Qamiis12 Feb 2026 {HMC} FAAH FAAHIN-Qoys Suuriyaan ah oo ka waramay Sida Loogu Jir dilay Hargeeysa.
HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY
Qamiis12 Feb 2026 {HMC} FAAH FAAHIN-Qoys Suuriyaan ah oo ka waramay Sida Loogu Jir dilay Hargeeysa.
HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY
Khamiis 12 Feb 2026 {HMC}Wakiilka Dimuqraadiga ee Congress-ka Mareykanka, xildhibaan Ilhan Omar, ayaa ku eedeysay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump inuu yahay hoggaamiye kufsada carruurta.
Xildhibaanadda asal ahaan ka soo jeedda Soomaaliya ayaa sheegtay Trump inuu yahay qof kufsada carruurta, iyadoo soo jeedisay in la dilo.
“Hoggaamiyaha Kufsada Carruurta wuxuu isku dayayaa inuu indhaha ka jeediyo in magaciisu ku badan yahay faylasha Epstein,” ayay Ilhan Omar qortay.
“Madaxweyne Donald Trump iyo xisbigiisa ayaa laga yaabaa inay neceb yihiin Soomaaliya, balse ugu yaraan Soomaaliya waxay dil ku fulisaa dadka kufsada carruurta (pedophiles) halkii ay dooran lahayd,” ayy tiri Xildhibaan Ilhan Omar.
Xildhibaanadda Dimuqraadiga ah ee ka socota gobolka Minnesota ayaa baraha bulshada ku qortay hadalkan, iyadoo u muuqata inay muujinayso caro ay ka qabto Madaxweynaha Mareykanka, kaddib markii Trump uu si xun uga hadlay dalka ay ku dhalatay wareysi uu siiyay Fox habeenkii Talaadada.
Madaxweyne Trump ayaa ku sheegay in muhaajiriinta Soomaaliyeed ay waxyeello u geysanayaan gobolka.
Khamiis 12 Feb 2026 {HMC} Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Somaliland ayaa xabsi dhexe ee magaalada Burco u taxaabay toddoba masuul oo ka tirsan Dawladda Hoose ee Degmada Burco, kuwaas oo lagu eedeeyey lunsi hantiyeed.
Masuuliyiinta la xidhay oo uu magacyadooda baahiyay Xafiiska Hanti Dhawrka Guud ayaa kala ah:
1. Amiin Cabdillaahi Yaasiin – Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose Degmada Burco
2. Diiriye Sugaal Rooble – Madaxdii Jaangoynta Dhulka. 3. Cabdillaahi Muuse Maxamed – Xisaabiyihii Dawladda Hoose Burco. 4. Maxamed Xaaji Muuse Shire – Joomitir. 5. Faarax Muuse Siciid – Joomitir
6. Cabdicasiis Jaamac Ismaaciil – Madaxa Iibka Dawladda Hoose Burco. 7. Maxamed Cali Xirsi – Joomitir.
Wararka ayaa sheegaya in dhammaan masuuliyiintan uu Xafiiska Hantidhawrka Guud ku eedeeyey ku lug lahaansho falal la xidhiidha musuqmaasuq iyo lunsi hantiyeed kadib baadhitaanno uu xafiisku sameeyey.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay masuuliyiinta la xidhay ama qareennadooda oo ku saabsan eedaha loo jeediyey. Sidoo kale, Xafiiska Hantidhawrka Guud si faahfaahsan ugama hadlin xaddiga lacageed ama hantida lagu tuhunsan yahay inay lunsadeen.
Kiiskan ayaa imanaya xilli xafiisku uu kordhiyeen dadaallada lagula dagaallamayo musuqmaasuqa iyo ku takri-falka hantida dadweynaha, iyadoo marar kala duwan la shaaciyey tallaabooyin sharci oo laga qaaday masuuliyiin lagu eedeeyey falal la mid ah.
Dacwadda masuuliyiintan ayaa la filayaa in la horkeeno maxkamadda awoodda u leh, si sharcigu go’aan uga gaadho eedaha loo haysto.
Qamiis12 Feb 2026 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya oo kuwahan Itoobiya iyo ujeedkiisa oo la Ogaaday,
HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY
Qamiis12 Feb 2026 {HMC} Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Shir Gaar ah uga furtay Muqdisho.
HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY
Qamiis12 Feb 2026 {HMC}Wararkii ugu Dambeeyay Shirka DFS iyo Golaha Mustaqabalka.
HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY
Khamiis 12 Feb 2026 {HMC} Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee Koonfur Kuuriya ayaa shaacisay inay rumeysan tahay in hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya, Kim Jong Un, uu gabadhiisa yar ee Kim Ju Ae u diyaarinayo sidii ay u noqon lahayd qofka beddeli doona ee dhaxli doona xukunka dalkaas.
Xogtaan cusub ayaa muujineysa in gabadhaan loo diyaariyay qabashada Hoggaanka, haddii uu meesha ka baxo aabaheed oo gacan bir ah ku haya dalkaasi.
Warbixintan ayaa laga dhex akhriyey kulan albaabadu u xidhan yihiin oo ay Sirdoonka Kuuriyada Koofureed yeesheen, sida ay werisay wakaaladda wararka ee Yonhap.
“Kim Ju Ae waxaan ku dhex arragnay munaasabadda maalinta ciidanka qaranka Kuuriayda Waqooyi, waa calaamad muujineysa in loo diyaarinayo noqoshada hoggaamiyaha dalkaasi” ayaa lagu yiri Bayaanka Sirdoonka Kuuriyada Koofureed.
Sidoo kale, gabadhaan da’da ayar ayaa waxaa la geeyay xarruumo muhiim ah oo ku yaalla dalkaasi si loo tuso shaqada qoyskooda ka soo qabtay dalkaasi.
Warbixinta ay baahiyeen sirdoonka Kuuriayda Koofureed kama hadlin cida ay quseyso ee Kuuriyada Waqooyi.
Khamiis 12 Feb 2026 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu u safro magaalada Adis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaas oo uu kaga qeyb-gali doono Meertada 39-aad ee Shir-madaxeedka Madaxda iyo Dawladaha Midowga Afrika.
Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu shirka ka jeediyo khudbad uu kaga hadlayo xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan guulaha laga gaaray amniga iyo la-dagaallanka AS.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu fagaarahaas ka caddeeyo mowqifka adag ee Soomaaliya ee ku aaddan faragelinta madax-bannaanida dalka, gaar ahaan aqoonsiga sharci-darrada ah ee la sheegay inay Israa’iil siisay maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya, kaasi oo xad-gudub ku ah midnimada dalka.
Shirkan oo ay isugu imaanayaan hoggaamiyeyaasha 55-ta dal ee Afrika, ayaa sannadkan diiradda lagu saarayaa caqabadaha waaweyn ee qaaradda ka jira.
Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu kulamo gaar gaar ah la yeesho madaxda ka socda qaaradda Afrika ee ka qeyb galeysa shirka.
Muddada uu shirku socdo, madaxda Afrika waxay si weyn u lafo-guri doonaan isbeddelka dhijitaalka ah iyo ganacsiga xorta ah ee qaaradda.
Kulankan ayaa imaanaya xilli qaaradda Afrika ay wajaheyso isbeddello siyaasadeed iyo kuwo amni, waxaana la filayaa inay madaxdu soo saaraan go’aanno midaynaya codka Afrika ee fagaarayaasha caalamiga ah.
Thursday 12 Feb 2026 {HMC} Somali President Hassan Sheikh Mohamud unveiled a three-pronged political and legal strategy to nullify what he described as Israeli recognition of the breakaway region of Somaliland, warning that such a move threatens Somalia’s sovereignty and regional stability.
Speaking to Asharq Al-Awsat, Mohamud said his government is acting in close coordination with partners led by Saudi Arabia to safeguard stability and shield the Horn of Africa from what he called “reckless escalation.”
Without naming specific countries, the Somali leader said some regional states may see the Israeli recognition as an opportunity to pursue “narrow, short-term interests at the expense of Somalia’s unity and regional stability.”
“I do not wish to name any particular country or countries,” he said. “But it is clear that some may view this recognition as a chance to achieve limited gains.”
He stressed that Somalia’s unity is a “red line,” adding that Mogadishu has taken firm positions to protect national sovereignty. “We warn against being misled by reckless Israeli adventurism,” he said.
Three parallel steps
Mohamud was referring to recognition announced by Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu of the self-declared Republic of Somaliland as an independent state.
“I affirm with the utmost clarity and firmness that any recognition of Somaliland as an independent state constitutes a blatant violation of the sovereignty and unity of the Federal Republic of Somalia,” he said.
He described the move as a grave breach of international law, the UN Charter, and African Union resolutions that uphold respect for inherited African borders.
On that basis, Somalia has adopted and will continue to pursue three parallel measures, he revealed.
The first involves immediate diplomatic action through the UN, African Union, and Organization of Islamic Cooperation to reject and legally and politically invalidate the recognition.
Mohamud said Somalia called for and secured a formal session at the UN Security Council to address what he termed a “flagrant Israeli violation” of Somalia’s sovereignty and territorial integrity.
The session, he said, marked a significant diplomatic victory for Mogadishu, particularly given Somalia’s current membership on the council.
He expressed “deep appreciation” for statements of solidarity and condemnation issued by the African Union, Arab League, OIC, Gulf Cooperation Council, Intergovernmental Authority on Development (IGAD), and the EU, among others.
The second step centers on coordinating a unified Arab, Islamic, and African position. Mohamud praised Saudi Arabia for being among the first to issue a clear statement rejecting any infringement on Somalia’s unity.
He said the Saudi position reflects the Kingdom’s longstanding commitment to state sovereignty and territorial integrity, reinforced by the Saudi cabinet’s “firm and principled” support for Somalia during what he described as a delicate moment.
The third step focuses on strengthening internal national dialogue to address political issues within the framework of a single Somali state, free from external interference or dictates.
Regional security
Mohamud warned that if left unchecked, the recognition could set a “dangerous precedent and undermine regional and international peace and security.”
He said it could embolden separatist movements not only in the Horn of Africa but across Africa and the Arab world, citing developments in countries such as Sudan and Yemen as evidence of the high cost of state fragmentation.
“This concerns a vital global shipping artery and core Arab national security,” he said, referring to the Red Sea.
“Any political or security tension along Somalia’s coast will directly affect international trade and energy security.”
He added that instability would impact Red Sea littoral states, particularly Saudi Arabia, Egypt, Sudan, Eritrea, Yemen, and Jordan. “Preserving Somalia’s unity is a cornerstone of collective Red Sea security,” he said.
Strategic foothold
Mohamud argued that Israel’s objective goes beyond political recognition.
“We believe the goal extends beyond a political gesture,” he told Asharq Al-Awsat. “It includes seeking a strategic foothold in the Horn of Africa near the Red Sea, enabling influence over the Bab al-Mandeb Strait and threatening the national security of Red Sea states.”
He described the move as a test of Somali, Arab, and African resolve on issues of sovereignty and territorial unity, emphasizing that Somalia’s opposition to secession is a principled and enduring national stance supported widely in the Arab and African worlds, “foremost by Saudi Arabia.”
He rejected any attempt to turn Somalia into a battleground for regional or international rivalries. “We will not allow Somalia to become an arena for settling conflicts that do not serve our people’s interests or our region’s security,” he declared.
Saudi ties
Regarding Saudi-Somali relations, Mohamud described the partnership as “deep-rooted and strategic, rooted in shared history, religion, and a common destiny.” Saudi Arabia, he said, “remains a central partner in supporting Somalia’s stability, reconstruction, development, and Red Sea security.”
He voiced admiration for Saudi Arabia’s Vision 2030 and the economic and development gains achieved under the leadership of Custodian of the Two Holy Mosques King Salman bin Abdulaziz and Prince Mohammed bin Salman, Crown Prince and Prime Minister.
Asked about the recent Saudi Cabinet decision rejecting any attempt to divide Somalia, Mohamud said the federal government received it with “great appreciation and relief.”
He said the position extends the Kingdom’s historic support for Somalia’s territorial unity and sovereignty, reinforces regional stability, and sends an important message to the international community on the need to respect state sovereignty and refrain from interference in internal affairs.
Source Hiiraan Online
Khamiis 12 Feb 2026 {HMC} Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, inuu Baarlamaanka ka dhex wado hawlo ka baxsan shaqadii loo igmaday.
Sidoo kale, wuxuu u mahad celiyay xildhibaannada maalmahan waday kacdoonka ee ka hor yimid wax ka beddelka dastuurka, kuwaas oo uu ku tilmaamay in ay gudanayaan waajibaadkooda dastuuriga ah.
Madaxweyne Deni ayaa ku boorriyay xildhibaanada in ay sii wadaan ilaalinta mas’uuliyadda loo doortay. Wuxuu sheegay in waxa hadda ka socda Baarlamaanka aysan ahayn shaqadii loo igmaday, isla markaana loo baahan yahay isla xisaabtan dhab ah iyo in si furan looga wada hadlo jihada siyaasadeed ee uu dalku u socdo.
Hadalkaan ayuu madaxweyne Deni ka jeediyay kulan caawa lagu soo dhoweynayay isaga iyo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, kaas oo ay soo qaban qaabiyeen Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, kana dhacay magaalada Muqdisho.
Deni ayaa sheegay in dalka uu si degdeg ah ugu baahan yahay doorasho loo dhan yahay, isagoo tilmaamay in marxaladda hadda la joogo aysan ku filnayn hadal iyo dood aan miro dhal ahayn.
Wuxuu xusay in loona baahan yahay in la ilaaliyo xeerarka iyo shuruucda lagu heshiiyay.
“Dalka waxa keliya ee ka dhiman waa in doorasho la qabto; wixii kale waa iska hadal,” ayuu yiri Deni.
Dhanka kale, Madaxweyne Deni wuxuu caddeeyay inay diyaar u yihiin wada-hadal ay la yeeshaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Deni waxa uu ku celiyay inay ka go’an tahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka dalka, ayna u yimaadeen Muqdisho sidii loo gaari lahaa heshiis dhab ah oo dan u ah ummadda Soomaaliyeed.