Home Blog Page 1158

{DAAWO MUQAALKA} Qorshe lagu doonayey in lagu dhiso Qasa oo lagu kala qeybsamay

0

Sabti 08 March 2025 {HMC} Qorshe lagu doonayey in lagu dhiso Qasa oo lagu kala qeybsamay

  HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {08.03.2025}

Sabti 8,March 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Ali Addow

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

Hogaamiyaha Iran oo kasoo jawaabay warqadii uu Donald Trump u diray.

Sabti 8,March 2025 {HMC} Hoggaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Cali Khamenei, ayaa maanta cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay “xoog-sheegasho,” maalin kadib markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ugu hanjabay Iran tallaabo milatari.

“Dowladaha xoogga wax ku raadiya— runtii ma heli karo erey ka habboon qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha iyo siyaasiyiinta shisheeye in aan ku tilmaamo xoog-sheegad—ayaa ku adkaysanaya wadaxaajood,” ayuu Khamenei u sheegay mas’uuliyiin sare, isagoo ka jawaabayay hadalkii Trump ee ku saabsanaa suurta-galnimada tallaabo milatari haddii Iran ay diiddo inay wadahadal ka gasho barnaamijkeeda nukliyeerka.

Khamenei ayaa tilmaamay in dowladaha awoodda leh ay doonayaan inay Iran ku soo rogaan shuruudo cusub oo aan macquul ahayn.

“Waxay soo bandhigayaan shuruudo cusub oo ay og yihiin in aanay Iran aqbali karin,” ayuu yiri isagoo aan si toos ah u magacaabin Maraykanka ama aan tixraacin warqadda Trump.

Jimcihii, wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi, ayaa waraysi uu siiyey AFP ku sheegay in Tehran aysan galayn wax wadahadal ah inta lagu jiro “cadaadiska ugu sarreeya,” inkasta oo uusan si toos ah u xusin warqadda Trump.

Xiisadaha Maraykanka iyo Iran ayaa sii xoogeystay tan iyo markii Trump uu 2018 ka baxay heshiiskii nukliyeerka Iran ee loo yaqaan Qorshaha Wadajirka ah ee Dhammaystiran (JCPOA), kaas oo 2015 dhexmaray Tehran iyo waddamada reer Galbeedka.

Heshiiskaas ayaa Iran u ballanqaaday fududeyn cunaqabatayn dhaqaale, beddelkeedana waxaa lagu xaddiday hawlaheeda nukliyeerka. Tehran ayaa muddooyinkan dambe wadahadallo diblomaasiyadeed kula jirtay saddexda waddan ee Yurub—Britain, Faransiiska iyo Jarmalka—si xal looga gaaro murannada nukliyeerka.

Si kastaba ha ahaatee, Khamenei ayaa maanta sidoo kale cambaareeyey dalalka reer Galbeedka isagoo yiri, “Waxay nagu eedaynayaan inaanan fulin ballanqaadyadii JCPOA, laakiin idinku, miyaad fuliseen ballanqaadyadiinii JCPOA?”

– Ujeedo nabadeed –
Khamenei ayaa sheegay in Iran ay muddo sanad ah oofisay ballanqaadyadeedii heshiiska, balse aysan jirin waddo kale oo u furneyd oo aan ahayn inay dib uga laabato qaar kamid ah ballanqaadyada heshiiska, taas oo ka dhalatay sharci cusub oo baarlamaanka dalkaasi uu ansixiyay.

Saraakiisha Maraykanka ayaa hadda qiyaasaya in Iran ay awood u leedahay inay hub nukliyeer ah ku samaysato toddobaadyo gudahood haddii ay go’aansato. Tehran ayaa si joogto ah u beenisa inay doonayso hub nukliyeer ah, iyadoo mar walbana sheegta in barnaamijkeeda nukliyeerka uu yahay mid nabadeed.

Dowladda Iran ayaa sidoo kale si xooggan uga soo horjeesatay wadahadallo cusub oo lala yeesho Washington, iyadoo Khamenei uu sheegay in “aysan ahayn arrin caqli-gal ah” inay dib ula fariistaan Maraykanka kadib markii Trump uu “burburiyey, jebiyey, oo uu ka baxay heshiiskii 2015.”

Sanadkii 2019, muddo sanad ka badan kadib markii Trump uu ka baxay JCPOA, Ra’iisul-wasaarihii hore ee Japan Shinzo Abe ayaa isku dayay inuu dhex-dhexaadiyo Iran iyo Maraykanka, balse Khamenei ayaa gebi ahaanba diiday inuu wadahadal cusub la galo Washington.

{DAAWO MUQAALKA} Maxaad ka taqaan dalkan ay muslimiintu ku nool yihiin ee aan lahayn masajid ?

0

Sabti 08 March 2025 {HMC} Maxaad ka taqaan dalkan ay muslimiintu ku nool yihiin ee aan lahayn masajid ?

  HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Maxay tahay ciladda ku timid Internet-ka Soomaaliya?

0

Sabti 08 March 2025 {HMC} Maxay tahay ciladda ku timid Internet-ka Soomaaliya?

  HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Suudaan oo Cudurka Daacuunka ku dilay ku dhowaad 100 qof

0

Sabti 08 March 2025 {HMC} Suudaan oo Cudurka Daacuunka ku dilay ku dhowaad 100 qof

  HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Faah Faahin dheerad ah: doon ay Socdeeyn Muhaajariin badan oo Bada ku tagtay.

0

Sabti 08 March 2025 {HMC} Faah Faahin dheerad ah: doon ay Socdeeyn Muhaajariin badan oo Bada ku tagtay.

  HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 08-3-2025.

0

Sabti 08 March 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

   HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Shir Looga Hadlayey Amniga Caasimada Oo Lagu Xabtay Xarunta Gobolka Benaadir

Sabti 8,March 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa shir-guddoomiyey kulan ku saabsan amniga caasimadda oo ka dhacay xarunta Gobolka Benaadir.

Kulanka ayaa diirradda lagu saaray qorshaha horumarinta amniga caasimadda iyo degmooyinka ku xeeran, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa ammaanka shacabka ku nool Gobolka, loona adkayn lahaa iskaashiga hey’adaha kala duwan ee ka shaqeeya arrimaha amniga.

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran, ay muhiimad weyn siinayso la shaqaynta hey’adaha amniga, dhiirrigalinta ciidamada qalabka sida, is-dhexgalka laamaha dowlada iyo shacabka, wuxuunna faray golaha wasiirrada in bisha barakaysan ee Ramadaan ay kula soo afuraan shacabka iyo Saraakiisha amniga degmooyinka caasimadda.

Mudane Saalax, ayaa kula dardaarmay Saraakiisha kala duwan ee masuulka ka ah amniga caasimadda in ay isku xirnaadaan, ayna dhexgallaan shacabka ku nool Gobolka Benaadir, si bulshada looga soo dhex-saaro kuwa halista ku ah amniga, ee ku dhex ganbbanaya shacabka caasimadda.

Somali forces kill 20 AS militants in Middle Shabelle region

Saturday 8,March 2025 {HMC} Somali army forces, supported by local clan militia, killed at least 20 Al-Shabaab militants during a military operation in the Boos Hareri area of the Middle Shabelle region.

A government statement released on Saturday confirmed the operation, stating that the militants were repelled in an ambush, with heavy losses inflicted on the group.

“The forces, who were aware of the Khawarij attack, repelled it, dealing a heavy blow to the terrorists. During the battle, 20 conspirators, including senior leaders and militias, were killed,” the statement read.

The federal government also reported that the allied forces seized vehicles and military equipment from the Al-Shabaab group. The raid inflicted significant damage on the militant group, which has recently ramped up attacks in the Middle Shabelle region.

As military operations continue in the region, the federal government remains committed to expelling Al-Shabaab militants from the area, the statement added.