Home Blog Page 1193

{DAAWO MUQAALKA} Maxay tahay Dacwada DFS ku oogeeyso Imaararaatka.?

0

Isniin 24, Feb 2025 {HMC} Maxay tahay Dacwada DFS ku oogeeyso Imaararaatka.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Taliyaha Nabad sugida iyo Saraakiil Ciidan oo Gaaray Buulo-Burde.

0

Isniin 24, Feb 2025 {HMC} Taliyaha Nabad sugida iyo Saraakiil Ciidan oo Gaaray Buulo-Burde.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Kenyan police officer killed in Haiti in confrontation with gang members.

0

Monday 24,Febr-2025 {HMC} A Kenyan police officer was killed on Sunday in Haiti, north of the capital, Port-au-Prince, the first casualty since the Kenyan-led security mission arrived in the Caribbean country in June 2024, the mission’s authorities said.

The Multinational Security Support Mission to Haiti said in a statement on Sunday that the Kenyan officer was injured during an operation in the Artibonite department and then airlifted to a hospital, where he died.

Jack Ombaka, the mission’s spokesperson, told Reuters that Sunday’s casualty was the first the mission has suffered since the U.N.-backed anti-gang force arrived in the country, where rampant gang violence has displaced more than a million people.

The officer was killed during a confrontation with gang members, Ombaka wrote in a statement.

“We salute our fallen hero,” the statement read. “We will pursue these gangs to the last man standing. We will not let you down.”

The death on Sunday came amid a surge in gang-related violence in the metropolitan area of Port-au-Prince over the last week.

Source Reuters

Volodymyr Zelensky Oo Soo Bandhigay Arrimo Muhiim Ah Oo Uu Xilka Kaga Tegi Karo

0

Isniin 24,Feb-2025 {HMC} Madaxweynaha dalka Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa shir jaraa’id uu qabtay , wuxuu ku ku caddeeyay inuu diyaar u yahay inuu ka tago xilka madaxweynaha haddii ay xal nabadeed oo deg deg ah u keenayso Ukrain .

Zelensky ayaa sheegay haddii la soo bandhigo dammaanad qaad amni uu iska tagi doono, waxaa kalo uu soo bandhigay sidoo kale inuu xilka ka deggayo haddii Ukraine ay ku biirayo Isbaheysiga NATO.

Zelensky, wuxuu ku celiyay inaysan ka dhaci karin doorashada Ukraine, iyadoo lagu jiro marxaladan,isagoo markaa is waydiiyay ;

“ Sidee tani ku dhici doontaa? Sidee ayay ciidamadu u codayn doonaan? Sidee bay u codayn doonaan dadka dibadda jooga? Kharkiv, gobollada kale illaa Sumy;sideen ku aqoonsan karnaa doorasho aan kala bar dadweynaha codeyn doonin?”

Madaxweynaha Ukraine ayaa diidday inuu saxiixayo heshiis uu Mareykanka khayraadka Ukraine ku helayo, isagoo ku andacooday 10 jiil oo dadka reer Ukraine khayraadkii ay adeegsan lahaayeen inuusan hadda bixin doonin qiimo kasta oo la soo bandhigo.

Soomaaliya Oo Jordan Kaga Qeyb Gashay Shirweynaha Iskaashiga Dhijitaalka iyo Horumarinta 2025

0

Isniin 24,Feb-2025 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda Soomaaliya, Mudane 𝐌𝐀𝐗𝐀𝐌𝐄𝐃 𝐀𝐀𝐃𝐀𝐍 𝐌𝐀𝐂𝐀𝐋𝐋𝐈𝐍 (𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈) ayaa ka qeyb galay Shirweynaha Iskaashiga Dhijitaalka iyo Horumarinta 2025, oo maanta ka furmay magaalada Camaan ee dalka Jordan.

Shirka waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay Guddiga Dhaqaalaha iyo Bulshada ee Qaramada Midoobay (ESCWA) iyo Jaamacadda Carabta, iyagoo kaashanaya Wasaaradda Dhaqaalaha Dhijitaalka iyo Horumarinta ee Jordan.

Shirkan oo ay ka soo qayb galeen Wasiirrada Isgaarsiinta ee dalalka Carabta ayaa diiradda lagu saaray dib u eegista ajendaha dhijitaalka ah ee carabta 2023-2033, iyadoo laga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhanka tiknoolojiyadda, is-weydaarsiga aqoonta iyo dadaallada lagu horumarinayo dhijitaleynta gobolka.

Intii uu socday shirka, Wasiirka Isgaarsiinta iyo tiknoolojiyadda ee Soomaaliya Maxamed Soomaali ayaa ka hadlay doorka ay Soomaaliya ka qaadanayso horumarinta dhijitaalka, isagoo iftiimiyay muhiimadda ay leedahay in la dhiso kaabayaasha isgaarsiinta casriga ah, lana dhiirrigeliyo hal-abuurka tiknoolojiyadda iyo in la sameeyo xeerar fududeynaya koboca dhaqaalaha dhijitaalka ah.

Wasiir Maxamed Soomaali ayaa sidoo kale la yeeshay kulamo gaar gaar ah dhiggiisa wadamada kale, si loo xoojiyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee lagu horumarinayo adeegyada isgaarsiinta iyo tiknoolojiyadda ee Soomaaliya.

Shirkan ayaa fursad muhiim ah u ah dalalka carabta si ay u xoojiyaan wada-shaqeynta dhinaca dhijitaalka, loona xaliyo caqabadaha taagan, iyada oo la horumarinayo qorshayaal mustaqbalka fog ah oo ku aaddan horumarinta dhaqaalaha dhijitaalka ah.

{DAAWO MUQAALKA} Waa Imisaa Safarada dibada uu galay Madaxweyne Xasan Sheekh Sanadkaan 2025?

0

Isniin 24, Feb 2025 {HMC} Waa Imisaa Safarada dibada uu galay Madaxweyne Xasan Sheekh Sanadkaan 2025?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Qaramada Midoobay Oo Ka Walaacsan Xaaladda Kasii Dareyso Ee Dalka Suudaan

0

Isniin 24,Feb-2025 {HMC} Walaaca Qaramada Midoobay ee Suudaan ayaa sii kordhay kaddib markii duqeymaha ay isku adeegsanayaan Ciidanka Xukuumadda iyo kooxda RSF ay sii kordheen, waxyeellada ugu badan waxa ay kasoo gaartay Dad rayid ah.

Dhinacyadaan is hor fadhiya ayaa markii ay kala adkaan waayeen isku adeegsanaya hub culus ee duqeymaha lagu fuliyo iyada oo aan loo meel dayeen Dadka Rayidka iyo xubnahaan is raadsanaya.

Diiwaanka Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha ee Suudaan waxaa maalmihii lasoo dhaafay galay Tobanneeyo Rayid ah oo ku dhintay duqeymo ka dhacay Magaalooyin kala duwan oo Dalkaas ah.

Qaramada Midoobay ayaa soo jeedisay in la sameeyo aag ka caaggan Colaadda si ay ugu nabad galaan Dadka Rayidka ah ee dhibanayaasha u noqday dhinacyadaan kala adkaan la’ si midkood talada maamulka gacanta ugu dhigo.

Madaxda Suudaan ee metalaya Dowladda ayaa dhinac isaga riixay in leeyihiin eedaha waxa dhacay, sidaas oo kale kooxaha mucaaradka ayaa iska fogeeyay mas’uuliyadda duqeymahaas dhacay.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo marar badan kulamo ka yeeshay ayaa qaraaraadkii kasoo baxay waxa uu noqday kuwa soo dhaafi waayay madashii laga sheegay sida lagu tusaaleyn karo weli in aan wax isbaddelin.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {24-02-2025}

0

Isniin 24, Feb 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Cabdi Yare & Shugri Baryare

Farsamadii ::Abdiqani Osoble

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamado ka tirsan Dowlada Somaliya oo Gaaray Gobolka Hiiraan.

0

Isniin 24, Feb 2025 {HMC} Ciidamado ka tirsan Dowlada Somaliya oo Gaaray Gobolka Hiiraan.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Puntland oo shaacisay qaabkii ay Puntland kusoo galeen ajaaniibta Daacish

0

Isniin 24, Feb 2025 {HMC} Puntland oo shaacisay qaabkii ay Puntland kusoo galeen ajaaniibta Daacish

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA