Home Blog Page 1208

Soomaaliya Iyo Turkiga Oo Ka Wada Hadlay Horumarinta Iyo Dib U Dhiska Dekadaha Soomaaliya

0

Arbaco 19-02-2025 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamuud Aadan Geesood ayaa xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka dalka Turkiga ee Soomaaliya Amb: Alper Aktaş.

Kulanka labada masuul dhexmaray ayaa looga arinsaday sidii dib u dhis iyo horumarin loogu sameyn lahaa dekedaha Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka soo kabanaya burburkii ka dhashay dagaalada iyo xaaladaha adag ee uu soo maray dalka.

Safiirka dalka Turkiga ee Soomaaliya Amb; Alper Aktaş ayaa dhankiisa xaqiijiyay in dowladda Turkiga ay diyaar u tahay in Soomaaliya ay ka taageerto sidii loo gaari lahaa himilooyinka horumarinta Dekedaha, iyadoo la adeegsanayo khibradaha iyo farsamooyinka Turkiga ee la xiriira maamulka Dekedaha.

“Inta lagu guda jiray kulanka, waxaa sidoo kale la isla gartay in Wasaaradaha Dekedaha ee Turkiga iyo Soomaaliya ay sii xoojiyaan iskaashiga, si loo horumariyo kaabayaasha dekedaha dalka oo ay ku jiraan casriyeynta qalabka dekedaha, tababarka shaqaalaha, iyo taageerada farsamo ee dhinacyada maamulka iyo hawlgalada dekedaha” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Wasiirka Dekedaha Soomaaliya Maxamuud Aadan Geesood ayaa ka mahadceliyay taageerada dowladda Turkiga iyo balanqaadyada la xiriira horumarinta dekedaha Soomaaliya, isagoo xusay in taageeradaasi ay muhiim u tahay soo kabashada dhaqaalaha dalka iyo dib u dhiska kaabayaasha muhiimka ah ee dekedaha Soomaaliya oo saameyn weyn ku leh isku socodka ganacsiga iyo dhaqaalaha gobolka.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 19 2 2025

0

Arbaco 19, Feb 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo Gudbineynaa Wararka Ugu Waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

HOOS KA DAAWO WARARKA UGU WAAWEYN.

{DAAWO MUUQAALKA} 12 Neef uu Watay ayey ka dhaceeyn kadibna inta ay dileeyn ayey dharkii Marxuunka ka Furteeyn.

0

Arbaco 19, Feb 2025 {HMC} 12 Neef uu Watay ayey ka dhaceeyn kadibna inta ay dileeyn ayey dharkii Marxuunka ka Furteeyn.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Dadka Reer Muqdisho Doorasho qof iyo Cod ah ayey aadeyn

0

Arbaco 19, Feb 2025 {HMC} Dadka Reer Muqdisho Doorasho qof iyo Cod ah ayey aadeyn

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Sidee ayey u Wada Shaqeeyaan Gudiga Doorashooyinka iyo shacabka Muqdisho.?

0

Arbaco 19, Feb 2025 {HMC} Sidee ayey u Wada Shaqeeyaan Gudiga Doorashooyinka iyo shacabka Muqdisho.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} 142 Xarun ayaa Hada Diyaar u ah Doorasho qof iyo Codka ah”.Gudoomiye Yabooh

0

Arbaco 19, Feb 2025 {HMC} 142 Xarun ayaa Hada Diyaar u ah Doorasho qof iyo Codka ah”.Gudoomiye Yabooh

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

Soomaaliya & Itoobiya oo Bisha Maarso Markale Ku kulmaya Ankara

0

Arbaco 19-02-2025 {HMC} Guddiga farsamo ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa bisha soo socota ee Maarso mar kale kulmaya si uu uga hadlo dhammeystirka waxyaabaha qabyada u ah si loo xoojiyo heshiiskii Ankara ee Bishii Deseembar 2024 ay wada gaareen labada Dal.

Sida ku cad baaqa wadajirka ah ee Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay kasoo saareen wadahadalkii ugu dambeeyay 17-18ka Febaraayo ka qabsoomay Turkiga guddiga ayaa ku ballamay in bisha soo socota ee Maarso kulmo.

Wareeg afar ah oo loogu talagalay in uu wadaxaajoodku maro ayuu is araggaan qayb ka yahay maadaama guddigaan marka uu wadahadalka aadayo uu la tashi la sameynayo Madaxda Sare Dowladaha Soomaaliya & Itoobiya ee xalka raadinaya sida hadalka loo dhigay.

Guddigaan farsamo oo u badan Wasiirro waxa ay si joogta ah ula soconayaan hadba waxa soo kordha, waxaa intaas u dheer iska warqabkooda oo udub dhexaad u ah in la xoojiyo is fahamkii ama wadaxaajoodkii Ankara.

Itoobiya ayaa weli raadineysa marin badeed, Soomaaliya waxa ay sheegtay in haddii ay Itoobiyaanka u fasaxeyso ama u ogolaaneyso ay usoo mareyso nidaamka Dalalka aan badda lahayn ee la tacaamula kuwa leh.

{DAAWO MUUQAALKA} Ciidamo macawiisleey ah oo Weerar Qorsheeysan ku Dilay Sargaal ka tirsan AS.

0

Arbaco 19, Feb 2025 {HMC} Ciidamo macawiisleey ah oo Weerar Qorsheeysan ku Dilay Sargaal ka tirsan AS.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

Dowladda Canada oo Qorsho Adag uga hortageyso Soogalooti Soomaalida ku jirto

0

Arbaco 19-02-2025 {HMC} Dowladda Canada ayaa sheegtay in ay awood dhaqaale iyo mid ciidan isugu geysay kahortagga soogalootiga kasoo Soomaalida qaybta ka tahay ee dhinaca Dalka deriska la ah ee Maraykanka kasoo gudbaya maadaama ay ka cararayaan in Donald Trump uu masaafuriyo.

Ku dhowaad 10 kun oo Askari oo isugu jira Booliis, Militari iyo kuwo gaar ah oo wata Diyaaradaha nooca qumaatiga u kaca iyo Gaadiid ayaa la geeyay xuduudaha Maraykanka iyo Canada ay wadaagaan si ay uga hortagaan qulqulkooda.

Canada ayaa luuqad adag uga goodisay dadkaas tahriibka ku galay Maraykanka ee qorsheynaya in ay dalkeeda u gudbaan, waxa ay sheegtay in ay masaafurin doonto cid weliba oo kasoo gudubta xuduuddda bilaa sharci.

Trump ayaa eryanaya Soogalooti badan oo Maraykanka soo galay muddadii uu bannaan jooga ka ahaa siyaasadda Dalkaas, markii uu waday ololaha doorashada waxa uu ku goodiyay in uu xakameyn doonno dadkaas sharci darrada ku jooga dalkiisa.

Tallaabadii ugu horreysay uu qaaday markii uu xilka ku guuleystay isaga oo aan Aqalka Cad la wareegay waa in uu amray in ciidan xooggan la geeyo xuduudda, sidoo kale sharci loo diido xitaa Ubadka ay Dalkaas ku dhalaan kuwa tahriibka kusoo galay.

Ciidamo macawiisleey ah oo Weerar Qorsheeysan ku Dilay Sargaal ka tirsan AS.

0

Arbaco 19-02-2025 {HMC}  Ciidamo katirsan Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka ee Macawiisley ayaa howlgallo ka dhan ah ‘AS’ ka sameeyay Magaalada Bacaadweyne ee Koofurta Gobolka Mudug Dowlad-Goboleedka Galmudug.

Saraakiisha ciidamadaan iskaashanaya ee Federaalka iyo kuwa Deegaanka ee Macawiisleyda ayaa sheegay in ay beegsadeen fariisimo ay ‘AS’ ku lahaayeen deegankaas isla markaana ay burburiyeen saldhigyo ay halkaas ku lahaayeen.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay sawirro ay kasoo qaaday goobaha ay howlgallada ka fulisay ee Magaalada Bacaadweyne Koofurta Gobolka Mudug Dowlad-Goboleedka Galmudug.

Waxaa sii xooggeystay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda Koofurta Gobolka Mudug Dowlad-Goboleedka Galmudug kaddib markii ciidamo dheeraad ah ay geysay Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay u xoojiyaan ciidankii ka horreeyay.