo dhisi karo dowlad dimoqraadi ah oo dalkeenna ka hirgasha.”

Waxa uu sidoo kale yiri, “Waxaan gogol u fidinayaa siyaasiyiinta, si aragtiyahooda ay ugu biiriyaan dagaalka Khawaarijta,” isagoo u mahadceliyey ciidamada qaranka Soomaaliyeed ee ku jira dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si weyn ugu mahadceliyey beesha caalamka, isagoo qiray in “muddo dheer oo adag aad Soomaaliya lasoo garab istaagteen. Waxaad baga taageerteen dib-u-dhiska dowlad casri ah oo dimoqraadi ah. Waad ku mahadsan tihiin, waxaa dalkeenna soo gaarsiiseen meel aysan suurtagal ahayn maanta inuu dib ugu noqdo,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Soo dhaweynta gogoshan wadatashiga ah ee ka timid siyaasiyiintan caanka ah ayaa ku soo beegantay xilli dalku uu wajahayo caqabado dhanka amniga ah iyo isbeddello siyaasadeed oo xasaasi ah. Waxaa la filayaa in faahfaahinta gogoshan ay soo baxdo maalmaha soo socda

{DAAWO MUQAALKA} Macaawisleyda Jalalaqsi oo diyaariyay qorshe AS ku dilayaan

Axad 30, March 2025 {HMC} Macaawisleyda Jalalaqsi oo diyaariyay qorshe AS ku dilayaan

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Mucaaradka DFS Maxeey ka dhaheen Gogasha Madaxweyne Xasan Shiikh?

Axad 30, March 2025 {HMC} Mucaaradka DFS Maxeey ka dhaheen Gogasha Madaxweyne Xasan Shiikh?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Sidee maanta looga ciiday magaalada Baledweyne?

Axad 30, March 2025 {HMC} Sidee maanta looga ciiday magaalada Baledweyne?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

MW Xasan sheekh Oo Kulan La Qaatay Agoonta Saraakiisha Ku Dhimatay Howlgallada Ka Dhanka Ah AS

Axad 30, March-2025 {HMC} Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan la qaatay agoonta ay dhaleen saraakiisha iyo ciidamada Dowladda ee ku dhintay dagaallada ka dhanka ah ‘AS.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in tani ay muujineyso daryeelka Dowladda iyo ka warqabkooda carruurtaas oo aabayaashood naftooda huray Dalka, Dadka iyo Diinta sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu ballanqaaday in ay heli doonnaan xuquuqda ay ku leeyihiin Dowladda mar haddii ay noqdeen agoon u baahan garabka Dowladda Federaalka sida uu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ciidsiisay carruurta agoonta ah ee dhaleen Saraakiisha iyo Ciidamada qalabka sida Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay u helaan garab istaagga ay u baahan yihiin sida hadalka loo dhigay.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {30-03-2025}

Axad 30, March 2025 {HMC} –Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo :: Mustaf Cali & Shugri Baryare

Farsamadii ::Mohammed Hassan Owsei

{DAAWO MUQAALKA} FAAH FAAHIN Dagaal culus oo ka socda Masaajid Cali Gaduud

Axad 30, March 2025 {HMC} FAAH FAAHIN Dagaal culus oo ka socda Masaajid Cali Gaduud

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Madaxweeynaha Jubbaland oo soo Dhoweyay Wadahadalka uu Ku baaqay Madaxweyne Xasan Sheikh

Axad 30, March-2025 {HMC}  Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa si diiran u soo dhoweeyay baaqii ka soo baxay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ee ku saabsanaa in uu gogol nabadeed u fidiyay siyaasiyiinta iyo dadka ka aragtida duwan.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in wada-hadalku yahay fursad muhiim ah oo looga wada hadli karo xal u helidda caqabadaha ka taagan dalka, si looga gudbo khilaafka ka jira Soomaalida dhexdeeda.

Sidoo kale, Axmed Madoobe wuxuu xoojiyay muhiimadda ay leedahay la dagaallanka kooxda Al-Shabaab, isaga oo tilmaamay in kooxda Shabaab ay tahay caqabadda ugu weyn ee hortaagan horumarka Soomaaliya.

Wuxuu ugu baaqay dhinacyada siyaasadda in aysan waqtiga iskaga lumin khilaafaadka dhexdooda ah, balse ay xoogga saaraan sidii looga adkaan lahaa Shabaab.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay ee si rasmi ah uga falceliya baaqa madaxweynaha Soomaaliya, kaas oo xalay uu u jeediyay siyaasiyiinta dalka.

Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta ee maamulka Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, oo la weydiiyay sida Puntland u aragto gogosha uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo arrintan.

Madaxweyne Deni ayaa horey u sheegay in Puntland ay soo dhoweynayso in la isugu yimaado gogol looga wada hadlo masiirka siyaasaadeed ee dalka.

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 30/3/2025

Axad 30, March 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Hoos ka daawo Wararka ugu waa weyn

{DAAWO MUQAALKA} Ra’iisul Wasaare Hamza maxuu kala kulmay Farumaha dagaalka?

Axad 30, March 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaare Hamza maxuu kala kulmay Farumaha dagaalka?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA