Home Blog Page 1160

Madaxweyne Farmaajo oo war ka soo saaray Dagaalka ka dhan ah AS.

Wednesday 5 March , 2025 {HMC}  Waajib ayey inagu tahay dhammaanteen in aynu garab istaagno Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ee geesiyaasha ah, kuwaas oo kula dagaalamaya cadowga dhammaan furimaha dagaalka iyo goobaha ay soo weerareen ee Shabeellaha Dhexe. Arrintani malahan muxaafidnimo iyo mucaarad ee waa waajib qaran iyo masuuliyad taariikhi ah.

Dhaqdhaqaaqyada argagixisada Alshabaab ay ka sameeyeen deegaannada ka tirsan Shabeellaha Dhexe waxa ay muujinayaan sida argagixisadu ay uga faa’iideysanayaan khilaafaadka dhexdeenna ah iyo xasillooni la’aanta siyaasadeed ee dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan ku adkaynaynaa in laga shaqeeyo midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, xalna loo helo khilaafaadka siyaasadeed ee ka jira dalka si loo sii labo jibaaro howlgallada sifeynta dalka ee ka dhanka ah argagixisada Alshabaab iyo Daacish oo ay ciidamada ammaanka Puntland ka sifeynayaan deegaannada ay kaga dhuumaaleysanayaan buuraha Cal-Miskaad.

Waxaa muhiim ah in la xoojiyo dhiirri-gelinta ciidamada iyo abaabulka dadweynaha ee dagaalkan masiiriga ah, anigoo ugu baaqaya shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan ciidanka, kana feejignaadaan marin-habaabinta iyo beenta ay faafinayaan argagixisadu.

Ugu dambeyn, waxaan mar kale adkaynayaa sida ay muhiimka u tahay in la mideeyo dadaallada lagu cirib-tirayo kooxaha argagixisada ah, si Soomaaliya ay u hesho nabad waarta, dadkeenuna ay ugu noolaadaan sharaf iyo qarannimo buuxda.

Ethiopia, Djibouti renew commitment to further consolidate trade, economic cooperation.

Wednesday 5 March , 2025 {HMC} Ethiopia and Djibouti have reaffirmed commitment to further reinforce trade and economic cooperation between the two East African nations.

Ethiopian Ambassador to Djibouti Berhanu Tsegaye had a productive meeting with Isman Ibrahim Robleh, the Minister of Budget of Djibouti.

The primary focus of discussion was to address key bilateral issues, particularly in the context of resolving the requests from Ethiopian sector institutions operating in Djibouti.

“Throughout our conversation, we tackled several pending matters that are critical to fostering a better business environment for Ethiopian entities within Djibouti,” Ambassador Berhanu wrote on X.

Notably, the two sides addressed the challenges facing Ethiopian Airlines, which plays a vital role in connecting the two countries and facilitating trade and travel.

They also examined issues related to the National Oil Company (NOC), emphasizing the importance of efficient operations and collaboration in the energy sector.

“In addition to these specific concerns, we explored a range of related issues that require facilitation to ensure smoother business transactions. Our goal is to identify constructive solutions that not only address the immediate challenges but also pave the way for a more collaborative approach between our nations.

By enhancing cooperation, we aim to create a favorable business environment that will benefit both Ethiopian and Djibouti’s enterprises,” he stated.

The meeting marks a significant step forward in strengthening bilateral relations and fostering economic growth, the ambassador said, adding that I look forward to continuing our dialogue and working together to implement the solutions we discussed.

SOURCE

{DAAWO MUQAALKA} Israa’iil oo ka cabsatay Turkiga iyo Dhacdooyinkii ugu Dambeeyay Caalamka 04-03 2025.

0

Talaado 4, March 2025 {HMC} Israa’iil oo ka Walaacsan Saldhigyada Malatari ee Turkiga ka sameysanaayo Suuriya. Dhacdooyinka Caalamka 04-03 2025

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Naga mid maahan Askari walaalkiis Difaac uga baxay”Gudoomiye Shuute”

0

Talaado 4, March 2025 {HMC} Naga mid maahan Askari walaalkiis Difaac uga baxay”Gudoomiye Shuute”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Saraakiisha amniga Dowladda Sooomaaliya oo kulan deg deg ah iskugu yimid.

Talaado 4, March 2025 {HMC} Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa guddoomiyay shir loogu hadlaayay dar-dargelinta Amniga Caasimadda oo ay kasoo qeyb galeen dhamaan Saraakiisha Amniga Caasimada qeybahooda kala duwan Boliiska, NISA iyo Boliisiiya Military.

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin iyo Taliyaha Nabad sugida Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Cabdifitaax Shaaweeye ayaa shirka kusoo bandhigay warbixin ku aadan horumarada dhinaca Amniga ee Caasimadda Muqdisho iyo qorshaha sugida Amniga inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa Saraakiisha Qeybaha iyo Fadhiyada kala duwan ee Booliiska, Nabad Sugida iyo Booliisiya Miletare ku booriyay adkeynta Amniga iyo xoojinta wada-shaqeynta bulshada si loo xaqiijiyo dadaallada kor loogu qaadayo amaanka guud ee dalka

Ciidamada Puntland oo xiray Dad loo heysto taageerada kooxda daacish.

Talaado 4, March 2025 {HMC} Ciidanka Booliska Puntland gaar ahaan Taliska Qeybta Gobolka Nugaal ayaa gacanta ku dhigay saddex eedeysane oo kala ah:

1:Cabdiqaadir Cabdisalaan Siyaad
2:Fahad Maxamed Abshir
3:Caamir Cabdi Muuse Cabdi

Eedeysanayaashan ayaa lagu eedeeyay inay ku lug leeyihiin moral-gelin iyo taageero siinta koox Daacish. Booliska Puntland ayaa xaqiijiyay in eedeysanayaashu hadda ku jiraan gacanta ciidamada amniga, halkaas oo lagu wado baaritaanno dheeraad ah.

“Booliska Puntland waxay ku boorinayaan bulshada inay ka fogaato faafinta warar aan munaasib ahayn oo la xiriira kiiskan, iyagoo xusay in baraha bulshada looga baahanyahay in loo adeegsado si mas’uuliyad leh” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Booliska.

Eedeysanayaashu waxay wajihi doonaan sharciga, waxaana loo gudbin doonaa maxkamadaha awoodda u leh si ay uga jawaabaan eedeymaha loo haysto sida lagu sheegay qoraalka Booliska.

Somali army commander visits Hiiraan frontlines as counterterrorism campaign intensifies.

0

Tuesday 4,Mar-2025 {HMC} General Sahal Abdullahi Omar, commander of the Somali National Army’s (SNA) Land Forces, visited frontline troops in Qoryaale, Hiiraan, on Monday.

The visit, which included Hirshabelle Vice President Yusuf Ahmed Hagar and other senior officials, extended to Halfooleey, a strategic area on the border between Hiiraan and Middle Shabelle. There, the delegation met with local fighters from the “Xaq u Dirir” (Justice Defenders) militia, a community-based force playing a key role in securing the region. General Sahal praised their dedication and pledged increased government support for local defence forces working alongside the national army.

General Omar’s tour comes as Somali forces, backed by international partners, launched a military campaign in central Somalia to weaken Al-Shabaab strongholds. Last month, coordinated airstrikes in the Middle Shabelle and Hiiraan regions killed at least 48 al-Shabaab militants, including senior commanders, according to military sources. Another offensive in Middle Shabelle eliminated over 70 fighters, underscoring the government’s efforts to reclaim territory.

Addressing the troops, Gen. Omar praised their resilience and reiterated the government’s pledge to equip them with necessary resources. “Your sacrifices are crucial to securing Somalia’s future,” he said. “We remain committed to ensuring you have the support needed to complete your mission.”

The general also spoke about the government’s efforts to improve medical care for wounded soldiers. His remarks follow a recent visit by Somalia’s Minister of Health to the Somali Military Hospital, where officials announced plans to expand healthcare services, including additional medical supplies, vehicles, and enhanced treatment facilities for injured personnel.

Somalia’s counterterrorism operations have received continued support from international allies. On February 25, the United States Africa Command (AFRICOM) conducted a precision airstrike against al-Shabaab in Al-Kowsar at the Somali government’s request. The strike was part of efforts to disrupt militant activities and assist Somali forces in stabilizing contested areas.

 

{DAAWO MUQAALKA} Sidee Walaalo uga shaqeeyeen dilka, Ganacsade ay isku Reer ahaayeen.

0

Talaado 4, March 2025 {HMC} Sidee Walaalo uga shaqeeyeen dilka, Ganacsade ay isku Reer ahaayeen.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Dagaal yahanada Daacish oo bilaabay in ay isku dhiibaaan Puntland.

0

Talaado 4, March 2025 {HMC} Dagaal yahanada Daacish oo bilaabay in ay isku dhiibaaan Puntland.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} ONLF oo ku dhawaaqday go’aan ka dhan ah Dowladda Itoobiya.

0

Talaado 4, March 2025 {HMC} ONLF oo ku dhawaaqday go’aan ka dhan ah Dowladda Itoobiya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA