Home Blog Page 1136

Xil. Faa’iso Jeyte “Warqadan uu soo qoray aadan madoobe waa sharci daro mana waafaqsana shuruucda dalka”

Sabti 15, March 2025 {HMC} Xildhibaan Faa’isa Maxamed Jeyte oo xubin ka ah Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kahor timid go’aanka Guddoomiye Aadan Madoobe uu ku shaaciyay in xubinnimada Golahaas uu waayay Cabdullaahi Xaashi Abiib.

Faa’isa ayaa sharci darro ku tilmaamtay warqadda Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyada oo intaas ku dartay in aanay waafaqsanayn shuruucda Dalka sida Dastuurka iyo Xeer hoosaadka Golaha Shacabka.

“Warqadan oo uu soo qoray gudoomiyaha baarlamaanka soomaaliya waa sharci daro mana waafaqsana shuruucda dalka u taala oo ah dastuurka iyo xeer hoosaadka golaha shacabka” ayay tiri Xildhibaan Faa’isa Maxamed Jeyte.

“Gudoomiyuhu xaq uma laha in uu xildhibaan xubinimadiisa ka qaado xildhibaanaduna maaha golaha Wasiradda oo kale. Xildhibaaanku Wuxu xubinimada baarlamaanka ku weyn karaa in golaha la horkeeno ayna ogolaadaan xasaanad kaqaadistiiisa tiro xildhibaano ah oo gaaraya 184 mudane“ ayay tiri Faa’isa Maxamed Jeyte.

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ayaa muddooyinkii dambe waxa uu dabagal ku hayay Xildhibaannada ka maqan fadhiga ee bilaa fasaxa ah, waxaana dhowaan lagu ballamay in kulanka laga sheegi doonno magacyadooda iyo muddada ay maqan yihiin.

Puntland Oo Sheegtay In Aan La Dhibaateyn Doonin Caruurta Iyo Xaasaska Kooxda D~C

Sabti 15, March 2025 {HMC} Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta ee maamulka Puntland, Maxamed Cabdi Wahaab, ayaa qoraal uu bartiisa Facebook kusoo qoray ku sheegay, in aan la bartilmaameedsan karin xaasaska iyo carruurta kooxda Daacish, taasoo uu sheegay inay waafaqsan tahay mabaadi’da diinta Islaamka.

Wasiirku wuxuu xusay in Puntland ay hore u caddeysay in carruurta iyo haweenka Daacish ee aan wax dambi ah gelin ay isa soo dhiibi karaan, isla markaana aysan la kulmi doonin dil ama xadgudub.

Wuxuu sheegay in ay waajib tahay in la ilaaliyo xuquuqda haweenka iyo carruurta maatada ah.

“Intii dagaalku socday, ma jirin wax gaf ama xadgudub ah oo lagu sameeyey dumar, carruur ama maxaabiis Daacish ah. Sidaas darteed, arrintani maaha mid u baahan in laga hadlo maanta,” ayuu yiri wasiirku.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu bulshada Puntland iyo guud ahaan Soomaalida ugu baaqay in aan dagaalka lagula jiro argagixisada laga dhex raadin dano siyaasadeed ama mid kooxeed.

“Daacish waa khawaarij shisheeye, oo ku soo duushey dalkeena, waxey xalaaleysteen dhiiga, sharafta iyo dhaqaalaha dadkeena, waxey kharaabiyeen guryihii ilaahey iyo goobihii cibaadada. Diinteenu waxey ina faraysaa in aan iska dhicino oo aan ku layno goobaha dagaalka, iyo meel walba oo ay galaan, haddii koodii dhaawac ah iyo kii isa soo dhiiba uu isqarixinayo oo dhib u gaysanayo Ciidankeena, waa la dilayaa mana jirto sabab loo bad baadiyo, sidoo kale waxaa bannaan in maxkamad la horkeeno oo lagu fuliyo dil, daldalaad ama ciqaab kale ee u dhiganta hadba danbjgey galeen,” ayuu yiri wasiirku.

Wuxuu sheegay in ay jiraan dad waaweyn oo aan waligood ka hadlin dhibaatada Daacish, balse hadda soo muuqday iyagoo leh sida uu sheegay ajandayaal siyaasadeed oo ay ku dhex raadinayaan dagaalka lagula jiro kooxdaasi.

Hadalka wasiirka caddaaladda Puntland ayaa yimid, kaddib hadal hayn badan oo ka dhalatay mid kamid ah culimada Puntland oo sheegay inaan la dili karin dadka u dagaalamaya kooxda Daacish oo dagaalka lagu qabto.

Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Shacabka Oo Lumiyey Xubinimadiisii baarlamaanka

Sabti 15, March 2025 {HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in mudane ka tirsanaa golaha shacabka uu lumiyay xubinimadiisii Golaha, sidaasi daraadeedna looga baahanyahay hay’adaha ku shaqada leh in ay soo buuxiyaan kursiga lambarkiisu yahay Hop201.

Xildhibaanka lumiyay xubinimadiisi Golaha Shacabka oo lagu magacaabo Dr. Cabdullahi Xaashi Abiib ayaa lagu tilmaamay sababaha uu kursiga u lumiyay ay tahay in uusan soo xaadirin Golaha Shacabka in ka badan laba kalfadhi oo xiriir ah, sidoo kalana uusan soo gudbin sabab maangal ah oo ku saabsan maqnaanshihiisa,

Sidaas darteedna uu ku lumiyay xubinmadiisii Golaha Shacabka si waafaqsan Qodobka 59aad, faqradiisa (d) iyo Qodobka 8aad, faqradiisa (4) ee Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka.

Dr. Cabdullahi Xaashi Abiib oo kamid ah mudanayaasha Golaha Shacabka kasoo galay degaan doorashadiisa Gobolada Waqooyi ayaa Hab dhowraha Golaha shacabka waxa uu shaaca ka qaaday in fadhiyada Baarlamaanka kaliya uu soo xaadiray shan kulan oo kaliya 141 kulamo ay yeesheen mudanayaasha Golaha shacabka Soomaaliyeed.

Warqada kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay in isgoo dhaqangalinaayo Gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe qodobada kor ku xusan, waxuu ku wargeliyay Hay’adaha ay quseyso in ay soo buuxiyaan kursiga bannaanaaday, iyada oo loo marayo hanaan waafaqasan dastuurka.

Xildhibaan Dr Cabdullaahi Xaashi Abiib ayaa waxa uu dhowr jeer barta uu ku leeyahay X ku daabacay warbixino ay u badan yihiin eedeymo kul kulul uu ujeedinayo Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Guddoonka Baarlamaanka.

 

{DAAWO MUQAALKA} Shidaal iyo dab ayuu is qabad siiyay Markii jaceylkiisa Moobilka ka Xiratay.

0

Sabti 15,March 2025 {HMC} Shidaal iyo dab ayuu is qabad siiyay Markii jaceylkiisa Moobilka ka Xiratay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Mid kamid ah Xildhibaanada Barlamaanka oo Xasaanadii laga qaaday.

0

Sabti 15,March 2025 {HMC} Mid kamid ah Xildhibaanada Barlamaanka oo Xasaanadii laga qaaday.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 15/3/2025

0

Sabti 15,March 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} RW Xamse Cabdi Barre ha cadeeyo dadka dagaalka ku jira in uu masuul kayahay iyo inkale”. Cali Jeeyte

0

Sabti 15,March 2025 {HMC} RW Xamse Cabdi Barre ha cadeeyo dadka dagaalka ku jira in uu masuul kayahay iyo inkale”. Cali Jeeyte

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} FAAH FAHIN:.Dagaalkii cuslaa ee ka dhacay Owdheegle

0

Sabti 15,March 2025 {HMC} FAAH FAHIN:.Dagaalkii cuslaa ee ka dhacay Owdheegle

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Maxay tahay Sababta Raga Guurka kadib U-Cayilaan?

0

Sabti 15,March 2025 {HMC} Maxay tahay Sababta Raga Guurka kadib U-Cayilaan?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay Howlgalo Culus oo ka Socda Sh-dhaxe

0

Sabti 15,March 2025 {HMC} Wararkii ugu Dambeeyay Howlgalo Culus oo ka Socda Sh-dhaxe

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA