Talaado 4, March 2025 {HMC} Xukuno lagu riday eedeysanayaal dil geystay.
{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 04-3-2025.
Talaado 4, March 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.
Muqdisho Oo Lagu Qabtay Kulan Looga Soo Horjeeday Maamulka KGS
Talaado 4, March 2025 {HMC} Qaar Kamid Xildhibaanada labada Aqal ee laga soo doorto deegaanada maamulka Koonfur Galbeed iyo Madasha Maanshiil, siyaasiyiin kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo Xalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hadlay xaalada siyaasadeed ee ka jirta Koonfur Galbeed.
Kulankaan waxaa masuuliyiinta ka qeyb gashay ka mid ahaa madaxweynahii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, guddoomiyahii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo masuuliyiin kale oo horay xilal u soo qabtay
Masuuliyiintaan ayaa sidoo kale nasiib daro weyn ku tilmaamay in Golaha Wakiiladda maamulka Koonfur Galbeed oo mudo xileedkoodii uu dhamaaday iney hadda sameeyaan doorasho cusub.
Warsaxafadeed laga soo saaray kulanka ayaa lagu sheegay in waxa ka socda Koonfur Galbeed ee uu wado Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iney yihiin waxyaabo baal marsan sharciga iyo dowladnimada.
Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka kulanka kasoo baxay oo dhameystiran:-

Xubno katirsanaa Daacish Oo Ka Faa’iideystay Cafis Uu Maamulka Puntland U Fidiyay
Talaado 4, March 2025 {HMC} Puntland ayaa soo dhoweeysay dad lasoo xiriiray oo ka tirsanaa Daacish, kuwaas ka faa’iideystay cafiska uu u fidiyey madaxweyne Siciid Deni, taasoo loogu talagalay cid kasta oo hore ula shaqeynaysay kooxda Daacish, balse ka soo laabatay fikirkaasi.
Inkastoo aan lasoo bandhigin dadkan isisoo dhiibay, haddana war-saxaafadeed kasoo baxay howlgalka la dagaalanka Daacish ee Hillaac, ayaa lagu sheegay, in Puntland ay bogaadisay xubnaha maamulka iyo waxgaradka fududeeyay fursaddan, iyagoo gacan ka gaystay in dadkaasi ay is dhiibaan.
Sidoo kale, maamulka Puntkand waxa uu xusay in fursadda wali furan tahay inta uu ka dhammaanayo wakhtigii loogu talagalay toddobaadkan.
Puntland waxay caddeysay in hawlgalka ciribtirka argagixisada uu sii socon doono ilaa guud ahaan gobolka laga ciribtiro kooxaha argagixisada.
Maamulka ayaa mahad celin u diray shacabka, gaar ahaan dadka ku nool dhulka baadiyaha ah, kuwaasoo ay ku ammaantay inay si firfircoon uga warbixiyaan firxadka Daacish iyo cid kasta oo looga shakiyo falal amni darro.
Madaxweyne Deni ayaa dhawaan cafis u fidiyay cid kaste oo iskusoo dhiibta gacanta maamulkiisa, isagoo siiyay muddo 7 cishe ah inay uga faaidaystaan inay iskusoo dhiibaan, kana laabtaan fikirkooda.

Degmada Ceelbaraf oo Dib looga Saaray AS
Talaado 4, March 2025 {HMC} Ciidamada Deegaanka iyo kuwa Dowlada oo is Garabsanayo ayaa gacanta ku dhigay Degmada Ceel Baraf ee Gobalka Shabeelaha Dhaxe.
Duqeeyn toos ah oo muda socotay kidib waxa suurtagal u noqotay ciidamada Dowladda iyo kuwa Deeganka in aay gudaha u galaan ceelbaraf oo aay horay ugu sugnaayeen Kooxda AS.
Mudooyinkii Dambe waxa Gobalka Hiiraan kusugnaa Taliyaha Ciidanka lugta waxa uu ku hoowlanaa Dardargalinta Dagalka ka dhanka ah ee kooxda AS, Maalinimadii shalay ayeey eheed markii uu kula Hadlay Deeganka Qoryaale ciidamada Macawiisleeyda waxaana Goobtaasi kula sugnaa Madaxweeyna ku Xigeenka Hirshabeele.
Ciidamada la socday kuwa Dowladda ee Gacanta ku dhigay Degmada Ceelbaraf ayaana ahaa Ciidamadii uu Taliyaha Ciidanka lugta Kula Dardaarmay Deeganada Xalfooleey iyo Qoryaale ee Gobalka Hiiraan.
Xaalada Degmada Ceel Baraf ayaa hada ah mid degan waxana ku sugan cidamada Dowladda iyo kuwa Deeganka waxa sidoo kale loogu Baaqay Qooysaski Deganaa oo Markii Hore Badankooda iskaga Barakacay in aay Dib ugu Soo laaabtaan.
Wabiga Daawo Ee Mara Degmada Beled Xaawo Oo Biyo La’aan Noqday
Talaado 4, March 2025 {HMC} Wararka ka imaanaya Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Wabiga Daawo ee mara duleedka degmadaasi uu guray, iyadoona dadka noloshooda ay ku tiirsanayd biyaha wabiga ay wajahayaan xaalad adag oo dhanka nolosha ah.
Wabigaan waa midka 3aad ee Soomaaliya mara marka laga soo tago wabiyada Jubba iyo sidoo kale Shabeelle, waxaa isku maraa degaanada ay kamidka yihiin Degmada Beled Xaawo iyo Doolow, waxaana uu sii maraa Degmada Luuq ee Gobolka Gedo, Dadka degaanka ayaa sheegaya in sanadkii 2 bil oo kamid ah uu guro Wabiga halka bilaha kalana uu socdo biyaha wabiga.
Wararka waxa ay intaasi ku darayaan in guritaanka wabiga Daawo uu kasoo hormaray waqtigii looga bartay inuu guro, xoolihii ku noolaa wabiga ayaa qaar kood u geeriyooday oonka biyaha sidoo kale ay saameeysay daligii beeraha oo dadka ay ku waraabsan jireen.
Dadka degaanka ayaa sheegay in ay dareemayaan walaac xoogan oo ku saabsan dhinaca Wabiga oo ay Beerahoodi iyo Xoolahoodi ay ku tiirsanaayeen balse hadda ay bilaabeen inay meelo KMG ah u qotaan Xoolaha Biyo yarna loogu shubo, waxaana wabiga uu guray Bishii lasoo dhaafay ee Febraayo.
Dadkaan kunool agaagarka Wabiga ayaa shaaca ka qaaday in horey ay usaameysay abaarihii gobolada soomaray ayna hadda dareemayaan culees kale oo kusoo kordhay oo wabiga ah hadii aan xilliyada soo socda uusan roob da’ina ay xoolahoodi khatar ugu jiraan inay ka la’daan.
Wasiirka Caddaalada Puntland: “Koonfurta dalka argagixisadu waa qabsatey, duruuf iyo dayac mid ay taheyba”
Talaado 4, March 2025 {HMC} Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta ee Puntland, Maxamed Cabdiwahaab ayaa sheegay in Soomaaliya aysan lahayn hoggaan dowladeed oo si mabda’ ah ula dagaalama kooxda Alshabaab.
Wasiirka caddaaladda ayaa sheegay in tani ay sababtay in meelo badan oo Koonfurta Soomaaliya kamid ah ay gacanta u gasho kooxaha xagjirka ah.
Wasiirka oo ka hadlayay xaaladda amni ee Soomaaliya ayaa xusay in duruufta iyo dayaca ay qayb ka yihiin sababaha keena awood-darrida dowladda ee la dagaallanka argagixisada.
“Koonfurta dalka argagixisadu waa qabsatey, duruuf iyo dayac mid ay taheyba, sababtu waa in aysan jirin hoggaan dowladeed, dadaal iyo aragti midaysan oo ku aadan in si mabda’ ah loola dagaalamo argagixisada,” ayuu yiri wasiirka.
Sidoo kale, wasiirku wuxuu qiray in dhalinyaro Soomaaliyeed oo wiilal iyo gabdho isugu jira ay si geesinimo leh ula dagaalameen argagixisada, balse aysan helin hoggaan dowladeed iyo dadaal mideysan oo lagula dagaalamo fikirka xagjirka ah.
Waxaa uu sheegay in Puntland dagaal ay aan kala joogsi laheyn muddo dheer kula jirto ururada argagixisada, islamarkaasna dadka iyo maamulkuna ay mabd’a iyo aragti midaysan ka leeyihiin dagaalanka kooxaha argagixisada.
Muxuu Yahay Isku dhaca ka dhashay Lo’ la kala xaday oo ka dhacay Ismaamulka Kisii?
Talaado 4, March 2025 {HMC} Ismaamulka dhaca Koofur Galbeed ee Kenya laguna magacaabo Kisii waxaa ka dhacay isku dhac salkiisu yahay Lo’ la kala dhacay sida ay xaqijiyeen ilo kala duwan oo deegaanka oo xogtaan la wadaagay warbaahinta gudaha Dalkaas.
Inta la xaqiijiyay 8 ruux ayaa dhaawac kasoo gaaray dagaalkaan gacmaha la isula tagay ee ka dhacay Ismaamulka Kisii gaar ahaan Xuduudda Transmara ee galbeedka Bomachoge Borabu sida wararku sheegayaan.
Dagaalka ayaa la isku adeegsaday Fallaar, Manqar iyo Ulo waxaana markii dambe ku baxay ciidamo katirsan kuwa ammaanka oo xogtaan loo gudbiyay si ay u kala celiyaan labadaan dhinac ee dagaalamayay ku dhawaad saacad.
Kulan degdeg ah oo Hay’adaha amniga isugu yimaadeen ayay uga tashteen sidii ay ku xakamayn lahaayeen isku dhacyada salkoodu yahay Xoolaha la kala dhacayo iyo muranka kale ee dhinaca daaqsinta ama dhulka naqa badan leh.
Ciidamada gaarka ah ee GSU ayay Dowladda Kenya u dirtaay dhulka isku dhacyada xoolo dhaqatada ka jiro maadaama unugtaas ay tahay mid si gaar ah u tababaran lagana cabsado marka lagu arko iyaga oo howlgallaya.
{DAAWO MUQAALKA} Ceel-baraf AS waan ka saarnay ee usoo laabta xaafadihiina iyo Hantidiina”Cismaan Dheere”
Talaado 4, March 2025 {HMC} Ceel-baraf AS waan ka saarnay ee usoo laabta xaafadihiina iyo Hantidiina”Cismaan Dheere”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Macawisleydda Hiiraan ayaa hogaaminaya dagaalka Dowladdana Garab ayey u tahay”Taliye khaalid”
Talaado 4, March 2025 {HMC} Macawisleydda Hiiraan ayaa hogaaminaya dagaalka Dowladdana Garab ayey u tahay”Taliye khaalid”



