Sabti 1, March 2025 {HMC} Maxaa Looga Hadlayaa Kulanka Barlamaanka Soomaaliya Manta?
{DAAWO MUQAALKA} Gaadiidleyda Gobolka Hiiraan oo Cabasho ka ah Gaadiid looga dhacay Puntland
Sabti 1, March 2025 {HMC} Gaadiidleyda Gobolka Hiiraan oo Cabasho ka ah Gaadiid looga dhacay Puntland
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {01.03.2025}
Sabti 1, March 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Ali Ahmed
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO
Axmed Madoobe oo eedaymo culus ujeediyay Dowladda Soomaaliya.
Sabti 1, March 2025 {HMC} Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo wareysi bixiyay ayaa ku eedeeyay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh in ay tahay shirkad ku shaqaysa caqliyaddii qabiilka ee wakhtigii dagaallada Sokeeye socdeen (1991).
Madaxweynaha Jubaland ayaa sidoo kale sheegay in Ra’iisul wasaare Xamse uusan wax awood ah ku lahayn dowladda Xasan Sheekh, islamarkaana waxa uu ku tilmaamay nin shaqaale ah, oo aan waxba laga weydiin go’aannada iyo talada dowladda, taasina lumisay isu dheellitirkii awoodda dowladnimada dalka.
“Dowladdii Soomaaliya maanta waxay noqotay shirkad ku shaqaysa caqliyaddii taallay 1991-dii, waxaana maqan waa awooddii Ra’iisul wasaaraha dalka, oo aysan waxba gacanta ugu jirin cidna aysan waxba weydiin, waana u cudur-daarayaa runtii waa shaqaale shirkadeed isagu” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.
Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ka baxday xayndaabkii Sharciga iyo dastuurkii lagu doortay, kaddib markii sida uu sheegay ay burburisay wax kasta oo Soomaali heshiis ku ahayd, waxaana uu ka digay in taasi keeni karto colaad iyo kala tag.
{DAAWO MUQAALKA} Nin u dhashay Sacuudiga oo Hal Iskuul ah ka Wada Guursaday 4 Xaasn
Sabti 1, March 2025 {HMC} Nin u dhashay Sacuudiga oo Hal Iskuul ah ka Wada Guursaday 4 Xaasn
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Gudoomiye Shuute oo Sheegay in Cabdi Wabiir arrintiisa ay baaris kusocoto.
Sabti 1, March 2025 {HMC} Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa ka hadlay xarigga Cabdi Maxamed Suubiye oo ku magac dheer Cabdi Wabiir kana tirsanaa ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda Deegaanka Ceel Cali Axmed Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Cabdi Wabiir ayaa la xiray kaddib markii muuqaal ay ka duubtay ‘AS’ lagu baahiyay Baraha Bulshada inkasta oo markii dambe uu ka hadlay arrintaas isaga oo sheegay in uu gacanta u galay kuna soo baxday si xeeladeysan sida uu yiri.
Furimaha Dagaalka oo ay tageen Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Derajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa lasoo xiray Cabdi Wabiir si baaris loogu sameeyo.
Guddoomiye Shuute oo la hadlay Ciidamo katirsan kuwa deegaanka ee Macawiisleyda waxa uu u sheegay in baaristu socoto sidaas awgeed marka go’aan laga gaaro kaddib la shaacin doonno waxa kasoo baxa baaristaas.
“Cabdi Wabiir iyo arrintiisa anaga waxa uu inoo ahaa nin idinka mid ah oo dagaalamaya oo halgamaya oo diidan dhibaatada ayuu inoo ahaa waana inoo yahay ilaa hadda, waala baarayaa ayaa la yiri, haddii sida aan ku naqaanay uu noqdo halyeygiisa ayuu inoo ahaanaa, haddii kitaabkiisa uu dhaqmay sida oo dhinaca kale kasoo jeystay sida uu u camal falay ayaa loo camal falaa” G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Derajada 1aad ee CQS.
Cabdi Wabiir ayaa 21kii Febaraayo waxa uu kasoo muuqday Baraha Bulshada isaga oo sheegay in dagaal culus saacado badan socday ay la galeen ‘AS’ iyada oo ay xigtay in uu muuqaal soo duubay isaga oo la jooga Shabaab, 27kii Febaraayo ayuu markale soo muuqday isaga oo tilmaamay in uu gacanta u galay ‘AS’ balse si xeeladeysan uga soo baxay.
{DAAWO MUQAALKA} Xawaadle AS Waaka Adag yahay ee aan u Midowno”Nabadoonka Qaarmadoobe.”
Sabti 1, March 2025 {HMC} Xawaadle AS Waaka Adag yahay ee aan u Midowno”Nabadoonka Qaarmadoobe.”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada Dowlada oo Soo Bandhigay Saldhigyo AS Laga Saaray
Sabti 1, March 2025 {HMC} Ciidamada Dowlada oo Soo Bandhigay Saldhigyo AS Laga Saaray
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Dowladda Soomaaliya oo shaaciyey cidda diiday warqaddii Ra’iisul-wasare Rooble.
Sabti 1, March 2025 {HMC} Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa beeniyay in wasaaraddiisu ay sabab u tahay diidmada warqadda habraaca dalbashada fiisaha dalka Koonfur Afrika. Wuxuu caddeeyay in warqaddii ay u direen Dowladda Koonfur Afrika ay dib ugu soo celisay wasaaradda.
Wasiir Cali Balcad ayaa sheegay in Dowladda Koonfur Afrika ay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ka weydiisay wafdiga Ra’iisul Wasaarihii hore, Maxamed Xuseen Rooble, iyo cidda rasmi ahaan u casuuntay dalkaas.
Dowladda Koonfur Afrika ayaa su’aal ka keentay sida Ra’iisul Wasaare hore uu u hoggaamin karo wafdi ka kooban wasiiro iyo xildhibaanno, iyada oo aysan jirin warqad casuumaad rasmi ah oo dowladeed. Si kastaba ha ahaatee, Wasiir Cali Balcad wuxuu qiray in Xildhibaan Cabdullaahi Carab uu mar kale la xiriiray mas’uuliyiinta, una sheegay inuu ku safrayo baasaboorka Soomaaliga, taasoo fududeysay in fiisaha loo soo saaro.
Dhanka kale, Xildhibaan Cabdullaahi Carab ayaa war qoraal ah oo uu ku daabacay bartiisa Facebook kaga jawaabay hadalka Wasiir Cali Balcad, wuxuuna yiri: “Waxaan ognahay oo kaliya in Wasiir Cali Balcad uu si shaqsi ah u hor istaagay warqaddaas, diidayna in ay ka gudubto kaydka (Archive) Wasaaradda Arrimaha Dibadda.”
Wuxuu hadalkiisa ku daray: “Markii aan xaqiiqsannay in warqadda la hor istaagay, waqtiguna nagu socday, ayaan u maray guddoonka Baarlamaanka sida xildhibaannada kale si aan fiisaha u qaato. Wafdiga qayb ka mid ahna ma suurtagelin inay safraan, oo uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaare hore Rooble.”
Dhinaca kale, Rooble oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay in qaar ka mid ah saaxiibbadiis ay saameysay dhacdadan, balse ay la xisaabtami doonaan marka uu dib u soo laabto.
“Nin ciid kugu rogay, calooshiisa ku tusay. Markaan dalka imaado, ayaan la xisaabtami kuwa dadka u dowladaynaya ee na hor istaagay,” ayuu yiri Rooble.
Rooble oo aan horey loogu baran hadallo kulul ayaa markan si adag uga hadlay qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh ee doorashooyinka, wuxuuna uga digay inuu ku dhaqaaqo wixii uu shalay ka diiday Farmaajo markii uu Ra’iisul Wasaaraha ahaa.
“Wixii shalay walaalkey Farmaajo aan kor ugu sheegay hoosna ugu sheegay, ayaan rabaa inaan maanta walaalkey Madaxweyne Xasan Sheekh kor iyo hoos ugu sheego, taasoo ah in wax loo dhan yahay la wada helo. Waxaan shalay anigu diiday yaan dalka lagu celin,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka.
Zelenskyy oo Aqalka Cad iskaga Baxay kadib fadeexad wayn uu kala kulmay.
Sabti 1, March 2025 {HMC} Kulan shalay Aqalka Cad ku dhexmaray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy, oo ujeeddadiisu ahayd sidii uu Mareykanka u heli lahaa xuquuqda macdanta dhif iyo naadirka ah ee Ukraine, ayaa isu bedealy mid hadallo kulkulul ay labada hoggaamiye isku weydaarsadaan
Trumpna ayaa ku yiri Zelenskyy, “Ama heshiis ayaad gelaysaa ama howhsan waanu ka baxnay”.
War qoraal ah oo uu soo dhigay baraha bulshada kulanka kadib ayuu madaxweyne Trump ku tilmaamay in heshiiska la soo jeediyay uu meesha ka baxay.
Trump ayaa yiri “Waxaan go’aansaday in madaxweyne Zelenskyy uusan diyaar u ahayn Nabadda haddii Maraykanku uu ku lug yeesho, sababtoo ah wuxuu dareemayaa ka qaybqaadashadayadu ay siinayso faa’iido weyn oo ku saabsan wada xaajoodka,”
Hadallada kukulul ee ay madaxdan isweydaarsadeen ayaa qaatay muddo 40 daqoiiqo ah oo ay ku sugnaayeen Xafiiska Oval Office ee Aqalka Cad.
Madaxweyne Donald Trump iyo Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa labaduba ku canbaareeyay Zelenskyy, inuu ku abaal dhacay garab istaagii Mareykanka.
Zelenskyy oo isna doodo kulkulul oo mararka qaarna ay madaxdu iska garab hadlayeen soo jeediyay ayaa goor hore ka baxay Aqalka Cad, waxaana la baajiyay shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u madaxdu u qaban lahaayeen.
Goor dambe ayuu Trump u sheegay warfidiyeenka ka hor inta uusan ka tagin Aqalka Cad in wadahadallada “aanay si sax ah u dhicin .” Trump ayaa sheegay in haddii Maraykanku uu saxiixo heshiiska macdanta, ay tahay wax uu ku farxi lahaa, laakiin uusan rabin inuu saxiixo ka hor inta uusan xaqiijin in dagaalka Ukraine uu joogsan karro oo Zelenesky uu diyaar u yahay nabad.



