Home Blog Page 109

Somalia’s FM Attends 48th ordinary Session of AU Executive Council Session

0

Web 11 Feb 2026 {HMC} The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, H.E. Abdisalam Ali, participated in the opening of the 48th Ordinary Session of the African Union (AU) Executive Council at the AU Headquarters in Addis Ababa.

The session brings together Foreign Ministers of AU Member States ahead of the 39th Ordinary Session of the AU Assembly of Heads of State and Government, scheduled for 14-15 February 2026.

Ministers are reviewing, among other agenda items, the report of the 51st meeting of~ the Committee~ Permanent Representatives (PRC ), preparations for elections and appointments within AU organs, the AU’s engagement with the G20, and progress under the SACA process.

WAR DEG-DEG: Soomaaliya Oo Ku Guuleysatay doorashada guddiga ugu muhiimsan midowga Afrika.

0

Arbaco 11 Feb 2026 {HMC} Dalka Soomaaliya ayaa Ku Guuleysatay Doorasho Taariikhi Ah Oo Lagu Doortay xubin ka noqoshada Guddiga Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ee 2026–2028.

Waxaa arrintan lagu shaaciyay bayaan ay mar dhaw ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda federaalka ee soomaaliya.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa loo doortay inay ka mid noqoto Guddiga Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) muddada 2026–2028, taasoo ah guul muhiim ah oo ka tarjumeysa safarka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo caddeyn muujinaysa in dalka uu dib u helay meel uu xaq ugu leeyahay diblomaasiyadda qaaradeed iyo tan caalamiga ah.

Doorashadan Soomaaliya waxay ka tarjumaysaa kalsoonida iyo aaminaadda ay dalalka xubnaha ka ah AU siiyeen”. ayaa lagu yiri bayan wasaaradda.

Dowladda Soomalaiya ayaa ku tilmaamtay arintan mid muujinaysa ib u soo kabashada Soomaaliya.

“Tani waa guul weyn oo muujineysa dib u soo kabashada Soomaaliya ee diblomaasiyadda qaaradeed iyo caalamiga ah, iyadoo dalka helay kalsoonida iyo taageerada xubnaha kale ee Midowga Afrika”

Wasaradda arrimaha dibadda ee soomaaliya ayaa sheegtay in Soomaaliya ay kaalin ka qaadan doonto horumarinta nabadda, ammaanka, xasilloonida qaaradda.

“Sida xubin ka mid ah PSC, Soomaaliya waxay mar kale ku adkaynaysaa go’aankeeda aan la lafaguri karin ee ku aaddan horumarinta nabadda, ammaanka, xasilloonida, iyo wada-xaajoodyada dhisaysa ee gobolka iyo guud ahaan qaaradda”.

Taliyaha hay’adda Sirdoonka Itoobiya oo Soo dhaweeyay Madax ka socoto Sacuudiga.

0

Arbaco 11 Feb 2026 {HMC} Taliyaha hay’adda sirdoonka Itoobiya, Redwan Hussien ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Addis Ababa ; wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga, Faisal bin Farhan Al Saud oo maanta booqasho rasmi ah ku tagay Addis Ababa, oo wada-hadallo gaar ah uu kula qaadanayo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Dood culus oo ka taagan halka lagu qabanayo shirka DF iyo Golaha Mustaqbalka

0

Muqdisho ka bilaabay kulamo siyaasadeed oo ay la yeesheen xubno ka tirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kuwaasi oo haatan ku sugan caasimadda.

Kulamadan ayaa imanaya xilli la filayo in Khamiista uu furmo shirka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka, haddii uusan wax isbeddel ah ku iman qorshaha shirka

Wadatashiyo xoogan ayaa haatan socda, gaar ahaan kuwa la xiriira goobta rasmiga ah ee shirka lagu qaban doono.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku adkaysanaysa in shirka lagu qabto xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, halka dhinacyada Mucaaradka ay ku doodayaan in shirka lagu qabto xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Dooddan ayaa ah qodobka ugu weyn ee haatan la isku mari la’yahay, iyadoo go’aanka kama dambaysta ah la filayo in lagu dhawaaqo saacadaha soo socda.

Dhanka kale, maanta ayaa la sugayaa inuu magaalada Muqdisho soo gaaro Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, kaasi oo door muuqda ku leh wada-hadallada iyo dadaallada lagu xallinayo khilaafka siyaasadeed ee taagan.

Sidoo kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa qorsheynaya inuu kulan la yeesho xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kulankaasi oo lagu wado in looga hadlo arrimo la xiriira geeddi-socodka dowladnimada, khilaafaadka siyaasadeed iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta siyaasadeed.

Kulankan xildhibaanada ayaa lagu wadaa inuu ka dhaco mid ka mid ah hoteellada ku yaalla gudaha Garoonka Aadan Cadde, iyadoo ujeedkiisu yahay in la abuuro is-afgarad siyaasadeed oo horseeda go’aanno mideysan oo ku saabsan mustaqbalka dalka.

Waxaa la sugayaa tallaabooyinka ay qaadi doonaan labada dhinac, iyadoo indhaha lagu hayo natiijada kulamadan iyo go’aamada ka soo baxa shirka la filayo.

DFS oo sheegtay in waxbarashada la gaarsiiyay deegaanada laga saaray Al-Shabaab.

0

Arbaco 11 Feb 2026 {HMC}Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Soomaaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa si rasmi ah u furay maalinta 4-aad ee Shirweynaha 3-aad ee Waxbarashada Qaranka,ayaa ka hadlay daadejinta iyo kordhinta goobaha waxbarashada

Wasiirka ayaa xusay in ay gaarsiiyeen adeegyada waxbarashada goobihii laga xorreeyey Khawaarijta Wasiirka ayaa yiri”Wasaaraddu waxay baahisay adeegyada waxbarashada iyadoo gaarsiisay deegaannadii laga xorreeyay Khawaarijta, si carruurta iyo dhallinyarada deegaankaas ay u helaan fursado waxbarasho oo ku habboon

Dhinaca kale wasiir Faarax ayaa ku dhawaaqay in la dhisay xarumihii wasaaradddaha waxbarashadda Jubaland iyo Hirshabeelle dhowaan na la dhisi doono xarunta wasaaradda waxbarashada Waqooyi bari

Turkiga oo maraakiib dagaal keenay Muqdisho.

0

Arbaco 11 Feb 2026 {HMC} Wasiir dowlaha wasaarada Gaashandhigga XFS Cumar Cabdi Cali uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Ibraahim Mohamed Mohamuud ayaa Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Maraakiib Dagaal oo ay leeyihiin Ciidanka Badda ee Turkiga

Imaanshaha maraakiibta dagaal ayaa kusoo aadeyso xili dowlada Fedaraalka Soomaaliyeed ay muhiimad gaar ah siinayso dhismaha iyo Tayaynta Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha XDS

 

Soo dhaweyntaana waxaa qayb ka ahaa Wasiiru dowlaha Dekeda iyo Gaadiidka Badda X.F.S, Kaaliyaha Guud Ciidanka XDS, Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Ciidanka XDS, Safiirka Dowlada Turkiga u fadhiyo Soomaaliya iyo Saraakiil kale

{DAAWO MUUQAALKA} Masar oo soo Bandhigtay Ciidamada ay usoo Direeyso Soomaaliya.

0

Arbaco 11 Feb 2026 {HMC} Masar oo soo Bandhigtay Ciidamada ay usoo Direeyso Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO MUUQAALKA} Markabkii shidaalka qodi laha oo soo gaaray somaliya

0

Arbaco 11 Feb 2026 {HMC}  Markabkii shidaalka qodi laha oo soo gaaray somaliya

 

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka Ugu Waa Weeyn Soomaaliya Caalamka 11-02-2026

0

Arbaco 11 Feb 2026 {HMC} Wararka Ugu Waa Weeyn Soomaaliya Caalamka 11-02-2026

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

Madaxda Mucaaradka iyo kuwa Dowladda oo Kulamo gaar gaar ah ka wado Muqdisho.

0

Arbaco 11 Feb 2026 {HMC} Madaxda Mucaaradka iyo kuwa Dowladda oo Kulamo gaar gaar ah ka wado Muqdisho.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY