Home Blog Page 116

Wasaaradaha Waxbarashada Soomaaliya &Wasaaradda Tacliinta Jabuuti ayaa kala saxiixday Heshiis lagu xoojinayo waxbarashada

0

Isniin 9 Feb 2026 {HMC} Wasaaradaha Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Tacliinta Sare iyo Cilmibaarista ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta si rasmi ah u kala saxiixday Heshiis Is-afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal ee dhinacyada tacliinta sare iyo cilmibaarista.

Heshiiskan oo lagu saxiixay magaalada Muqdisho, ayaa ujeeddadiisu tahay in la dhiso hannaan rasmi ah oo fududeynaya is-weydaarsiga tacliimeed iyo cilmiyeed ee u dhexeeya jaamacadaha iyo hay’adaha tacliinta sare ee labada dal.

Heshiisku wuxuu diiradda saarayaa qodobada soo socda:
* Is-weydaarsiga ardayda, macallimiinta jaamacadaha iyo cilmibaarayaasha.
* Taageeridda tababarrada iyo barnaamijyada cilmibaaris ee muddada gaaban ah.
* Abaabulka shirar, aqoon-is-weydaarsiyo iyo siminaarro wadajir ah.
* Hirgelinta barnaamijyo shahaado-wadaag ah (Bachelor, Master iyo PhD).
* Fududeynta arrimaha deeqaha waxbarasho iyo aqoonsiga shahaadooyinka.

Labada dal ayaa sidoo kale ku heshiiyay ilaalinta xuquuqda hantida aqooneed (Intellectual Property) ee ka dhalata cilmibaarista wadajirka ah, iyadoo la raacayo shuruucda qaran iyo heshiisyada caalamiga ah.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa sheegay in heshiiskani uu xoojinayo xiriirka taariikhiga ah ee walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, isla markaana uu kor u qaadayo tayada waxbarashada sare iyo horumarinta cilmibaarista dalka.

Dhankiisa, Wasiirka Wasaaradda Tacliinta Sare iyo Cilmibaarista ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Nabiil Maxamed Axmed, ayaa carrabka ku adkeeyay in iskaashigan uu fursado ballaaran u abuuri doono ardayda iyo macallimiinta labada dal, isla markaana uu gacan ka geysan doono kobcinta aqoonta iyo horumarka guud ee gobolka.

Heshiiskan ayaa ka tarjumaya dadaalka joogtada ah ee labada dowladood ay ugu jiraan xoojinta iskaashiga istiraatiijiyadeed iyo horumarinta mustaqbalka jiilasha soo koraya.

Dowladda Masar oo sheegtay in Soomaaliya usoo dirayso Saraakiil Amni & Dhaqaatiir

0

Isniin 9 Feb 2026 {HMC} Dowladda Masar ayaa sheegtay in ay Soomaaliya usoo dirayso Saraakiil Khubarro ah oo Dowladda Federaalka ka gacansiiya adkaynta Amniga Dalka iyo la dagaalanka waxa loogu yeero ‘Argagaxisada’ kaddib wadahadal dhexmaray labada madaxweyne.

Madaxweynaha Masar, Cabdifitaax Al-Siisi ayaa in Dowladdiisa oo horay fasax ugu heshay ka qaybgalka Howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM in ay dadejin doonto ciidamada iyo saraakiisha qaybta ka qaadanaya adkaynta Amniga Dalka.

“Iskaashigaan waxaa sidoo kale kamid ah tababarrada iyo dhisidda Awoodaha Ciidan, innaga oo Soomaaliya u dirayno Saraakiil khubarro amni ah oo gacan ka gaysta dagaallada ka dhanka ah Argagixisada, waxaana naga go’an xaqiijinta Himilooyinka Shacabka Soomaaliyeed ee dhanka horumarka iyo Barwaaqada” Ayuu yiri Madaxweynaha Masar, Cabdifitaax Al-Siisi.

Sidoo kale, Xukuumadda Qaahira ayaa Dhaqaatiir takhasusaad kala duwan leh iyo dawooyin usoo diraysa Soomaaliya si loo xoojiyo cilaaqaadka ka dhaxeeya Labada Dowladood loona xoojiyo iskaashigooda dhinacyada kala duwan ku dhisan.

“Si loo sii wado dedaallada cusub ee lagu xoojinayo Yoolkeenna wadajirka ah, Masar waxa ay dhowaan Soomaaliya u diraysaa Dhaqaatiir leh Takhasusaad kala duwan iyo Agab Caafimaad” Ayuu yiri Madaxweynaha Masar, Cabdifitaax Al-Siisi.

Masar waxa ay kamid tahay Dalalka ku deeqay Ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM balse ciidamdeedu weli dalka sooma gaarin, Xukuumadda Qaahira ayaa shaacisay in ay soo dadejin doonto Ciidamadaas si ay qayb uga noqdaan howlgallada lagu adkaynayo Amniga Dalka sida hadalka loo dhigay.

{DAAWO MUUQAALKA} Muxuu yahay Qorshaha Safarka madaxweynaha Masar uu ku tagayo Imaaraadka carabta.?

0

Isniin 9 Feb 2026 {HMC} Muxuu yahay Qorshaha Safarka madaxweynaha Masar uu ku tagayo Imaaraadka carabta.?

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Wafdi hordhac u ah Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland oo ku wajahan Muqdisho

0

Isniin 9 Feb 2026 {HMC}  Wafdi hordhac u ah Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland oo ku wajahan Muqdisho

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Xog Dheeraad ah oo laga helayo Hishiis ay wada galeen Soomaaliya iyo Masar

0

Isniin 9 Feb 2026 {HMC} Xog Dheeraad ah oo laga helayo Hishiis ay wada galeen Soomaaliya iyo Masar

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Baarlamanka oo Maanta wax ka Badal ku Sameenayo Cutubto kamid ah Dastuurka.

0

Isniin 9 Feb 2026 {HMC} Baarlamanka oo Maanta wax ka Badal ku Sameenayo Cutubto kamid ah Dastuurka.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

 

Faah Faahin howlgal ka socda Bakool.

0

Isniin 9 Feb 2026 {HMC} Taliska Guutada 9-aad qeybta 60-aad Gobolka Bakool waxaa ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaano hoostaga Deegaanka Moorigaabey ee hoostaga Magaalada Xuddur Ee Xarunta Gobolka Bakool..

Sida ay saraakiisha warbahinta Warbaahinta uxaqiijiyeen Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan islamarkaana lagu bartilmaameedsaday horjooge katirsan khawaarijta deegaanadaas ku dhibaateya shacabka Soomaaliyeed waxaana ay ciidanka ka soo furteen gaadiid loo yaqaana mooto nooca sedex lugoodka ah.

Madaxweynaha Masar oo u safraya Imaaraadka

0

Isniin 9 Feb 2026 {HMC} Madaxtooyada Masar ayaa goordhaw soo saartay war-saxaafadeed ay ku shaacisay in Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Sisi, uu maanta u ambabaxayo Isutagga Imaaraadka Carabta, booqasho uu afhayeenka madaxtooyadu ku tilmaamay mid walaaltinimo.

Inta lagu guda jiro booqashada, Madaxweyne Al-Sisi ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Imaaraadka, Sheekh Maxamed bin Saayid Al-Nahayaan, iyagoo ka wada hadli doona xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan. Sidoo kale, kulammadu waxay diiradda saari doonaan wadatashiga iyo isku-duwidda mowqifyada ku saabsan arrimaha iyo qalalaasaha gobol iyo caalami ee ay labada dhinac danaha wadaagaan.

Booqashadan lama filaanka ah ayaa imanaysa kaddib hadallo saaxiibtinimo leh oo dhowaan dhex maray Madaxweyne Al-Sisi iyo dhiggiisa Aljeeriya Cabdulmajiid Tabboun, kuwaas oo ku saabsanaa xiriirka laba geesoodka ah, inkastoo Tabboun uu horay Imaaraadka ugu tilmaamay “dal yar” isaga oo aan si toos ah u magacaabin.

Sidoo kale, booqashadu waxay ku xigtaa wada-hadalladii Madaxweyne Al-Sisi la yeeshay dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana la filayaa in ay diiradda saarto faylal gobol iyo Carbeed oo muhiim ah, gaar ahaan xaaladda Suudaan, iyadoo ay jiraan kala aragti duwanaansho u dhexeeya Abu Dhabi oo taageerta Xamditi, iyo Masar oo garab istaag u muujisay ciidanka Suudaan.

Israa’iil oo war ka soo saartay wadahadalka Iran iyo Mareykanka.

0

Isniin 9 Feb 2026 {HMC} Wasiirka tamarta ee Israa’iil, ayaa sheegay in heshiis macquul ah oo dhex mara Washington iyo Tehran aanu wax micna ah soo kordhineyn.

“Ma jiro wax macno leh oo laga samayn karo heshiis lala galo maamulka hadda jira. Isbeddelka xukunka ee Texraan wuxuu dan u yahay dhammaan waddamada Islaamka ee ku xeeran Iran,” ayuu Eli Cohen Axadii ku yiri wakaaladda wararka ee Israa’iil, Ynet.

Mr. Cohen wuxuu ku nuuxnuuxsaday: “Xataa haddii heshiis la gaaro, haddii ay soo baxdo khatar ka dhan ah Israa’iil oo aanu ku qasbannahay inaan tallaabo qaadno, waanu qaadi doonnaa tallaabo.”

Wakiillo ka socda Iran iyo Maraykanka ayaa wadahadallo aan toos ahayn ku yeeshay Muscat Jimcihii, waxaana marti galiyay Cumaan.

Waqtiga iyo goobta shirka xiga weli lama shaacin.

Golaha wasiirrada amniga ee Israa’iil, oo Eli Cohen xubin ka yahay, ayaa la filayaa inay maanta kulmaan.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Arbacada u safri doona Washington, si uu wadahadallo ula yeesho Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, kuwaas oo ku saabsan wadaxaajoodyada Iran.

Madaxweyne Cirro oo ka hadlay Qorshaha Trump ee Nabadda Qasa

0

Isniin 9 Feb 2026 {HMC}  Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ‘Cirro’ oo la hadlayey warbaahinta Sky News qaybteeda Carabiga sheegay in ay taageersan yihiin qorshaha nabadda Qasa ee Trump horkacayo.

“Dawladda Somaliland waxay taageersan tahay hindisaha nabadeed ee Madaxweyne Donald Trump ee Qaza ee dadka Falastiiniyiinta,” ayuu yidhi Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.

“Waxaan xaqiijinaynaa aaminaaddeenna ah in ay wada noolaan karaan quruumuhu iyo in nabadda ay tahay waddada keliya ee waarta ee xasilloonida iyo wada noolaanshaha.” ayuu sii raaciyey hadalkiisa Madaxweyne Cirro