Home Blog Page 1189

Madaxweyne Guudlaawe Oo Shabelada Dhexe Ka Wado Dardar-gelinta Dagaalka Ka Dhanka Ah AS

0

Talaado 25,Feb-2025 {HMC} Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa gaaray furimaha dagaalka ee Gobalka Shabeellada dhexe, halkaas oo mudooyinkii dambe dagaal ku dhex maray Dowladda iyo Al-shabaab.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa halkaas ciidamada iyo kuwa deegaanka kula hadlay, isaga oo carrabka ku adkeeyay in laga wada qeyb qaato hawlgallada ka socda Shabeellada Dhexe.

“Lama joogo waqti aan gacmaha ka laabbano damaca guracan ee Khawaarijta. Guud Hirshabeelle waxaa ka socdo dagaal geeri ama gobanimo ah.” ayuu yiri MW guudlaawe xili uu la hadlayay dadka deegaanka juxaay

Sidoo kale, Hoggaanka ciidamada Macawiisleeyda ayaa sheegay in ay qeyb ka yihiin dagaalka ka dhanka ah ee lagula jiro Al-shabaab ee ka socda deegaannada ka tirsan Shabeellada Dhexe.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {25-02-2025}

Talaada  25, Feb 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Sahr Gabre & Mustaf Cali Cadoow

Farsamadii ::Abdiqani Osoble

{DAAWO MUQAALKA} Ciyaaryahan Mesut Özil oo ku biiray siyaasadda.

0

Talaado 25, Feb 2025 {HMC}  Ciyaaryahan Mesut Özil oo ku biiray siyaasadda.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 25/2/2025

0

Talaado 25, Feb 2025 {HMC}  Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn 24-2-2025.

 HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa Horyaalla Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

0

Talaado 25, Feb 2025 {HMC}  Maxaa Horyaalla Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Macawisleydda Hiiraan oo soo bandhigay AS-kii Saakay ay ku dileen Dagaalka.

0

Talaado 25, Feb 2025 {HMC}  Macawisleydda Hiiraan oo soo bandhigay AS-kii Saakay ay ku dileen Dagaalka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweynaha Kenya oo qaaday talaabo ay soo dhaweeyeen Muslimiinta.

0

Talaado 25, Feb 2025 {HMC} Madaxweynaha Kenya oo qaaday talaabo ay soo dhaweeyeen Muslimiinta.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Turkiga oo war cusub kasoo saaray, Dadaalada la isugu soo dhaweynayo Soomaaliya iyo Itoobiya?

0

Talaado 25, Feb 2025 {HMC}  Turkiga oo war cusub kasoo saaray, Dadaalada la isugu soo dhaweynayo Soomaaliya iyo Itoobiya?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Puntland Oo Taageeraysa Macawisley Iska Abaabulay Deegaannada Maamulkaas

0

Talaado 25,Feb-2025 {HMC} Maamulka Puntland ayaa taageero siinaya macawisleyda iska abaabulay deegaannadii laga saaray kooxda Daacish ee buuraha Calmiskaad.

Afhayeenka howlgalka ka dhanka ah Daacish, Gen. Maxamuud Faadhigo, ayaa sheegay in macawisleyda oo ah xoolo-dhaqato deegaanka ah ay dhibaato xooggan kala kulmi jireen kooxda Daacish, kuwaas oo xoolahooda ka dhici jirtay.

Gen. Faadhigo ayaa xusay in maamulka Puntland uu taageero ka geysan doono difaaca macawisleyda si ay deegaannadooda uga ilaashadaan kooxaha argagixisada ah, maaddaama aysan suurtagal ahayn in ciidamada dowladda ay joogaan dhammaan deegaannada Daacish laga saaray.

Waxaa la filayaa in macawisleydu ay door weyn ka ciyaaraan sugidda amniga deegaannadooda, iyagoo kaashanaya ciidamada maamulka Puntland, sida uu sheegay afhayeenka howlgalka Daacish.

Warkan ayaa kusoo beegamaya, xilli ciidamada Puntland ay sii wadaan howlgallada ka dhanka ah ururka Daacish, iyagoo gaaray degaanadii ay ka talin jireen kooxda Daacish. Puntland waxay sheegtay inay ka go’an tahay ciribtirka Daacish

Howlgal lagu Adkeynayo Amniga oo Ceelasha Biyaha Laga sameeyay

0

Talaado 25,Feb-2025 {HMC}  Ciidamo katirsan hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa howlgallo lagu xoojinayo amniga ka sameeyay Deegaanka Ceelasha Biyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.

Saraakiil katirsan Hoggaanka NISA ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa kormeeray Ciidamada baarayay Gaadiidka, Dadka la socda iyo goobaha ay tuhmaan sida ay Mustaqbal u sheegeen ila kala duwan oo deegaanka ah.

Taliye ku xigeenka hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka NISA Gaashaanle Gacma dheere ayaa kormeer uu ugu kuurgalay sida uu howlgalkaan u socda ku tagay Deegaanka Ceelasha Biyaha Gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxa uu bogaadiyay howlgallada Ciidamada isaga oo kula dardaarmay askarta fulisay howshaan in ay sii kordhiyaan si loo adkeeyo amniga loogana hortago falalka liddiga ku ah nabadgalyada sida uu yiri.

Deegaanka Ceelasha Biyaha waxaa dhowaan ku kulmay Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose iyo wafdi ka ambabaxay Magaalada Muqdisho oo uu hoggaaminayay Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir iyaga oo kawada hadlay amniga.