Home Blog Page 112

DFS oo si rasmi ah u billowday dhismaha iyo tayeynta Ciidanka Badda Soomaaliyeed

0

Arbaco 11 Feb 2026 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u billowday dadaallo lagu dhisayo laguna tayeynayo Ciidanka Badda Soomaaliyeed, iyadoo dowladda Turkey ay qaadanayso doorka tababarka iyo taageerada farsamo ee ciidamadaas.

Qalabkii ugu horreeyay ee tababarka Ciidanka Badda ayaa dhawaan la keenay magaalada Muqdisho, taas oo astaan u ah bilowga qorshe ballaaran oo lagu xoojinayo awoodda badeed ee dalka.

Maanta, Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Badda Turkey, Admiral Mustafa Kaya, ayaa soo gaaray Muqdisho, halkaas oo uu kula kulmay Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Difaaca Soomaaliya.

Kulankaas ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta tababarka, iskaashiga farsamo, iyo horumarinta awoodda difaac ee badda.

Sidoo kale, ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dhawaan dowladda Sucuudiga, oo shir la yeelatay saraakiisha amniga Soomaaliya, ay weydiisay Dowladda Federaalka in ay si rasmi ah u caddeyso baahiyaha ay ka doonayso Boqortooyada Sucuudiga.

Dowladda Soomaaliya ayaa gudbisay laba qodob oo muhiim ah: in la siiyo maraakiib dagaal iyo in loo fududeeyo helista iyo iibsashada diyaaradaha milatari ee ay soo saarto Pakistan.

Dowladda Sucuudiga ayaa la sheegay inay diyaar u tahay inay Soomaaliya siiso maraakiib ay horay u isticmaali jireen ciidankeeda badda, balse hadda ka baxaya adeegsiga maadaama lagu beddelay qalab casri ah oo noocii ugu dambeeyay ah.

Maraakiibtan ayaa la filayaa inay door weyn ka qaataan sugidda ammaanka xeebaha Soomaaliya iyo la-dagaallanka tahriibta, burcad-badeedda, iyo khataraha kale ee badda.

Dhanka kale, Turkey ayaa si rasmi ah u bilaabaysa tababarka ciidamada la qorsheeyay, halka heshiisyada la xiriira maraakiibta badda la filayo in lagu dhammeystiro booqashada uu Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ku tegi doono Boqortooyada Sucuudiga maalmaha soo socda.

Tallaabooyinkan ayaa muujinaya dadaal xooggan oo ay dowladda Soomaaliya ku doonayso inay dib ugu dhisto awooddeeda difaac ee badda, isla markaana ay xoojiso iskaashiga amni ee ay la leedahay dalalka saaxiibka ah, si loo sugo madaxbannaanida iyo badbaadada biyaha Soomaaliyeed.

Somaliland waxa ay u muuqato marin hubka loo mariyo Kooxda RSF, Gudoomiyaha Arimaha Dibadda ee Sanate Mareykanka.

0

Arbaco 11 Feb 2026 {HMC} Gudoomiyaha Arimaha Dibadda ee Sanate Mareykanka oo Sheegay in Somaliland ay u muuqato Marin Hubka loo Mariyo Kooxda dagaalka kula Jirta Dowladda Suudaan ee RSF

Warkan oo lagu daabacay bogga X ee Guddoomiyaha Xiriirka Arrimaha Dibadda Mareykanka (Senate Foreign Relations Committee Chairman), Jim Risch ayaa lagu yiri
“Waxaan ka walaacsanahay warbixinnada ku saabsan xarun tababar oo lala xiriirinayo Imaaraadka (UAE) oo gudaha Itoobiya loogu furay maleeshiyada xasuuqa geysata ee RSF, iyadoo laga yaabo inay jiraan waddooyin sahayda loo mariyo oo sii mara Somaliland.

Tallaabooyinkani waxay noqon doonaan kuwo xaaladda sii hurinaya, waana sabab kale oo dheeri ah oo loogu aqoonsan karo RSF urur argagixiso shisheeye (FTO), taas oo horseedi doonta cawaaqib ka dhasha taageeradan wakalaadeed gobolka ah.”

 

Israa’iil oo billaabay in ay shidaal cayriin ka soo dhoofsadaan Dalka Venezuela.

0

Talaado 10 Feb 2026 {HMC} Shirkadaha shidaalka Israa’iil ayaa billaabay inay shidaal cayriin ka soo dhoofsadaan Venezuela, iyadoo lagu sheegay dhoofintan inay Israa’iil si dhaqso ah uga faa’iideysanayso isbeddelka ka dhacay dalkaa, kaddib markii Mareykanka uu afduubay madaxweynihii ka soo horjeeday Israa’iil ee Nicolas Maduro.

Tallaabada oo badashay jihada shidaalka Venezuela oo markii hore Shiinaha uu ka faa’iideysan jiran, xilligan Mareykanka, Spain , Hindiya iyo hadda Israa’iil ayaa noqday kuwa dhoofsanaya shidaalka Venezuela,sida ay werisey Bloomberg.

Madaxweyne Macron oo markii u horreysay si cad u sheegay in la joogo waqtigii Midowga Yurub uu wada-hadallo toos ah la yeelan lahaa Ruushka.

0

Talaado 10 Feb 2026 {HMC} Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa markii u horreysay si cad u sheegay in la joogo waqtigii Midowga Yurub uu wada-hadallo toos ah la yeelan lahaa Ruushka , inta uu ku jiray waraysi uu siiyay wargeyska Tages-Anzeiger ee ka soo baxa dalka Switzerland.

Wuxuu xaqiijiyay in hoggaamiyeyaal Yurub ka tirsan uu la wadaagay fikradan, isla markaana loo baahanyahay wada-hadallo aysan cid kale dhex dhexaadin oo dhab ah , xaqiijinaya danaha Yurub in lala galo Ruushka, iyadoo aan la cadaadineyn Ukraine.

Intaa wuxuu ku daray in la taliyihiisa arrimaha siyaasadda inuu dhawaan booqday Ruushka oo wadahadallo la yeeshay saraakiisha Ruushka, in kastoo uu xaqiijiyay booqashadaa gudaha Yurub in looga arkay mid waqti hore ah.

Haddaba, maxay tani ka dhigan tahay?

Marka hore, Yurub ayaa daashay. Dagaalka Ukraine wuxuu keenay culays dhaqaale oo muuqda, tamarta ay hesho Yurub ayaa dhaqaale badan ku kacaysa xilligan, hoos u dhac weyn ayaa ku yimid warshadaha Yurub , marxaladan ayaa sidoo kale saameyn ku yeelatay nolosha Yurub oo sicir bararku sare maray.

Iskudarka xaaladan ayaa xataa dhaliyay cadaadis siyaasadeed oo gudaha ah.

Dalal badan oo Yurub ah ayaa si dadban u fahmay in dagaalkan uusan ku dhammaan doonin guul militari oo cad, isla markaana kharashkiisu uu si toos ah u saameynayo nolosha muwaadiniinta.

Sidaas darteed, hadalka Macron waa qirasho ah in wadahadalka Ruushka uu noqday ikhtiyaar lama huraan ah.

Dhanka Ruushka, hadalkan wuxuu u yahay fursad istiraatiiji ah. Moscow waxay muddo dheer raadineysay inay kala jebiso midnimada reer Galbeedka, gaar ahaan kala fogeynta Yurub iyo Mareykanka.

Mid ka mid ah ujeeddooyinka Ruushka ee dagaalka Ukraine ayaa mar kasta lagu sheegaa inay qeyb ka tahay inuu ka raadinayo heshiisyo cusub oo Yurub uu la galo, kuwaasoo sare u qaadaya awoodiisa iyo saameynta uu Yurub ku leeyahay.

Mareykanka oo isagu ka faa’iideysanayay dagaalka Ukraine ayaa heshiis kasta oo Yurub iyo Ruushka ah, waxay ku noqonaysa dharbaxo istaraatiji ah oo wiiqeysa saameynta uu Mareykanka ku lahaa Yurub, waana sababta hadda loo maqlayo Marcon oo sheegaya inan loo baahneyn dhinac kale oo danihiisa ku lifaaqa dhibaatada ay xaaladda taagan ka wajahayso Yurub oo ula jeedo Mareykanka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Taliska Guud ee XDS ku soo dhaweeyay Kaaliyaha Taliska Ciidanka Badda ee Turkiga.

0

Talaado 10 Feb 2026 {HMC} Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Taliska Guud ee XDS ku soo dhaweeyay Kaaliyaha Taliska Ciidanka Badda ee Turkiga iyo Wafdi uu Hogaaminayo.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamud, ayaa Taliska Guud ee Ciidanka XDS kusoo dhaweeyay Kaaliyaha Taliska Ciidanka Badda ee Turkiga, Admiral Mustafa Kaya, iyo wafdiga uu hogaaminayo.

Taliyaha ayaa muujiyay muhiimada uu Taliska Ciidanka XDS siinayo dhismaha iyo tayaynta Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha.

Inta uu joogo dalka, wafdigu waxa ay kulamo la yeelan doonaan qaybaha kala duwan ee Ciidanka XDS, si loo hirgeliyo qorshayaasha horumarinta muhiimka u ah Ciidanka, gaar ahaan dhismaha iyo tayaynta Ciidamada, oo ay ku jiraan Ciidanka Gaarka ah.

Ugu dambeyn, Taliyaha ayaa wafdiga uga mahadceliyay booqashadooda, isla markaana u rajeeyay guul, nabadgelyo, iyo in howlahooda shaqo si guul leh ku dhamaadaan.

{DAAWO SAWIRADA} Wasiir Fiqi oo Booqday xarunta Isbahaysiga Wadamada Islaamka ee La-dagaallanka Argagixisada.

0

Talaado 10 Feb 2026 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho ku jooga Boqortooyada Sucuudi Carabiya, ayaa maanta booqday xarunta Isbahaysiga Wadamada Islaamka ee La-dagaallanka Argagixisada (IMCTC) halkaas oo uu kusoo dhaweeyay Xoghayaha Guud ee xarunta Jeneraal Maxamed bin Saciid Al-Moghedi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray la dagaalanka fikirka xagjirka ah, ciribtirka argagixisada iyo wadashaqeynta labad dhinac.

Booqashada waxaa Wasiirka ku wehliyay siihayaha safaaradda Soomaaliya ee Riyaad, Mudane Cabdicasiis Cabdiraxmaan Xassan, Wakiilka IMCTC u fadhiya Soomaaliya S/Guuto Cabdiraxmaan Turyare, iyo masuuliin ka socotay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Safaaradda Soomaaliya.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka mid ah waddamadii aasaasay Isbahaysiga Wadamada Islaamka ee La-dagaallanka Argagixisada, taasoo muujinaysa doorka firfircoon ee ay Soomaaliya ku leedahay dadaallada caalamiga ah ee ka dhanka ah argagixisada.

Minister of Transport Inspects Crash Site at Aden Adde Airport, Confirms Launch of Official Investigation

0

Tuesday  10 Feb 2026 {HMC}  The Minister of Transport and Civil Aviation of the Federal Government of Somalia, H.E. Mohamed Farah Nuh, conducted an immediate site inspection at Aden Adde International Airport on Tuesday following the runway excursion incident involving a passenger aircraft. The Minister led a delegation of senior officials and security personnel to the crash site where the plane had come to rest in the shallow waters adjacent to the runway.

Upon assessing the scene, Minister Mohamed Farah Nuh officially confirmed that there were no fatalities resulting from the accident. He commended the rapid response of the emergency services, which ensured the safe evacuation of all passengers and crew members aboard. While the aircraft itself sustained structural damage during the landing attempt, the Minister emphasized that the priority remains the safety of the passengers, all of whom were accounted for without serious injury.

During the visit, the Minister announced that a comprehensive technical investigation is already underway to determine the precise cause of the malfunction that forced the emergency return and subsequent crash. He assured the public that the findings would be transparent and that the ministry is committed to maintaining the highest standards of aviation safety at the nation’s primary gateway.

BREAKING: Passenger Plane Skids Off Runway into Sea at Mogadishu’s Aden Adde Airport, All Passengers Evacuated Safely

0

Tuesday  10 Feb 2026 {HMC}   The Somali Civil Aviation Authority (SCAA) has confirmed that a passenger aircraft was involved in a serious runway excursion incident at Aden Adde International Airport on Tuesday. Director General Ahmed Moalim Hassan verified to the National Media that the incident occurred shortly after the aircraft had taken off and was forced to execute an emergency return due to technical difficulties.

The aircraft, identified by its livery as belonging to Starsky Aviation, was en route to the city of Galkayo when the flight crew reported a malfunction. According to Director Moalim, the pilot made the decision to return to Mogadishu immediately. Upon attempting to land from the city-side approach, the pilot was unable to bring the aircraft to a halt within the confines of the runway. The plane subsequently overshot the tarmac, crashing through the perimeter barriers and coming to rest in the shallow waters of the Indian Ocean adjacent to the airport.

Despite the dramatic nature of the crash, the Civil Aviation Authority has issued a reassuring statement confirming that there were no fatalities. Emergency rescue teams responded instantly to the scene, and all passengers and crew members were successfully evacuated from the fuselage. “The pilot managed to land the plane, but upon touching down, he lost control, and the aircraft ran off the runway into the sea. Fortunately, there are no casualties,” Director Ahmed Moalim stated.

source sonna

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa shil kugashay Diyaarad Rakaab .

0

Talaado 10 Feb 2026 {HMC} – Wararka ka imaanaya gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in diyaarad kuwa rayidka ah ay shil ku gashay Garoonka kaddib markii ay cilad farsamo ku qabsatay wax yar uun ka dib markii ay hawada gashay.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Axmed Macallin, ayaa u sheegay BBC-da in diyaaradda ay ka kacday Garoonka Aadan Cabdulle, islamarkaana ay ku sii jeedday magaalada Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug.

Axmed Macallin ayaa intaa ku daray in duuliyeyaasha diyaaradda ay si degdeg ah u soo sheegeen in cilad farsamo ay qabsatay, taas oo keentay in ay go’aan ku gaaraan in ay dib ugu soo laabtaan garoonka Muqdisho.

Diyaaradda ayaa markii ay isku dayday in ay ku degto dhabbaha ay diyaaraduhu ku ordaan, ka baxday dhabbaha, kaddibna ku dhacday badda ku dhow garoonka, taas oo sababtay cabsi iyo walaac xooggan.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in ilaa 50 qof oo rakaab ah ay saarnaayeen diyaaradda, waxaana isla markiiba bilaabmay howl-gurmad degdeg ah oo lagu badbaadinayo rakaabka iyo shaqaalaha diyaaradda.

Mas’uuliyiinta garoonka iyo hay’adaha amniga ayaa xaqiijiyay in dhammaan rakaabkii ay badbaadeen, iyadoo la xaqiijinayo xaaladdooda caafimaad, lana wado baaritaan lagu ogaanayo sababta rasmiga ah ee keentay ciladda farsamo iyo shilka diyaaradda.

Wixii Faah faahin ah ee kusoo kordha gadaal ayaan idinkaga soo tebin doonnaa.

 

Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in uu Turkigu ujoogin Soomaaliya dagaal ka dhan ah Israa’iil .

0

Talaado 10 Feb 2026 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa beeniyay in joogitaanka Turkigaee Soomaaliya iyo saamaynta sii kordhaysa uu ku leeyahay dalka uu yahay mid lagula dagaallamayo Israa’iil.

“Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga waa mid dhinacyo badan leh, mana aha oo kaliya arrin amni. Waxaa ku jira dhaqaale, istaraatiijiyad juqraafiyeed iyo iskaashi siyaasadeed,” ayuu yiri madaxweynaha oo la hadlay warbaahinta Aljazeera.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in heshiisyada difaac ee labada dal ay ujeeddadoodu tahay in Soomaaliya is-difaacdo, isla markaana looga hortago xoogag kasta oo halis ku ah jiritaanka iyo madax-bannaanida dalka.

Madaxweynuhu wuxuu tilmaamay in Turkigu horey u muujiyay inuu yahay lammaane lagu kalsoonaan karo, isaga oo sheegay inuu gacan ka geystay dib-u-dhiska hay’adaha ammaanka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo taageeridda dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay dhammaan dalalka dan wadaagga la leh, balse ay si cad u kala saarayso iskaashi sharci ah iyo faragelin wax u dhimaysa midnimada dalka.

Bishii December ee sanadkii hore, Israa’iil ayaa digniin u dirtay Soomaaliya. Shay Gal, oo ah lataliye sare oo ka tirsan Dowladda Israel, ayaa sheegay in Soomaaliya ay hadda noqotay meel uu saamayn weyn ku leeyahay Turkiga, halkaas oo uu sheegay in lagu tijaabinayo gantaalka Tayfun oo Turkigu ugu hanjabay Giriiga iyo Israa’iil.

Shay Gal, oo ahaa ku-xigeenkii hore ee xiriirka dibadda ee Israel ayaa fariin u diray Ankara, isaga oo sheegay in si la mid ah Iiraan ay awood u leeyihiin in ay weerari karaan Soomaaliya si ay uga hortagaan gantaalada Turkiga.