Isniin 3, March 2025 {HMC} Midnimadii somaliyeed ayaa halkaan joogto yaan la kala tagin ;Xildhibaan Khaliif abdi
{DAAWO MUQAALKA} Puntland oo shaacisay halka lagu soo Daaweyo Daacishta ku dhaawacanta Calmiskaad.
Isniin 3, March 2025 {HMC} Puntland oo shaacisay halka lagu soo Daaweyo Daacishta ku dhaawacanta Calmiskaad.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Xildhibaan Black “Anigoo meydka walaalkey u socda in garoonka la iga soo celiyo”.
Isniin 3, March 2025 {HMC} Xildhibaan Black “Anigoo meydka walaalkey u socda in garoonka la iga soo celiyo”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} MW Laftagaren “Itoobiya waa walaaleheen, waxa naga go’an in aan wanaajinno xidhiidhkooda
Isniin 3, March 2025 {HMC} MW Laftagaren “Itoobiya waa walaaleheen, waxa naga go’an in aan wanaajinno xidhiidhkooda
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Oo Kulan La Qaatay Wafdi Sare Oo Ka Socday Dalka Masar
Isniin 3, March 2025 {HMC} Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xafiiska ku qaabilay wafdi masuuliyiin sare oo ka socday dalka Masar.
Kulanka labada masuul ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimaha la xiriira wadashaqeynta labada dhinac iyo horumarinta xirfadaha saraakiisha booliska labada dal, iyada oo kulanka qeyb ka ahaa Taliyaha Boliiska Goblka Banaadri Gaashaale sare Macallin Mahdi.
May be an image of 4 people, newsroom and text
Sidoo kale, kulanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray arrimaha xoojinta xiriirka amniga, horumarinta xirfadaha ee dhanka tababarrada iyo la dagaallanka dambiyada.
Kulanka wafdigaan iyo Taliyaha Boliiska Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa imaanaya xilli ay dhawaan wadamada Soomaaliya iyo Masar kala saxiixdeen heshiiisyo la xiriira iskaashiga amniga ee labada dal.
AFRICOM Oo War Ka Soo Saartay Duqeyn Ay Ka Fulisay Ceelbaraf
Isniin 3, March 2025 {HMC} War qoraal ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee qaaradda Africa (AFRICOM) ayaa waxaa lagu faah faahiyey duqeyn ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha dhexe.
Waxaa lagu sheegay qoraalkan, in iyaga oo kaashanaya ciidanka xoogga dalka, ay duqeymo la beegsadeen Xarumo ay Al-shabaab ku leeyihiin degmada Ceelbaraf ee gobolka Shabeelada Dhexe,
AFRICOM ayaa sheegtay in duqeyntay ku burburiyeen gaadiid, iyo xubno badan ay ku dileen duqeynta, inkastoo aysan sheegin tirade rasmiga ah.
Waxaa kale oo sheegeen in aysan wax rayid ah oo khasaaro ka soo gaaray duqeynta.
Taliska AFricom ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid ay soo qorsheeyeen, islamarkaana ay ku xoojin doonaan howlgallada sidan oo kale ah.
Taliska Mareykanka ee Afrika, oo ay wehliyaan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, ayaa sii wada tallaabooyinka hoos loogu dhigayo awoodda Al-Shabaab ee qorsheynta iyo fulinta weerarrada halista ku ah Mareykanka, ciidamadeena iyo shacabkeenna dibadda.
Dowladda Soomaaliya aya kal hore sheegtay in duqeyn la beegsadeen maleeshiyaad Al-shabaab oo diyaarinayay qaraxyo .
Birhanu Jula: “Itoobiya wakhti yar baa ka xiga inay kamid noqoto dalalka ku xeeran Badda Cas”
Isniin 3, March 2025 {HMC} Taliyaha Ciidamada Itoobiya, Janaraal Birhanu Jula, ayaa sheegay in wakhti yar kaliya ay ka harsan tahay in Itoobiya ka mid noqoto dalalka ku xeeran Badda Cas.
Hadalka Janaraal Birhanu ayaa yimid dhowr maalmood kadib markii Itoobiya iyo Soomaaliya ay gaareen is-afgarad lagu dejinayo xiisaddii ka dhalatay heshiiska MoU ee ay Itoobiya iyo Somaliland kala saxiixdeen Janaayo 1, 2024.
Heshiiskaasi ayaa Itoobiya u ogolaanayay inay hesho marin Badda Cas ah oo ay uga gudbi karto dhulka Somaliland, laakiin waxaa si adag uga soo horjeestay dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku tilmaamtay gardarro cad.
Si kastaba ha ahaatee, hadalka cusub ee kasoo baxay Janaraal Birhanu ayaa sii xoojiyay shakiga laga qabo in Addis Ababa ay wali damacsan tahay inay sii waddo hirgelinta heshiiska muranka dhaliyay ee Somaliland.
“Wakhti yar uun baa ka hadhsan in Itoobiya ka mid noqoto dalalka ku xeeran Badda Cas,” ayuu yiri Janaraal Birhanu, balse faahfaahin dheeraad ah kama bixin sida taasi ku dhici doonto.
Xukuumadda Itoobiya wali si rasmi ah ugama hadlin, haddii hadalka Birhanu uu ka dhigan yahay in dib loo xoojinayo heshiiska MoU ee lala galay Somaliland.
Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan ka digtay in isku day kasta oo lagu hirgelinayo heshiiskaasi loo aqoonsan doono gardarro ka dhan ah madaxbannaanideeda.
Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa horey u sheegay in mustaqbalka dhaqaale ee Itoobiya uu ku xiran yahay helitaanka deked toos ah, hase yeeshee wuxuu xusay in arrintaasi lagu raadinayo wadaxaajood nabadeed.
{DAAWO SAWIRADA} MW Axmed Madoobe Oo Abaal-marino Gudoonsiiyay Arday Maalmaha Hore Ka Gashay Tartan Quraanka Ah
Isniin 3, March 2025 {HMC} Madaxweynaha jubbaland Mudane Axmed Maxamed islaam ayaa abaalmarino kala duwan ku wareejiyay ardayda kaalmaha hore ka gashay tartanka Qur’aanka Kariimka, Kadib munaasabad ka dhacday hoolka Daawad ee magaalada Kismaayo.
Munaasabada guddoonsiinta abaalmarinta arday ayaa waxaa kasoo qeyb galay Madaxweynaha Jubbaland, labada golle ee Jubbaland, culimaa’udiin, Odayaasha Dhaqanka, Macalimiin, Waalidiin, arday, iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.
Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa waalidiinta iyo macalimiinta ardayda ku bogaadiyay fadaalkooda ku aadan doo saarida arday xufaad ah oo wax tar u leh bulshada.
Cabdirisaaq Maxamed Cabdi ayaa noqday arday kaalinta 1aad u galay ardayda ku tartameysay 30-ka Juz ee Qur’aanka asagoo Madaxweynaha uu abaalmarin ahaan u siiyay Gaari.
Halka Kaalinta 2-aad iyo 3-aad ee tartanayaasha 30-ka Juz ayagana Madaxweynaha ku abaalmariyay gawaari
Ugu dambeyn Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed islaam, ayaa si gaar ah gaari u gudoonsiiyay gabar kamid aheed tartamayaasha ka socday degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

{DAAWO MUQAALKA} Maxeey tahay Munaasabada Hadal Heeynta Badan dhalisay ee Itoobiya Baydhabo ku qabsadeyn.?
Isniin 3, March 2025 {HMC} Maxeey tahay Munaasabada Hadal Heeynta Badan dhalisay ee Itoobiya Baydhabo ku qabsadeyn.?
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Putnland uma baahna Qaaraan way isku Filantahay Ciidan Awoodleh ayay Leedahay
Isniin 3, March 2025 {HMC} Putnland uma baahna Qaaraan way isku Filantahay Ciidan Awoodleh ayay Leedahay



