Axad 9,March 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Sahro Gabre Muhumed
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
Axad 9,March 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Sahro Gabre Muhumed
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
Axad 9,March 2025 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay kulan ku maamuusay haldoorka haweenka Soomaaliyeed, munaasabad 8-da Maarso oo ah Maalinta Haweenka Adduunka awgeed, wuxuuna ka hadlay dagaalka Al-Shabaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si qoto dheer u sharraxay kaalinta muhiimka ah ee haweenka Soomaaliyeed ay ka qaadanayaan dagaalka lagula jiro kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in haweenku ay yihiin udub-dhexaadka bulshada, isla markaana ay si toos ah uga qayb qaataan dadaallada lagu xoreynayo dalka.
Wuxuu sheegay inay ka shaqeeyaan wacyi-gelinta, taageerada ciidamada, iyo dhisidda bulshada deegaannada laga xoreeyey argagixisada, isagoo aad ugu mahadceliyey.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa bogaadiyey doorka haweenka Soomaaliyeed ee ku aaddan geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo xoreynta dalka.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in haweenka Soomaaliyeed ay si firfircoon uga qayb qaataan hannaanka doorashooyinka tooska ah ee qof iyo codka ah, oo dowladda Soomaaliya ay dhexda u xiratay inay hirgeliso.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in doorashada dadweynaha ay fursad u siinayso bulshada inay codkooda dhiibtaan, u tartamaan xilalka qaranka, isla markaana ay door muuqda ku yeeshaan hoggaanka dalka.
Hadalka Madaxweynaha wuxuu ku soo aadayaa iyadoo Al-Shabaab ay soo qaadeen weerarro rogaal-celis ah, kuwaas oo culeys badan soo saaray gobolka Shabeellaha Dhexe, lana wareegay deegaanno muhiim ah.
Axad 9,March 2025 {HMC} Kooxaha xuquuqda aadanaha ee kor kala socda xaaladda Suuriya ayaa Sabtidi sheegay, in ugu yaraan 1,000 qof lagu dilay isku dhacyo labadi maalin ee lasoo dhaafay ka dhacayay qeybo ka mid ah dalka Suuriya.
Isku dhacyada ayaa u dhaxeeyay ciidamada dowladda cusub ee Suuriya iyo xoogag daacad u ah madaxweynihi xilka laga tuuray ee Bashar Assad. Wararka ayaa sheegaya in dadka la dilay qaar loo beegsaday heybtooda oo ah in ay kasoo jeedaan qowmiyadda Calawiga Shiicada ah ee laga tirada badanyahay ee Suuriya.
Kooxda xuquuqda aadanaha Suuriya ee fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska, ayaa dilalki maalmihi lasoo dhaafay ku tilmaantay mid ka mid ah kuwi ugu khasaaraha badnaa ee Suuriya ka dhac tan iyo billoowgii dagaalka sokeeye muddo hadda laga joogo 14 sannadood.
Dadka rayidka ah ee la dilay ayay kooxdani ku sheegtay in ay gaarayaan 745 qof, kuwaas oo ay sheegtay in lagu dilay rasaas af-saar ah, dadka kale ee dagaalladaasi lagu dilay ayaa isugu jira 125 ka mid ah ciidamada dowladda, iyo 148 ka mid ah malleeshiyaadka mucaaridka ah.
Iska hor imaadyada ayaa intooda badan ka dhacay magaalada Latakia. Biyaha iyo korontada ayaa inta badan laga jaray magaaladaasi ay dagaan dadka Shiicada ah ee Calawiyiinta Suuriya.
Dowladda cusub ee Suuriya ayaa sheegtay in ciidamadeedu ka jawaabeen weeraro uga yimid haraadiga ciidamadii Bashar Al Asad, iyada oo dilalka aargoosiga ah ee la sheegay in ay dhaceen Latakia ku sheegtay, ficillo ay sameeyeen shakhsiyaad.
Isku-dhacyadi billowday Khamiistii ayaa lagu tilmaamay caqabadi u horreysay ee ay gudaha ka wajaheyso dowladda Suuriya, saddex bilood kaddib marki ay awoodda xoog uga tuurtay qoyski Suuriya muddada dheer xakumayay ee Reer Asad.
Axad 9,March 2025 {HMC} Madaxweynihii hore ee xilka laga xayuubiyay ee Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk Yeol ayaa Sabtidii shalay xabsiga laga sii daayay, maalin ka dib markii ay maxkamad ku taal Seoul baab’isay xarigiisa isla markaana ogolaatay in maxkamad la soo taago isaga oo aanan xirneyd.
Ka dib markii uu ka soo baxay saldhig lagu hayay oo u dhaw Seoul, ayuu Yoon u gacan haadiyay una rukuucay taageerayaashiisa oo ku qaylinayay magaciisa isla markaana lulayay calanka Kuuriyada Koonfureed iyo Maraykanka. Yoon ayaa intaasi kaddib fuulay gaari madow oo u qaaday guriga uu ka dagganyahay Seoul.
Dacwad-oogayaasha ayaa dacwad ku soo oogay kaddibna xiray bishii January, ka gadaal marki ay ku eedeeyeen danbiyo ay ka mid ahaayeen amarki deg degga ahaa ee uu geliyay Kuuriya Koofureed saddexdii bishii December ee sannadki hore, tallaabadaas oo waddanka geliyay qalalaaso siyaasadeed oo mug weyn.
Mudanayaasha baarlamaanka oo u badan libaraal ayaa Yoon codka kalsoonida xilka uga xayuubiyay, arrintaas oo horseedday in laga mamnuuco xafiiska.
Maxkamadda Dastuuriga ah ayaa ka doodeysa in Yoon si rasmi ah shaqada looga ceyriyo ama dib loogu soo celiyo. Haddii ay maxkamaddu ayiddo xil ka qaadistiisa, muddo laba bil gudahood ah ayay dadka reer Kuuriya ku soo doora doonaan madaxweyne cusub.
Axad 9,March 2025 {HMC} Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa shaacisay in howlgal ka dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay Horjooge Yuusuf Dhegnaas iyo Maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta oo 20 kor u dhaafaya.
Sidoo kale, gaadiid dagaal ayaa Khawaarijta looga gubay howlgalkaas oo ka dhacay deegaanka Ceelbacad oo hoos taga degmada Ruun-nirgood.

Sabti 08 March 2025 {HMC} Xawaadle iyo Abgaal As waxa ay Rabaan in ay iska Horkeenan.”Xil-Dhagaweyne”
Sabti 08 March 2025 {HMC} Macawisley isku dhaarsatay Dagaalka AS ee Sh-dhaxe
Sabti 08 March 2025 {HMC} Odowaa iyo Shuute Ugus ayey u diidan yahiin Dalka iyo Eheladooda.
Sabti 08 March 2025 {HMC} Maxuu yahay Balan Qaadka M/W Yuusuf Dabageed Usameeyay Dadka Reer Xalfooley.?
Sabti 08 March 2025 {HMC} Dhacdooyinkii Ugu Dambeeyay Caalamka