Isniin 11 March 2025 {HMC} Askari qaadaya Hees Guubaabo u ah Ciidanka Xooga Dalka.
{DAAWO MUQAALKA} Caasho Xuseen ” Inta hal qof naga nool yahay AS waala Dagaalameeynaa”
Isniin 11 March 2025 {HMC} Caasho Xuseen ” Inta hal qof naga nool yahay AS waala Dagaalameeynaa”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Maxaa ka jira in Mareeykanka uu Fasaxay lacagihii lagu taakuleeynayey Ciidamada Soomaaliya.?
Isniin 11 March 2025 {HMC} Maxaa ka jira in Mareeykanka uu Fasaxay lacagihii lagu taakuleeynayey Ciidamada Soomaaliya.?
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Somaliland oo qaaday Tallaabo loga hortagayo Raashinka dhacay.
Isniin 11 March 2025 {HMC} Somaliland oo qaaday Tallaabo loga hortagayo Raashinka dhacay.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Kuuriyada Waqooyi oo sameesatay Markab cabsi badan ku abuuray cadawgeeda
Isniin 11 March 2025 {HMC} Kuuriyada Waqooyi oo sameesatay Markab cabsi badan ku abuuray cadawgeeda
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {10.03.2025}
Isniin 10, March 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Ali Ahmed
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO
Dowladda Soomaaaliya oo soo saartay digniin culus oo ku socota shacabka.
Isniin 10, March 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin culus oo la xiriirta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kuna socota laba dhinac.
Digniintan ayaa waxaa jeediyay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), wuxuuna u digay dadka la macaamila Khawaarijta iyo shacabka weli deggan goobaha ay ku sugan yihiin maleeshiyaadkooda.
Jaamac ayaa shaaca ka qaaday in dowladdu ay dhowr jeer digniinno ka soo saartay la tacaamulka Al-Shabaab iyo in laga fogaado goobaha ay joogaan, balse taasi aanay dhaqangelin, walina meelaha qaar laga arkayo in ay joogaan dad shacab ah.
Wasiirka ayaa si gaar ah u tilmaayay in deegaanka Ceel Bacad ee gobolka Shabeelaha Dhexe lagu arkay dad badan oo toos ula macaamilayo kooxaha Khawaarijta, isaga oo markale digniin adag u diray kuwa wali ku jira howlahaas.
Waxaa kale oo uu ku celiyay in bartilmaameed ay yihiin goobaha ay haatan ku dhuumaaleysanayaan xubnaha Shabaab, sidaas darteedna shacabka looga digayo in ay u dhawaadaan, si looga hortago waxyeelo kasoo gaarta weerarada iyo duqeymaha culus.
“Anagoo aad uga fogaaneyna in shacab waxyeelo ka soo gaarto duqeynta ayaa waxaan amiiro ka tirsan Khawaarijta ku duqeyney deegaanka Ceel Bacad, waxaan mar labaad Shacabka uga digeynaa in eysan Khawaarijta la macaamilin, ayna ka fogaadaan meelaha ay joogaan” ayuu yiri wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Shabeelaha Dhexe ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka argagixisada oo soo galay gobolkaasi.
Howlgalladan oo ay barbar socdaan duqeymo culus ayaa waxaa lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad tiro beel ah, waxaana ugu dambeeysay horjooge Yuusuf Dhegnaas iyo maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta oo 20 kor u dhaafayay oo duqeyn lagu khaarijiyay.
Si kastaba, dagaallada socda ayaa waxaa iska kaashanaya dowladda Soomaaliya, dadka deegaanka iyo saaxibada caalamiga ah, si loo cuuryaamiyo kooxda Al-Shabaab.
Wadahadallo u dhaxeeya Mareykanka iyo Ukraine oo ka bilaabanaya magaalada Jidda.
Isniin 10, March 2025 {HMC} Xoghaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio ayaa lagu wadaa in maanta oo Isniin ah uu gaaro magaalada Jidda ee dalka Sacuudiga, halkaas oo la filayo in ay ka billowdaan wadahadallo u dhaxeeya Mareykanka iyo Ukraine.
Socdaalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Sacuudiga ayaa qeyb ka ah, dadaalka uu maamulka madaxweyne Donald Trump ku riixayo soo afjaridda dagaalka u dhaxeeysa Ruushka iyo Ukraine.
Sida laga soo xigtay Waaxda Arrimaha Dibadda, Rubio wuxuu hoosta ka xarriiqay go’aanka Madaxweyne Trump ee ah inuu joojiyo dagaalka sida ugu dhakhsaha badan, isaga oo ku nuuxnuuxsaday in dhammaan dhinacyadu ay tahay inay qaadaan tillaabooyin lagu xaqiijinayo nabad waarta. Hadalkaas ayuu Jimcihii u sheegay, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ukraine Andrii Sybiha oo uu telefoon kula hadlay.
Madaxweynaha Ukrainian Volodymyr Zelenskyy ayaa lagu wadaa in uu isna maanta tago dalka Sacuudiga, halkaas oo uu kula kulmi doono Amiirka leh dhaxalka boqortooyada, Maxamed Bin Salamaan.
Marka uu Zelenskyy dib u laabto, ayaa waxaa Sacuudiga baaqi ku sii ahaan doono saraakiil isugu jirta dablamaasiyiin iyo kuwo millatari oo uu hogaaminayo, agaasimaha madaxtooyada Ukraine Andriy Yermak.
Wafdigaas oo wadahadallo la yeelan doono wafdi ka socda dowladda Mareykanka, ayaa waxaa sidoo kale ku jira wasiirka arrimaha dibadda Andrii Sybiha, wasiirka gaashaandhigga Rustem Umerov, iyo taliyaha ciidanka millatariga Pavlo Palisa.
Dhanka Wafdiga Mareykanka waxaa hogaaminaya, Xoghaya Arrimaha Dibadda Marco Rubio, waxaase qeyb ka ah la taliyaha amniga qaranka Mike Waltz iyo ergeyga gaarka ah ee Bariga Dhexe ee Trump, Steve Witkoff.
Wadahadallada Maraykanka iyo Ukraine ayaa dhici doona saddex toddobaad ka dib, markii saraakiil sarsare oo Maraykan ah ay magaalada Riyaad wadahadallo kula yeesheen diblamaasiyiinta sare ee Ruushka.
Guddoomiyihii Bankiga Dhexe ee Canada oo Noqonaya ra’iisu-wasaaraha Dalkaasi.
Isniin 10, March 2025 {HMC} Guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe ee Canada Mark Carney, ayaa shalay loo doortay hogaamiyaha xisbiga talada haya ee Libaraalka Canada, taas oo waddada u xaareysa in uu noqdo ra’iisul wasaaraha Canada maalmaha soo socda.
Carney, oo 59 jir ah, ayaa beddelaya Ra’iisal Wasaare Justin Trudeau, oo bishii Janaayo ku dhawaaqay inuu iska casilayo xilka, balse xafiiska sii joogi doono inta laga dhaarinayo qofka isaga baddalayo. Carney ayaa ku guuleysatay cod aqlabiyad ah, kaddib marki uu helay 85.9% codadkii la dhiibtay.
Wuxuu xilka la wareegi doonaa xilli ay Canada ka jirto xiisad, taasoo ka dhalatay dagaalka ganacsi ee ay kula jiro Mareykanka oo ay muddo dheer xulafo ahaayeen. Marka uu xafiiska yimaaddo kaddib ayaa la filayaa in dalka ay ka dhacdo doorasho guud bisha October.
Carney, oo ah nin ku cusub siyaasadda, ayaa ku dooday in uu ku habboon yahay in uu dib u soo nooleeyo xisbiga iyo in uu kormeero wada xaajoodyada ganacsiga ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, kaas oo ku hanjabaya canshuuro dheeraad ah oo curyaamin kara dhaqaalaha Canada, gaar ahaan qeybta ku tiirsan badeecadaha dibadda loo dhoofiyo.
Carney ayaa noqday qofki u horreeyay oo aan khibrad siyaasadeed laheyn oo ku soo baxa xilka ra’iisul wasaaraha Canada. Hase yeeshee, wuxuu soo noqday guddoomiyaha bankiga dhexe ee dalalka Canada iyo Britian, sidoo kale wuxuu madax u soo noqday labada banki ee ugu waaweyn dalalka ugu dhaqaalaha badan dunida ee loo yaqaanno G7.
{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay culimada Soomaaliyeed,
Isniin 9, March 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan afur ah kula qaatay culimada Soomaaliyeed, isaga oo la wadaagay muhiimadda isku xirnaanta culimada, shacabka iyo dowladda oo laf-dhabar u ah qarannimada Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa culimada ku bogaadiyey kaalintooda muhiimka ah ee ay ku leeyihiin wacyigelinta bulshada, dib-u-heshiisiinta iyo xasilinta dalka, isaga oo si gaar ah u xusay doorkooda ku aaddan baraarujinta bulshada ee la dagaallanka Khawaarijta iyo afkaarta xagjirnimada.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xusay in culimadu ay yihiin tiir muhiim u ah dowladnimada iyo horumarka dalka ayaa ku dhiirrigeliyey in ay sii xoojiyaan doorkooda hoggaamineed ee bulshada, iyagoo garab istaagaya dadaallada dowladdu ay ku xoojinayso nabadda iyo xoreynta dalka.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka dhageystay culimada talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan xoojinta dowladnimada, la dagaallanka been abuurka argagixisada ee arrimaha diinta iyo horumarinta danta guud ee ummadda Soomaaliyeed.

DHAMMAAD



