Home Blog Page 1177

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada Dowladda oo Dagaal kula wareegay Deegaano ay Gacanta ku haayaan AS.

0

Jimco 28, Feb 2025 {HMC} Ciidamada Dowladda oo Dagaal kula wareegay Deegaano ay Gacanta ku haayaan AS.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Dhalinayarada Baladweyne oo ka Cabanaya shaqo la’aanta

0

Jimco 28, Feb 2025 {HMC} Dhalinayarada Baladweyne oo ka Cabanaya shaqo la’aanta

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Mahcadka Iqra ee Magaalada Baladweyne oo soo saaray in ka badan 150 Arday.

0

Jimco 28, Feb 2025 {HMC} Mahcadka Iqra ee Magaalada Baladweyne oo soo saaray in ka badan 150 Arday.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 28/2/2025

0

Jimco 28, Feb 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO MUQAALKA} Muxuu faaido ugu lee yahay Soonka Jirka Bini aadamka.?

0

Jimco 28, Feb 2025 {HMC} Muxuu faaido ugu lee yahay Soonka Jirka Bini aadamka.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {28-02-2025}

Jimco 28, Feb 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Macalin Muse

Farsamadii ::Abdiqani Osoble

Milatariga Israa’iil oo markii ugu horreysay shaaciyay guul-darrooyinkii weerarkii 7 Octoober ee Xamaas

Jimco, 28 Feb, 2025 {HMC} Milatariga Israa’iil ayaa daabacay warbixintii ugu horreysay ee rasmi ah taas oo la xiriirta khaladaadkii u horseeday guul-darradooda intii lagu jiray weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar 2023, kaasoo dhaliyay dagaalka Gaza.

Warbixintu waxay ku soo gabagabaysay in ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) “ay ku guul-darreysteen hawl-galkoodii ahaa inay difaacaan rayidka Israa’iil”.

Warbixintan oo ka kooban 19 bog ayaa waxa ay waxaa ku jiray wax badan oo horeba loo ogaa waxa sababay dhimashada 1,200 kadib markii ku dhawaad 5,000 oo hubaysan oo dagaalamayaasha Xamaas ah iyo kooxaha kale ee falastiiniyiintu ay gudaha u galeen Israa’iil, iyaga oo sidoo kale qafaashay 251 qof.

Ma jiraan daah-furyo cajiib ah, laakiin weli waa miyir-qab in la arko gabagabada millatariga ee ku saabsan sida ay u marin-habaabiyeen ujeeddooyinka Xamaas oo ay u dhayalsadeen awooddooda oo ay ugu qamaareen.

Warbixintu waxay sheegtay in milatarigu ay Qaza u arkeen khatar labaad oo dhanka ammaanka ah, iyadoo mudnaanta la siinayo Iran iyo Hezbollah. Siyaasaddeeda ku wajahan Gaza, ayay tiri, waxay ahayd “mid is barbar dhig ah: Xamaas waxay ahayd sharci-darro, haddana ma jirin dadaal lagu horumarinayo beddelka”.

Milatarigu waxa ay doorteen hab “maamul isku dhac” oo lagula tacaalayo Gaza, ayaa lagu sheegay warbixintu. Waxayna u maleeyeen in Xamaas aysan “xiisaynayn [ama] u diyaarsanyn dagaal ballaaran” – taas oo ay ku sheegeen aragti ay xoojisay xeeladaha khiyaanada ee Xamaas.

Laga soo bilaabo 2018 iyo wixii ka dambeeyay waxay caddaymaha soo jeedinayaan in Xamaas – oo Israa’iil, Mareykanka, Ingiriiska iyo dalal kale ay u aqoonsan yihiin koox argagixiso – ay dhab ahaantii samaynayeen qorshe hammi sare leh ayaa loo fasirtay “mid aan run ahayn ama aan macquul ahayn”, taasoo ka tarjumaysa “rajada fog ee Xamaas halkii ay ka ahaan lahayd khatar lala qabsan karo”.

Warbixintu waxa ay sheegtay in bilihii dagaalka ka hor, hoggaanka sirdoonka milatarigu uu bilaabay in uu sameeyo qiimayn cusub, taas oo soo jeedinaysa in qorshaha Xamaas aanu ahayn aragti uun balse uu yahay “qaab la taaban karo oo qorshaynta hawlgelinta ah”.

Si kastaba ha ahaatee, qiimayntan soo shaac baxday ayaan lala socodsiin saraakiisha sarsare ee sirdoonka ciidamada.

Warbixintu waxa ay tilmaamtay saluugsanaan baahsan oo ka dhex jirta milatariga oo ku saabsan ujeedooyinka Xamaas iyo sida laga yeelayo khatarta ay leedahay.

“Ma jirin dood qoto dheer oo ku saabsan su’aasha: Maxaa dhacaya haddii aan khaldanahay?” ayaa lagu yiri warbixinta.

Muddo ka dib, “farqi weyn oo joogto ah oo u dhexeeya qiimaynta sirdoonka Hamas iyo xaqiiqada” ayaa sare u kacay.

Warbixintu waxa kale oo ay iftiimisay “hoos u dhaca dhanka aqoon qoto dheer oo loo yeesho cadawga aragtidiisa kala duwan, sida dhaqankiisa, diintiisa, luuqadiisa iyo taariikhdiisa”.

Waxay ku baaqaysaa in dib-u-habayn qoto dheer lagu sameeyo dhaqanka agaasinka sirdoonka, “korrinta furfurnaanta garaadka, shakiga, dhegeysiga, barashada, doodaha, iyo khilaaf wax dhisaya”.

Waxa ay sheegtay in rabitaanka ah in la ilaaliyo ilo sirdoon oo aad u qiimo badan ay gacan ka geysatay fashilinta milatariga in ay sare u qaadaan heerka feejignaanta isla markiiba ka hor 7 Oktoobar.

Qeybta Gaza, waxay tiri, “si wax ku ool ah ayaa looga adkaaday dhowr saacadood” 7 Oktoobar, taasoo si weyn u wiiqday awoodda ay u leedahay inay fahmaan waxa socda oo ay si hufan uga jawaabaan.

Waxay sheegtay in ciidamada cirku ay si degdeg ah uga jawaabeen, laakiin “waxaa jirtay dhibaato weyn in la kala saaro ciidamada IDF, rayidka iyo argagixisada”.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in meelaha qaar askar dhaawac ah laga daadgureeyay dadka shacabka ah ka hor oo iyaga mudnaanta la siiyay.

Ka dib markii uu natiijada u soo bandhigay taliyeyaasha Isniintii, madaxa shaqada ee IDF ee xilka ka sii degaya, Lt Gen Herzi Halevi, ayaa sheegay in uu si buuxda u qaaday masuuliyadda guul-darrooyinka.

“Aniga mas’uuliyaddayda waan qaadanayaa, waa taydii, 7-dii October waxaan ahaa taliyaha ciidanka xoogga dalka, mas’uuliyaddaydana aniga ayay i saaran tahay, waxaanan u arkaa in amar kasta oo aniga ii qaldama in qeyb ka ahay” ayuu ku yiri muuqaal uu soo duubay.

Bishii hore ayuu Jeneraalka ku dhowaaqay inuu iscasilay ka dib fashilka ku yimid, wuxuuna ku baaqay in guddi baaritaan la magacaabo si ay u sameeyaan baaritaan ballaaran oo ka hortagaya weerar kale.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, oo aan qiran mas’uuliyadda wixii dhacay 7-dii Oktoobar, ayaa sheegay in baaritaan dowladeed oo noocan oo kale ah ay tahay in la sugo ilaa dhamaadka dagaalka.

Netanyahu ayaa ku anadcoonaya in uusan diyaar u ahayn in uu qirto qalad shaqsi ah.

Israa’iil ayaa ka jawaabtay weerarka 7-dii Oktoobar iyadoo olole cir iyo dhul ah ka billowday Gaza, xilligaasoo ugu yaraan 48,365 qof lagu dilay, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho.

{DAAWO MUQAALKA} Qaraxyo iyo Rasaas lagu weerarary Dad dhigayey Banaanbaxayo

0

Jimco 28, Feb 2025 {HMC} Qaraxyo iyo Rasaas lagu weerarary Dad dhigayey Banaanbaxayo

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Cidamada Dowladda Soomaaliya oo AS kala wareegay Magaalada Bacaadweyn

0

Jimco 28, Feb 2025 {HMC} Cidamada Dowladda Soomaaliya oo AS kala wareegay Magaalada Bacaadweyn

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Wax ka ogow xubnaha muhiimka ah ee jirkaaga oo soonku faa’iido gaar ah u leeyahay

Jimco, 28 Feb, 2025 {HMC}Wax yar ayaa ka dhiman bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan taas oo ka mida bilaha ugu xurmada badan Islaamka, af xirka bishaasna ay tahay cibaado in ka badan labo bilyan oo musliim caalamka ku nool ay gutaan.

Afurka iyo saxuurtu waa labo ka mida xiliyada ugu cunista iyo cabida badan laakiin waxaa muhiim ah inaad ogaato sida cunooyinkaas ay nafaqo ahaan iyo caafimaad ahaan ugu wanaagsan yihiin jirkaaga.

Kerry Torrens, waa khabiir nafaqada ah wuxuu sheegay in faa’iidooyinka iyo dibu dhacyada ay keeni karaan helida cuno nafaqaysan. Sidaas oo kale daraasado ayaa xusaya in soonku sababo in caafimaadkagu kor u kaco.

Inkasto oo Soonku leeyahay faa’iido ka weyn midda muuqata haddana waxaan dul istagaynaa waxyaabaha si gaara uu ugu leeyahay faa’iidoonka gaarka ee ka muuqan kara jirkaaga.

1. Dheefshiidka iyo hoormoonnada

Marka aanad wax cunin in muddo ah, jirkaagu waxa uu la qabsanayaa isbeddelka heerarka hoormoonka si uu baruurta jidhka ku kaydsan uga dhigo mid la heli karo oo loo bilaabo hababka hagaajinta.

Waxa kale oo jira isbeddel ku yimaadda muujinta hidde-sidaha kaas oo kordhiya awoodda murqahaagu si ay u isticmaalaan dufanka.

2. Dhimista miisaanka

Daraasado lagu sameeyay barnaamijyada soonka ee joogtada ah si loo go’aamiyo haddii ay waxtar u leeyihiin hagaajinta habka jidhka iyo calaamadaha caafimaadka kiliinikada ee la xidhiidha cudurka.

Cilmi baarisyadu waxay muujiyaan in dhamaantood cafimaad u yihiin habdhiska jirka iyo dhimista miisaanka qofka.

Waxaa tilmaamaha caafimaadku muujiyaan in Soonka uu jirka u leeyahay waxtar dhimista miisaanka kaas oo hoos u dhaco 3% ilaa 7% dufanka jidhka halka wadarta a kolestaroolka ay ka dhigto 10% ilaa -21%, iyo triglycerides (≈14%-42%) ee dadka miisaanka caadiga ah.

Tani waa faa’iido caafimaad oo jir ahaan muuqata marka qofku soomo bisha Ramadaan sida culimada caafimaadku sheegayaan.

3. Maaraynta sonkorta dhiigga

Daraasado dhowr ah ayaa taageeraya soonka si ay u wanaajiso xakameynta sonkorta dhiigga oo ay suurtagal tahay in ay yareyso khatarta cudurka macaanka, in kasta oo jinsiga laga yaabo in uu qayb ka qaato waxaana loo baahan yahay daraasado badan.

Kuwa qaba nooca 2-aad ee sonkorowga, faa’iidooyinka soonka ee joogtada ah waxaa ka mid ah hoos u dhaca gulukooska soonka iyo insulinta soonka, yaraynta caabbinta insulin iyo hoos u dhaca heerarka hoormoonka rabitaanka cuntada, leptin.

4. Mindhicirka

Mindhicirku waa mid ka mida xubnaha uur ku jirtaa ee qofka hayana shaqo muhim u ah caafimaadka iyo nolosha intaba.

Daraasaduhu waxay soo jeedinayaan faa’iido kale oo soonku leeyahay, waana saameynta wanaagsan ee uu ku leeyahay kala duwanaanta iyo tirada bakteeriyada faa’iidada leh ee ku jirta mindhicirka.

Tani waxay u muuqataa inay saameyn faa’iido leh ku leedahay isbeddelka miisaanka, cabbirka dhexda iyo dheef-shiid kiimikaadka.

5. Wadnaha

Daraasaduhu waxay soo jeedinayaan in soonka joogtada ahi uu yarayn karo qaar ka mid ah arrimaha halista u ah cudurrada wadnaha – oo ay ku jiraan cadaadiska dhiigga, kolestaroolka iyo calaamadaha caabuqa.

Cilmi baarisyada qaarkood ayaa soo jeediyey in soonka joogtada ah uu si weyn faa’iido ugu leeyahay cudurada haleela wadnaha kuwaas oo intooda badan xakamayn xadidnayn uu soonko sababo

Waxaase wali sii socda daraasadaha intaas ka badan lagu eegayo.

6. ka hortagga cudurrada

Fududeynta qaabka cunnadaada caadiga ah waxay u muuqataa inay jidhkaaga siinayso wakhti uu diirada saaro hawlaha kale ee muhiimka ah, oo ay ku jiraan ka hortagga cudurrada.

Sababtu waxa weeye, marka aynu soomanno, jirku waxa uu bilaabaa hab loo yaqaan autophagy, tani waxay la mid tahay ‘guri-haynta’ jirka, marka walxaha wasakhda ah ee unugyada laga saaro.

Autophagy waxaa loo maleynayaa inay wanaajiso awoodda jidhka ee lagu maareeyo caabuqa dabadheeraad ah iyo, sidaas oo kale, hoos u dhigida khatarta xaaladaha sida cudurrada wadnaha, sclerosis badan iyo rheumatoid arthritis.

7. Yaraynta Walwalka

Daraasadaha bini’aadamka ayaa sheegay in soonku uu yarayn karo calaamadaha welwelka iyo niyad-jabka iyo hagaajinta xiriirka bulshada.

Daraasado badan ayaa loo baahan yahay si loo qiimeeyo saameyntan laakiin natiijooyinka ilaa maanta waa dhiirigelin.

Culimada diinta ayaa inta badan is waafajiya sida soonku caafimaad ahaan iyo cibaado ahaanba ugu wanaagsan yahay qofka sooma bishan Ramadaan.

Sida la wada sugayo waxaa inyar ka dhiman yihiin bilaabashada bisha barakaysan taas oo ah mid si weyn looga sugayo caalamka Islaamka.