Home Blog Page 1214

{DAAWO MUUQAALKA} Sidee Ayey u shaqeeyaan kooxda dabdamiska Baladweyne.

0

Talaado 18, Feb 2025 {HMC}  Sidee Ayey u shaqeeyaan kooxda dabdamiska Baladweyne.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka oo la kulmay Dhaxal-sugaha Sacuudiga.

0

Talaado 18, Feb 2025 {HMC} Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Marco Rubio ayaa Isniintii shalay gaaray dalka Sacuudiga, isagoo madaxda Boqortooyada Sacuudiga kala hadlaya xabad joojinta Isaa’iil iyo Xamaas iyo masiirka Marinka Gaza hadii dagaalka la soo afjaro.

Dibloomaasiga sare ee cusub ee Mareykanka ayaa la kulmay Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Faysal Bin Farxaan.

Wada hadalka mas’uuliyiinta ayaa ka dambeeyay kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku baaqay in 2.3 milyan oo Falastiiniyiin ah laga raro Gaza lana geeyo dalalka deriska la ah, iyadoo Mareykanka uu markaas dib u habeyn ku sameeynayo dhulka ciriiriga ah ee ku teedsan badda Mediterranean-ka.

Qorshahaas ayaa waxaa dhaliilay oo kasoo horjeestay Sacuudiga iyo dalalka kale ee Caraba. Waxaa sidoo kale saluugay madaxda dalal badan oo xulafo la ah Mareykanka.
Rubio iyo Mohamed Bin Salmaan waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay isku-dubaridka Gaza, arrintaas oo gacan ka geysaneeysa amniga gobolka, sida ay sheegtay afhayeen u hadashay wasaaradda arrimaha dibadda Mareeykanka.

Tammy Bruce ayaa arrintan uga warrantay warbaahinta ka dib markii ay labada mas’uul kulmeen, hase yeeshee maysan sheegin wax wada-xajood ah oo ku saabsan soo jeedinta Trump.

Tammy Bruce ayaa sheegtay in labada mas’uul ay xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay hirgelinta xabbad joojinta Gaza iyo in la xaqiijiyo in Kooxda Xamaas ay sii deeyso dhamaan la haystayaasha, oo ay ku jiraan muwaadiniin Mareykanka.

{DAAWO MUUQAALKA} Maxay Abwaanadaan u gubtay Xasuusihii uu u keenay Jaceylkeeda?

0

Talaado 18, Feb 2025 {HMC} Maxay Abwaanadaan u gubtay Xasuusihii uu u keenay Jaceylkeeda?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

Shil diyaaradeed oo ka dhacay garoonka diyaaraha ee Toronto

0

Talaado 18, Feb 2025 {HMC} Diyaarad rakaab wadday oo ay leeday shirkadda Delta Air Lines ee dalkan Mareykanka ayaa Isniintii shalay ku rogmatay, garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Toronto, shilkaas oo dhaliyay dhaawac soo gaaray ilaa 19 qof oo ay ku jiraan saddex ruux oo ay xaaladdoodu aad u liidato.

Maamulka Garoonka Diyaaradaha Pearson ee magaalada Toronto ayaa xaqiijiyay, in shilka uu dhacay shalay abaaro 2:15 daqiiqo ee galabnimo, kaddib marki ay dayaaraddu rogmatay isla markaana dusha ku istaagtay xilligi ay soo caga dhiganeysay jidka ay diyaaradaha ku ordaan.

Dayaaradda oo ay saarnaayeen 76 rakaab ah iyo 4 ka mid ah shaqaalaheeda ayaa kasoo duushay magaalada Minneapolis. Dhammaan 80-ki qof ee la socday diyaaradda ayaa lasoo badbaadiyay.

Saraakiisha ayaa sheegay in ay u badantahay in shilka diyaaradda uu sababay baraf xoog leh oo ka da’ay magaalada Toronto. Muuqaal laga soo duubay shilka ayaa muujiyay diyaaradda oo dusheeda ku fadhida iyo shaqaalaha gurmadka oo ku xoomman aaggaasi.

Sida laga soo xigtay Adeegga Saadaasha Hawada ee Canada, garoonka diyaaradaha waxaa buuxiyay baraf, iyadoo ay jireen dabeylo ku socday xawaare dhan 51 kiilomitir saacaddiiba, halka darajada qabowga ay ka hooseysay -8.6 selsiyas.

Waa shilki afraad ee diyaaradeed ee ka dhaca Waqooyiga America tan iyo bishi hore. Diyaarad helikobter ah iyo mid rakaab wadday ayaa 29-ki Janaayo iskula dhacay agagaarka magaalada Washington ee caasimadda Mareykanka, halkaas oo ay ku dhinteen ilaa 67 qof oo u badnaa rakaabki diyaaradda.

Shil kale oo ka dhacay magaalada Philadelphia, ayaa waxaa ku dhintay 6 qof, kaddib marki ay dhacday diyaarad yar oo nuuca caafimaadka. 10 qof oo kale ayaa iyaguna ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay gobolka Alaska.

{DAAWO MUUQAALKA} Puntland Maxaay ka tiri Duqeeynta D~C?

0

Isniin 17, Feb 2025 {HMC} Puntland Maxaay ka tiri Duqeeynta D~C?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Dhacdooyinka Caalamka 17 02 2025

0

Isniin 17, Feb 2025 {HMC} Dhacdooyinka Caalamka

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Ajaanib dawooyiin been abuur gilinaayay Hargeysa oo La qabtay.

0

Isniin 17, Feb 2025 {HMC} Ajaanib dawooyiin been abuur gilinaayay Hargeysa oo La qabtay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Xasan “Siyaasiyiinta leh balaayo ayaa soo socoto maskaxiyan ayey u xanuunsan yihiin”

0

Isniin 17, Feb 2025 {HMC} Madaxweyne Xasan “Siyaasiyiinta leh balaayo ayaa soo socoto maskaxiyan ayey u xanuunsan yihiin”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Mareeykanka iyo Israa’iil oo ka wada hadlay Sidii loo Cirib Tiri lahaa Xamaas.

0

Isniin 17, Feb 2025 {HMC} Mareeykanka iyo Israa’iil oo ka wada hadlay Sidii loo Cirib Tiri lahaa Xamaas.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {17.02.2025}

Isniin 17 Feb 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Muuse Ali Herow

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO