Home Blog Page 113

Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in uu Turkigu ujoogin Soomaaliya dagaal ka dhan ah Israa’iil .

0

Talaado 10 Feb 2026 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa beeniyay in joogitaanka Turkigaee Soomaaliya iyo saamaynta sii kordhaysa uu ku leeyahay dalka uu yahay mid lagula dagaallamayo Israa’iil.

“Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga waa mid dhinacyo badan leh, mana aha oo kaliya arrin amni. Waxaa ku jira dhaqaale, istaraatiijiyad juqraafiyeed iyo iskaashi siyaasadeed,” ayuu yiri madaxweynaha oo la hadlay warbaahinta Aljazeera.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in heshiisyada difaac ee labada dal ay ujeeddadoodu tahay in Soomaaliya is-difaacdo, isla markaana looga hortago xoogag kasta oo halis ku ah jiritaanka iyo madax-bannaanida dalka.

Madaxweynuhu wuxuu tilmaamay in Turkigu horey u muujiyay inuu yahay lammaane lagu kalsoonaan karo, isaga oo sheegay inuu gacan ka geystay dib-u-dhiska hay’adaha ammaanka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo taageeridda dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay dhammaan dalalka dan wadaagga la leh, balse ay si cad u kala saarayso iskaashi sharci ah iyo faragelin wax u dhimaysa midnimada dalka.

Bishii December ee sanadkii hore, Israa’iil ayaa digniin u dirtay Soomaaliya. Shay Gal, oo ah lataliye sare oo ka tirsan Dowladda Israel, ayaa sheegay in Soomaaliya ay hadda noqotay meel uu saamayn weyn ku leeyahay Turkiga, halkaas oo uu sheegay in lagu tijaabinayo gantaalka Tayfun oo Turkigu ugu hanjabay Giriiga iyo Israa’iil.

Shay Gal, oo ahaa ku-xigeenkii hore ee xiriirka dibadda ee Israel ayaa fariin u diray Ankara, isaga oo sheegay in si la mid ah Iiraan ay awood u leeyihiin in ay weerari karaan Soomaaliya si ay uga hortagaan gantaalada Turkiga.

{DAAWO MUUQAALKA} Ilaalada Gaarka ah ee Madaxweynaha Jubaland oo Kismaayo Kasoo Baxay kuna wajahan Muqdisho.

0

Talaado 10 Feb 2026 {HMC} Ilaalada Gaarka ah ee Madaxweynaha Jubaland oo Kismaayo Kasoo Baxay kuna wajahan Muqdisho

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta waqti dheeraad ah geliyay ka doodista Dastuurka Dalka

0

Talaado 10 Feb 2026 {HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa Xildhibaannada xaadiray kulankooda wadajirka ah u sheegay in waqti dheeraad ah ay sii shaqayn doonnaan.

Aadan Madoobe ayaa Xildhibaannada u sheegay in maanta aanay bannaanka loo aadi doonnin qado isla markaana xaruntooda loogu keenayo si loosii gudagabo fadhiga oo qaadanaya waqti ka badan saacadihii uu horay qaadan jiran.

Sababta uu Guddoonka Baarlamaanka u qaatay waxa uu Guddoomiye Aadan Madoobe sheegay in ay tahay waqtiga oo isguraya, Howsha Dastuurkana u furan tahay maadaama uu ay sugayaaan 20 Milyan oo Soomaali ah sida uu hadalka u dhigay.

“20 Milyan oo Soomaali ah ayaa na sugeysaa, culeys weyn ayaa na saaran, Dastuurka aan dhammeystirno, marka salaadda lasoo tukado lasoo noqdo, maanta laga billaabo waxa aan u samaynaynaa Qado shaqo, waqtiga wuu nagu yar yahay oo waad ogtihiin Soon ayaa soo dhaw” Sidaasi waxaa yiri, Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, Sheekh Aadan Madoobe.

Aadan Madoobe iyo Abshirow yaa ku guuleystay Shir guddoominta Baarlamaanka?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, Sheekh Aadan Madoobe ayaa 2 jeer ku guuldaraystay in si xasiloon uu Baarlamaanka u galo Doodda wax ka badalka dastuurka ee cutubyada 4aad ilaa 9aad ee Dastuurka KMG ee Dalka.

Halka Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee BFS, Cabdullaahi Cumar Abshirow oo ku simaha Guddoomiyaha ah suuragalay labadii kulan u dambeeyay in Xildhibaannadu ka doodaan wax ka badalka Dastuurka dalka.

Kulanka Baarlamaanka ee maanta waxaa ka maqnaa 47 Xildhibaan oo Guddoonka u diiday ka qaybgalka dhowr kulan kaddib markii lagu eedeeyay in ay sameeyeen rabshado uu ka furmi waayay kulamo xiriir ah.

 

Dagaal Culus oo ka socda Jubada Hoose.

0

Talaado 10 Feb 2026 {HMC} Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland iyo ‘AS’ ayaa ka socda duleedka Degmada Jamaame ee Koofurta Gobolka Jubada Hoose, dagaalkaan waxa uu yimid kaddib markii Ciidamada maamulkaas uu duullaan xooggan qaaday.

Khasaara xooggan ayaa labada dhinac soo kala gaaray inkasta oo aan lahayn tiro sugan, waxaa la sheegay in ay socdaan duqaymo la sheegay in ay iska kaashanayaan Ciidamada Kumaandooska Danab iyo Maraykanka.

Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa maalmihii lasoo dhaafay diyaarinaysay Ciidamo duullaan ku qaada Saldhigyada ‘AS’ ee Gobolka Jubada hoose gaar ahaan Duleedka Degmada Jamaame halkaas oo muddooyinkii dambe ay ka abaabulayaan weerarro ka dhan ah saldhigyada ciidankas.

 

Soomaaliya & Turkiga oo Heshiis Cusub kala Saxiixday.

0

Talaado 10 Feb 2026 {HMC} Hay’adaha Isgaarsiinta Qaranka ee Soomaaliya & Turkiga ayaa ku heshiiyay in ay iska kaashadaan dhinaca Isgaarsiinta Elektarooniga, Khibradaha & adkaynta Nidaamka Internetka sida lagu xusay bayaan kasoo baxay Labadaas hay’adood.

Soomaaliya waxaa heshiiskaan u saxiixay Maareeyaha guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mustafa Yaasiin Sheekh waxa uu dhiggiisa Turkiga Ömer Abdullah Karagözoğlu uga mahadceliyay in heshiiskaan ay wadagalaan.

Heshiiska ayaa ka dhacay Xarunta hay’adda Qaran ee Isgaarsiinta Turkiga (BTK), waxaana Ankara ay xusay in heshiiskaan uu qayb ka yahay nidaaminta Isgaarsiinta Dayax-gacmeedka, Amniga Saybarka, Maaraynta hirarka kaabeyaasha Internetaka baahsan iyo kuwo kale.

Guddoomiyaha Hay’adda Teknolojiyadda Macluumaadka iyo Isgaarsiinta ee Jamhuuriyadda Türkiye, Ömer Abdullah Karagözoğlu ayaa sidoo kale bogaadiyay shaqada adag ay qabatay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Soomaaliya.

“Anaga oo u mareyna iskaashigan, waxa aan kor u qaadaynaa is-weydaarsiga aqoonta, khibradda nidaaminta, si kor loogu qaado qeybaha isgaarsiinta ee mustaqbalka fog ee labada dal ee Türkiye iyo Soomaaliya” ayuu yiri Ömer Abdullah Karagözoğlu, Guddoomiyaha BTK.

Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mustafa Yaasiin ayaa dhankiisa sheegay in heshiiskaan uu muhiim u yahay xoojinta wadashaqaynta Hay’adeed ee u dhaxeeya Labadaan Hay’ad ee HIQ & BTK isla markaana awood siinayso dhisidda Awoodda Shaqaalaha.

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa Soomaaliya ku hoggaamisay isbaddello muuqda iyada oo la jaanqaadaysa Dalalka horumarka ka sameeyay arrimahaas, waxa ay ka qaybgashay shirar caalami ah iyada oo kusoo bandhigtay fursadaha iyo isbaddelka dalka ka jira.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Xukun Dil ah oo lagu Fuliyey Xubno ka tirsan AS

0

Talaado 10 Feb 2026 {HMC}Xukun Dil ah oo lagu Fuliyey Xubno ka tirsan AS

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxda Maamulada Jubaland iyo Puntland oo ku wajahan Muqdisho

0

Talaado 10 Feb 2026 {HMC} Xildhibaanada Qaar waxay Billaabeen ineey jirkeeyka Ka hadlaan ”Xildhibaan Qaali”

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

Wararkii ugu dambeeyay Mareykanka oo qabsaday markab kale oo uu eryanayay

0

Talaado 10 Feb 2026 {HMC} Wasaaradda Difaaca ayaa sheegtay in militariga Mareykanka ay raaceen markab shidaal qaada ka dib markii ay ku raad joogeen kumanaan mayl oo u dhexeeya Kariibiyaanka ilaa Badweynta Hindiya.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay, in markabka – oo lagu magacaabo Aquila II – uu shaqeynayay isagoo ka soo jebiyay “xayiraad uu Mareykanku saaray maraakiibta Caribbean-ka ee galaya ama ka baxaya Venezuela”.

“Way baxsatay oo waan daba soconay,” ayay waaxdu ku tiri baraha bulshada, iyadoo intaa raacisay; Hadii la maro “dhulka, cirka, ama badda, Ciidamadeenna Qalabka Sida ayaa gacanta kugu soo dhigi doona oo cadaaladda ku marsiin doona”.

Ciidamadu waxay raaceen oo kormeereen markabka, sida ay sheegeen mas’uuliyiintu.

Ugu yaraan toddobo markab oo shidaal ah ayuu Mareykanku qabsaday tan iyo sannadkii hore, iyadoo maamulka Trump uu u dhaqaaqayo inuu xakameeyo sahayda saliidda Venezuela, oo ah isha dhaqaale ee ugu weyn dalka.

Ciidamada Mareykanka ayaa madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro ka soo qabtay gurigiisa oo ku yaal Caracaskadib weerarkii dhacay bishii Diseembar, waxayna hirgeliyeen xayiraad lagu soo rogay shixnadaha shidaalka.

Shidaalka ayaa hoos u dhacay kala bar bishii Janaayo ilaa qiyaastii 400,000 oo fuusto maalintii, sida uu BB-da u sheegay Matt Smith, madaxa falanqaynta shirkadda Mareykanka ee Kpler.

Dowladda Turkiga oo Soomaaliya keentay nidaamka difaaca hawada.

0

Isniin 9 Feb 2026 {HMC} Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya keentay nidaamka difaaca hawada, xilli ay Ankara dalka ka bilaabayso qodista shidaalka, isla markaana ay ka hirgelinayso saldhig hawada sare ah oo laga ganayo dayax-gacmeedka.

Ankara ayaa maalmihii dambe dalka keenaysay nidaamkan difaaca, iyadoo maanta garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ay kasoo degtay diyaarad xamuul millatari oo nooca Airbus A400M Atlas ah.

Diyaaraddan oo ay leeyihiin ciidamada cirka Turkiga ayaa ka soo kacday saldhigga cirka ee Kayseri Erkilet ee Turkiga, waxaana la rumeysan yahay in imaanshaheedu la xiriiro iskaashiga milatari ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Iskaashiga amni ee Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo Ankara ay dhawaan Soomaaliya keentay diyaaradaha casriga ah ee dagaalka F-16. Ankara ayaa sidoo kale xoojisay joogitaankeeda milatari ee Soomaaliya, iyadoo maraakiib casri ah ay ku sugan yihiin biyaha dalka.

Maraakiibtaasi ayaa la sheegay inay ka qeyb qaadanayaan ilaalinta shidaalka la soo saarayo, xeryaha la dhisayo, iyo xarunta dayax-gacmeedka ee haatan lagu howlan yahay.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka 09-02-2026.

0

Isniin 9 Feb 2026 {HMC} Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka 09-02-2026.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA