Home Blog Page 1192

{DAAWO MUQAALKA} Maxay duqaymaha cirka u dhimi karaan Dacish kana cawin karaan ciidamada Puntland ee la dagaallamaya?

0

Isniin 24, Feb 2025 {HMC}  Maxay duqaymaha cirka u dhimi karaan Dacish kana cawin karaan ciidamada Puntland ee la dagaallamaya?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Godadkii ay Ku Noolaayeen Daacisho oo La soo Bandhigay

0

Isniin 24, Feb 2025 {HMC} Godadkii ay Ku Noolaayeen Daacisho oo La soo Bandhigay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO SAWIRADA} Wafdi sare oo ka socda Taliska Tababarada ee Ciidanka Xoogga Dalka oo Garay Turkiga.

0

Isniin 24,Febr-2025 {HMC} Wafdi sare oo ka socda Taliska Tababarada iyo Doktoriinka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayo Taliyaha Taliska ayaa safar shaqo oo muhiim ah ku tagay dalka Turkiga.

Ujeedka safarkaan ayaa ahaa xoojinta iyo horumarinta aqoonta tababarada Ciidamada, iyadoo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed loo diyaarinayo hanaan casri ah oo la jaanqaadi kara nidaamyada iyo xeeladaha cusub ee Ciidamada Caalamka.

Intii uu waftigu ku sugnaa Turkiga, waxay booqdeen xarumo tababar oo kala duwan, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

Talisyada tababarka ee Ciidanka Dhulka, Kulliyadda Layliga Saraakiisha, Dugsiyada Madaafiicda & Gantaalaha, Dugsiga Isgaarsiinta, Xarunta Carbisyada Ciidanka, Dugsiga Tababarka Ciidamada Gaarka ah & Dallaayadaha (Special Forces & Airborne Training School) iyo Dugsiga Tababarka Komaandooska.

Kulamo ay waftigu la qaateen saraakiisha Turkiga ayaa lagu lafaguray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinaca tababarka, sare u qaadidda tayada Ciidamada iyo la jaanqaadidda hababka casriga ah ee dhismaha iyo howlgalinta Ciidanka.

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 24-2-2025.

0

Isniin 24,Febr-2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn 24-2-2025.

 HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {24.02.2025}

Isniin 24,Feb-2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Muuse Ali Herrow

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

Soomaaliya Iyo Liibiya Oo Ka Wada Hadlay Tahriibka Iyo Arrimo kale

0

Isniin 24,Feb-2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulammo miro dhal ah la qaatay Hoggaamiyaha Golaha Sare ee Liibiya, Mudane Maxamed Al-Manfi iyo Ra’iisal Wasaaraha dalkan Mudane Cabdixamiid Dubayba oo ay ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada tahriibka, dhaqaalaha, tamarta iyo diblumaasiyadda.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah diiradda u saaray xaaladda tahriibayaasha Soomaaliyeed ee ku sugan Liibiya, isagoo uga mahadceliyay Dowladda Liibiya iskaashiga ku aaddan soocelinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee tahriibeyaasha ah, kuwaas oo duruufo adag ay ku qabsadeen dalkan, waxa uuna xusay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in xal waara laga gaaro dhibaatooyinka tahriibka iyo daryeelka muwaadiniinta.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu lafaguray danaha wadajirka ah ee labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhaqaale iyo siyasadeed ee labada dowladood ee walaalaha ah.
Madaxweynaha iyo Hoggaamiyaha Liibiya ayaa isla qaatay in la dardargeliyo iskaashiga dhinaca tamarta, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay isdhaafsiga khibradaha iyo teknoolajiyada casriga ah ee ku saabsan tamarta dib loo cusboonaysiin karo iyo sahminta shidaalka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisal Wasaare Cabdixmiid Dabaybah ayaa goobjoog ka ahaa saxiixa heshiisyo dhowr ah oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal, kuwaas oo ay Labada Dowladood u kala saxiixeen Wasiirrada iyo Madaxda ay khuseyso, si oo kor loogu qaado iskaashiga horumarinta maalgashiga, is-dhexgalka dhaqaale iyo adeegyada bulshada.

Daacish oo lumisay farriisimihii ugu muhiimsanaa oo ay kaga sugnaayeen buuraha gobolka Bari.

0

Isniin 24,Febr-2025 {HMC} Kooxda Daacish ayaa isaga baxday fariisimihii muhiimka ahaa ee ay kaga sugnaayeen buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, kadib duqeymo culus oo Maraykanku maalmihii lasoo dhaafay halkaas ka fuliyay.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Daacish ay isku urursatay deegaannada Miiraale iyo Dhaasaan, oo loo maleynayo inay xarun u yihiin horjoogayaashooda. Shalay ayay kooxda lumisay gacan ku haynta Gaadir-Oodan iyo Curaar, oo ah dhul istiraatiiji ah oo ay la wareegeen ciidamada Puntland.

Saraakiisha ciidanka Puntland ayaa sheegay in goobtan uu horey fariisin uga dhigan jiray horjoogaha Daacish, Cabdiqaadir Muumin, kaasoo horey bartilmaameed ugu noqday duqeymo uu Maraykanku fuliyay.

Khuburo dhanka amniga ah ayaa u sheegay HOL in Daacish aysan haatan awood u lahayn inay si toos ah ula dagaallanto ciidamada Puntland, maaddaama dagaalladii ugu dambeeyay looga dilay dagaalyahanno badan oo ajaanib ah iyo horjoogayaal muhiim ah.

Waxay sidoo kale tilmaameen in kooxda ay la daalaa-dhaceyso gabaabsiga sahaydii iyo saadka ciidan, iyadoo lumisay dhul badan oo istiraatiiji ah. Duqeymaha isdaba-joogga ah ayaa sidoo kale si weyn u wiiqay awooddii Daacish, gaar ahaan xarumahoodii keydka hubka iyo gaadiidka dagaalka.

Puntland ayaa sheegtay in dagaalka ka dhanka ah Daacish la soo afjari doono inta lagu guda jiro bisha Ramadaan, iyagoo xusay in ciidamadoodu haatan ay gaareen dhul aad muhiim u ah.

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Puntlnad iyo Jabbaland ka qaban doonto doorasho Qof iyo cod ah

0

Isniin 24,Feb-2025 {HMC} Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo bixiyay wareysi dhinacyo badan taabanaayay siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayaa ka hadlay arrimo la xiriira doorashooyinka dalka.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay ka go’an tahay in dalka ay ka hirgaliso doorasho qof iyo cod ah, si awooda dib loogu celiyo shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu tilmaamay in guud ahaan deegaanada dalka laga qaban doono doorashooyinka qof iyo codka ah oo ay ku jitaan maamulada Jubbaland iyo Puntland oo haatan si weyn diidan qorshaha Madaxtooyada Soomaaliya ay ku dooneyso nidaamka doorasho ee qof iyo cod ah.

“Waa laga gudbayaa nidaamka is addoonsiga ee qof maamul goboleed jooga saf loo galo, shacabkana rahmad uma haysan karo, doorashada way ka dhici doontaa Puntland iyo Jubbaland iyo guud ahaan dalka” ayuu yiri Wasiirka arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale xusay in la joogo waqtigii laga gudbi lahaa doorashooyinka dadban, islamarkaana la joogo xiligii loo dareeri lahaa doorasho dadweyne oo daah furan, wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ku kalsoonaadaan dowladdooda una diyaar garoobaan doorashooyinka soo socda.

Hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka arrimaha Dibbada Soomaaliya Axmed Macalin Fiqo ayaa kusoo aadaya, iyadoo nidamaka doorasho ee qof iyo codka ah ay diidan yihiin madaxda maamul goboleedyada Jubbland iyo Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.

{DAAWO MUQAALKA} Bandhiga Buuga ka hadlaya Tariiqda Kaluumeysiga oo lagu soo Bandhigay Muqdisho

0

Isniin 24, Feb 2025 {HMC} Bandhiga Buuga ka hadlaya Tariiqda Kaluumeysiga oo lagu soo Bandhigay Muqdisho

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada Puntland oo Maanta qabsaday Deegaano Kale oo Muhiim ah.

0

Isniin 24, Feb 2025 {HMC} Ciidamada Puntland oo Maanta qabsaday Deegaano Kale oo Muhiim ah.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA