Home Blog Page 1178

Congo DR oo Dagaal kula jirto Cudurka Ebola iyo Fallaagada M23

Jimco, 28 Feb, 2025 {HMC} Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ayaa dagaal laba dhinac ah kula jirta xannuunka aafada ku noqday ee Ebola oo galaaftay nolosha tobanneeyo ruux iyo Jabhadda hubeysan ee M23 oo culeys xooggan saartay qaar kamid ah gobollada Dalkaas.

DRC ayaa dalbatay in laga caawiyo sidii ay uga guuleysan lahayd labadaan dhibaato oo dalkeeda dib u dhigay, waxaana mas’uuliyiin katirsan Dowladda ay tilmaameen in guud ahaan loo baahan yahay in si wadajir ah la isku kaashado.

Mas’uuliyiin katirsan Congo ayaa sheegay in culeyska labada dhinac ay ugu wacan yihiin Dalalka deriska la ah maadaama ay gabbaadsiinayaan kooxda Fallaagada ah ee M23 oo awood u adeegsatay gobollo muhiim u ah Dowladda.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Qaramada Midoobay hoostaga loona soo gaabiyo WHO ayaa sheegtay in ay xoogga saareyso intii awooddeeda ah in ay caawiso Congo si looga hortago faafitaanka cudurka Ebola.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {28.02.2025}

Jimco 28, Feb 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Macalin Muse

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Maamulka Soomaaliand oo Dadaal Ugu Jira kamaarmid Xirfadleeyda Ajaanibta ah

0

Jimco 28, Feb 2025 {HMC} Maamulka Soomaaliand oo Dadaal Ugu Jira kamaarmid Xirfadleeyda Ajaanibta ah

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Muxuu yahaya qorshaha Safarka Madaxweynaha Ukraine ee Mareeykanka.?

0

Jimco 28, Feb 2025 {HMC} Muxuu yahaya qorshaha Safarka Madaxweynaha Ukraine ee Mareeykanka.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Sidee Soomaalida u saameynayaa sharci la wareegidda hantida aan la caddeyn halka ay ka timid ee Itoobiya?

Jimco, 28 Feb, 2025 {HMC} Dalka itoobiya, sharci awood u siinaya mas’uuliyiinta inay baaraan oo ay la wareegaan hantida lagu helay “si aan caddeyn” ayaa baarlamaanka Itoobiya ansixiyay. Sharcigu waxa uu u ogolaanayaa masuuliyiinta in ay la wareegaan hantida ku salaysan heerarka madaniga ah ee aan la caddeyn karin.

Sharcigu wuxuu u qeexayaa hantida inay tahay hanti kasta oo guurto ama ma guurto ah, lacag, shay la taaban karo ama aan la taaban karin, iyo aaladaha sharciga ah sida jeegagga, hantida macmalka ah, dammaanadaha, saamiyada, iyo saami qaybsiga.

Hantidaas waa lala wareegi karaa, haddii qofka si toos ah ama si dadban gacanta ugu haya uu ku helay qaab-nololeed aan u dhigmin dakhligooda sharciga ah, ilaa ay maxkamadda u caddeeyaan sida hantida ama qaab nololeedkaasi lagu helay.

Dowlad deegaanka soomaalida ayaa ka mid ah meelaha uu ka dhaqangalayo sharcigan dhanka maalliyadda ah ee lagula dagaallamaya musuq maasuqa taas oo lagula dagaallamayo qof kasta oo hanti ku helay nidaam sharci daro ah taas oo uu sharcigani bartilmaameedsanayo, sharcigan ayaa dhigaya in hanti kasta oo lagu helay nidaam aan sharciga waafaqsaneyn lagusoo celin karo qasnada dowladda.

Sharcigan ayaa loogu magac daray bayaan number 1364 ee sanadka 2017 ka – tirsi sanadeedka Itoobiya.

Haddaba sharcigani qaabkee ayuu u saameeyn karaa bulshada?

Sida ay qabaan dadka u dhuun daloola arimahaan qaarkood, shaqsiga ayaa isaga oo hantidiisa kala qarinayo waxa laga yaabaa in ishiisa dhaqaalle il aan ahayn uu sheegto ama uu hanti yar uu sheegto, laakin u helo hanti aad u fara badan taas oo laga yaabo in ay tahay mid uu shaqeystay laakin canshuurtii waajibka ahayd ee ay dowladdu ku lahayd ka baxsaday arinkaasi darteed ayey waxa ay taasi saameeyn kartaa shaqsiyaadka shirkadaha gaarka ah leh ama bulshada inteeda kale. Laakinse ciddii canshurta waajibka ahayd iska bixin jirtay ee aan wax is dabamarin ah aan la imaan wax saameyn ah ee uu ku yelanayo ma jirto.

Laakin sharcigan ayaa awaxa uu kaga duwan yahay shuruucda kale ee dalka in dhaqan galkiisu uu ka bilaabanayo oo uu dib u noqonayo 10 sano ka hor. Arrimahaas ayaana sharciga waxa ay ka dhigeen mid cajiib ah ama ka duwan shuuruucda kale, madaama inta badan shuruucdu ay dhaqan galaan marka ay soo baxaan oo aanay wixii ka horreeyay taariikhda dhaqn galka aanay qabaneynin.

Sharcigan markii la ansaxinay dood badan ayaa ka dhalatay baarlamaanka maadaama dhaqan galkiisa lagaso bilaabayo 10 sano ka hor.

Haddaba wax aan arintaasi aan wax ka weeydiinay Maxamed Axmed oo ah sharci yagaan sare oo ka tirsan xafiiska cadaalaadda dowlad deegaanka, waxa uuna sheegay in sharcigu cayimayo tirada lacagaha ay tahay in la baaro marka laga shakiyo. Waxa uu sheegay in cid allaale iyo ciddi haysata hanti ka badan 10 milyan oo bir oo lacagta Itoobiya ah isla markaasna halka uu lacagtaasi ka keenay aanay caddeyn – xitaa haddii uu helay hantidaas 10 sano ka hor – dowladdu ay xaq u yeelaneyso in ay la wareegto .

Suaasha kale ee is weeydiinta mudan ayaa ah in qof kasta oo 10 milyan oo bir haysta ay dowladdu baaritaan ku sameyneyso iyo in kale. Su’aasha ayaan weeydiinay Maxamed Axmed, waxa uuna kaga jawaabay “haa” baaritaan ayaa lagu sameynayaa .

Saamaynta uu ku yeelanayo Soomalida

Sharcigan ayaa ah sharci heer federaaal ah maadaama uu dalka oo dhan saameeynayo si la mid ah ayuu Soomalidana u saameeynayaa ee ma aha mid si gaar ah iyaga u taabanaya.

Maxamed Axmed waxa uu sheegay in xagga wacyi gelinta ay aad u liidato dhanka Soomaalida, maadaama laga yaabo in ay ku adkaato fahamka luqada oo aanay luqada Afka Amxaariga aanay si wanaagsan u garaneynin, ayna u badanyihiin dad 80% reer guuraa ah oo shuruucdaba aan faham buuxa oo weyn ka haysan.

Abebaw Desalew oo haysta shahaadada PhD, oo ah xildhibaan mucaarad ah oo ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Wadaniga ah ee Axmaarada (NAMA), ayaa soo jeediyay in sharcigan cusub uu jabinayo mabda’a sharciga ah ee dib-u-noqoshada marka uu dib u noqdo toban sano oo xaddidan. Wuxuu kaloo su’aal galiyay madax-bannaanida hay’adaha sharciga sida booliska, baarayaasha, iyo xitaa Wasaaradda Caddaaladda lafteeda oo si cadaalad ah u dhaqan gelinaysa sharciga cusub.

Waxa uu sidoo kale muujiyay cabsida laga qabo in sharciga dib u soo celinta hantida uu u keeno dhibaatooyin aan loo baahnayn oo ku yimaada qaybaha bulshada ee nugul, halkii ay ahayd in uu waxka qabto kuwa hanti ku urursada siyaabo aan sharci ahayn.

XIGASHO BBC SOMALI.

Ciidamada Deegaanka iyo Kuwa Xogga Dalka Oo La Wareegay Bacaadweyne

Jimco, 28 Feb, 2025 {HMC} Wararka Ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa Sheegaya in Ciidamada Deegaanka iyo kuwa Xoogga Dalka ay goordhow gudaha u galeen inta badan Magaalada Bacaadweyne ee koofurta Gobolka Mudug.

Dagaal kooban ayaa ka dhacay qaar ka mid ah degmooyinka magaalada, iyada oo Argagixisada laga saaray meelo badan.

Saraakiisha hogaamineysa ciidanka ayaa sheegay in ay la wareegeen inta badan magaalada, balse wali ay ku daba jiraan kooxo yar oo argagixiso ah kuwaas oo u firxaday dhanka Camaara.

Ciidamada ayaa ku hawlan sugida amniga iyo baaritaanka kooxahan ka baxsaday.

Dhanka kale, shacabka magaalada ayaa soo dhaweeyey la wareegidda ciidanka, iyaga oo muujinaya rajo ku saabsan sidii amniga magaalada dib loogu soo celin lahaa.

Ciidanka Xooga Dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaanka Doondardiir.

0

Jimco, 28 Feb, 2025 {HMC}  Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 9-aad ee Qeybta 60-aad, ayaa saaka aroortii hore fuliyey howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Kooxda Al shabab, kaasoo ka dhacay deegaanka Doondardiir, oo qiyaastii 30km u jirta magaalada Xuddur.

Howlgalkaan oo ahaa mid si xeel dheer loo qorsheeyay ayaa ciidanku ku beegsaday goob ay Khawaarijtu gabaad ka dhiganayeen. Dagaal kooban kadib,ciidanku waxay dileen 11 kamid ah Kooxda Al shabaab halka ay gacanta ku dhigeen labo gaari oo ay khawaarijtu isticmaalayeen hub iyo saanadkale sida ay sheegeen saraakiisha Ciidanka .

Sidoo kale Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegtay in ciidanku ay si buuxda u burburiyeen xaruntii Al shabaab ku dhuumaalaysanayeen, taasoo dhibaato ku haysay shacabka deegaanka.

FACTBOX – Ethiopia-Somalia dispute: What to know Neighborin.

0

Thursday , 27 Feb, 2025 {HMC}  Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed Ali arrived Thursday in Somalia for talks on critical issues of mutual interest at the bilateral and regional levels amid improving relations.

The premier’s arrival marks his first visit since the Ankara Declaration was signed in December in Ankara. Somali President Hassan Sheikh Mohamud visited Addis Ababa in January.

A statement after the talks said the two neighboring leaders reiterated their commitment to promoting peace and security, and deepening relations for the benefit of the two nations and the broader Horn of Africa region.

Delegations of the two countries, led by their foreign ministers, met in the Turkish capital city last week to hold the first technical talks within the framework of the Ankara Declaration.

Red Sea access: ‘An existential matter’ for Ethiopia

With a population of almost 120 million, Ethiopia is the world’s most populous landlocked nation. That affects Ethiopia’s ability to conduct efficient maritime trade. It lost its Red Sea ports in the early 1990s after the Eritrean War of Independence from 1961 to 1991, when Eritrea gained independence in 1993.

In October 2023, Abiy said access to the Red Sea is “an existential matter” for Ethiopia and he would “use force” to free the country from its “geographic prison.”

The dispute between Ethiopia and Somalia further erupted in January 2024, when Ethiopia signed an agreement with Somalia’s breakaway region of Somaliland to use the Red Sea port of Berbera. The agreement was said to give Ethiopia the right to build a port in Somaliland in exchange for recognition.

Mogadishu rejected Ethiopia’s deal with Somaliland as a threat to good neighborliness and a violation of its sovereignty.

Somaliland is a former British colony in northwestern Somalia that declared independence in 1991 but has received no international recognition.

Abdiqani Mohamud Aateeye, the defense minister of Somaliland, resigned because of the agreement, saying Ethiopia is “taking our land.” He alleged that Somaliland President Muse Bihi Abdi did not consult his ministers about the deal on the port and naval base in the Red Sea.

Türkiye’s mediation role

Upon a Memorandum of Understanding for Ethiopia to lease a 20-kilometer (12-mile) stretch of coastal land in Somaliland, Mogadishu has drawn support from major regional and international players, including the US, UK, EU, China and Türkiye.

Türkiye played a pivotal role in thawing relations between the two East African countries, bringing the disputing parties together to address the escalating tensions.

The first of the three-round negotiations mediated by Türkiye was held between Ethiopian Foreign Minister Taye Atske Selassie and Somali Foreign Minister Ahmed Moallim Fiqi in Ankara on July 1.

In August, following a visit to Ethiopia by Turkish Foreign Minister Hakan Fidan and subsequent contacts with Somali, officials from both countries visited Ankara for talks, but did not meet in person. Instead, Turkish officials facilitated “shuttle diplomacy” under Fidan’s coordination.

Ultimately, Ethiopia and Somalia signed the Ankara Declaration on Dec. 11, with the announcement made by Turkish President Recep Tayyip Erdogan.

Both parties acknowledged the potential benefits of Ethiopia’s access to the Red Sea, while respecting the territorial integrity of Somalia, aiming to conclude and sign an agreement within four months.

SOURCE 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {27.02.2025}

Khamiis 27,Feb-2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Macalin Muse

Farsamadii ::Abdiqani Osoble

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

Maamulka Puntland oo soo bandhigay Keydakii Hubka ISIS iyo Darshadihoodii

Khamiis 27, Feb 2025 {HMC} –  Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Puntland ayaa maanta gacanta ku dhigay ilaa 2,000 (Laba kun) oo gantaallo gacan ku sameys ah.

Khawaarijta Daacish ayaa doonaysay in gantaalahaan ay ku dhibaateeyaan shacabka iyo Ciidamada maamulkaas ee howlgallada ciribtirka ah ka wada buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Ciidamada ayaa sidoo kale ku guuleystay inay qabsadaan Warshado macmal ah oo Khawaarijta Daacish ay ku sameynayeen gantaallada gacan ku sameyska ah.

Ciidamada ayaa maanta u daatay saldhig muhiim ah, waxaana sidoo kale halkaas lagu diyaari jiray qaraxyada, waxaana laga yaabay haliska ay diyaarineysay kooxdaas ee laga hor tegay.

Guulo waaweyn ayaa saacadihii iyo maalmihii lasoo dhaafay laga gaaray howlgalka ciribtirka Khawaarijta Daacish ee ka socda buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Kooxda Daacish ayaa isaga carareysa saldhigyadooda ugu muhiimsan markii ay soo gaaraan ciidamada Puntland, taasi oo suurta-gelisay in gacanta lagu dhigo warshadihii ay qaraxyada iyo gantaallada ku sameysa jireen.

Ciidamada Daraawiishta Puntland oo saakay hawlgalladii ay maanta fuliyeen waxay sidoo kale ku qabsadeen Ceelka Dharinta oo kamid ah goobaha ay u soo baxsadeen firxadkii dagaallamayaasha ISIS ee ku soo jabay togga Jeceel.

Af-hayeenka Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ee Puntland Jeneraal Maxamuud Faadhigo oo hadal kooban warbaahinta siiyay ayaa yiri, “Ciidamada Daraawiishta Puntland oo si qorshaysan u soo dhaqaaqay ayaa gacanta ku dhigay Ceelka Dharin oo saacadihii u danbeeyay lagu sheegay firxadka Argagixisada oo baxsad ah kuwaasi oo isku dayay in ay gabbaad ka dhigtaaan goobtaasi ceelka leh balse laga hortagay.”