Arbaco 19,March 2025 {HMC} Madaxweyne Xasan Shiikh oo Taageero Caalami ah u helay Dagaalka AS.
{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {19-03-2025}
Arbaco 19, Mar 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiyare & Shugri Baryare
Farsamadii ::Abdiqani Osoble
Puntland: “Aqoonsiga Qaranku Ma Ahan Mid Sugan, Amni Ah Oo Ku Keydsan Gacmo La Isku Halayn Karo”
Arbaco, 19, March 2025 {HMC} Puntland ayaa si cad uga hortimid diiwaangelinta kaarka aqoonsiga qaranka (National ID) ee dowladda Fecderaalka Soomaaliya, iyada oo sheegtay in qorshahan uu yahay mid siyaasadaysan, loogana dan leeyahay doorashooyin aan heshiis lagu ahayn, isla markaana lagu majara-habaabinin bulshada.
War-saxafaadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland, ayaa lagu sheegay in diiwaangelintan ay tahay mashruuc hanti urursi ah oo culays ku ah shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo duruuf adag kala kulmaya amni xumo iyo dhaqaale yari.
Puntland waxay sheegtay inay xoogga saarayso horumarinta danaheeda gudaha, gaar ahaan xoojinta amniga, dhammeystirka hannaanka dimuqraadiga ah iyo doorashooyinka, iyo kobcinta dhaqaalaha. Sidoo kale, waxay sheegtay inay qorshaynayso inay hirgeliso kaarka aqoonsiga Puntland (Puntland State ID) oo loo adeegsan doono baahiyaha gudaha ee Puntland.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa caddeysay in aysan aqoonsanayn, deegaanadeedana laga hirgelin karin diiwaangelinta kaarka aqoonsiga qaranka. Wasaaraddu waxay uga digtay shacabka Puntland in ay ka qaybqaataan barnaamijkan ay ku tilmaantay mid sharci-darro ah.
Wasaaraddu waxay sheegtay in aqoonsiga dowladda Federaalku bixinayso uu yahay mid aan sugnayn oo ku jira gacan aan la isku hallayn karin.

MW Cirro Oo Ka Qeyb Galay Munaasabadda Diiwaangelinta Casriga Ah Ee Ciidamada Somaliland
Arbaco, 19, March 2025 {HMC} Madaxweynaha Maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa ka qaybgalay munaasabadda diiwaangelinta casriga ah ee Ciidamada kala duwan ee Maamulkaas oo kamid ahayd ballamadii uu kusoo galay Doorashadii dhacday Nofeembar 2024.
Cabdiraxmaan Cirro ayaa mid mid u kormeeray qalabka cusub iyo goobaha diiwaangelinta Ciidamada ee casriga ah sida faraha, indhaha & sawirka laga qaadayay Saraakiisha iyo ciidamada qaybahooda kala duwan ee Somaliland.
Cirro ayaa tilmaamay in nidaamkaan uu wax badan saxayo ciidamada Maamulka Somaliland oo diiwaan la hubo maraya sidaasna loola soconaya xogta askari weliba iyo sarkaalka nidaamkaan mara sida uu hadalka u dhigay.
Waxyaabihii uu ballanqaaday Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo muddadii uu bannaan joogga ahaa ku dhaliili jiray Madaxweynihii ka horreeyay ee Muuse Biixi ayuu qaaday tallaabooyin uu ku buuxinayo si aanay markiisa laguugu dhaliilin.
Hay’adda SoDMA Oo durimaha dagaalka geyneysa Daawo, Dhaqaatiir, iyo Gaadiidka gargaarka deg dega
Arbaco, 19, March 2025 {HMC} Hay’adda Maareynta iyo Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA ayaa furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe u dirtay dhaqaatiir, daawo iyo gawaarida gargaarka deg dega ah.
Hay’adda ayaa dhaqaatiirta, daawada iyo gawaarida gargaarka deg dega ah ugu talo gashay in lagu taageero ciidanka difaaca deegaanka ee u taagan la dagaalanka kooxda Al-shabaab.
SODMA ayaa sheegtay in dhaqaatiirta ay saldhigan doonaan Isbitaalka degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha dhexe, islamarkaana ay ka howlgali doonaan magaalooyin ay ka mid yihiin Moqokori, Aadan Yabaaal, Xaaji Cali, Guulane, Masaajidka Cali Gaduud iyo waliba goobaha kale ee howlgaladu ka socdaan ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Agaasimaha Waaxda Caafimaadka ee Hay’adda SoDMA Dr. Cabdullaahi Muuse Axmed oo magaalada Muqdisho ka sagootiyay dhaqaatiirta iyo taageerada ay wadaan ayaa sheegay in talaabadaani ay tahay mid loogu talo galay yareynta khasaaraha kasoo gaara ciidanka deegaanka howlgalada ka dhanka ah kooxda.
Maalmo kooban ka hor ayay aheyd markii hay’adda SoDMA ay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan gaarsiisay deeq daawo ah oo loogu tala galay in lagu dabiibo dhaawacyada iyo bukaanada kale ee u baahan baxnaanada caafimaad.
Ugu dambeyntii Hay’adda Maareynta iyo Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed SoDMA ayaa mudooyinkii dambe si weyn deeq raashiin ah ugu daabuleysay qaar ka mid ah degmooyinka iyo deegaanada gobolka Shabeellaha dhexe oo ay ka socdaan howlgalada dalka looga xudeynayo Al-shabaab.
Puntland Oo Faahfaahin Ka Bixisay Sababaha Keenay Geerida Cabdiraxmaan Laahoor
Arbaco, 19, March 2025 {HMC} Maamulka Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyay geerida Cabdiraxmaan Shirwac Saciid Laahoor, oo kamid ahaa xubnihii kooxda Daacish ee isisoo dhiibay, kaasoo shalay ku geeriyooday xabsi ku yaalla magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.
Guddoomiyaha Gobolka Bari, Cabdirisaaq Cali Ismaaciil Shaahdoon, oo qabtay shir jaraa’id, ayaa isagoo xiganaya baaritaan caafimaad oo kasoo baxay isbitaal kuyaala Boosaaso sheegay, in geerida Laahoor ay sabab u ahayd beerkiisa, wadnihiisa, sambabkiisa, kelyihiisa oo howlgab noqday iyo dhiig-kar ku kacay oo la xakamayn waayay.
Guddoomiyaha ayaa beeniyay wararka sheegaya in xabsiga lagu dilay Cabdiraxmaan Laahoor, isagoo xusay inuu ahaa nin horey loogu xukumay dil toogasho, loona haystay dilal ka badan boqol qof oo lagu khaarijiyay magaalada Boosaaso.
“Laahoor mujrim buu ahaa. Iskuma soo dhiibin si uu naftiisa u difaaco ama caddaaladda horyimaado. Wuxuu waayay meel uu ku gambado. Dadka uu laayay ayaa u baahan caddaalad,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Bari.
Dhanka kale, qoyska Cabdiraxmaan Laahoor ayaa ku eedeeyay maamulka Puntland in Aabahood si xun loo dilay, isla markaana uusan helin caddaalad. Waxay dalbadeen in aan laga aasin maydkiisa, laguna wareejiyo ehelkiisa.
Somaliland Oo Sheegtay Wadankii doonayo Inuu Kala Hadlo Arrinta falastiin uu marka hore aqoonsado
Arbaco, 19, March 2025 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo waraysi siiyay warbaahinta dowladda Israa’iil ee KAN, ayaa sheegay in cid kasta oo doonaysa inay kala hadasho arrinta Falastiin ay tahay inay marka hore aqoonsato Somaliland.
Wasiir Daahir, oo wax laga waydiiyay sida uu u arko wararka sheegaya in qaar ka mid ah dadka reer Qasa dib u dajin loogu samaynayo Somaliland, ayaa sheegay in ilaa hadda aysan jirin cid arrintaas kala soo xidhiidhay, balse ay muhiim tahay in waddan kasta oo raba inuu Somaliland kala hadlo qadiyado gaar ah uu marka hore aqoonsado.
“Waanu u furanahay in aanu wadahadal ka galno arrin kasta, balse ma rabo in aan buunbuuniyo wax aan nagalala hadal. Dhamaan waddamada xiisaynaya inay qadiyado naga la hadlaan waa inay marka hore xidhiidh rasmi ah nala yeeshaan oo ay safaarado ka furtaan Somaliland,” ayuu yidhi Wasiir Daahir.
Wasiirku waxa uu intaas ku daray in waxa ugu muhiimsan ee ay Somaliland rabto uu yahay aqoonsi. “Waxa anaga noogu muhiimsan waa in aanu helno aqoonsi, kadib markii aanu caalamka tusnay in aanu nahay dal nabadda jecel oo dimuqraadi ah,” ayuu yidhi.
Wakaaladda Wararka ee Associated Press ayaa dhawaan tabisay in saraakiil ka socda Israa’iil iyo Maraykanka ay arrinta dib u dajinta dadka reer Qasa kala hadleen Somaliland, Soomaaliya iyo Suudaan, inkastoo saddexdooduba ay beeniyeen in cid lasoo xidhiidhay.
{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xasan Shiikh oo Taageero Caalami ah u helay Dagaalka AS.
Arbaco 19,March 2025 {HMC} Madaxweyne Xasan Shiikh oo Taageero Caalami ah u helay Dagaalka AS.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 19/3/2025
Arbaco 19,March 2025 {HMC}Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARKA KOOBAN.



