Home Blog Page 1213

Guddoomiyaha Midowga Afrika oo ballanqaaday in si siman uu uga adeegi doonno 55 dal ee Qaaraddaan.

0

Talaado 18, Feb 2025 {HMC}  Guddoomiyaha Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in uu si siman ugu adeegayo Dalalka ku bahoobay Ururkaan uu Guddoominayo isaga oo tilmaamay in uu leeyahay waaya-aragnimo siyaasadeed oo ku filan.

Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay Dalka uu ka dhashay ee Jamhuuriyadda Jabuuti ku suntan tahay nabad, is ixtiraam iyo ka shaqaynta horumarka Bulshada, sidaas awgeed uu u baahan yahay in lagu garab istaago sida uu soo jeediyay.

Qaaraddaan Dalalka ay ka kooban tahay oo kala daruufo iyo kala xaalado ah ayuu sheegay Maxamuud Cali Yuusuf in uu mas’uuliyaddooda dusha saartay kana shaqeyn doonno sidii xal waara uu ugu raadin lahaa sida uu hadalka u dhigay.

“Afrika waa 55 Dowladood, 30 Malyuun oo kiilmo-mitir isku weer, 1.4 Bilyan oo qof, waxa ay u baahan yihiin la horumariyo, aniga oo mas’uul ka ah hoggaamintooda waxa aan ka shaqeynayaa sidii aan u horumarin lahaa, Dalkeenna, Afrika & Geeska ayay fursad u tahay xilka aan qabtay” Guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf.

Dalal Soomaaliya ay kamid tahay dedaal xooggan geliyay sidii Jamhuuriyadda Jabuuti ay u hoggaamin lahayd Midowga Afrika, markii la xaqiijiyay guusha Maxamuud Cali Yuusuf waxaa Xukuumadda DJibuuti gaaray hambalyo kala duwan.

{DAAWO MUUQAALKA} Howgalo ka dhan AS oo maanta ka Socda Jiinka Wabiga Shabeelle.

0

Talaado 18, Feb 2025 {HMC}  Howgalo ka dhan AS oo maanta ka Socda Jiinka Wabiga Shabeelle.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Maxay tahay Sababta Xildhibaanada qaar aysan uga qeyb galeyn Furitaanka Baarlamaanka?

0

Talaado 18, Feb 2025 {HMC}  Maxay tahay Sababta Xildhibaanada qaar aysan uga qeyb galeyn Furitaanka Baarlamaanka?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Heshiis qaadan doona muddo 25 sano ah oo lagu dhisayo Dekedda Baraawe !

0

Talaado 18, Feb 2025 {HMC} Heshiis qaadan doona muddo 25 sano ah oo lagu dhisayo Dekedda Baraawe !

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Siddee Waalidiinta Qayb uga Yihiin Tahriibka Dhalinyarada?

0

Talaado 18, Feb 2025 {HMC}   Siddee Waalidiinta Qayb uga Yihiin Tahriibka Dhalinyarada?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Weerar lagu qaaday Madax AS ah oo ku sugan Degmada Ceel-buur.

0

Talaado 18, Feb 2025 {HMC}   Weerar lagu qaaday Madax AS ah oo ku sugan Degmada Ceel-buur.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

Laftagareen oo Shirkad Kuwait laga leeyahay la galay heshiis 25 sano ah.

0

Talaado 18, Feb 2025 {HMC} Waxaa bannaanka usoo baxay warar sheegaya heshiis ay wada galeen Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen & madaxa Shirkadda Arab Digital Holding ee laga leeyahay Dalka Kuwait, heshiiskaan ayaa quseeya maamulka Dekedda Baraawe.

Sida lagu sheegay warbixinno lagu daabacay bara kala duwan, waxa uu heshiiskaan soconayaa muddo 25 sano ah, qiimaha ku baxaya waa nus bilyan doollar ($500 oo Milyan oo doollar), waxaana la hormarinayaa Dekedda Baraawe, iyada oo dhismo casri ah lagu sameynayo sida qorshaha uu yahay.

Shirkaddaan waxa ay kaashaneysaa shirkad kale oo lagu magacaabo MYD oo laga leeyahay Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, doorkeeda waa in si casriyeysan loo dhiso Dekedda Baraawe, iyada oo xoogga la saarayo marsada iyo goobaha dadka soo jiidan kara si dhaqaale badan uu halkaas uga soo xaroodo.

Guddoomiye ku xigeenka shirkadda Arab Digital Holdign Fahad Nawaaf Al Doosari ayaa sheegay in heshiiskaan uu u sahlayo in ay qabtaan howlo badan sida sahminta khayraatka, Dhismaha Dekedda, Al Doosari ayaa tilmaamay in heshiiskaan uu damaanad qaadayo in lagu fuliyo muddo 4 sano kaddib waa marka si rasmi ah Maamulka Koofur Galbeed uu dhankiisa shaaciyo.

Fahad Al Doosari ayaa sheegay in Shirkaddu ay kaashaneyso Shirkado kale oo Khaliijka ah iyo Bangiyo Carbeed oo bixinaya maalgelinta ku kaceysa oo gaareysa Nus bilyan Doollar si loo fuliyo marxaladda qaybta koowaad ee heshiiskaan, waxa uu meesha ka saaray in ay jiraan qodobo xadidaya oo dhankooda heshiisku ku galeen.

Hirgelinta mashruucaan ayuu Fahad Nawaaf Al Doosari ku sheegay in uu faa’iido u yahay Dalal badan oo Gobolka ku yaalla sida Itoobiya, Koofurta Suudaan, Waqooyi Bari Kenya, Bartamaha Afrika, Uganda, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo iyo Dalal kale oo si toos ah marsada Baraawe wax uga soo degsan kara.

Dhulka Mashruuca laga fulinayo ayuu ku sheegay Fahad in uu gaarayo 200 oo Kiilomitir oo isku wareeg ah, shaqada sahminta oo ah howsha ugu horreysa ayaa billaaban doonta bilaha soo socda si muddada shirkaddu u qabsatay u dhammeystirto loogana fa’iideysto dhaqaalaha laga rajeynayo in uu dib uga soo laabto.

Weli Dowlad-Goboledka Koofur Galbeed iyo Dowladda Dhexe ee Federaalka wax war ah kama soosaarin hadalkaan, waxaa la dhowrayaa jawaabta kasoo yeerta.

Qaramada Midoobay oo dib u cusbooneysiinaysa xayiraada saaran Kooxda AS.

0

Talaado 18, Feb 2025 {HMC} Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa in ay dib u cusboonaysiiyaan cunaqabateynta saaran Al-Shabaab ka hor inta aan la gaarin February 28, 2025, maadaama kooxda Al shabaab ay weli khatar weyn ku tahay xasilloonida Soomaaliya iyo ammaanka gobolka.

Tallaabooyinka, oo markii hore lagu soo rogay in lagu carqaladeeyo maalgelinta iyo awoodaha hawlgal ee Al-Shabab, ayaa sii wadi doona beegsiga shabakadaha ganacsiga ee sharci darrada ah, ilaha dhaqaalaha dibadda, iyo waddooyinka soo iibsiga hubka ee Kooxdaasi.

Dadka falanqeeya arrimaha ammaanka ayaa sheegaya in dib u cusboonaysiinta ay ka tarjumeyso walaaca isa soo taraya ee laga qabo khatarta sii kordhaysa ee Al-Shabaab, iyadoo kooxda ay ballaarisay howlaheeda maaliyadeed ee ka baxsan xuduudaha Soomaaliya.

Kooxdan Al shabaab ayaa lagu soo waramayaa inay xoojisay ku lug lahaanshaha shabakadaha wax tahriibiya ee gobolada, oo ay ka mid yihiin ka ganacsiga dahabka ee sharci darada ah iyo cashuuraha laga qaado deegaanada ay maamulaan.

Diblumaasiyiinta reer galbeedka ayaa ku adkeysanaya in nidaamka cunaqabateynta ay muhiim u tahay si loo joogteeyo cadaadiska la saarayo Al-Shabaab, si looga hortago in kooxda ay dib u soo ceshato saameyn dhuleed iyadoo jawiga ammaanka Soomaaliya uu isbedelayo.

Haddii la meel mariyo cunaqabateyntan cusub ayaa waxa ay xoojin doonta mowqifka beesha caalamka ee ka dhanka ah Al-Shabaab, balse su’aasha ayaa ah in taageero dhaqaale iyo mid dowladnimo oo dheeri ah lagu biirin doono dadaallo ballaaran oo lagu xasilinayo Soomaaliya.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {18.02.2025}

Talaado 18, Feb 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Ali Addow

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Madaxwayne Xasan Sheikh oo weerar culus ku qaaday mucaaradka.

0

Talaado 18, Feb 2025 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Isniintii si adag uga jawaabay hoggaamiyeyaasha mucaaradka, isaga oo ku eedeeyay inay faafinayaan cabsi aan loo baahnayn iyo xasilooni-darro siyaasadeed halkii ay diiradda saari lahaayeen horumarka dalka.

Isagoo ka hadlayay xafladda furitaanka isbitaal laga hirgeliyay Muqdisho, Xasan Sheekh wuxuu si cad u beeniyay eedeymaha mucaaradka ee sheegaya in dowladdiisu ay waddo jid uu dalka u horseedayo jahawareer, isagoo hadalladaas ku tilmaamay kuwo marin-habaabin ah oo waxyeello leh.

“Siyaasiyiinta sheegaya in musiibo soo dhowdahay, albaabbada cadaabta la furayo, waa dad aan caadi ahayn, oo maskaxiyan xanuunsan oo u baahan in la daaweeyo,” ayuu yiri, isagoo si toos ah ugu jawaabay dhaliilaha la xiriira in maamulkiisu noqday mid kelitalis ah oo xaddidaya xorriyadda siyaasadeed.

Madaxweynaha wuxuu intaa ku daray in hadallada mucaaradku ay qeyb ka yihiin xasillooni-darrada dalka. “Dhibaatada dhabta ah ee Soomaaliya waa siyaasiyiinta,” ayuu yiri. “Waxaa jira horumar badan oo la gaadhay, waxaana muhiim ah in shacabka loo muujiyo wixii la qabtay iyo fursadaha weli jira.”

‘Eedeymaha mucaaradka’

Hadalka madaxweynaha ayaa daba socday eedeyn uu dhowaan jeediyay siyaasiga mucaaradka ah Cabdullaahi Sheekh Xasan, kaasoo ku andacooday in xukuumadda Xasan Sheekh ay si hoose u abaabushay ciidan gaar ah oo gaaraya 10,000 oo askari si ay u bartilmaameedsato siyaasiyiinta ka soo horjeeda.

Mucaaradku, iyagoo aan bixin caddeyn rasmi ah, waxay sheegeen in ciidankaasi uu ka howlgalo meel ka baxsan hay’adaha rasmiga ah ee amniga Soomaaliya, islamarkaana loo xilsaaray in uu hubka ka dhigo siyaasiyiinta mucaaradka.

Xasan Sheekh si toos ah uma uusan xusin eedeymahaas, balse hadalladiisa la xiriiray cabsi gelinta siyaasadeed waxay u muuqdeen kuwo si dadban ugu jawaabaya. Ilaa iyo hadda, dowladda Soomaaliya wax bayaan rasmi ah ah kama aysan soo saarin jiritaanka ciidankaas la sheegay, mana jirto ilo madax-bannaan oo xaqiijin kara sheegashadaas.

Xiisadda siyaasadeed ayaa cirka isku shareertay iyadoo la isku diyaarinayo doorashada 2026, xilli xisbiyada mucaaradka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada ay qaadaceen howlaha diyaarinta doorashada ee ay waddo guddiga doorashooyinka.

Puntland iyo Jubbaland ayaa si cad uga hor yimid sida ay dowladda federaalku u maamushay geeddi-socodka doorashada, iyagoo ku andacoonaya in ay jiraan caqabado siyaasadeed iyo kuwo amni.

Mucaaradku waxay Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyeen in uu hareer maray hay’adaha madax-bannaan, isla markaana uu sameeyay isbeddel sharciyeed si uu u dhiso guddi doorasho oo aan lahayn sharciyad, taasoo ay ku tilmaameen isku day lagu xaqiijinayo natiijo doorasho oo horay loo sii qorsheeyay.

Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa xitaa ku hanjabay inay abaabuli doonaan doorasho kale oo iskeed u madaxbannaan, haddii dowladda aysan furin wadahadallo ballaaran oo siyaasadeed.

‘Cabasho la xiriirta dhaqaalaha’

Mucaaradku ma ahan oo kaliya kuwa diidan habka loo maamulayo doorashooyinka, balse waxay sidoo kale dhaliileen siyaasadaha dhaqaalaha ee xukuumadda, iyagoo ku eedeeyay in ay hirgelisay nidaam canshuur oo caddaalad-darro ah oo curyaamiyay ganacsiyada Muqdisho, gaar ahaan suuqa Bakaaraha oo ah xarunta ganacsiga ugu weyn ee caasimadda.

Ganacsatada ayaa dibadbaxyo ka dhigay magaalada, iyagoo ka cabanaya kororka canshuuraha, taasoo ay sheegeen in ay sababtay shaqo la’aan baahsan iyo dhibaato dhaqaale.

Sidoo kale, mucaaradku waxay dowladda ku eedeeyeen in ay si gaar ah ugu xagliso ganacsiyada la xiriira xulafada siyaasadeed ee madaxweynaha, taasoo ay sheegeen in ay sii xoojisay kala duwanaanta dhaqaale iyo sinaan la’aanta fursadaha ganacsiga.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ku adkeystay in Soomaaliya horumar la taaban karo sameyneyso, isaga oo tusaale u soo qaatay aqoonsiga caalamiga ah ee sii kordhaya iyo casuumadaha uu dalku ka helayo shirarka waaweyn ee caalamka, sida Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay—oo muddo dheer Soomaaliya laga waayey.

Mucaaradku waxay sidoo kale ku eedeeyeen xukuumadda in ay adeegsaneyso hay’adaha amniga si loogu cadaadiyo mucaaradka, iyagoo sheegay in ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo hay’adaha kale ee amniga loo isticmaalayo in lagu cabburiyo siyaasiyiinta ka soo horjeeda dowladda halkii lagu sugi lahaa amniga qaranka.

Dowladda weli kama aysan jawaabin si toos ah eedeymahan, hase yeeshee, hadallada Madaxweyne Xasan Sheekh ee la xiriiray doorka siyaasiyiinta iyo baahida loo qabo in diiradda la saaro horumarka, waxay u muuqdaan kuwo si dadban uga falcelinaya dhaliilahaas.