Home Blog Page 1120

{DAAWO MUQAALKA} Maxaad ka taqanaa diyaaradda dagaal ee Bayraktar Akinci?

0

Khamiis 20,March 2025 {HMC} Maxaad ka taqanaa diyaaradda dagaal ee Bayraktar Akinci?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUQAALKA} FAAH-FAAHIN:- Dagaal Culus oo ka socda Gobalka Sh-Hoose,

0

Khamiis 20,March 2025 {HMC} FAAH-FAAHIN:- Dagaal Culus oo ka socda Gobalka Sh-Hoose,

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

Jabhada Faano oo Laaysay in Kabadan 350 oo Ka Tirsan Ciidanka Itoobiya ah.

Khmaiis , 20, March 2025 {HMC}  Ciidamo hubeysan oo ka tirsan malleeshiyada FANO ayaa qaaday weerar ballaaran oo ay kaga hortageen ciidamada federaalka Itoobiya ee ku sugan gobolka Amxaarada.

Ilo-wareedyo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyey in dagaalka lagu dilay ugu yaraan 355 askari oo ka tirsan Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF), lagana qabsaday magaalooyin istiraatiiji ah iyo hub aad u tiro badan.

Ilo-wareedyadan, oo codsaday in aan la magacaabin sababo la xiriira xasaasiyadda xaaladda, waxay sheegeen in FANO ay hadda gacanta ku hayso goobo muhiim ah oo ku yaalla Gondar Koonfureed, Gojam, iyo Wollo Waqooyi, xilli iska hor-imaadyada u dhexeeya malleeshiyada gobolka iyo ciidamada federaalka ay sii xumaanayaan, xaaladduna ay kasii darayso.

Weerarka ayaa ka bilowday Gondar Koonfureed, halkaas oo dagaalyahannada FANO ay si isku-dubbaridan u weerareen fariisimaha ENDF ee magaalooyinka Ambesame, Wereta, Gasaye, Alem Ber, iyo Addis Zemen. Ilo-wareedyadu waxay xaqiijiyeen in dhammaan magaalooyinkaas ay hadda hoos tagaan maamulka FANO.

Ambesame, oo ah xarunta maamulka degmadiisa, ayaa gabi ahaanba laga saaray ciidanka federaalka, waxaana hadda si buuxda u maamula FANO. Weerarkan ayaa si weyn u wiiqay awoodda ENDF ee gobolka.

Dagaalyahannada FANO sidoo kale waxay la wareegeen Maksegnit, oo qiyaastii 20 km u jirta magaalada Gondar, taasoo sababtay in la go’doomiyo waddada istiraatiijiga ah ee Gondar–Bahir Dar, oo muhiim u ah isku socodka dadweynaha iyo sahayda ciidamada.

Intaa waxaa dheer, wararka ayaa sheegaya in FANO ay weerartay xabsi ku dhow magaalada Gondar, halkaas oo ay ka sii daayeen maxaabiis siyaasadeed, inkastoo tiradooda rasmiga ah aan weli la xaqiijin.

Khasaare xooggan oo dhacay
Dagaalkii ka dhacay Gondar Koonfureed wuxuu sababay:

355 askari oo ENDF ah oo la dilay
155 askari oo dhaawacmay
35 askari oo la qabtay
Hubka ay FANO ka qabsatay ENDF waxaa ka mid ah:

212 qori oo AK-103 ah
6 qori oo Bren ah
1 qori oo SVD snayper ah
81 walxaha qarxa oo ay ku jiraan bambooyin iyo qaraxyo kale
Ilo-wareedyada waxay xaqiijiyeen in hubkan la qabsaday uu si weyn u xoojinayo awoodda FANO, xilli dagaalka uu sii xoogeysanayo.

Dhaqdhaqaaqyada FANO waxay sidoo kale gaareen Gojam Galbeed iyo Gojam Bari, halkaas oo ay la wareegeen ugu yaraan 13 magaalo, oo ay ka mid yihiin: Debre Markos, Adet, Gonj Kolela, Bichena, Debre Work, Sedie, Degotsion, Quiye, Yed Wuha, Amanuel, Dembecha, Mertule Mariam, iyo Rebua Gebeya.

Dagaalladan ayaa sababay khasaare kale oo gaaray ENDF, inkastoo tiradooda rasmiga ah aan la xaqiijin. Goobjoogayaal iyo ilo maxalli ah ayaa soo sheegay dagaallo culus iyo ciidamada federaalka oo dib uga guray magaalooyin dhowr ah.

Hubka laga qabsaday ENDF ee Gojam waxaa ka mid ah:

3 qalab isgaarsiineed oo militari ah
4 qori oo Bren ah
75 qori oo AK-103 ah
1 qori oo snayper ah
Guulaha FANO ee Gojam waxay muujinayaan in kooxda ay ka gudubtay weeraradii goos-gooska ahaa, una guurtay la wareegidda dhul baaxad leh.

FANO oo qabsaday waddo muhiim ah
Gobolka Wollo Waqooyi, dagaalyahannada FANO waxay Talaadadii hore weerar culus ku qaadeen magaalooyinka Wergessa, Mehal Amba, iyo Libso, kuwaasoo ku yaalla waddada istiraatiijiga ah ee Woldia–Dessie.

Sida laga soo xigtay ilo-wareedyada goobta, dagaalku wuxuu sababay iska hor-imaad toos ah oo dhex maray ENDF iyo ciidamada taageersan dowladda, iyadoo ugu dambeyn FANO ay si buuxda ula wareegtay gacan ku haynta waddadan muhiimka ah.

Dagaalkii ka dhacay Debre Markos, FANO waxay sheegtay inay dishay sarkaal sare oo ka tirsan ENDF, oo darajadiisu tahay kolonel, inkastoo aan si madax-bannaan loo xaqiijin magaca sarkaalkaasi.

Dhammaan bangiyada iyo hay’adaha kale ee adeega bulshada ayaa sii wadi doona shaqadooda magaalooyinka ay FANO la wareegtay.

Malleeshiyada FANO, oo ah koox hubeysan oo si xowli ah ugu soo baxaysa siyaasadda gobolka Amxaarada, ayaa door weyn ku yeelatay xaaladda amniga ee sii xumaanaysa.

Xiisadda u dhaxeysa dowladda federaalka iyo kooxaha gobollada ayaa cirka isku sii shareertay tan iyo markii Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu isku dayay hirgelinta barnaamij lagu hub-ka-dhigayo xoogagga maxalliga ah, lana mideynayo hay’adaha amniga.

Xukuumadda Itoobiya waxay ku dhawaaqday xaalad degdeg ah bishii Agoosto 2023, taasoo siisay ciidamada federaalka awood ballaaran oo ay ku sameyn karaan xadhig aan sharciyeysneyn iyo xakamaynta warbaahinta—arrimo ay si weyn u dhaliileen kooxaha xuquuqda aadanaha.

Weerarka cusub ee FANO wuxuu muujinayaa isbeddel istiraatiiji ah, iyadoo kooxdu ka gudubtay weerarro goos-goos ah una guurtay dagaallo ballaaran oo la qorsheeyay, kuwaasoo ujeedkoodu yahay la wareegidda deegaanno iyo dagaal toos ah oo ay la galaan ciidamada federaalka.

Ilaa hadda, dowladda Itoobiya wax war ah kama aysan soo saarin dagaalladan. Isgaarsiinta gobollada qaar ee Amxaarada ayaa weli go’an, taasoo adkeyneysa xaqiijinta madaxbannaan ee wararka qaar.

Maxaad ka taqanaa diyaaradda dagaal ee casriga ah ee Bayraktar Akinci iyo howlgallada waawayn ee ay ka qaybqaadatay?

Khmaiis , 20, March 2025 {HMC} Diyaaradan Akinci waa oo ah nooca aan duuliyaha lahayn ayaa ka mid ah kuwa ugu horumarsan dhanka ciidamada, waxaana soo saarta shirkadda duulista iyo difaaca Turkiga ee Baykar.

Akinci waxaa loogu talagalay inay fuliso hawlgallo kala duwan, oo ay ku jiraan weerarro uu bartilmaameedkoodu sax yahay, ilaalin, iyo taliska iyo hawlgallada ciidamada.

Akıncı UAV waxa ay qaadi kartaa rasaas, gantaalo iyo bambooyin ay ka mid yihiin MAM-L, MAM-C, Cirit, Giidance Guidance Kit (KGK)-MK-82 iyo SOM-A. Diyaaradaan waxay hawada ku jiri kartaa24 saacadood.

Akıncı waa mid ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee isticmaala tignoolajiyada sirdoonka macmalka ah ee laga soo saaro Turkiye. Waxaa lagu tilmaamaa diyaarad leh “awood go’aan qaadasho” iyada oo ku habaysan xogta ay ka hesho dareemayaasheeda iyada oo adeegsanaysa kombuyuutar sirdoon oo ku shaqeeya garaad macmal ah.

Diyaaradda Akinci waa diyaarad adkeysi badan, waxay leedahay nidaamyo ilaalin heersare ah, iyo awooda lagu sameeyo weerarro sax ah oo meelaha fog wax ka dila.

Waxay qaadi kartaa ugu badnaan 1,500 kiiloogaraam, taas oo u oggolaanaysa in ay qaado hub kala duwan, oo ay ku jiraan gantaallada SOM cruise missiles, gantaallada lidka diyaardaha ee Gökdoğan, bambooyinka la hago ee Bozok, iyo bambooyinka MK-82.

Bayraktar Akinci ayaa ku duuli karta joog dhan 30,000 fiit, waxayna hawada ku jiri kartaa 13 saacadood iyo 24 daqiiqo sida ay sheektay wakalaada wararka Turkiga ee Anadolu.

Wajigii naqshadaynta hordhaca ah ayaa la dhammeeyey bishii June ee sanadki 2019. 22-kii Apriil 2021, Bayraktar Akıncı UCAV waxay si guul leh u samaysay tijaabooyinkii ugu horreeyay ee toogashada iyo beegsiga bartilmaameedyada saxda ah.

Sida ay sheegtay shirkadda sameysay diyaaradan Bayraktar AKINCI waxay awood u leedahayay sameeyo hawlgallada ay fuliyaan diyaaradaha dagaalka caadiga ah.

Waxyaabaha kale ee ay kaga duwan tahay droniska kale ayaa waxaa ka mid ah in ay isku si u shaqeyn karto habeen iyo maalin.

Waxay sidataa nidaamyada taageerada elektarooniga ah, nidaamyada isgaarsiinta dayax-gacmeedka laba-geesoodka ah, raadaaro , radar ka-hortagga isku dhaca iyo qalab kale.

Howlgalada ay gacanta ka geysatay

Heshiisyada dhoofinta ee lala saxeexday ayaa gaaraya 11 waddan, Bayraktar AKINCI TIHA waxay sii waddaa fulinta hawlgallada gobollada kala duwan ee adduunka.

Bayraktar AKINCI TIHA ayaa door muhiim ah ka ciyaartay baadigoobka iyo samatabbixinta ka dib shilkii diyaarad helicopter ah oo ay la socdeen madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi iyo wafdigiisa 19-kii May, 2024.

Dowladda Turkiga ayaa sidoo kale u adegsatay weerarada ka dhanka ah kooxda PKK ee Kurdiyiinta.

Meelaha kale ee ay ka howlgashay waxaa ka mid ah Libiya oo ay Turkiga u adeegsadeen ciidamada Janaraal Khalifa Haftar.

Dalal badan ayaa dalbaday diyaaradan nooca aa duuliyaha lahayn ee Akinci, waxaana ka mid ah Sacuudiga, Imaaraadka iyo Marocco.

Diyaradaha kale ee aan duuliyaha lahayn ee Turkiga soo saaray.

Shirkadda Baykar waxa kale oo ay sumcad caalami ah ku yeelatay soo saaridda Bayraktar TB2 UAVs, taas oo calaamad u noqotay iska caabinta Ukraine ee dagaalka Ruushka ku soo qaaday

Bayraktar TB2 oo culeyskeedu yahay 150 kg ayaa ka howgali karta masaafo dhan ilaa 300 km.

Diyaaradahaan waxay qaadi karaan markiiba 4 gantaal oo waaweyn.

Sida ay sheegtay shirkadda soo saartay diyaaradan Dronis-ka ah waxaa uu dhererkoodu dhan yahay 12 mitir, halka uu joogeedu yahay 2.2 mitir waxayna leeyihiin awood ilaa 300 litir oo shidaal ah.

Diyaaraddan waxaa soo saartay shirkadda Bairaktar, waxaana naqshadeeyay wiilka uu soddogga u yahay Madaxweynaha Turkiga Erdogan. Shirkadda soo saartay diyaaradahan ayaa sheegtay in ilaa 160 diyaaradood oo ah nooca TB 2 ay ka howlgalaan dalalka Turkiga, Qadar, Ukraine iyo Azerbaijan.

Shirkadaha farsameeyo hubka ee Turkiga ayaa dhigay rikoor cusub oo ah tirooyinka dhoofinta sanadka 2023 iyadoo wadarta guud ee dhoofinta ay gaareyso ilaa $5.5 bilyan.

Dowlada Turkey oo Ka Hadlay Xil Kaqaadista Wasiirkii difaaca Soomaaliya

Khmaiis , 20, March 2025 {HMC}  –  Dowladda Turkiga ayaa ka hadashay xil-ka-qaadista Wasiirkii Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo ahaa shaqsi aad ugu dhow, taasi oo timid kadib cadaadis uu Mareykanka saaray Soomaaliya.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa loo wareejiyay Wasaaradda Dekedaha, iyadoo ay jiraan calaamado muujinaya in taageeradii militari ee Maraykanka uu siinayay Soomaaliya ay hoos u dhacday.

Laba ilo wareed ayaa sheegay in dadaalladii Wasiir Cabdulqaadir uu ku doonayay inuu xoojiyo iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga ee dhinacyada difaaca, tamarta, iyo hawada sare ay ka careysiisay Washington, taas oo xiriir dhow la leh Imaaraadka Carabta ee Geeska Afrika.

Mas’uul ka tirsan dowladda Turkiga ayaa hoos u dhigay saameynta xilka qaadista Cabdulqaadir ay ku yeelan karto xiriirka Ankara iyo Muqdisho, isagoo ku adkeystay in xiriirkoodu ku saleysan yahay iskaashi hay’adeed, oo aysan saameyn ku yeelan doonin isbeddelka shakhsiyaadka.

“Tani waxba kama beddeleyso xiriirkayaga. Heshiisyada Muqdisho lala galay waxay ku saleysan yihiin iskaashi hay’adeed,” ayuu yiri sarkaalka Turkiga oo codsaday in aan la magacabain.

Sidoo kale, Tunc Demirtas, oo ah khabiir ka tirsan machadka SETA ee Ankara, ayaa sheegay in Turkigu sii wadi doono taageerada Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xarriiqay in muhiimaddu ay noqon doonto xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee labada dal, iyadoo laga duulayo danaha labada dhinac.

Intii uu wasiirka ahaa Cabdulqaadir, Soomaaliya iyo Turkigu waxay February 2024 kala saxiixdeen heshiis ballaaran oo dhinacyada ciidamada badda, ganacsiga iyo difaaca ah.

Turkiga ayaa Talaadadii Soomaaliya ku wareejiyay laba diyaaradood oo casri ah oo aan duuliye lahayn, nooca Bayraktar Akıncı UCAV.

Talaabadani waxay ku soo beegmaysaa xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Ankara iyo Washington, gaar ahaan la xiriira iskaashiga militari, tamarta, iyo tiknoolajiyadda hawada sare ee Turkiga uu la yeeshay Soomaaliya.

Wasiirka cusub ee Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, Cabdulkadir Maxamed Nuur, ayaa bartiisa Facebook ku shaaciyay warbixin ay ku lifaaqan tahay sawirro muujinaya diyaaradaha Bayraktar Akıncı oo lagu keenay A400M oo ah diyaarad xamuul oo casri ah.

“Walaalka dhabta ah waxaa lagu gartaa xilliga adag. Mar kale, Turkiga wuxuu si aan hore loo arag u garab istaagay shacabka Soomaaliyeed xilli ay la dagaallamayaan xoogag shisheeye,” ayuu ku qoray fariintiisa.

Bayraktar Akıncı, oo ay farsameysay shirkadda difaaca ee Baykar ee dalka Turkiga, waa diyaaradda dagaal ee aan duuliye lahayn oo heer istiraatiiji ah. Waxay ka awood badan tahay nooca TB-2, kaas oo si ballaaran loogu adeegsaday dagaallo kala duwan.

Diyaaraddan waxay hawada ku sii jiri kartaa in ka badan 24 saacadood, iyadoo leh 6,000km oo masaafo duulimaad ah iyo karti ay ku gaari karto 30,000 feet oo joog ah. Waxa ay xambaari kartaa hub culus oo waxyeello weyn gaarsiin kara bartilmaameedyada la beegsanayo.

Bayraktar Akıncı waxay sidoo kale ku qalabeysan tahay nidaam isgaarsiin saddex-geesood ah (satellite iyo xiriirka tooska ah), sirdoon macmal ah oo awood u leh farsamaynta xogaha iyo la socodka xaaladaha dagaalka. Waxay leedahay nidaam si buuxda u otomaatig ah oo loogu talagalay duulimaadka iyo degista.

FAAHFAAHIN: Dagaalo Culus oo Xalay ka Dhacay Degaano ka tirsan Sh/dhexe

Khmaiis , 20, March 2025 {HMC}  Dagaal xooggan ayaa caawa ka socdaa deegaanada Bursha shiikh & Sumadaale ee gobolka Shabeellada dhexe kaasoo u dhaxeeya Ciidanka Dowladda iyo kooxda Al Shabaab.

Sida wararku sheegayaan dagaalkan ayaa yimid ka gadaal markii Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee NISA ay galeen goobo ay Al shabaab isku uruursanayeen

Rasaas culus iyo qaraxyo waaweyn ayaa laga maqlayaa goobaha dagaalku ka socdo sida dadka degaanadaas ku dhow soo sheegayaan.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dayuuradaha wax duqeeya ay ka qeyb qaadanayaan dagaalka kuwaasoo caawa dul wareegaya hawada gobolka Sh/dhexe

Xaaladda ayaa kacsan iyadoo dagaalka uu socdo, khasaara kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac leh ayaa jira inkastoo aan xog laga heynin heerka uu gaarsiisan yahay.

Somalia sacks defence minister amid US pressure over his Turkey ties.

0

Wednesday March 19, 2025 {HMC}  Sources tell MEE minister’s efforts to deepen military, energy and aerospace cooperation with Ankara unsettled Washington

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud dismissed his defence minister, Abuldkadir Mohamed Nur, on Sunday following lobbying efforts by the US military, sources told Middle East Eye.

Nur has been reassigned as the minister of ports amid indications that US military support for Somalia’s fight against al-Shabab – an armed group designated as a terrorist organisation by Washington – has slowed.

Two sources familiar with the situation told MEE that Nur’s efforts to deepen Somalia’s military, energy and aerospace cooperation with Turkey unsettled Washington, which maintains closer ties with the United Arab Emirates in the Horn of Africa.

Under Nur’s leadership, Somalia and Turkey signed a comprehensive naval, trade and defence agreement in February last year.

While the full details of the deal remain undisclosed, sources indicate that it grants Turkey the responsibility of safeguarding Somali waters, establishing a Somali navy and assisting in the exploration of energy resources, as a response to Ethiopia’s naval deal with the breakaway region of Somaliland.

Nur, a graduate of Ankara University and a fluent Turkish speaker, has cultivated strong ties with Turkey’s leadership over the years.
US pressure

A Somali official told MEE that US military officers repeatedly pressured Mohamud to dismiss Nur, citing concerns over his lack of coordination with American forces.

“They also demanded access to the February agreement,” the official said. “These discussions happened multiple times throughout the year as US lobbying efforts intensified.”

The official also noted that Washington was displeased with Turkey’s plans to establish a spaceport in Somalia and potentially launch rockets, which could be perceived as long-range ballistic missile tests.

Additionally, Ankara’s recent agreements to explore oil and gas resources in Somali territory reportedly did not sit well with US officials.

The official and another source told MEE that Turkey’s deployment of two Bayraktar Akinci armed drones to Mogadishu on Tuesday to combat al-Shabab was the final straw.

“The Americans essentially made it clear that if Nur wasn’t removed, they would reconsider their security cooperation with Mogadishu against al-Shabab,” the second source said.

Earlier this month, the US embassy in Mogadishu issued a security warning about a possible al-Shabab attack on the city’s airport and other locations, leading to flight cancellations by Qatar Airways and Turkish Airlines.

Meanwhile, in February, US President Donald Trump ordered air strikes targeting the Islamic State group’s leadership in Somalia.

In March, Washington also cut funding to the Danab Special Forces, an elite Somali army unit trained and supported by US Africa Command.

Somali Finance Minister Bihi Iman Egeh told parliament that the government now needs to seek alternative funding sources to cover Danab’s salaries.

Ahmed Abdullahi Sheikh, a former Danab commander, praised Mohamud’s decision to remove Nur. “I wholeheartedly welcome the change in leadership,” he said.

Turkish-Somali relations

A Turkish official, however, downplayed the impact of Nur’s dismissal on Ankara-Mogadishu relations, emphasising that Turkey’s ties with Somalia are based on institutional cooperation rather than personal connections.

“This will not affect our relationship,” the official said. “All agreements with Mogadishu were signed with the government and the Somali president.”

The official also noted Turkey’s significant contributions to Somalia, including investments in infrastructure and defence.

Tunc Demirtas, a regional expert at Ankara-based think tank SETA, expressed confidence that Turkey would continue supporting Somalia’s counterterrorism efforts.

“Moving forward, the focus will be on strengthening institutional structures rather than individual actors, ensuring that strategic cooperation continues in alignment with mutual interests,” he said.

MEE has asked the US government for comment.

By Ragip Soylu in Ankara

Yaa sanadkan qaaday koobka xayawaanka ugu foosha xun adduunka?

Arbaco, 19, March 2025 {HMC}  Kalluunkan blobfish oo mar loo aqoonsaday xayawaanka ugu foosha xun adduunka, sababo la xiriira muuqiisa jilicsan oo finanka leh, ayaa mar kale koobka qaaday: toddobaadkan dhexdiisa ayaa loo caleema-saaray Kalluunka Sanadka kadib munaasabad ay qabteen koox arrimaha deegaanka ka shaqeysa oo dalka New Zealand ku sugan.

Tartankan sanadlaha ah, oo ay qabato kooxda Mountain to Sea Conservation Trust, ayaa looga gol-leeyahay in wacyi-gelin loogu sameeyo biyaha New Zealand iyo nolosha noolaha badda.

Sanakan, kalluunka blobfish ayaa helay codad ku dhow 1,300 oo ka mid ah 5,500 codad la dhiibtay.

Kalluunkan korkiisu dhegdhegga yahay ayaa ku nool gunta badda dhererkiisuna waa 12in (30cm). Waxaa inta badan laga helaa xeebta Australia.

Blobfish waxa alagu yaqaannaa muuqaalkiisa aan qaabka lahayn, wuxuuna u ekyahay kalluun caadi ah marka uu biyaha ku jiro.

Hase yeeshee, marka la qabto oo biyaha korkooda la keeno jirkiisa wuu is beddelaa wuxuuna noqdaa wax nooc kale ah oo kala daadanaya, taas oo ah sababta loogu aqoonsaday noolaha ugu foosha xun adduunka.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {19.03.2025}

Arbaco 19,March 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Muse

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO MUQAALKA} Gudiga Masaajidka ku yaalla Baladweyne oo dalbaday In laga qeeyb qaato dhismaha masaajidkaasi.

Arbaco 19,March 2025 {HMC} Gudiga Masaajidka ku yaalla Baladweyne oo dalbaday In laga qeeyb qaato dhismaha masaajidkaasi.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.