Axad 09 March 2025 {HMC} Madaxweyne Dabageed: Ceelka Xalfooley wixii ka dhiman waa la dhameystira.
{DAAWO MUQAALKA} Howgalka cusub ee AUSSOM, Muxuu ka baddeli karaa dagaalka ka dhanka ah AS?
Axad 09 March 2025 {HMC} Howgalka cusub ee AUSSOM, Muxuu ka baddeli karaa dagaalka ka dhanka ah AS?
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Muxuu yahay heshiiska Is-afgarad ah ee ay gaaren madaxweyne Ruto iyo Raila Odinga?
Axad 09 March 2025 {HMC} Muxuu yahay heshiiska Is-afgarad ah ee ay gaaren madaxweyne Ruto iyo Raila Odinga?
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {09.03.2025}
Axad 9,March 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO
{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 09-3-2025.
Axad 09 March 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO SAWIRADA} MW guudlaawe oo booqday deegaanada Qurac-madoobe, warciise iyo Aqab-duco.
Axad 9,March 2025 {HMC} Madaxweynaha dowlad goboleedka hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) oo booqday deegaanada Qurac-madoobe, warciise iyo Aqab-duco.
Saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo ciidamada dadka deegaanka ayaa la wadaagay Madaxweynaha howlgaladii ugu dambeeyay ee lagu bartilmaameedsaday AS.
“Hirshabeelle, ma ahan gabaad argagixiso waa sababta aan dhammaanteen dagaalka ugu jirno halka waa rejada shacabka Soomaaliyeed ee ah inaan ka adkaano Khawaarijta.” Ayu yiri MW guudlaawe.
madaxweynaha dowlad goboleedka hirshabelle ayaa mudooyinkii dambe gobolka shabellaha dhexe ka waday abaabulka dagaalka ka dhanka ah AS.

{DAAWO MUQAALKA} Haweenka Xildhibaanada ah oo tagaya farumaha dagaalka
Axad 09 March 2025 {HMC} Haweenka Xildhibaanada ah oo tagaya farumaha dagaalka
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO SAWIRADA} Jubaland Oo Tababar Usoo Xirtay Ciidamo Boolis Ah
Axad 9,March 2025 {HMC} Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Jubadda Hoose, Kornayl Sadiiq Maxamuud Dhogor, iyo Taliyaha Ururka 162-aad ee Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Caariif Hirre Salaad, ayaa maanta tababar u soo xiray ciidamo Boolis ah oo si gaar ah loo diyaariyey.
Tababarkan, oo ay Jubaland kataageerayeen Taliska Ciidanka Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) iyo Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab, ayaa ujeeddadiisu ahayd in la kobciyo xirfadaha gaarka ah ee ciidanka Booliska si ay uga jawaabaan baahiyaha amniga ee Gobolka.
Ciidamadan cusub ee tababarka dhammeystay ayaa la filayaa in ay qayb ka noqdaan Booliska Gobolka Jubadda Hoose, iyagoo si gaar ah uga shaqeyn doona hawlgallada amniga iyo xaqiijinta nabadda ee Gobolka. Tani waxay qayb ka tahay dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo hay’adaha ammaanka ee Jubaland.

Madaxweynaha Puntland Oo Sheegay In Uusan Dayac Amni Dhici Doonin Inta Uu Xilka Joogo
Axad 9,March 2025 {HMC} Madaxweynaha maamulka Puntland H.E Said Abdullahi Deni ayaa maanta kulan la qaatay Nabadoonnada iyo Cuqaasha Gobolka Bari, Kulanka oo ka dhacay qeybta shirarka ee xarunta Gobolka Bari waxaa looga badlay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland oo ka socda buuralayda Cal-miskaad Kaasi oo galay wejigii 3-aad.
Madaxweynaha ayaa ku boggaadiyey bulshada Gobolka Bari iyo guud ahaan Puntland Garab Istaaga ay u muujiyeen Ciidanka, wuxuuna ugu baaqay in laga wada shaqeeyo sidii dadkii Argagixisadu soo barakacisay ay dib ugu laaban lahaayeen deeganadoodii ay Ciidanku sifeeyeen ee ku yaalla Buuralayda Calmiskaad.
“Intaan xilka joogo Hadii Alle idmo, dayac danbe in uusan dhicin baan ballan qaadayaa. Amni daro cid aan ku xurmeyn doono majirto, ninkuu doono ha ahaado, mid dhow iyo mid dheerba”ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Sidoo kale Saciid Deni ayaa ka hadlay dagaalka ka socda deegaanada Hirshabelle, kaasi oo lagula dagaalamayo maleeshiyaadka Al-shabaab.
“Waxaan u rajaynayaa Dawlad goboleedka hirshabeele inay ka guuleystaan cadawga kusoo duulay, iyaga, shacabkooda iyo dhamaan ciidamada qalabka sida ee soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Siciid Deni.
Wasiir Roobow “Xaaska walaalkay oo ummul ah ayey wateen AS, ilmihii yaraana cidlay uga tageen”
Axad 9,March 2025 {HMC} Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u muujisay taageerada ay u hayso dagaalka ka dhanka ah kooxda Khawaarijta, iyada oo ku baaqday in aan loo kala harin halganka lagu ciribtirayo kooxdan.
Shir jaraa’id oo ay qabatay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa looga hadlay muhiimadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed ay garab istaagaan dowladda, si looga adkaado cadowga nabadda iyo horumarka dalka diiddan. Wasiirka Wasaaradda, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa si adag u cambaareeyay falalka arxan-darrada ah ee ay kooxda u hayaan shacabka Soomaaliyeed.
“Xaaska walaalkay oo ummul ah ayey afduubteen AS, ilmihii yaraana cidlay uga tageen,” waxa Uu sidookale yiri “Waxan leeyahay, walaalayaalow dhibkan guul ka keenimaysaane, dowladda kaalaya la heshiiya.”
Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa hoosta ka xariiqday in dagaalka lagu jiro uusan ahayn mid dowladda kaliya saaran, balse uu yahay waajib saaran dhammaan shacabka Soomaaliyeed, si loo helo dal xasilloon oo xor ka ah kooxaha Al-shabaab.
Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ugu jirta sidii looga sifeyn lahaa dalka khawaarijta, iyadoo ciidan iyo shacabka isku duuban ay guulo waaweyn ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.
Sheekh Cali wajiis oo kamid ah culimada Soomaaliyeed oo meesha ka hadlay ayaa dhankiisa tilmaamay mooqifka culimada ee dagaalka Al Shabaab, isagoo sheegay in dowlad iyo shacaba loo istaago sidii dalka looga xoreeyn lahaa khawaarijta oo ka been sheegay diinteensuuban ee Islaamka.
Culimada kale ee shirka jaraa’id ka hadlay ayaa dhankooda sidoo kale adkeey muhiimadda ay leedahay garab istaagga ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee Al Shabaab kula dagaalamaya furimaha hore ee dagaalka, iyagoo mar kale carabka ku adkeeyey dilka kooxdaasi in Alle loogu dhawaanayo.



