Jimco 21, Feb 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo Gudbineynaa Wararka Ugu Waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn
HOOS KA DAAWO WARARKA UGU WAAWEYN.
Jimco 21, Feb 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo Gudbineynaa Wararka Ugu Waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn
HOOS KA DAAWO WARARKA UGU WAAWEYN.
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Mcalin
Farsamadii ::Abdiqani Osoble
Jimco 21, Feb 2025 {HMC} Dowlada oo marki ugu horeysay ka hadashay Dhalinyarada Dilka ku Xukuman ee ku jira Xabsiyada Sacudiga
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
Jimco 21, Feb 2025 {HMC} Ciidamada Dowladda oo Hub kasoo Furtay AS.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
Jimco 21, Feb 2025 {HMC} Wararka ka imaanaya magaalada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Dowladda Jubaland, Maxamuud Sayid Aadan, uu soo gabagabeeyay shir looga hadlayay sidii xal waar looga gaari lahaa dagaalka Degmada Luuq ee Gobolka Gedo.
Maxamuud Sayid Aadan ayaa shaaca ka qaaday in Jubbaland ay gogosha nabadeed ay dhigtay Degmada Doolow oo ay odayaasha iyo waxgaradka ay ku wada hadli doonaan sidii xal waara looga gaari lahaa dagaalkii 3 da Beel ku dhexmaray Degmada Luuq.
Waxa uu Madaxweyne kuxigeenka 1aad Maxamuud Sayid Aadan uu sheegay in Jubbaland ay bixin doonto kharashaadka ku baxaya gogoshaan nabadeed inta la fadhiyo waxaana uu ku baaqay in laga waantoobo dagaalada qabaailka ku salaysan.
“Cidii Shirkaan nabadeed wixii kasoo baxa jabisa iyada ayaan kula xisaabtami doonaa, waxay Jubbaland diyaar u tahay inay fududeeyso wax walba oo kharashaad ah ee ku baxaya gogoshaan nabadeed” ayuu ku yiri Shir jaraaid uu qabtay Maxamuud Sayid Aadan.
Ugu dambeeyn waxa uu dadka degaanada Gobolka Gedo gaar ahaan Luuq ugu baaqay in nabadda lawada qaato ayna muhiim u tahay arrimaha nabad galyada iyo xisiloonida guud ahaan Gobolka.
Jimco 21, Feb 2025 {HMC}Puntland oo Billowday qorshe looga hortagayo Dadka ajaanibta ah.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
Friday, February 21, 2025 {HMC} Islamabad — A separatist group operating in the unstable southwestern region of Pakistan has claimed responsibility for an attack that killed seven passengers, according to officials.
Pakistani security forces have long been engaged in a conflict with ethnic insurgents and separatist groups in the resource-rich yet impoverished province of Balochistan, which borders Afghanistan and Iran.
Attacks have significantly increased in recent years, particularly targeting personnel from the Punjab region, the most populous and rapidly growing area of Pakistan, which also serves as the main recruitment center for the country’s military.
The separatist group, Baloch Liberation Army (BLA), claimed responsibility for the attack on Tuesday evening, stating that their target was “Pakistani military and intelligence agencies.”
“The BLA claims responsibility for this operation and issues a warning to all enemy military agents,” said a statement released by the group.
However, a senior local government official, Saadat Hussain, told AFP on Wednesday that seven workers from Punjab were shot dead after the tires of the bus they were traveling on were exploded, and they were taken off the vehicle.
Groups such as the BLA are engaged in an armed insurgency demanding greater autonomy for Balochistan, the largest yet least populated province of Pakistan.
The separatists argue that Balochistan’s natural resources are being exploited, while the local population sees minimal benefits, and the wealth generated is invested elsewhere.
According to statistics from AFP, at least 68 people have been killed in attacks in Pakistan this year, most of them military personnel targeted by insurgent groups opposing the government.
Last year was the deadliest in Pakistan in the past decade, with attacks rising and more than 1,600 people killed, according to the Islamabad-based Center for Research and Security Studies.
Most of the violence from armed groups occurs in the western regions of Pakistan, which border Afghanistan and Iran.
Jimco 21, Feb 2025 {HMC} Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa qoraal ay soo saartay uga hadashay maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran Boqortooyada Sucuudiga, kuwaas oo qaarkood ku xukuman dil toogasho ah.
Maxaabiistan oo gaareysay 45 ayaa mid ka mid ah la daldalay maalmo ka hor, halka inta hartay ay dil sugayaal waxaana lagu helay sida dowlada Boqortooyada Sacuudigu sheegtay iney dalkaas galiyeen daroogo.
HOOS KA AKHRISO QORAALLKA WASAARADA

Jimco 21, Feb 2025 {HMC} Madaxweynaha Somaliland oo safar shaqo ku jooga magaalada Boorama, ayaa xalay kulan casho iyo is xogwaraysi ah la yeeshay bahda dhaqanka ee gobolka Awdal.
Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay bahda dhaqanka ee gobolka Awdal ayey ku wehelinayeen guddoomiyaha xisbiga WADDANI, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee golaha wakiillada, Mudane Cali Xaamud Jibriil, xubno kamid ah golaha wasiirrada, madaxda gobolka iyo saraakiil kala duwan oo ka tirsan hay’adaha kala duwan ee maamulka.
Waxaa diiradda lagu saaray sidii looga wada shaqayn lahaa loona taageeri lahaa waxqabadka ballaadhan ee xukuumadda ka waddo gobolka Awdal iyo guud ahaanba Somaliland, kuwaasoo qayb ka ahaa ballanqaadyadii madaxweynaha sameeyey xilligii ololaha doorashada.
Ugu horrayn, xubnaha ugu magaca weyn dhinaca dhaqanka ee gobolka Awdal oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa soo dhaweeyey sida daacadnimada iyo ka go’naashaha leh ee ay madaxweynaha uga go’an tahay inuu muddo-xileedkiisa ku fuliyo dhammaanba wixii ballanqaadyo ahaa ee uu u sameeyey gobolka Awdal iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, waxana ay si cad u sheegeen inay si buuxda ugu garab geli doonaan dedaalkaas ay wadaan madaxweynaha iyo xukuumaddiisu.
Wasiirrada Wasaaradaha arrimaha gudaha, madaxtooyada, arrimaha dibadda, Biyaha iyo ciyaaraha oo madasha ka hadlay, ayaa ku dheeraaday dedaalka madaxweynaha iyo xukuumaddiisa ee la xidhiidha inuu horumarin ballaadhan oo la taaban karo, taariikhdana gala ka hirgeliyo gobolka Awdal, gaar ahaan kaabayaasha dhaqaalaha sida waddooyinka iyo madaarrada oo fure u ah nolosha bulshada.
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo madasha soo gunaanaday, ayaa bahda dhaqanka uga mahadnaqay taageerada ay la garab joogaan horumarka xukuumaddiisu ka waddo gobolka iyo ilaalinta nabadda iyo wada-jirka bulshada.
Madaxweynuhu waxa uu si cad ugu sheegay bulshada reer Awdal inuu hirgelinayo dhammaanba wixii uu hore ugu ballanqaaday, isaga oo isla madasha kaga dhawaaqay bixinta dhaqaale lagu soo iibinayo mishiinka Oxygen-ta dhaliya oo uu hore ugu ballanqaaday Cusbitaalka guud ee Boorama.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu xusay inuu fulinayo ballanqaadyadiisa, madaxda dhaqankana looga baahan yahay inay kaalintooda qaataan oo isku duubnimada bulshada iyo wada-jirkooda ka shaqeeyaan, waxana uu yidhi,
“Waxannu doonaynaa inaanu ballanqaadyadada kasoo baxno, dhammaanteenna aynu ka wada shaqayno midnimada shacabka iyo inaynu gacmaha is qabsanno.” ayuu yiri Ciro
Jimco 21, Feb 2025 {HMC} Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya ayaa olole ku tilmaamay dagaalka ay ciidamada difaaca Puntland kula jiraan kooxaha argagixisada ah ee ku sugan buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari
Wuxuu sheegay inay hub, dawooyin & taageero kale ku ku bixin lahayd DFS hase yeeshee ay Puntland iska diiddey.
“Ololaha hadda socda ee Daacishta iyo dagaalka waxaa jirta in DFS gacan ay fidinayso mar walbaba, hadday tahay dhaawacyada inay soo qaaddo, hadday tahay rasaas in la siiyo laakiin Siciid Deni ayaa diiddan, DFS diyaar bay u tahay dagaalka inay ka soo qaybgasho laakiin albaab way la’adahay”, ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Hadalka Wasiir Fiqi ayaa ku soo aadaya xili Madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu horey u sheegay in Puntland ay isaha filan tahay dagaalka ay kula jirto kooxda Daacish, aysana jirin cid ay taageero uga baahan yahay.
Masuuliyiin kale oo ka tirsan Puntland ayaa iyana ku dhaleeceeyey DF iney ka gaabisay taageerada dagaalka ay Puntland kula jirto kooxda Daacish ee ka socda buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari