Home Blog Page 1191

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {25.02.2025}

Talaado 25,Feb-2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Ali Addow

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUQAALKA} FAAH-FAAHIN: Dagaal xoogan oo ka Socda Gobalka Hiiraan

0

Talaado 25, Feb 2025 {HMC} FAAH-FAAHIN: Dagaal xoogan oo ka Socda Gobalka Hiiraan

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Dhalinyaro Hal Abuuro Shaqo kusoo kordhiyay Xeebta liido ee Muqdisho.

0

Talaado 25, Feb 2025 {HMC} Dhalinyaro Hal Abuuro Shaqo kusoo kordhiyay Xeebta liido ee Muqdisho..

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

FAAH FAAHIN:.Dagaal Culus oo ka dhacay Gobolka Hiiraan.

0

Talaado 25,Feb-2025 {HMC} Faah Faahin dheeraad ayaa Laga helayaa Dagaal Culus oo udhaxeeyo Ciidamada dowlada iyo kuwa deegaanka oo isku garab ah iyo Al-shabaab oo ka dhacay Deegaanka Cadoow Gureey oo hoostaga degmada Buuo burde ee Gobolka Hiiraan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka uu yahay Mid Culus oo Hubka Nuucyadiisa Kala duwan leeygu Adeegsanayo. Waxaana deegaankan Saldhig ku lahaa Ciidamada dowlada iyo kua Deegaanka.

Saraakiisha Ciidmaada dowlada ayaa sheegay in ay iska difaaceeyn Weerar Al-shabaab ay kusoo qaadeeyn Saldhigyadan. iyaga oo intaasi Raaciyay in Khasaaro xoogan la gaarsiiyay Al-shabaab.

Dagaalka waxaa ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhawac ah Sida ay sheekeyn Saraakiisha Ciidamada dowada Soomaaliya ee ku sugan Deegaanka Cadoow Guroow oo Buulo Burde hoostaga.

Deegaanka Cadoow Gureey Waxaa shalay Gaaray Taliyaha Hay’ada Nabad-sugida Soomaaliya Cabdulaahi Maxamed Cali Sambalooshe iyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo Madax kale.

Faah Faahinta Waxii Dagaalka kusoo kordho Hiiraanweyn kala soco.

Madaxweynaha Mareykanka iyo Madaxweynaha Faransiiska oo Washington ku kulmay.

0

Talaado 25,Feb-2025 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii sheegay, inuu ku dhow yahay inuu heshiis la galo Ukraine iyo Ruushka si loo soo afjaro dagaalka Ukraine, ka dib markii uu shalay kulan ballaaran kula qaatay Aqalka Cad, Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.

Trump wuxuu ku booriyay Yurub inay kaalin weyn ka qaataan maalgelinta, laakin Paris ayaa riixeysa helitaanka dammaanad dheeri ah oo ka timaada Moscow.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa dhankiisa riixay rabitaankiisa ah in la gaaro heshiis lagu soo dhameeyo dagaalka Ukraine iyo Ruushka oo Isniintii shalay ay u buuxsantay sannadkii saddexaad.

Wuxuu sheegay in tani ay qeyb ka noqon doonto heshiis uu Mareykanka la galo Ukraine, kaas oo ku saabsan macdanta muhiimka ah, kaasi oo la filayo in uu todobaadka soo socdo saxiixo madaxweynaha Ukraine.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa isna Isniintii ka digay in nabaddu aysan macnaheedu ahayn “is dhiibidda Ukraine, laakiin wuxuu sheegay in wadahadal uu la yeeshay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ay muujiyeen horumar, inkasta oo laga cabsi qabo khilaaf ka dhex dhaca dalalka ku xeeran Badda Atalaantiga.

Wada hadallada labada hogaamiye ayaa yimid iyadoo madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky uu ku baaqay nabad , xilli uu madaxda Yurub kula kulmay Kyiv.

Dhakhaatiirta MSF oo hakisay howlihi ay ka wadday Sudan.

0

Talaado 25,Feb-2025 {HMC} Dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ayaa Isniintii hakiyay howlihii ay ka wadeen xerada Zamzam ee dalka Sudan oo ay macluushu ku dhufatay, kadib markii ay sii kordheen weerarada iyo dagaalada ka socda agagaarka aaggasi.

MSF ayaa sheegtay in dagaalka u dhexeeya millatariga Suudaan iyo kuwa ay iska soo horjeedaan ee Ciidamada Taageerada Degdegga ah uu ku sii xoogeystay xerada oo ku taal Waqooyiga Darfur.

Xiisadan oo sii korortay ayaa ka dhigtay mid aan macquul aheyn in MSF ay bixiso baahiyaha bini’aadanimo, taasoo u badan taageero dhinacyo badan leh oo naf badbaadin ah oo ay u fidiyaan kumanaan barakacayaal ah oo ku sugan deegaanka, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay.

Yahya Kalilah, oo ah madaxa howlgalka MSF ee Suudaan ayaa sheegay, in la joojiyay mashruucooda iyadoo xerada Zamzam ay ku dhex jirto musiibo qalbi jab ah.

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Guudlaawe oo Jiida hore kula Hadlay Ciidamada Dagaalka kula Jira AS.

0

Isniin 24, Feb 2025 {HMC} Madaxweyne Guudlaawe oo Jiida hore kula Hadlay Ciidamada Dagaalka kula Jira AS.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Dhalinyaro Muqdisho ku Shiray oo taageeray Doorasho qof iyo Cod ah.

0

Isniin 24, Feb 2025 {HMC} Dhalinyaro Muqdisho ku Shiray oo taageeray Doorasho qof iyo Cod ah.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Dhacdooyinka Caalamka 24 02 2025

0

Isniin 24, Feb 2025 {HMC} Dhacdooyinka Caalamka

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Somalia and Libya signed four memorandums of understanding to promote bilateral cooperation.

0

Monday 24,Febr-2025 {HMC}-The President of the Federal Republic of Somalia, His Excellency Dr. Hassan Sheikh Mahmoud, today Monday in the Libyan capital Tripoli, met with the Prime Minister of the Government of the National Unity of the sister state of Libya, the country of Mr. Abdul Hamid Mohamed Al-Dabiba, as part of his official visit, and sought with him the strengthening of bilateral relations and developing mutual cooperation In different areas of common benefit.

Somalia and Libya signed four memorandums of understanding to promote bilateral cooperation.

These agreements include the mutual waiver of visa requirements for holders of diplomatic passports, the formation of a joint ministerial committee, a political understanding between the Ministry of Foreign Affairs, and a memorandum of cooperation between the Municipality of Mogadishu and the Municipality of Tripoli.

During the meeting, H.E. Mr. Ahmed Maalem Faqi Ahmed, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, and Mr. Taher Salem Al-Baour, the Minister in charge of the Management of the Ministry of Foreign Affairs and international Cooperation with the State of Libya, signed several agreements, including the mutual waiver of entry visas for holders of diplomatic passports, as well as a memorandum of understanding To establish a framework for political consultations between the two ministries, aimed at strengthening diplomatic coordination and alignment of attitudes on matters of common interest.

A memorandum of cooperation was also signed between the municipality of Mogadishu and the municipality of Tripoli to deepen cooperation in the fields of local administration and urban development.

The parties also reached an agreement to set up a high-level joint committee to review previous agreements, explore investment opportunities, and promote economic and development cooperation between the two countries.

During the discussions, the two sides emphasized the importance of cooperation on regional issues, particularly in the Horn of Africa region, highlighting the importance of electing Somalia to the United Nations Security Council as a key opportunity to enhance regional security, stability and enhance cooperation between countries in the region.