Home Blog Page 108

Kheyre iyo Rooble oo ayaa si adag u dhaliilay Madaxweynaha DFS.

0

Khamiis 12 Feb 2026 {HMC}   Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa si adag u dhaliilay hannaanka ay Xukuumadda Federaalka ku wado arrimaha dastuurka iyo jihada siyaasadeed ee dalka, isagoo sheegay in muddada kooban ee ka harsan muddo-xileedka dowladda aysan suurtagal ka dhigi karin xalinta arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Kheyre ayaa sheegay in saddexda bilood iyo saddexda maalmood ee ka haray muddada xil-heynta xukuumadda aan lagu dhammeystiri karin Dastuur Soomaaliyeed, aan lagu xallin karin midnimada ummadda, aan looga adkaan karin argagixisada, isla markaana aan gargaar waara lagu gaarsiin karin malaayiinta ay abaaruhu saameeyeen.

“Muddo intaas le’eg laguma dhisi karo Dastuur, laguma mideyn karo ummad kala aragti duwan, lagumana difaaci karo dowladnimada Soomaaliyeed haddii aan heshiis laga ahayn hannaanka dowladnimo iyo maareynta xilliga kala guurka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Wuxuu xusay in waqtiga kooban ee harsan kaliya looga faa’iideysan karo in la isla meel dhigo hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay, si dalka looga badbaadiyo qalalaase siyaasadeed iyo hubanti la’aan hor leh.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble ayaa isna si cad u muujiyay walaac la xiriira xaaladda siyaasadeed ee dalka, isagoo sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya laga doonayo inuu xaaladda dejiyo, dhexda soo dhigo, kana shaqeeyo isu-soo-dhowaansho ku dhisan walaaltinimo iyo ehelnimo Soomaaliyeed.

Rooble ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu ka tanaasulo arrimaha uu marmarsiiyo uga dhiganayo khilaafaadka jira, isla markaana uu si degdeg ah u joojiyo wax-ka-beddelka Dastuurka oo aan lagu heshiin.

Hadallada labada Ra’iisul Wasaare hore ayaa imanaya xilli uu dalka wajahayo muran siyaasadeed oo xooggan, gaar ahaan arrimaha la xiriira Dastuurka, doorashooyinka iyo jihada hoggaanka dalka, kuwaas oo sababay kala shaki siyaasadeed iyo walaac ballaaran oo ka dhex jira siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

Maxay tahay sababta uu ufurmi layahay shirka Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka ?

0

Khamiis 12 Feb 2026 {HMC}  Magaalada Muqdisho waxaa ka socda kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanayaan dhinacyada Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqabalka ee ay ku mideysan yihiin xubnaha Mucaaradka, Maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Arrinka ugu muhiimsan ee diiradda lagu saarayo kulamada gaar gaar ah ayaa ah goobta lagu qabanayo shirka Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, kaasi oo uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Shiikh.

Dowladda Federaalka ayaa soo jeedisay in shirka ka qabsoomo Madaxtooyadda dalka, si loo muujiyo in laga wada hadlayo go’aanno masiiri ah oo taabanaya maslaxadda Qaranka.

Balse, arrintaasi ayaa waxaa ka gows adeegaya Madaxda Golaha Mustaqbalka gaar ahaan Maamulada Jubbaland iyo Puntland oo ku baaqaya in shirka ka dhaco Hoteel ku yaalla Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Goor sii horreysay Wasiirka Difaaca Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Fiqi ayaa sheegay in ay maamulada Jubbaland iyo Puntland ku baaqeen in shirka ka dhaco Hoteelka ay ka deggan yihiin Muqdisho, tillaabadaasi oo uu muujiyay in ay ka mudan tahay Madaxtooyadda Qaranka.

Dhankooda, Mas’uuliyiin u hadlay Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa si cad u qeexin doonistooda la xiriirta in shirka lagu qabto goob ka baxsan Madaxtooyadda.

Shirka ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro qoddobo muhiim ah oo ay kamid yihiin arrimaha Amniga, Abaaraha iyo siyaasadda gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo dib u eegista Dastuurka.

Ilo xog ogaal ah ayaa dhankooda sheegaya in dib u dhac ku imaan doono shirka, maadaama Madaxweyne Xasan Shiikh la filayo inuu u safro magaalada Adis Ababa oo uga qeyb galayo shirka Midowga Afirka.

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dani oo Weerar Afka Ah ku qaaday Xildhibaanada Hawiye.

0

Arbaco 11 Feb 2026 {HMC} Madaxweyne Dani oo Weerar Afka Ah ku qaaday Xildhibaanada Hawiye.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO MUUQAALKA} FALANQEYN: Turki iyo Masar oo Muqdisho keenay Maraakiib iyo Diyaarado Dagaal.

0

Arbaco 11 Feb 2026 {HMC} FALANQEYN: Turki iyo Masar oo Muqdisho keenay Maraakiib iyo Diyaarado Dagaal.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka 11-02-2026.

0

Arbaco 11 Feb 2026 {HMC} Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka 11-02-2026.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

Wasiir Fiqi oo Si adag uga Jawaabay Hadalkii Caawa ka soo Yeeray Axmed Madoobe iyo Saciid Dani.

0

Arbaco 11 Feb 2026 {HMC} Waxaan u jeclahay siyaasi shaqadisii ku soo fashilmay marka uu makarafoonka qabsado oo calaacalo, dhulka isku dhifto, mararka qaar is-qiireeyo, ilmeeyo, ka dibna ku soo gabagabeeyo dalka ha la badbaadiyo.

Ninka sidaas dhahaya waa kan marka Soomaaliya iyo shisheeyo isqabto la safan shisheeyaha, weliba u soo raaca oo dibindaabyo iyo kala dhantaalid midnimada umadda iyo dalka shaqo ka dhigta.

Ninka sidaas dhahaya waa kan gobolkiisa qaranka ka jecel, ciidamada qaranka maleeshiyaad ka jecel inuu dalkiisa iyo madaxda dalka wax ka sheegana shaqadiisoo dhan tahay.

Ninka sidaas dhahaya waa midka safka dalka kala jabinaya, ku hadaaqa Xiriirka ayaan u jaray dawladda Federaalka iyo gobolkayga lama soo geli karo haddana Raba inuu dalkaas xukumo.

Waa ninka oranaya Villa Soomaaliya ma rabo oo hotel hoolkiis ayaan ka jeclahay in aan kulamo ku qaadanno.

Dalkan dad difaacanaya, dhiigga u huraya, shisheeye aan u loogayn ayuu haystaa, ma dhici doonto inuu u gacangalo khaa’inul wadan calooshii la cayaar ah!.!

Somalia elected to Africa Union security council for first time.

0

Wed 11 Feb 2026 {HMC} Somalia has been elected to the African Union’s Peace and Security Council (PSC) for the first time since the body was established in 2004, marking what officials described as a milestone in the country’s diplomatic re-engagement on the continent.

The country will serve on the 15-member council for the 2026–2028 term following a vote on Wednesday in Addis Ababa ahead of the 39th African Union (AU) Summit.

The peace and security council’s mission is to prevent, manage and resolve conflicts in African nations.

Somalia announced its candidacy for a seat in the council in January 2025, launching a diplomatic campaign to secure support from member states. Its election comes after years of efforts by the Horn of Africa nation to rebuild state institutions and reassert its role in regional and continental affairs.

Foreign Affairs Minister Abdisalam Dhaay represented Somalia at a meeting of foreign ministers held to review institutional reforms, partnerships and strategic priorities ahead of the summit.

Somalia is a founding member of the African Union’s predecessor, the Organization of African Unity (OAU), and hosted the 11th OAU Summit in Mogadishu in June 1974.

Officials said the PSC seat reflects the country’s renewed engagement with continental diplomacy after decades of conflict and political instability.

The AU has maintained a peace support mission in Somalia for more than 17 years, assisting the federal government in its fight against terrorism and in efforts to stabilise the country.

SOURCE:TRT Afrika English

{DAAWO SAWIRADA} Markab Dagaalka oo Turkiga ayaa ku soo xirtay Dakadda Muqdisho iyo Masuuliyiin Booqatay.

0

Arbaco 11 Feb 2026 {HMC} Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta booqday markabka TCG SANCAKTAR, oo ka mid ah maraakiibta dagaalka ee Ciidamada Badda Turkiga ee soo gaaray magaalada Muqdisho.

Booqashadan iyo soo-dhaweynta maraakiibta dagaalka Turkiga ayaa ku soo beegmaysa xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso dhismaha, tayeynta, iyo qalabaynta Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha (CXD), si loo xoojiyo amniga badda loogana hortago khataraha amni ee ka imaan kara marinnada badda.

Wasiiru-Dowlaha iyo Taliyaha CXD waxaa ku wehliyay booqashada Wasiiru-Dowlaha Dakadaha iyo Gaadiidka Badda, Kaaliyaha Taliyaha CXD, Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha, Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, iyo saraakiil kale oo ka tirsan CXD iyo kuwa Turkiga.

Booqashadani waxay muujinaysaa iskaashiga milatari ee Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga badda iyo horumarinta awooda Ciidanka Badda Soomaaliyeed.

Maxeey ka wada Hadleen RW Xamsa iyo Safiirka Dowladda Ciraaq u qaabilsan Soomaaliya.?

0

Arbaco 11 Feb 2026 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ciraaq u qaabilsan Soomaaliya Mudane Dr. Qahtan Taha Khalaf Al-Janabi, wax ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga, dib-u-dhiska, iyo gargaarka bani’aadannimada iyada oo la adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la ballaariyo fursadaha wada shaqeyneed si ay uga faa’iideystaan labada shacab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyey doorka Dowladda Ciraaq ee ku aaddan taageerada midnimada iyo madaxa-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, isaga oo xusay in Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso xoojinta xiriirrada diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dalalka Carabta.

Dhankiisa, Danjire Dr. Qahtan, ayaa caddeeyey sida ay dowladdiisu uga go’an tahay garab istaagga Soomaaliya, isla markaana ay sii kordhin doonto taageerada dhinacyada horumarinta iyo maalgashiga.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo War ka soo saaray Guusha ay Soomaaliya ka gaartay Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika,

0

Web 11 Feb 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan hay’adaha Qaranka, taas oo ku aaddan guusha taariikhiga ah ee dalkeennu uu ku hanatay kursiga Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika, muddada 2026–2028.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in guushan ay astaan u tahay horumarka diblomaasiyadda Soomaaliya iyo dib u soo kabashada doorka hoggaamineed ee dalkeennu uu ku leeyahay heer qaaradeed iyo heer caalam iyo shaqada wanaagsan ee ay qabatay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dalkeena.

“Kalsoonida iyo taageerada ay Soomaaliya ka heshay dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika waxay caddeyn u tahay isbeddelka togan ee dalka ka socda iyo xiriirka iskaashi ee sii xoogeysanaya.

Horey waxaan xubin uga noqonay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey, maanta waxaynu fadhinnaa Golaha Amniga iyo Nabadda Afrika”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay dhammaan dalalkii taageeray una codeeyay Soomaaliya, isagoo xusay in guushan ay ka tarjumeyso wadajir, saaxiibtinimo iyo aragti mideysan oo ku aaddan Afrika nabad ah, xasilloon, isla markaana horumar leh.

DHAMMAAD