Isniin 3, March 2025 {HMC} Itoobiya oo ka Hadashay Damaceeda ku aadan Bada Cas
{DAAWO MUQAALKA} Gudoomiyaha degmada Jalaqsi oo ciidama Badan Kusoo Bandhigay Deeganka Qoryaale
Isniin 3, March 2025 {HMC} Gudoomiyaha degmada Jalaqsi oo ciidama Badan Kusoo Bandhigay Deeganka Qoryaale
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Dood adag oo maanta dhaxmartay Xildhibaanada Mucaaradka iyo Muxaafidka.
Isniin 3, March 2025 {HMC} Dood adag oo maanta dhaxmartay Xildhibaanada Mucaaradka iyo Muxaafidka.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Wasiirka Caafimaadka “Dadka Gado Qas Qaska Talabo ayaan ka Qaadynaa”
Isniin 3, March 2025 {HMC} Wasiirka Caafimaadka “Dadka Gado Qas Qaska Talabo ayaan ka Qaadynaa”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Madaxweyne Ciro oo la kulmay wafti sare oo ka socda……….
Isniin 3, March 2025 {HMC} Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu maanta Qasriga Madaxtooyada kulan muhiim ah kula yeeshay madax sare oo ka socotay Hay’adda IOM Mr. Manuel Marques Pereira iyo wefti uu hoggaaminayey oo ay ka mid ahaayeen Ms Murima (ku-xigeenka), Ayan Xasan Rabi (Madaxa Hay’adda IOM Somaliland) iyo Maxammed Cumar Iidaan (Sarkaal xagga Amniga).
Ugu horrayn, Madaxweynaha Somaliland waxa uu soo dhaweeyey weftiga isla markaana uu uga mahad naqay muddada dheer ee ay ka shaqaynayeen Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Xukuumadda Somaliland ay diyaar u tahay in ay si dhaw oo wax-tar iyo iskaashi leh ula shaqayso dhammaan Hay’adaha Caalamiga ah, iyagoo kala shaqayn doona arrimaha mudnaanta u leh Qaranka Somaliland.
Madaxa Hay’adda IOM Mr. Marques Pereira, waxa uu Madaxweynaha ku bogaadiyey guushii uu ka gaadhay Tartankii Doorashashoyinkii Madaxtooyada ee ka dhacay dalka iyo hannaanka dimuqraadiyadda ee ka hirgalay Somaliland.
Madaxa Hay’adda IOM waxa uu sheegay in ay dhinacooda diyaar u yihiin la shaqaynta Xukuumadda cusub, gaar ahaan Wasaaradaha ay la leeyihiin wada shaqaynta tooska ah, sida: Arrimaha Dibedda, Arrimaha Gudaha, Dib-u-dejinta, Caddaalada iyo Caafimaadka, Taliska Laanta Socdaalka, iwm.
Kulanka ayaa waxa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta si wax looga qabto caqabadaha xagga socdaalka iyo sidii la iskaga kaashan lahaa arrimaha Bini’aadannimada ee u baahan in wax laga qabto.
𝐐𝐨𝐝𝐨𝐛𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐤𝐚 𝐦𝐢𝐝 𝐚𝐡𝐚𝐚:
* Maaraynta qulqulka socdaalka iyo ilaalinta dadka nugul.
* Isku-dubbaridka taageerada barakacayaasha iyo bulshooyinka ay saameeyeen masiibooyinka dabiiciga ah iyo colaadaha.
* La dagaalanka ka ganacsiga dadka iyo hubinta ilaalinta shakhsiyaadka khatarta ku jira.
* Ka faa’iidaysiga iyo kobcinta aqoonta iyo waayo-aragnimada bulshada Qurba-Jooga ah
Labada dhinac waxa ay xaqiijiyeen in ay ka go’an tahay iskaashi muddo dheer ah oo looga gol leeyahay in lagu horumariyo xasilloonida, daryeelka bini’aadantinimo, iyo horumar waara ee Somaliland.
Ra’iisul-wasare Xamsa oo caawa sameeyey magacaabis Cusub.
Isniin 3, March 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa caawa magacaabay Agaasimeyaal Guud iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Xubnaha ka magacaabay oo toddoba gaaraya ayaa kala ah:
CABDIFATAAX CABDIQAADIR FAARAX oo loo magacaabay Xog-hayaha Joogtada ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
MAXAMED CUMAR NUUR ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga XFS.
IBRAAHIM AXMED CISMAAN ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS.
MAXAMED SANEY DALMAR ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaannada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya.
FAARAX CABDINUUR AXMED ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta.
SAHRA CABDI MAXAMED ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara.
CABDULLAAH SAHID CABDI ayaa loo magacaabay Agaasime ku-xigeenka ee Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara.
Dikreetadaan ayaa noqoneysa mid kamid ah agaasimayaashii ugu badbaa ee hal mar uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Xamsa, inta badan agaasimayaasha wasaaradaha joogay ayaa ahaa kuwii horay u haayey xilalka oo ra’iisul wasaarayaashii isaga ka horeeyey ay magacaabeen.

{DAAWO MUQAALKA} Itoobiya oo ciidamo kusoo Bandhigtay Koofur Galbeed
Isniin 3, March 2025 {HMC} Itoobiya oo ciidamo kusoo Bandhigtay Koofur Galbeed
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Macawisleey Balan Qaaday in AS Ka Difaaci doonan Sh-dhaxe.
Isniin 3, March 2025 {HMC} Macawisleey Balan Qaaday in AS Ka Difaaci doonan Sh-dhaxe.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {03.03.2025}
Isniin 3, March 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahmaan Ahmed Maaskaro
Farsamadii ::Mohamed Baryare Hamud



