Home Blog Page 1206

Madaxweyne Trump oo Zelenskyy ku tilmaamay kaligii taliye bilaa doorasho ah

Khamiis 20, Feb 2025 {HMC} WASHINGTON — Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Arbacadii shalay si kulul u weeraray madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy, isaga oo ku tilmaamay in uu yahay “kaligii taliye bilaa doorasho ah,” ka dib markii Zelenskyy uu ku eedeeyay Trump inuu ku nool yahay “goob marin-habaabineed ” oo uu Ruushku saameeyay.

Trump ayaa todobaadki hore si lama filaan ah u shaaciyay in uu khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Ruushka, Vlademir Putin, tallaabadaas oo loo arko billowga dadaal uu wado maamulka cusub ee madaxweyne Trump si loo soo afjaro dagaalka Ukraine.

Hase yeeshee, tallabadaasi ayaa u muuqata in uusan ku qancin madaxweyne Volodymyr Zelenskyy. Kaas oo muujiyay cabsi ah in madaxweynaha Mareykanka uu isku dayayo in uu dagaalka ku soo afjaro shuruudo aad ugu wanaagsan Moscow marka loo eego Kyiv.

Qoraallo isdaba joog ahaa oo uu Trump soo dhigay bartiisa bulshada ee Xaqiiqda, ayuu ku eedeeyay Zelenskyy in uu diidanyahay in uu doorasho ka qabto Ukraine. Bishii April ee sannadki 2024-ki ayay u qorsheysneyd in ay dhacdo doorashada Ukraine, hase yeeshee waxaa dib u dhigay duullaanki uu Ruushka ku qaaday bishii Febraayo ee sannadki 2022.

Trump ayaa ku sifeeyay Zelenskyy in uu yahay “majaajiliiste ilaa xad guuleystay”. Wuxuu kaloo sheegay in uu Mareykanka kala hadlay qarashgareynta $350 bilyan oo dollar si uu u galo dagaal uusan ku guuleysan karin, isla markaana ay mudneyd in uusanba billaabanin dagaalkaasi.

Hadalladan ay is weydaarteen Trump iyo Zelenskyy ayaa imanaya, maalin kaddib marki ay wasiirrada arrimaha dibadda Mareykanka iyo Ruushka ku kulmeen magaalada Riyadh, halkaas oo ay uga dhawaaqeen guddiyo heer sare ah oo soo diyaarin doono hannaanka loo soo afjari karo dagaalka Ruushka iyo Ukraine.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {19.02.2025}

Arbaco 19-02-2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Muse Osman

Farsamadii ::Abdiqani Osoble

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO MUUQAALKA} Soomaaliya oo Turkiga kala hadashay horumarinta iyo dib u dhiska Dekadaha dalka

0

Arbaco 19, Feb 2025 {HMC} Soomaaliya oo Turkiga kala hadashay horumarinta iyo dib u dhiska Dekadaha dalka

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Axmed Madoobe oo aad Uga Cowday Talaabo ay qaaday Dowladda Soomaaliya..

0

Arbaco 19, Feb 2025 {HMC}  Axmed Madoobe oo aad Uga Cowday Talaabo ay qaaday Dowladda Soomaaliya..

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} 5 Faa’iido ee ku jirta salaatu leylka Habeenkii La dukado.

0

Arbaco 19, Feb 2025 {HMC} 5 Faa’iido ee ku jirta salaatu leylka Habeenkii La dukado.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Maxay tahay Abaal marinta loo Ballan qaaday qofkii Dilo Kaneeco.?

0

Arbaco 19, Feb 2025 {HMC} Maxay tahay Abaal marinta loo Ballan qaaday qofkii Dilo Kaneeco.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Jaad Muqdisho Lagu Gubay Kadib Markii Dowlada Kenya ,,,

0

Arbaco 19, Feb 2025 {HMC} Jaad Muqdisho Lagu Gubay Kadib Markii Dowlada Kenya ,

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Puntland oo Deegaanadooda ka celisay tahriibayaal itoobiyaan ah oo isku dayay inay soo galaan

0

Arbaco 19, Feb 2025 {HMC} Puntland oo Deegaanadooda ka celisay tahriibayaal itoobiyaan ah oo isku dayay inay soo galaan

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 19-2-2025.

Arbaco 19, Feb 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii Ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO MUUQAALKA} Dhul Mudo dheer Xoog Lagu Haaystay oo Maanta Lagu wareejiyay Milkiila haa lahaa.

0

Arbaco 19, Feb 2025 {HMC} Dhul Mudo dheer Xoog Lagu Haaystay oo Maanta Lagu wareejiyay Milkiila haa lahaa.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.