Home Blog Page 1159

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada ku sugan Baraha Koontoroolada oo loogu Baaqay shacabka ineey si wanaagsan ula dhaqmaan.

0

Jimco 07 March 2025 {HMC} Ciidamada ku sugan Baraha Koontoroolada oo loogu Baaqay shacabka ineey si wanaagsan ula dhaqmaan.

  HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Midowga Yurub oo Xoojiyey Taageerada uu siinayo Ukraine.

0

Jimco 07 March 2025 {HMC} Midowga Yurub oo Xoojiyey Taageerada uu siinayo Ukraine.

  HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Egypt Air Oo Hakisay Duullimaadkeedii Magaalada Muqdisho

Jimco 7,March 2025 {HMC} Diyaaradda Egypt Air ayaa maanta oo Jimco ah baajisay Safarkeedii Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kaddib markii ay saamayn ku reebtay digniintii Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya.

Qoraal kooban oo kasoo baxday Egypt Air ayaa lagu sheegay in safarkeedii maanta ee Magaalada Muqdisho uu baaqday, waxaana ay dadkeeda ku wargelisay in ilaa amar dambe in uu socdaalkeeda baaqashadaas kusii jiri doonna.

“Wargelin, dhammaan Rakaabkeenna waxa aan ku wargelineynaa in 7da Maarso 2025 oo Jimcaha ah in uu baaqday safarka MS 874 wixii faah-faahin ah kala xariir Xafiiskeenna” Ayaa lagu yiri qoraalka Egypt Air.

Qoraalkii dhowaan kasoo baxay Safaaradda Maraykanka ee muujineysa in ay jirto Cabsi ku saabsan in ‘AS’ ay beegsan karto Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, Dekedda Muqdisho, Xarumo Dowlad, Hoteello, Kontoroollo iyo meelo kale.

Dowladda Soomaaliya Oo Sheegtay In Aysan Jirin Khataro Amni Oo Hakad Gali Kara Duulimaadyada

Jimco 7,March 2025 {HMC} Iyadoo Talaaladadii lasoo dhaafay Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho soo saartay fariin ay uga digeyso muwaadiniinteda ku sugan Soomaaliya weeraro argagixiso oo ka dhici kara goobo badan oo ku yaala Muqdisho oo uu ka mid yahay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Digniintaas ayaa markii ay soo baxday waxaa durba hakad uu ku yimid howlahii duulimaad ee shirkadaha diyaaradaha Qatar Airways iyo Turkish Airlines, kuwaas oo si ku meel gaar ah u joojiyay duulimaadyadii ay ku imaan jireen Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa sheegtay ineysan dalka ka jirin wax khatar ah amni ah oo ay u hakan karaan duulimaadyada Caalamiga ah ee Muqdisho yimaada.

“Ma jirto khatar kaliftay in duulimaadyada Shirkadaha Qatar Airways iyo Turkish Airlines ay kaga baaqdaan Muqdisho, sidoo kale ma jiraan wax nalala wadaagay oo khatar ah, waana helna xogaha amaanka iyagoo dhameystiran” ayey tiri Wasiir Fardowso Cismaan Cigaal.

Wasiir Fardowsa oo wareysi siineysay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegtay in shirkadda diyaaradaha ee Turkish Airlines ay su’aalo ka weydiisey sababta ay u baajiyeen safarkoodii Muqdisho ayna sheegeen in digniinta ay la kulmeen darteed u hakiyeen duulimaadkoodii Muqdisho.

“Waan u cadeynay in digniintaas aysan naga soo bixin, mid ay dowladda Soomaaliya ku shaqeysatana uusan aheyn, marka waa nala qaateen dhowr beri ayey duulimaadyadooda kansaleen, balse ugu dambeyntii waay naga aqbaleen” ayey tiri Wasiir Fardowso Cismaan Cigaal.

Wasiiradda ayaa sidoo kale xustay in marka laga reebo diyaaradaha Qatar Airways iyo Turkish Airlines in duulimaadyada kale ee Caalamiga ah ay sidooda u yimaadaan Muqdisho sida duulimaadyada Itoobiya, Masar iyo Uganda, islamarkaana labadaan shirkadood ee duulimaadyadooda hakadka galiyay dib u bilaabi doonaan howlahooda maalamaha soo socda.

Soomaaliya Oo sheegtay Inay Gogol Nabadeed U fidineyso Dhinacyada Isku Hayo Suudaan

Jimco 7,March 2025 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay isku dayayso inay gogol nabadeed u fidiso dhinacyada isku haya Suudaan, si loo soo afjaro colaadda ka aloosan dalkaas.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Balcad, ayaa sidaas ka sheegay hadal uu ka jeediyay mar uu ka hadlayay dagaallada ka socda Suudaan.

Wuxuu xusay in Suudaaniyiintu ay kalsooni ku qabto doorka Soomaaliya ee dhex-dhexaadinta dhinacyada ku dagaallamaya dalkooda, taasoo uu sheegay inay qayb ka tahay dadaallada lagu raadinayo xal waara.

“Waxaan rajaynaynaa inaan dhawaan magacowno ergay gaar ah oo arrimahaas ka shaqeeya. Dalal waaweyn ayaa nala soo xiriiray, naguna dhiirrigeliyay inaan door ka qaadanno xal u helista colaadda Suudaan,” ayuu yiri Cali Balcad.

Sidoo kale, wasiiru-dowlaha ayaa tilmaamay in xaaladda Suudaan ay hortaallo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, balse Soomaaliya ay dareemayso masuuliyad gaar ah maaddaama labada dal ay wadaagaan xiriir qotodheer oo dhanka diinta, Afrikaannimada iyo Carabtinimada ah.

Balcad wuxuu intaa ku daray in Soomaaliya ay awood u leedahay inay la fariisato dhinacyada isku haya Suudaan si loo abuuro jawi nabadeed, isaga oo xusay in Soomaaliya ay leedahay khibrad la xiriirta burburka iyo dagaallada, taasoo gacan ka geysan karta dadaallada lagu dhisayo nabadda Suudaan.

Colaadda Suudaan ee hadda taagan ayaa soo bilaabatay 15-kii Abriil 2023, markaas oo dagaal culus uu dhexmaray ciidamada qalabka sida ee Suudaan (Sudanese Armed Forces – SAF) oo uu hoggaaminayo Jeneraal Cabdel Fattaax Al-Burhaan iyo xoogagga gurmadka degdegga ah (Rapid Support Forces – RSF) oo uu hoggaaminayo Jeneraal Maxamed Xamdaan Dagalo “Hemedti”.

Dowladda Soomaaliya Oo Sheegtay In Itoobiya Duqeymo Ka Fulisey Shabeellaha Dhexe

Jimco 7,March 2025 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur, ayaa xaqiijiyay in diyaaradaha dowladda Itoobiya ay duqeymo ka fuliyeen gobolka

Wasiirka ayaa sheegay in diyaaraduhu gantaalo la dhaceen deegaanada ay ku sugan yihiin kooxda Alshabaab, balse ma sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay duqeymahaas.

Isagoo la hadlayay warbaahinta qaranka, Wasiirku wuxuu sheegay in duqeymaha ay fuliyeen ciidamada Itoobiya ay ahaayeen kuwo ay hagaysay dowladda Federaalka. Wuxuu xusay in aanay suurtagal ahayn in duqeymo laga fuliyo gudaha Soomaaliya iyada oo aan dowladda la ogeysiin.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu caddeeyay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen iskaashi amni, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo xusay in heshiiskii Ankara uu qeexayo wadashaqeynta labada dal ee dhinaca amniga.

Si kastaba ha ahaatee, dhawaan ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay ogolaatay in ciidamada Itoobiya ay ka qeyb noqdaan howlgalka cusub ee AUSSOM. Hase yeeshee, lama arag ciidanka Itoobiya oo horey uga fuliyay gobolka Shabeellada Dhexe.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {07-03-2025}

jimco 07, Mar 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::cabdiraxmaan macalin muse 

Farsamadii ::Abdiqani Osoble

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 06/3/2025

0

Jimco 07 March 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Xildhibaanad: “Waxaa i fara xumeeyay guddoomiyaha aqalka senetka”

Jimco 7,March 2025 {HMC} –  Xubanaha aqalka senedka ee dalka Nigeria ayaa qof dumar oo Senetor ah shaqada ka joojiyay ilaa muddo lix bilood ah, ka dib markii ay soo gudbisay dacwad ka dhan ah gudoomiyaha aqalkaas, oo ay sheegtay inuu ku sameeyay xad-gudub galmo.

Natasha Akpoti-Uduaghan, ayaa markii ugu horeysay eedeymahan u jeedisay gudoomiyaha, oo ah mid ka mid ah siyaasiyiinta sarsare ee dalkaas, Godswill Akpabio, kadib wareysi bixisay Jimcihii lasoo dhaafay.

Ka dib markii Meesha laga saaray dacwadeeda, iyadoo loo maray hab sharci ah, guddiga anshaxa ayaa soo jeediaya shaqa joojinta Natasha, iyagoo sheegay inay magac xumo u soo jiidday aqalka saree e dalka.

Eedeymaha ayaa hadal heyn badan ka dhaliyay gudaha dalka Nigeria, tan iyo markii ay eedeymahan jeedisay todobaad ka hor..

Dad badan oo xilal sare ka haya dowladda iyo kooxo kale ayaa ku baaqay baaritaan hufan in la sameeyo.

Dumar badan oo baraha bulshada isticmaalo ayaa sidoo kale muujiyay sida ay uga xunyihin shaqa joojnta lagu sameeyay senetaradda, iyadoo qaarkood ay talaabada ku tilmaameen “cadalad darro”

Inta ay shaqa joojinta ku maqantahay, Uduaghan Natasha, waxaa laga mamnuuci doonaa dhismaha aqalka baarlamaanka xafiiskeedana waa la xiri doonaa.

Ha yeeshee Guddoomiyaha baarlamaanka, ayaa lagu soo warramayaa inuu iska fogeeyay eedahaas.

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada Dowladda oo Fuliyey howlgal Qorsheeysan oo lagu Dilay AS

0

Jimco 07 March 2025 {HMC}  Ciidamada Dowladda oo Fuliyey howlgal Qorsheeysan oo lagu Dilay AS

   HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA