Home Blog Page 1093

{DAAWO MUQAALKA} Dowladda oo tababar usoo Xertay Ciidamo la dagaalamayo AS

0

Jimco  28, March 2025 {HMC} Dowladda oo tababar usoo Xertay Ciidamo la dagaalamayo AS

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa kasoo kodhay Haweeneyda Sooomaalida ee Mareeykanka lagu weeraray.?

0

Jimco  28, March 2025 {HMC} Maxaa kasoo kodhay Haweeneyda Sooomaalida ee Mareeykanka lagu weeraray.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Duqeeymo Culus oo markale laga fuliyey Buuraha Calmiskaad.

0

Jimco  28, March 2025 {HMC} Duqeeymo Culus oo markale laga fuliyey Buuraha Calmiskaad.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Taliyaha Nisa oo Kulamo la qaatay Hodayaasha ku sugan Degmada Moqokori.

0

Jimco  28, March 2025 {HMC} Taliyaha Nisa oo Kulamo la qaatay Hodayaasha ku sugan Degmada Moqokori.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 28/3/2025

0

Jimco  28, March 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Hoos ka daawo Wararka ugu waa weyn

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {28-03-2025}

Jimco 28, March 2025 {HMC} –Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Macalin Muse

Farsamadii ::Mohammed Hassan Owsei

Maxay ka wada hadleen madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Turkiga

Jimco 28, March-2025 {HMC} – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga millatariga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabab, ka dib kulan ay ku yeesheen Ankara maalintii Khamiista, sida uu baahiyay Telefishinka Qaranka Soomaaliya (SNTV).

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa si rasmi ah xarunta madaxtooyada Ankara ugu qaabilay dhiggiisa Madaxweyne Erdogan intii uu ku guda jiray booqashadiisa shaqo ee rasmiga ah,” ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay Villa Somalia oo lagu daabacay X.

“Labada madaxweyne ayaa wadatashiyo midho-dhal ah ka yeeshay oo diiradda saaray xoojinta xidhiidhka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sahminta waddooyin lagu sii xoojinayo taageerada Turkiga oo dhinacyo kala duwan ah, oo ay ku jirto dadaalka socda ee lagu cidhib tirayo argagixisada caalamiga ah” ayaa lagu sii daray qoraalka.

Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Ankara ee 26-ka bishan ayaa timid ka dib markii Soomaaliya ay soo dhawaysay helitaanka diyaarado nooca qummaatiga u kaca ah oo millateri oo laga keenay Turkiga oo ah nooca T129 Atak.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa heshiis iskaashi millatari ku saxiixday Ankara bisha February 2024.

Turkiga ayaa Soomaaliya ku leh mid ka mid ah saldhigyada millatari ee ugu weyn ee dal shisheeye uu ku leeyahay, saldhigaasoo ku yaalla Muqdisho, isla markaana waxay tababaraan kumannaan askari oo Soomaali ah.

Dhulgariir xoog leh oo dhowr dal laga dareemay oo ku dhuftay Myanmar

Jimco 28, March-2025 {HMC} – Dhul gariirka cabirkiisu uu gaarayo 7.7 ayaa ku dhuftay bartamaha Myanmar, iyada oo gariirkiisa laga dareemay Shiinaha iyo Thailand, waxaana muuqaalo baraha bulshada la soo dhigay ay muujinayaan dhismayaal ku yaala Bangkok oo la baneynayo, dadkuna ay waddooyinka isugu soo aruurayaan.

Sida laga soo xigtay hay’adda sahanka juqraafiga Maraykanka USGS, xuddunta dhulgariirka ayaa dhacda 16km Waqooyi Galbeed magaalada Sagain ee Burma, kuna dhow magaalada Mandalay. Aaggan ayaa ilaa 100km Waqooyi ka xiga caasimada Naypyidaw.

Dowladda Thailand ayaa yeelanaysa kulamo degdeg ah oo la xiriira dhul gariirka soo gaaray dalkeeda.

Bui Thu oo ah wariye BBC oo ku nool Bangkok ayaa u sheegtay barnaamijka Newsday ee qaybta caalamiga ee BBC inay ku sugnayd guriga oo ay wax karinaysay markii uu gariirku dhacay.

‘’Dareenkaygu aad buu u kacsanaa, waan argagaxay, ma ogayn waxa ay ahayd, maxaa yeelay waxaan u malaynayaa toban sano ayaa laga joogaa tan iyo intii aan si xoogan u dareemay dhul gariir xooggan’’ ayay tiri bui.

Dad badan ayaa la la’yahay, ka dib dabaq uu dhisme ku socday uu burburay.

Ilaa 43 qof oo shaqaale ah oo ku dhex jiray dhismaha oo ku yaala Bangkok ayaa la baadigoobayaa, sida ay sheegeen masuuliyiinta Thailand.

Machadka qaran ee caafimaadka degdegga qoraal ay soo dhigeen bartooda Facebook ayey ku sheegeen ilaa 7 ka mid ah shaqaalaha inay soo badbaadeen, 43 kalana la la’yahay.

‘’Markii aan soo gaaray si aan u eego goobta, waxaan maqlayay dad caawimaad u wacanaya, oo dhahaya I caawiya,’’ ayuu u sheegay taliye ku-xigeenka booliska Bang Sue, Worapat Sukthai isaga oo la hadlayay wakaalada AFP.

{DAAWO MUQAALKA} Howlgal Culus oo laga fuliyey koofur Galbeed.

0

Jimco  28, March 2025 {HMC} Howlgal Culus oo laga fuliyey koofur Galbeed.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Saraakiil iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda oo Galgauud ka wado Howlgalo ka dhan AS.

0

Jimco  28, March 2025 {HMC} Saraakiil iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda oo Galgauud ka wado Howlgalo ka dhan AS.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA