Home Blog Page 1132

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweynaha Puntland oo James Swan kala hadlay dagaalka ka dhanka ah Daacish ee gobolka Bari

Axad 16,March 2025 {HMC} Madaxweynaha Puntland oo James Swan kala hadlay dagaalka ka dhanka ah Daacish ee gobolka Bari

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Doowladda Soomaaliya oo War Kasoo Saartay Duqeen ka Dhacday Jilib

Axad 16, March 2025 {HMC} War saxafaadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faah faahiyay howlgallo gaar ah oo ay Ciidamada Dowladda iyo saaxiibada caalamka ay ka fuliyeen magaalada Jilib ee xarunta Gobolka Jubbada Dhexe oo ah xarunta ugu weyn oo ay ku sugan yihiin hogaamiyaasha sar sare ee Kooxda Al-shabaab.

War saxafaadaeedka ayaa lagu sheegay in Howlgalkaan aad loo qorsheeyay oo ay sameeyeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka lagu bartimaameedsaday xarumo muhiim ah oo Al shabaab ay ku lahaayeen magaalada Jilib ee xarunta Gobolka Jubbada Dhexe, kuwaas oo kala ah, xarunta degmada, xarunta waxa ay ugu yeeraan jabhadaha, labo xarun oo ay ku samayn jireen tababarada iyo qaraxyada iyo labo guri oo ay daganaayeen Horjooge Xasan Yacquub iyo Horjooge Amiin.

Sidoo kale wasaaradda ayaa shaaca ka qaaday in Howlgalkaan lagu burburiyay dhammaan goobaha la beegsaday, waxaana jira khasaaro xoog leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo la gaarsiiyay maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha cadowga, kuwaas oo wali dowladdu ay ku wado tiro koob.
“Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa howlgallo kale oo bartimaameed ah waxay ku burburiyeen fariisimihii ugu muhiimsanaa Al shabaab ah oo ay ku lahaayeen deegaanka Ceelbacad ee ku yaala xadka gobollada Sheeballaha Dhexe iyo Galgaduud iyo deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose.” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.
Ugu dambeyn waxa ay Dowladda Soomaaliya uga digtay shacabka Soomaalyeed ee sugan goobaha Al shabaab ku dhuumaalaysanayaan inay u dhowaadaan xarumahoodi ama goobaha ay joogaan Al shabaab, maadaama Alshabaab lagu beegsanayo goob kasta.

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 16-3-2025.

Axad 16,March 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

Askari Ka Tirsan Dowladda oo Qof Shacab ah Ku Toogtay Mudisho

Axad 16, March 2025 {HMC}  Askari katirsan Ciidanka Ilaalada wadooyinka ee Taraafikada ayaa meel u dhaw isgoyska Afarta Jardiino ku dilay wiil wade mooto Bajaaj ahaa.

Wararka aan heleeno ayaa sheegaya in askarigii dilka gaystay uu goobta ka baxsaday waxaana halkaas ka bilowday banaanbax xooggan .

Wadayaal mooto bajaaj oo arintaan ka carooday ayaa agaas isugu soo baxay waxa ayna bur buriyeen gaarigii ay wateen askartii taraafikada ahayd iyaga oo markii dambe deb qabad siiyay gaariga .

Xaaladda ayaa waxa ay tahay mid kacsan banaanbaxa ayaana waxa uu yahay mid sii xoogeysanaaya.

Golaha Wasiirada Hirshabeele oo Shir ka Yeeshay Kooxda AS.

0

Axad 16, March 2025 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta shir-guddoomiyey kulan deg deg ah oo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle

Ugu horeyn Wasaaradda Amniga ayaa laga dhageystay warbixin ku aadan halka uu marayo howlgalka dabar-goynta Khawaarijta waxana ay xuseen in guluf xooggan uu weli ka socdo Hirshabeelle kaas oo lagu naafeeyay Khawaarijta iyagoo lagu baacsanayo dhulka howdka ah

Wasaaraddaha Gargaarka, Caafimaadka, Qorsheynta, Waxbarrashada, Maaliyadda iyo Gaadiidka ayaa soo bandhiggay saameynta dagaalka iyo qaabka ay ula tacaalayaan xaaladdaha soo kordhay

Wasaaradda Cadaallada ayaa tilmaamtay maxaabiista dagaalka lagaga qabtay Khawaarijta in la marsiin doono hab-raaca sharci ee garsoorka.
Sidoo kale Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegtay inuu gabogabo marayo hirgelinta Raadiyaha Dowladda Hirshabeelle oo laga dhageysan doono labada gobal ee Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe kaas oo qeyb ka noqon doono wacyigelinta iyo baabi’inta fikirka xagjirka ah

Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ayaa kulanka Golaha Wasiirrada uga mahadcelisay guud ahaan Haweenka Hirshabeelle oo aagagga dagaalka gaarsiiyay cunto iyo agab kale oo dhiirogelin u ah Ciidamada Qalabka Sida iyo Xaq-u-dirirka deegaanka.

“Hirshabeelle waxa ay heegan ugu jirtaa oo waqtigeeda ugu badan gelineysaa howlgalka dabar-goynta Khawaarijta. Lama siyaasadeyn karo dhiigga muwaadinka naf-bixiyaha ah lagumana qarin karo been-abuur.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa amray in Golaha Wasiirrada ay iska xaadiriyaan furimaha dagaalka.

{DAAWO MUQAALKA} DFS oo war kasoo saartay Duqeyntii ka dhacday xaruntii AS ee degmada Jilib

Axad 16,March 2025 {HMC}   DFS oo war kasoo saartay Duqeyntii ka dhacday xaruntii AS ee degmada Jilib

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Duufaan culus oo ku dhufatay Mareykanka iyo dad ku dhintay

Axad 16,March 2025 {HMC}   Duufaan culus oo ku dhufatay Mareykanka iyo dad ku dhintay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 16/3/2025

Axad 16,March 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Hoos ka daawo Wararka ugu waa weyn

{DAAWO MUQAALKA} Kenya oo Ciidanka NISA ku eedeysay dilka Askari kenyan ah.

Axad 16,March 2025 {HMC}  Kenya oo Ciidanka NISA ku eedeysay dilka Askari kenyan ah.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Kenya oo Ciidanka NISA ku eedeysay dilka Askari kenyan ah.

Axad 16,March 2025 {HMC}   Kenya oo Ciidanka NISA ku eedeysay dilka Askari kenyan ah.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA