Home Blog Page 106

WAR DEG DEG AH Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay wixii ka dhacay Xeendaabka Garoonka Aaden Cadde.

0

Khamiis 12 Feb 2026 {HMC} Wasaaradda Amniga Gudaha waxay shacabka Soomaaliyeed iyo warbaahinta u caddeyneysaa in habraaca soo jireenka ah ee sugida amniga Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle uu si buuxda u shaqeynayo, islamarkaana uu khuseeyo cid kasta oo dooneysa inay gasho ama ka baxdo garoonka.

Habraacaasi wuxuu dhigaya in wixii ka dambeeya 5:00 galabnimo laga soo galo albaabka Mariina Gate, isla markaana aan loo oggolayn in ciidan hubeysan lala galo gudaha garoonka.

Si kastaba ha ahaatee, xalay waxaa dhacday in qaar ka mid ah masuuliyiintii hore ee dalka ay ku xadgudbeen nidaamkaas, iyagoo gudaha garoonka la galay ciidamo aad u tiro badan, isla markaana isticmaalay albaab aan ahayn midka loo asteeyey in xilliga habeenkii la isticmaalo. Tallaabadaas waxay halis ku tahay amniga iyo badqabka garoonka, waxayna jebinaysaa habraaca rasmiga ah ee sugista amniga.

Wasaaradda Amniga Gudaha waxay mar kale caddeyneysaa in habraacyada amniga garoonka ay wada khuseeyaan dhammaan muwaadiniinta iyo masuuliyiinta, xil haya iyo kuwo horeba, isla markaana aan cidna laga reebayn fulinta nidaamkaas.

Dhanka kale, Wasaaraddu waxay iftiimineysaa in aanay jirin masuuliyiin hore oo loo diiday inay galaan garoonka, balse ay jireen kuwo diiday inay u hoggaansamaan habraaca amniga ee u degsan garoonka.

Wasaaradda Amniga Gudaha waxay ku boorrineysaa dhammaan dhinacyada inay ixtiraamaan sharciyada iyo habraacyada amniga si loo xaqiijiyo badqabka guud ee garoonka iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed.

AUSSOM Congratulates Somalia on Election to the AU Peace and Security Council.

0

Thusday 12 Feb 2026 {HMC}  The African Union Support and Stabilisation Mission in Somalia (AUSSOM) congratulates the Federal Republic of Somalia on its election as a Member of the African Union Peace and Security Council (PSC) for the 2026–2028 term.

“This significant diplomatic milestone is a moment of great pride for Somalia and reflects the growing recognition of the country’s progress, leadership, and constructive engagement within the African Union. AUSSOM extends its sincere congratulations to H.E. President Hassan Sheikh Mohamud and to the people of Somalia on this important achievement,” said Ambassador El Hadji Ibrahima Diene, Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission (SRCC) for Somalia and Head of AUSSOM.

“Somalia’s election to the Peace and Security Council signals renewed continental confidence in its role and increasing contribution to Africa’s peace and security agenda. As a nation that has made notable strides in stabilization, state-building, and security sector reform, Somalia brings valuable experience, resilience, and perspective to the Council’s deliberations,” Amb. Diene added.

“AUSSOM reaffirms its commitment to supporting the Federal Government of Somalia in advancing peace, security, and stability, in line with the shared objectives of the African Union and the aspirations of the Somali people.”

Booliska Dalka Kenya oo War ka soo saaray Xariga Naasir Cige.

0

Khamiis 12 Feb 2026 {HMC} Qoraal kasoo baxay Booliska Kenya ayaa lagu sheegay in Nin 37 jir ah oo heysta labada dhalasho ee Soomaaliya iyo Australia lagu xiray garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta isagoo loo heysto denbiyo la xiriira wax is daba marin.

Cige Naasir ayaa lagu qabtay Terminal 1A, isagoo ka yimid Australia, soona maray magaalada Johannesburg, wuxuuna saarnaa diyaaradda Kenya Airways ah.

Booliska Kenya wuxuu sheegay inay dabagal ku hayeen ninkan oo ku calaamadeysanaa digniin la xiriirta xakamaynta socdaalkiisa, taasoo la soo saaray 30-kii Janaayo 2026, iyadoo lala xiriiriyay kiis ah inuu lacago badan ku helay si been abuur ah.

Markii lagu baaray Saldhigga Booliska ee JKIA, waxaa loo wareejiyay saraakiisha DCI si loo sameeyo baaritaanno dheeraad ah, iyadoo ay weli socdaan baaritaanada lagu hayo.

Naasir Cige ayaa muuqaal uu soo duubay ku sheegay inuu gacanta ugu jiro Booliska Kenya ee la dagaalama argagixisada, wuxuuna xarigiisa ku eedeeyay madaxda dowladda Federaalka.

WAR DEG DEG AH: Holwgalkii ciidamada ICE ee ka socda Minnesota oo la soo afjarayo.

0

Khamiis 12 Feb 2026 {HMC} Madaxa howlgalka ciidamada socdaalka ee ka socda Minnesota , Tom Homan, ayaa sheegay in howlgalkii weynaa ee Minnesota uu dhamaaday, isagoo sheegay in Madaxweyne Donald Trump uu ogolaaday codsigiisa in la soo afjaro howshan.

Homan ayaa wariyeyaasha u sheegay in uu sii joogi doono Minnesota muddo gaaban si uu u kormeero sidii howlgalku u dhammaan lahaa guul ahaan.

Wuxuu sidoo kale sheegay in madaxda maxalliga ah si wanaagsan ula shaqeeyeen saraakiisha socdaalka.

Howlgalkii, oo loo yaqaanay Operation Metro Surge, ayaa la geeyey in ka badan kumanaan ciidanka socdaal bilowgii December, taasoo dhalisay mudaaharaadyo baahsan kadib markii labada muwaadin Mareykan ah lagu dilay toogashooyin ay fuliyeen wakiillo federaal ah.

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi sare oo ka socday Boqortooyada Ingiriiska.

0

Khamiis 12 Feb 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socday Boqortooyada Ingiriiska oo ay hoggaaminaysay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Horumarinta iyo Afrika Marwo Jenny Chapman.

Madaxweynaha ayaa wafdiga la wadaagay guulaha muuqda ee Soomaaliya ay ka xaqiijisay dowlad-dhiska, ammaanka iyo geeddi-socodka dimuquraadiyadda, isagoo adkeeyey xiriirka istiraatiijiyadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Ingiriiska, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta iyo kobcinta maalgashiga.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Dowladda Ingiriiska taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu xoojinayo nabadgelyada, la dagaallanka argagixisada iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee mudnaanta u leh shacabka Soomaaliyeed.

Dhankeeda, Wasiiru-dowlaha Arrimaha Horumarinta iyo Afrika ee Boqortooyada Ingiriiska Marwo Jenny Chapman ayaa adkeeysay sida Dowladda Ingiriisku ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga dhow ee kala dhexeeya Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda xasilloonida Soomaaliya ay u leedahay gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda.

Madaxweynaha Kenya oo sheegay xiligadib loo furayo xadka Kenya iyo Soomaaliya udhaxeyo .

0

Khamiis 12 Feb 2026 {HMC} Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa ku dhawaaqay in xudduudda Mandheera ee u dhaxaysa Kenya iyo Soomaaliya dib loo furi doono bisha Abriil ee sannadka 2026.

Go’aanka uu ku dhawaaqay Ruto ayaa u muuqda mid culeyska ka qaadaya shacabka labada dhinac ee deggan Kenya iyo Soomaaliya oo wadaaga xiriir dhaqaale iyo mid qoys.

Isagoo ka hadlayay magaalada Mandheera, madaxweynuhu wuxuu ku tilmaamay wax aan la aqbali karin inay bulshooyinka xudduudda ku nool ay ka go’naadaan eheladooda iyo deriskooda Soomaaliya sababo la xiriira xirnaanshaha marinkaas.

Wuxuu xusay in dib u furista xadku ay soo celin doonto isku xirka, isla markaana ay gacan ka geysan doonto soo nooleynta ganacsiga si ay uga faa’iideystaan labada dhinacba.

Kenya ayaa hore xirida xadka Soomaaliya u sababeysay in ay uga golleedahay adkeynta amniga iyo ka hortagida weerarada ay xilliyada qaar halkaasi ka fuliyaan AS.

Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa sheegtay in ay jiraan tiro askar ah oo Ciidanka Xoogga looga saarey anshax xumo .

0

Khamiis 12 Feb 2026 {HMC}Wasaaradda Gaashaandhiga Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay jiraan tiro askar ah oo Ciidanka Xoogga looga saarey anshax xumo, howl gudasho la’aan iyo maandooriye.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda gaandhiga ayaa si gaar ah loogu soo hadal qaaday Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka oo maalmihii la soo dhaafay ku bannaanbaxay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ka cabanayay Mushaar la’aan.

“Wasaaraddu waxay caddaynaysaa in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay xuquuqdooda u helaan si joogto ah, uuna yahay hay’ad qaran oo huwan sharaf, anshax, iyo u adeegidda shacabka, isla markaana aan marnaba la aqbali karin wax kasta oo dhaawacaya sumcadda ciidanka iyo kalsoonida shacabka” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka Wasaaradda.

Sidoo kale, Wasaaradda ayaa xustay in Ciidamada bannaanbaxay ay qeyb ka yihiin Askarta lagu helay howl gudasho la’aanta, anshax xumada iyo arrimo kale.

Ugu dambeyn qoraalka Wasaaradda ayaa lagu yiri “Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale adkaynayaan in cid kasta oo ku kacda falal wax u dhimaya anshaxa ciidanka, nabadgalyada, ama sharciga ay wajihi doonto ciqaab waafaqsan xeerarka dalka iyo kuwa ciidamada”

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka

{DAAWO MUUQAALKA} Somaliland oo War Kasoo Saartay Qoys Suuriyaan ah oo lagu jirday Hargeeysa.

0

Qamiis12 Feb 2026 {HMC} Somaliland oo War Kasoo Saartay Qoys Suuriyaan ah oo lagu jirday Hargeeysa.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO MUUQAALKA} Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo digniin adag u dirtay Ciidanka Xoogga Dalka.

0

Qamiis12 Feb 2026 {HMC} Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo digniin adag u dirtay Ciidanka Xoogga Dalka.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka Ugu Waa Weeyn Soomaaliya Caalamka 12-02-2026.

0

Qamiis12 Feb 2026 {HMC} Wararka Ugu Waa Weeyn Soomaaliya Caalamka 12-02-2026.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY