Home Blog Page 1102

{DAAWO SAWIRADA} MW Xasan Sheekh Oo Dib Ugu Laabtay Furimaha Dagaalka Ka Dhanka Ah AS

Talaado 25, March 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu laabtay deegaanada uu ka socdo abaabulka howlgallada ka dhanka AS, kaddib markii uu caasimadda Muqdisho kulammo kula qaatay Guddoomiyaha Cusub ee Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa magaalada Raaga Ceelle ee Gobolka Shabeelada dhexe kula hadlay, boqolaal ka mid ah halyeeyada xaq u dirirka ah ee Macawisleeyda deegaanka, isaga oo ku booriyay sida ay uga go’an tahay in dhibaatada AS ay uga dulqaadi lahaayeen dadkeenna.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaas kaddib gaaray degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha dhexe, halkaan oo uu kasii wadi doono hoggaaminta abaabulka iyo howlagallada ka dhanka ah AS.

{DAAWO MUQAALKA} MW Xasan Sheekh oo mar kalle usoo guuray furimaha dagaalka ka dhan ka ah AS.

0

Talaado 25, March 2025 {HMC} MW Xasan Sheekh oo mar kalle usoo guuray furimaha dagaalka ka dhan ka ah AS.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Madaxweynaha Burundi Oo ka walaacsan afgambi kaga imanayo Rwanda

Talaado 25, March 2025 {HMC} Madaxweynaha Burundi, Évariste Ndayishimiye, ayaa shaaciyay in uu socdo qorshe la doonayo in dalkiisa lagu soo weeraro, sidoo kale xukunkiisa lagu afgambiyo, waxa uuna diray qeylodhaan ku aadan in laga hortago qorshahaasi uu sheegay in la diyaarinayo.

Évariste Ndayishimiye, ayaa sheegay in dowladda Rwanda qorshenayso weerar ay kusoo qaado Burundi , una afgambiso dowladiisa, waxa uuna xusay in uu helay warbixinno sirdoon oo ku aadan weerarka dalkiisa lagu soo qaadayo laguna afgambinayo xuunkiisa.

Madaxweynaha dalka Brundi ayaa sidoo kale ku eedeyay dowladda Rwanda inay taageerrayso jabhadda lagu magacaabo Red Tabara, waxa uuna tilmaamay in jabhadan ay lamid tahay midda M23 oo ka dagaallanta dalka DR Congo meylo badan oo dalkaasi kamid ahna dhawaan qabsatay.

Waxa uu sheegay in dowladda Rwanda qorshaheedu yahay in la afgambiyo madaxda hoggaamisa dalalka Brundi iyo DRC Congo, waxa uuna intaa raaciyay in Rwanda dooneyso in talada labada dal la wareegaan xubno iyaga u shaqeeya.

Eedeyntan culus ee kasoo yeertay Madaxweynaha Burundi, Évariste Ndayishimiye, waxaa durba beenisay dowladda Rwanda, waxa ayna warkaasi ku tilmaantay mid waxba kama jiraan oo lasoo dhoo dhoobay, iyaga oo meesha ka saaray in ay qorsheeyeen weerar ay ku qaadaan Brundi.

 

Xulalka Kubadda Cagta Soomaaliya & Botswana Oo Caawa Wada Ciyaaraya

Talaado 25, March 2025 {HMC} Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa Caawa kulan adag oo ka tirsan isreeb reebka Koobka Aduunka ee sanadka 2026-ka ee Afrika kaga hortagaya dhigooda dalka Botswana.

Soomaaliya ayaa Kulankaan oo Caawa ka dhici doono garoonka kubadda cagta Francistown Stadium ee dalka Botswana, ka rajeyneysa iney guul muhiim ah ka gaarto dhigooda Botswana.

Macalinka Xulka Qaranka Soomaaliya Yuusuf Cali Nuur (Yuu Cali) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Caawa Xulkiisa uu doonayo inuu guul weyn kasoo hooyo kulanka ay la cayaari doonaan Botswana.

“Tababarkii ugu dambeeyay ayaan qaadanay, waxaan u diyaarsanahay inaan dhibco muhiim ah ka helno kulanka Caawa aan Botswana gurigeeda kula ciyaareyno, sida kulankeeni hore aan u keenay natiijada muhiimka aheyd, Caawana aan guuleysan doona Insha allah” ayuu yiri Tababaraha Xulka kubadda Cagta Soomaaliya Yuusuf Cali Nuur (Yuu Cali).

Kabtanka Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliya Cabdisamad Cabdillaahi ayaa dhankiisa ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed iney taageero lasoo garab istaagaan Xulka Qaranka Soomaaliyeed.

“Dadkeena Soomaaliyeed waxaan ka codsaneyna iney nagu dhiira galiyaan kulanka Caawa aan la ciyaareyno dalka Botswana, si aan uga gaarno natiijo guul ah, dhiiragalintiina waa inoo muhiim” ayuu yiri Kabtanka Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliya Cabdisamad Cabdillaahi.

Ugu dambeyntii rajada Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa aad u wanaagsan hadii kulanka Caawa ay guul ka keenaan, waxaana xusid mudan in kulankii kan ka horeeyay Soomaaliya lasoo ciyaartay Xulka kubadda Cagta dalka Guinea, waxaana kulankaas uu ahaa mid kusoo idlaaday barbaro 0-0 ah 90-kii daqiiqo ee ciyaarta loogu talo galay.

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 25/3/2025

0

Talaado 25,March 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Hoos ka daawo Wararka ugu waa weyn

{DAAWO MUQAALKA} Masuuliyiin u badan Wasiiro oo ku wajahan Furimaha hore ee Dagaalka.

0

Talaado 25, March 2025 {HMC} Masuuliyiin u badan Wasiiro oo ku wajahan Furimaha hore ee Dagaalka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Shilkaan oo goordhow dhacay wuxuu sababay Dhimasho iyo Dhaawac.

0

Talaado 25, March 2025 {HMC} Shilkaan oo goordhow dhacay wuxuu sababay Dhimasho iyo Dhaawac.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Heshiis Nuucee ah ayeey wada Galayaan Mareykanka iyo Ruushka?

0

Talaado 25, March 2025 {HMC} Heshiis Nuucee ah ayeey wada Galayaan Mareykanka iyo Ruushka?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Waqtigii AS wuu dhamaaday waxaa harsan maalmo tirsan.

0

Talaado 25, March 2025 {HMC} Waqtigii AS wuu dhamaaday waxaa harsan maalmo tirsan.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Dagaalka AS Inta ay nafta nagu jirto waan wadeynaa

0

Talaado 25, March 2025 {HMC} Dagaalka AS Inta ay nafta nagu jirto waan wadeynaa

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA