Arbaco 19, Feb 2025 {HMC} Masuuliyiin iyo Odayaal dhaqan oo Gaaray Furimaha Dagaalka ee Gobolka Hiiraan.
{DAAWO MUUQAALKA} khasaaraha ka dhashay weerarkii ceelbuur Oo la Shaaciyay.
Arbaco 19, Feb 2025 {HMC} khasaaraha ka dhashay weerarkii ceelbuur Oo la Shaaciyay.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
{DAAWO MUUQAALKA} Dhalinyaro Qirtay in Qaraxyo ka fuliyeen Buurhakabo oo Dil Toogasho ah lagu fuliyay.
Arbaco 19, Feb 2025 {HMC} Dhalinyaro Qirtay in Qaraxyo ka fuliyeen Buurhakabo oo Dil Toogasho ah lagu fuliyay.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
{DAAWO MUUQAALKA} Barlamaanka jabuuti Oo Ka Hadlay guusha Gudoomiyaha midowga Africa.
Arbaco 19, Feb 2025 {HMC} Barlamaanka jabuuti Oo Ka Hadlay guusha Gudoomiyaha midowga Africa.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
Xamaas oo sii deyneysa Israa’iiliyiin nool iyo kuwa dhintay.
Arbaco 19-02-2025 {HMC} Ururka Xamaas iyo Israa’iil ayaa mar kale gaaray heshiis ay isku dhaafsanayaan maxaabiis ay labada dhinac kala heestaan, waxaana durba lasii diyaariyay liisaska iyo magacyada xubnaha maxaabiista ah ay is dhaafsanayaan labada dhinac.
War kasoo baxay ururka Xamaas ayey ku sheegeen in ay sii deynayaan lix Israa’iliyiin nool iyo afar meyd ah oo gacatooda ku jira, Israa’iil ayaa iyana dhankeeda xabsiyadeeda kasii deyn doonta boqolaal Falastiiniyiin ah ay horey xukumo ugu rideen.
Maxaabiista reer Falastiin ee Israa’iil deynaso ayaa gaaraya 602 Falastiiniyiin , waxaana ku jira dadkaasi lasii deynayo 157 horey xabsi daa’in ay ku xukuntay Israa’i, maxaabiista labada dhinac ayaana la is dhaafsan doonaa maalinta Sabtida ah.
Shacabka Gasa ayaa sidoo kale loo ogalaan doonaa qaar badan oo kamid ah guryaha gurgura iyo gargaar dheeraad ah oo Qasa la geynayo, waxaana maxaabiis is dhaafsiga labada dhinac aad usoo dhaweeyay ehelada xubnaha lakala heesto.
Tan iyo markii la heshiiyay ururka Xamaas ayaa sii daayay 19 la heyste oo Israa’iiliyiin ah , waxaana dadkaasi Xamaas sii deysay lagu beddeshay in ka badan 1,100 maxaabiis Falastiiniyiin ah, kuwaa oo qaarkood ku xukunnaa xabsi daa’in.
Howlgalka Midowga Yurub Soomaaliya oo sheegay in Burcad badeed ay weerareen Markab laga leeyahay Yemen
Arbaco 19-02-2025 {HMC} Howlgalka ciidamada Midowga Yurub ee loo soo gaabiyo EUNAVFOR ee lagu sugayo ammaanka xeebaha Geeska Afrika ayaa soo saaray digniin ku saabsan dhacdo kale oo looga shakisan yahay weeraro burcad badeednimo oo lagu weeraray markab sitay Calanka dalka Yemen.
Dhacdadaan ayay xuseen Howlgalka Midowga Yurub ee xeebaha Soomaaliya 17kii Bishaan, waxaana ay noqoneysaa markii labaad bil gudaheedi oo ay burcad badeeda Soomaalida ay weeraraan maraakiibta ku socdaalaysa xeebaha Soomaaliya ama biyaha u dhow.
War uu soo saaray Howlgalka ayaan faah faahin dheeri ah looga bixin qaabka afduubka markabkaan uu u dhacay, dhacdaan markale waxa ay ka dhacday degaanka Garmaal ee Degmada Eyl u dhow ee degaanada Puntland.
Howlka Atalantikada ayaa sheegay inay soo furashada markabkaan kala shaqeenayaan ilaalada xeebaha dalka Yemen iyo kuwa Maamulka Puntland.
13kii bishaan ayay ahayd markii ay ciidamada Midowga Yurub ay soo furteen Markab lagu magacaabay Al Najma oo watay calanka Yemen, waxaana saarnaa ilaa 12 Shaqaale.
Maamulka Ceelbuur oo sheegay in Shacabka go’aansadeen inay iska dulqaadan Al shabaab
Arbaco 19-02-2025 {HMC} Gudoomiyaha Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud Nuur Xasan Guutaale ayaa sheegay in shacabka degmada ay goaansadeen inay iska dulqaadaan dhibaatada ay kala kulmaan Dhaq dhaqaaqa Al shabaab, waxaana uu shaaca ka qaaday in shaqa fiican ay bilaabeen shacabka Magaaladaasi.
Gudoomiye Nuur ayaa ayaa ugu baaqay Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug in rajo dhow ay kasoo muuqatay magaaladaasi oo sanado gacanta ugu jirta Al shabaab maadama ay shacabka go’aansadeen inay iska dulqaadaan ku hoos noolaanshiyaha nidaamka Kooxda Al shabaab.
“Shacabkii ayaa adkeysan waaye go’aana ku qaatay in ay Al-shabaab iska dulqaadaan waa in ay Dowladda lasoo garab istaagtaa taageero nooc waliba leh, waxaana jirta rajo fiican in Al shabaab magaalada laga saari doono” ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale.
Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal ay dhalinyaro deegaanka ah oo is-abaabulay ay habeen ka hor ka fuliyeen degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, khasaare loogu geystay kooxda Al-Shabaab.
Sida saraakiisha dowladda ay warbaahinta u sheegeen, howlgalkaan ayaa si gaar ah loogu beegsaday guri uu Ceelbuur ka degganaa horjoogaha waxa ay kooxdu ugu yeerto “Xisbada” ama booliska, oo lagu magacaabay Yaxye Laba Madax.
{DAAWO MUUQAALKA} Maxaa Natiijo ah oo Kasoo Kordhay Wada-hadalladii dhex-maray Soomaaliya iyo Itoobiya?
Arbaco 19, Feb 2025 {HMC} Maxaa Natiijo ah oo Kasoo Kordhay Wada-hadalladii dhex-maray Soomaaliya iyo Itoobiya?
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
{DAAWO MUUQAALKA} Howlgal lagu qabtay xubno As ah Oo laga Fuliyay Gobolka Hiiraan.
Arbaco 19, Feb 2025 {HMC} Howlgal lagu qabtay xubno As ah Oo laga Fuliyay Gobolka Hiiraan.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {19.02.2025}
Arbaco 19, Feb 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Ali Addow
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO



