Home Blog Page 1188

{DAAWO MUQAALKA} Aniga ayaa Idiinku Hogaaminaya Dagaalka AS ee Safka soo gala””G_Masdile””

0

Talaado 25, Feb 2025 {HMC}  Aniga ayaa Idiinku Hogaaminaya Dagaalka AS ee Safka soo gala””G_Masdile””

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Tirada Kooxda AS Looga Dilay Dagaaladii ugu Dambeeyay oo La shaaciyay.

0

Talaado 25, Feb 2025 {HMC}  Tirada Kooxda AS Looga Dilay Dagaaladii ugu Dambeeyay oo La shaaciyay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Macawisleey Galbeedka Hiiraan Weerar ka Fulisay oo la Abaal Mariyay.

0

Talaado 25, Feb 2025 {HMC}  Macawisleey Galbeedka Hiiraan Weerar ka Fulisay oo la Abaal Mariyay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

NISA Oo Faahfaahin Ka Bixisay Howlgalo Maanta Laga Fuliyay Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

0

Talaado 25,Feb-2025 {HMC} Taliska hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay duqeymo dhanka cirka ah oo ay iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka oo maanta laga fuliyay gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

NISA ayaa shaacisay in howlgalada duqeynta ah ee ka dhacay deeganada ka kala tirsan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe lagu dilay 48 xubnood oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab.

Warsaxafadeed kasoo baxay hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka koowaad ee duqeynta ahaa uu ka dhacay deegaanka Daarunicma, islamarkaana lagu dilay 17 xubnood oo ka tirsan kooxda, halka howlgalka labaad ee duqeynta ah uu ka dhacay deegaanka Alkowsar laguna dilay 19 xubnood oo kale.

Howlgalka sadaxaad ee duqeynta ah ayaa sidoo kale NISA sheegtay in laga fuliyay deegaanka Beera yabaal oo ka tirsan gobolka Hiiraan, kaasoo lagu dilay 12 xubnood oo ka tirsana Ururka Al-shabaab.

Warsaxafadeedka kasoo baxay NISA ayaa kusoo aadaya, iyadoo galinkii hore ee maanta dagaalo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab ay ka dhaceen deegaanada kala ah Daarunicma iyo Beera yabaal oo ka kala tirsan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka kasoo baxay NISA oo dhameystiran:-

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa ka jira in Xildhibaan ka tirsan Hirshabelle uu taageeray AS.

0

Talaado 25, Feb 2025 {HMC}  Maxaa ka jira in Xildhibaan ka tirsan Hirshabelle uu taageeray AS.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Gurigeena AS ugama guureyno Iska dhiciya Ajaaniibta””Madaxweyne Guudlaawe””

0

Talaado 25, Feb 2025 {HMC}  Gurigeena AS ugama guureyno Iska dhiciya Ajaaniibta””Madaxweyne Guudlaawe””

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Puntland oo Looga dhawaaqay Macawisleey Daacish la Dagaalanto.

0

Talaado 25,Feb-2025 {HMC}  Maamulka Puntland ayaa taageero siinaya macawisleyda iska abaabulay deegaannadii laga saaray kooxda Daacish ee buuraha Calmiskaad.

Afhayeenka howlgalka ka dhanka ah Daacish, Gen. Maxamuud Faadhigo, ayaa sheegay in macawisleyda oo ah xoolo-dhaqato deegaanka ah ay dhibaato xooggan kala kulmi jireen kooxda Daacish, kuwaas oo xoolahooda ka dhici jirtay.

Gen. Faadhigo ayaa xusay in maamulka Puntland uu taageero ka geysan doono difaaca macawisleyda si ay deegaannadooda uga ilaashadaan kooxaha argagixisada ah, maaddaama aysan suurtagal ahayn in ciidamada dowladda ay joogaan dhammaan deegaannada Daacish laga saaray.

Waxaa la filayaa in macawisleydu ay door weyn ka ciyaaraan sugidda amniga deegaannadooda, iyagoo kaashanaya ciidamada maamulka Puntland, sida uu sheegay afhayeenka howlgalka Daacish.

Warkan ayaa kusoo beegamaya, xilli ciidamada Puntland ay sii wadaan howlgallada ka dhanka ah ururka Daacish, iyagoo gaaray degaanadii ay ka talin jireen kooxda Daacish. Puntland waxay sheegtay inay ka go’an tahay ciribtirka Daacish

Guddoomiye Aadan Madoobe Oo kulan La Qaatay Madaxda Urur Goboleedka IGAD Ee Soomaaliya

0

Talaado 25,Feb-2025 {HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xafiiska kulan kula qaatay wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Maxamuud Cabdi Axmed.

Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa ugu warbixiyay shaqada xafiiska IGAD ee Soomaaliya iyo qorshayaasha u degsan sanadkan.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa xafiiska ururka IGAD ee Soomaaliya ku bogaadiyay shaqada ay hayaan maadaamaa Soomaaliya kaalin weyn oo firfircoon ku leedahay dhisida urur goboleedka IGAD.

Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya ayaa waxaa kulanka ku wehliyay Danjire Jamaal Maxamed Xasan oo ah Agaasimaha Xarunta la qabsiga Cimilada ee IGAD iyo Axmed Xasan oo ah La taliyaha Xogayaha IGAD.

Kulankaan ayaa ahaa mid ku aadanaa is xog-wareysi la xiriira shaqada xafiiska IGAD ee Soomaaliya iyo qorshayaasha u degsan sannadkaan.

{DAAWO MUQAALKA} Anoon ogeyn Ayey Xabada iigaga fakatay Waxaana rabaa Cafis.

0

Talaado 25, Feb 2025 {HMC}  Anoon ogeyn Ayey Xabada iigaga fakatay Waxaana rabaa Cafis..

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Deegaanka Waabweyn oo la geeyay Sheeq Dadka bari doona Cilmiga.

0

Talaado 25, Feb 2025 {HMC}  Deegaanka Waabweyn oo la geeyay Sheeq Dadka bari doona Cilmiga..

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA