Home Blog Page 1162

Maxbuus 12 Sano ku Xirnaa Dalka Biljam oo loo Doortay Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Soomaliya

Talaado 4, March 2025 {HMC} Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) 12 sano ku xirnaa Dalka Biljam ayaa maanta ku guuleystay HOP248 oo horay ugu fadhiyay Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo xubinnada Golaha Shacabka ku waayay aqbalidda xilka agaasime ku xigeenka Hay’adda NISA.

Doorasho ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb xarunta Dowlad-Goboleedka Galmudug ayuu Maxamed Cabdi Xasan Afweyne xubin uga noqday Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka ayaa jadwaleeyay buuxinta kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad, waxaa diiradda u saaran kuraas kale oo deegaan doorashadoodu tahay Galmudug iyo Hir-Shabeelle.

Marka uu Xildhibaan is casilo ama uu qabto xil uu ku weyn karo xubinnimada Baarlamaanka waxaa kursigii uu ku fadhiyay dib loogu celiyaa Beesha isla leh oo loo muddeeyo waqtiga la qabanayo Doorashada si kursigaas loogu helo Xildhibaan ku metala.

Afweyne oo Janaayo sanadkii 2013 ku dhawaaqay in uu ka baxay Kooxihii Burcad badeedda ee xiligaas dardarta ku socotay ee malaayiinta doollar madax-furashada uga qaatay Maraakiib la qafaashay ayaa lagu xiray Magaalada Brussels ee Dalka Biljamka Oktoobar 2013kii.

Xabsi ku yaalla Biljamka ayuu kusoo qaatay ku dhowaad 12 sano isaga oo dhowaan dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, waxa uu dib usoo laabashadiisa dalka kusoo beegmay iyada oo uu bannaan yahay kursigaan uu ku guuleystay maanta.

Golaha Ammanka oo cusboonaysiiyay tallaabooyinka cunaqabaynta dhoofinta dhuxusha

Talaado 4, March 2025 {HMC} Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dib u cusboonaysiiyay tallaabooyinkooda ku aaddan ka-hortagga dhoofinta hubka iyo dhuxusha, si loo curyaamiyo shabakadda ganacsiga ee Al-Shabaab.

Go’aan loo dhan yahay, oo kasoo baxay 15-ka xubnood ee Goluhu ayaa lagu kordhiyay dhaqangelinta cunaqabaynta hubka ee saaraan Alshabaab, si loo cuuryaamiyo hawlgallada Al-Shabaab oo ay ku jiraan weerarrada argagixisada iyo ganacsiga suuqyada madow ay khatar toos ah ku yihiin amniga gobolka iyo kan caalamiga ah.

Qaraarkan ayaa siinaya Dawladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay awood ay ku qabtaan oo ay ku baaraan maraakiibta looga shakisan yahay inay hub ama dhuxul sharci darro ah ku safrinayaan biyaha Soomaaliya iyo guud ahaan aagga badda oo dhan, oo ay ku jiraan Badda Carabta iyo Gacanka Faaris.

Iyadoo dowladda Soomaaliya aysan hadda saarneyn cunaqabateynta hubka ee ka dhalatay go’aankii Golaha Ammaanka ee 2023-ka ee ahaa in xayiraadaha laga qaado ciidamadeeda ammaanka, ayaa waxaa weli sii soconeysa cunaqabateynta hubka ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Mamnuucidda Qaramada Midoobay ee 2012 ee dhoofinta dhuxusha Soomaaliya ayaa looga golleeyahay in la gooyo ilaha dhaqaale ee aasaasiga ah ee Al-Shabaab.

Xayiraadda ayaa sidoo kale baabi’isay warshadihii dhuxusha ee Soomaaliya. Dad badan ayaa hadda ku baaqaya in dib loo qiimeeyo siyaasaddan, iyaga oo ku doodaya in ay waxyeello ka badan u geysatay Soomaalida caadiga ah marka loo eego shabakadihii xagjirka ahaa ee la doonayay in lagu wiiqo.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {04-03-2025}

Talaado 04, Mar 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Sahro Gabre & Mustaf Cadoow

Farsamadii ::Abdiqani Osoble

{DAAWO MUQAALKA} AS oo lagala wareegay gacan ku heynta Degmada Ceel-baraf.

0

Talaado 4, March 2025 {HMC} AS oo lagala wareegay gacan ku heynta Degmada Ceel-baraf.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Maxay tahay sababta Soomaaliland ay u qarameyneyso Maleeshiyo beeleed ku sugan Sanaag.

0

Talaado 4, March 2025 {HMC} Maxay tahay sababta Soomaaliland ay u qarameyneyso Maleeshiyo beeleed ku sugan Sanaag.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

ONLF dismisses a statement circulating on social media, reaffirms commitment to peace agreement

0

Tuesday 4,March -2025 {HMC} The Central Committee of the Ogaden National Liberation Front (ONLF) has dismissed a statement issued in Nairobi in the name of the Party, asserting that it is not recognized by ONLF and does not reflect its official position.

It is worth noting that a statement titled “The Ethiopian Government Has Abandoned the 2018 Peace Agreement with ONLF” was posted on the social media platform X on Sunday, March 3, 2025.

In light of this, the Party’s Central Committee said the statement issued on Sunday in Nairobi does not represent ONLF. The Central Committee reaffirmed its commitment to the agreement the Party signed in 2018 with the federal government of Ethiopia, and commended the development activities being undertaken by the government since the signing of the agreement.

“We reaffirm that the statement issued in Nairobi, Kenya, in the name of the Ogaden National Liberation Front (ONLF), claiming that the Ethiopian government has abandoned the peace agreement, is not recognized by ONLF,” the Central Committee stated.

In an official response from Jigjiga, the Central Committee emphasized that the Nairobi statement, released on Sunday, violates the 2018 Asmara Peace Agreement between ONLF and the Ethiopian government and does not represent the Party.

The Committee further highlighted that peace and development in the Somali region have been progressing positively since the signing of the Asmara agreement. The Party commended the efforts of both the federal and Somali regional governments in implementing the agreement and addressing the political, economic, and developmental needs of the people. It expressed regret that the Nairobi statement failed to acknowledge these achievements.

In this regard, ONLF outlined the following key points:

 

  1. The Nairobi statement, issued in ONLF’s name, was released by individuals without the approval of the Party’s Central Committee, Executive Committee, or Vice-Chairman Abdulkarim Sheikh Muse. Therefore, it does not represent ONLF.ONLF remains committed to the Asmara Peace Agreement and will continue to strengthen its peaceful political struggle. The Party acknowledges and appreciates the contributions of both the federal and Somali regional governments in implementing the agreement.
  2. ONLF will soon convene a conference under the regulations of the Ethiopian National Election Board, where key decisions and strategic directions will be determined to reinforce the peaceful struggle.
  3. Finally, ONLF would like to warn the public not to be misled by unauthorized statements and called on those responsible to refrain from such actions.

Mareykanka oo ka digniino kasoo saaray xiriirka kooxda AS iyo Xuutiyiinta Yemen.

Talaado 4, March 2025 {HMC} Dowladda Mareykanka ayaa Isniintii sheegtay in uu ka walaacsan yahay xiriirka sii kordhaya ee u dhaxeeya Kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya iyo kooxda Xuutiyiinta Yemen, waxay Ku baaqday in la iska kaashado la shaqeynta guddiyada golaha ammaanka ee Yemen iyo Soomaaliya si loola socdo xiriirka ka dhexeeya labada urur, oo Maraykanku u arko ururro argagixiso.

Tani waxay ku soo beegantay hadal uu jeediyay John Kelly, oo ah ku simaha Safiirka Mareykanka ee Golaha Ammaanka, xilli waqti kordhin loo sameeyay Guddiga khubarada ah ee ka caawinaya Golaha amaanka fulinta cunaqabateynta Al-Shabaab.

Kelly waxa uu khudbadiisa ku sheegay “Waddooyinka tahriibinta ee ka gudba Badda Cas ee isku xiraya kooxaha argagixisada ah ee fadhigoodu yahay Soomaaliya iyo kuwa Yemen waa in lala yimaada muhiimad weyn iyo iskaashiga caalamiga ah”.

Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan ka walaacsanahay xiriirka sii kordhaya ee ka dhexeeya Kooxda Al Shabaab iyo Xuuthiyiinta.”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Waxaan dhiirigelineynaa wadahadal dhexmara guddiyada cunaqabateynta saaran Yemen iyo Al-Shabaab, iyo dalalka Geeska Afrika iyo Jaziirada Carabta, si loo iftiimiyo xiriirka Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab, ugu dambeyntiina lagu kala saaro”.

Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay ajaaniib ka tirsanaa kooxda Daacish.

Talaado 4, March 2025 {HMC} Ciidamada ammaanka Puntland ee weli howlgallada kasii wada gobolka Bari, gaar ahaan aagga buuraleyda Calmiskaad ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen saddex nin oo ajaaniib ah oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Daacish.

Saddexda nin oo haatan ku jiro gacanta hay’adaha amniga ayaa waxaa lagu qabtay agagaarka Dooxada Teedsan Uur-caleed ee u dhow laamiga dheer, sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland.

Xogta raggan ajaaniibta ah ayaa waxaa soo gudbiyay dadka deegaanka, kadibna waxaa howlgalay oo sidaas kusoo qabtay ciidamada ammaanka ee Puntland oo haatan baaris ku haya ajaaniibta soo gacan gashay.

Sidoo kale waxaa saddexda nin korkooda ku yaalla dhaawacyo rasaaseed iyo asataamo kale, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka kasoo baxay Puntland.

“Ciidanku waxay qabteen saddex ajaanib ah oo duruuf weyn ka muuqato, Dooxada Teedsan Uur-caleed ee u rogan xaga laamiga, waxaa soo gudbiyey dadka deegaanka. Baaritaan ayaa ku socda, waxaa laga helay Rasaas jeebabkooda iyo astaamo kale” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland.

Dhanka kale, howlgallada oo weli sii socda ayaa jab lagu gaarsiiyay Daacish, waxaana looga dilay xubno badan, iyada oo laga qabsaday saldhigyo ku yaalla gobolka Bari.

Puntland ayaa bishii December ku dhawaaqday dagaal culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka kooxda Daacish, waxaana ay sheegtay in tan iyo xilligaas ay dishay maleeshiyaad ka badan 100, kuwaas oo u badan ajaanib.

Garabka Daacish ee Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay noqday qayb muhiim ah oo ka mid ah shabakadda caalamiga ah ee Daacish, waxaana bishan horraanteedii bartilmaameed u ahayd duqeymo cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Mareykanka.

Iyadoo lagu qiyaasayo tiradooda inay u dhexeyso 700 ilaa 1,500 oo dagaalyahanno ah, garabka Daacish ee Soomaaliya ayaa sanadihii la soo dhaafay kobcay sababo la xiriira kusoo biirista dagaalyahanno ajnabi ah iyo kororka dakhliga dhaqaale.

Si kastaba ha ahaatee, maleeshiyaadkan ayaa weli aad uga yar kooxda Al-Shabaab, oo gacanta ku haysa qaybo ballaaran oo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

{DAAWO MUQAALKA} Puntland oo la wareegtay gaadiid dagaal oo cusub.

0

Talaado 4, March 2025 {HMC} Puntland oo la wareegtay gaadiid dagaal oo cusub.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Israa’iil oo qorseeneysa in duullaan ka dhan ah magaalada Qasa.

Talaado 4, March 2025 {HMC} Israa’iil ayaa qorseeneysa in duullaan cusub ku qaado magaalada Qasa ee dhulka Falastiin, waxa ay sidoo kale Israa’iil dooneysaa in gabi ahaan magaaladaasi ka jarto korontada iyo biyaha, si shacabka loogu qasbo in gabi ahaan magaalada isaga guuraan.

Wasiirka Maaliyadda Israa’iil, Bezalel Smotrich, oo u safray dalka Mareykanka ayaa sheegay in duullaan cusub ku qaadayaan magaalada Qasa, waxa uu xusay Wasiirka in duullaanka qeyb ka yahay in shacabka ku qasbaan in magaalada ka barakacaan ayna ka jarayaan korontada iyo biyaha.

Bezalel Smotrich, ayaa caddeeyay in ay ka shaqeenayaan hirgelinta qorshaha Madaxweyne Trump ee ku aadan in magaalada Qasa shacabka guud ahaan laga barakiciyo, waxa uuna intaa ku daray in qorshahan la diyaariyay lalana wadaagay Ra’isul Wasaaraha iyo madaxda kale ee Israa’iil.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donlad Trump, ayaa horey ugu baaqay dalalka Jordan iyo Masar in ay qaabilaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada Qasa, si magaaladaasi looga dhigo mid cidlo ah oo shacabka ka caagan , uuna ula wareego Mareykanka magaaladaasi.

Qorshahan ay Israa’iil iyo Mareykanka damacsan yihiin, ayaa kusoo aadaya xilli maanta uu Qaahira shir uga furmayo madaxda Carabta oo ka hadlaya qorshaha dib u dhiska Qasa iyo inay soo bandhigaan qorshe ay uga hortagayaan go’aanka uu Trump doonayo in lagu barakiciyo dadka Qasa oo Mareykanka uu la wareego.