Isniin 17, Feb 2025 {HMC} Puntland oo ka Hadashay Doorka DFS ee Dagaalka Daacish.
{DAAWO MUUQAALKA} Muxuu ka yiri Wasiirka Waxbarashada Hirshabeelle Saameynta Isbadalka Cimilada.?
Isniin 17, Feb 2025 {HMC} Muxuu ka yiri Wasiirka Waxbarashada Hirshabeelle Saameynta Isbadalka Cimilada.?
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
{DAAWO MUUQAALKA} Maandooriyaha ay Isticmaalaan Kooxda AS iyo Xogo Dheeraad ah
Isniin 17, Feb 2025 {HMC} Maandooriyaha ay Isticmaalaan Kooxda AS iyo Xogo Dheeraad ah
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
{DAAWO MUUQAALKA} Bandhiga Hindisaha Barashada isbadalka Cimillada oo Muqdish lagu Qabtay
Isniin 17, Feb 2025 {HMC} Bandhiga Hindisaha Barashada isbadalka Cimillada oo Muqdish lagu Qabtay
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
Galmudug Oo Garab Istaag U Muujisay Ciidanka Puntland Ee Dagaalka kula jiro D~C
Isniin 17 Feb 2025 {HMC} Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay wafdiga ka socday Galmudug ,kuwaasi taakulo iyo garab istaag u muujiyey Ciidanka geesiyaasha ah ee Daacish ka sifeynaya Puntland.
Wafdiga Galmudug ayaa taakuladii ay wadeen ku wareejiyeen maalintii shalay guddiga taakuleynta iyo daryeelka hawlgalka ciribtirka argagaxisada ee Puntland, si ay garab ugu muujiyaan ciidamada dagaalka kula jira kooxda Daacish.
Madaxweynaha ayaa boggaadiyey garab istaaga Galmudug u muujisay ciidanka iyo hawlgalka socda, wuxuuna xusay in ay muhim tahay in meel looga soo wada jeesto ciribtirka Argagixisada Daacish iyo Shabaab oo labudaba khatar ku ah guud ahaan Soomaaliya iyo gobolka oo dhan.
Kulankan maanta ka dhacay magaalada Boosaaso waxaa ka qeybgalay masuuliyiinta gobolka Mudug ee Puntland, Guddiga taakuleynta iyo daryeelka ciidanka hawlgalka kujira, xubno ka mid ah goleyaasha Dowladda iyo saraakiil Madaxtooyo.
Soomaaliya & Itoobiya Oo Mar kale Lagu Wado In Ay Ku Wada Hadlaan Turkiga
Isniin 17 Feb 2025 {HMC} Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga waxaa ku sugan wufuud ka kala socota Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya si ay uga wada hadlaan arrimo farsamo ee lagu dhammeystirayo baaqii Deseembar 2024 ee lagu dejiyay xiisadda labada Dal.
Wafdiga ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kulamo gaar gaar ah la qaadan doonna Madaxda Dalka Turkiga ee dhexdhexaadinta wada kahor inta uusan billaaban wadahadalka tooska ah ee Itoobiya ku wajahayaan.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanta iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac oo qoraal soo dhigay bartiisa X (Twitter) ayaa sheegay in kulankaan lagu xoojinayo xiriirka diblumaasi, nabadda & adkeynta baaqii Ankara.
“Wafdiga Soomaaliya waxa uu Ankara u yimid ka qaybgalka wareegga koowaad ee shirka farsamada ee Soomaaliya & Itoobiya si loo xoojiyo ama loo hor mariyo baaqii Ankara, Soomaaliya waxa ay xoogga saareysaa Nabadda, adkeynta hannaanka diblumaasi oo ku dhisan is afgarad iyo is ixtiraam” Ayuu yiri Wasiir Daa’uud
Soomaaliya & Itoobiya ayaa kulamo kala duwan ka yeeshay wixii ka dambeeyay Deseembar 2024 oo wadahadal ay isugu soo dhawaadeen labada Dal ay yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.
{DAAWO MUUQAALKA} Xiisad Colaadeed oo ka taagan Magaalada Burco.
Isniin 17, Feb 2025 {HMC} Xiisad Colaadeed oo ka taagan Magaalada Burco.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
{DAAWO SAWIRADA} Madaxweeynaha Hirshabeele oo la Dardaarmay Ciidan Tababar udhamaaday
Isniin 17 Feb 2025 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Hirshabeelle Gaashaanle Sare Xasan Dhicisoow Xasan ayaa si adag ula dardaarmay Ciidanka Daraawiishta Hirshabeelle gaar ahaan dufcada 5-aad ee dhawaan tababarka u soo dhammaaday.
Saraakiisha iyo Ciidanka ayaa wacad ku maray inay ka rumeyn doonaan dardaaranka Madaxweynaha ee ah in lasoo af-jaro Khawaarijta.
Taliyaha Ciidanka Booliska Hirshabeelle ayaa tilmaamay in la joogo xilliga ay awooddooda soo bandhigi lahaayeen Ciidamada Daraawiishta Hirshabeelle.
“Maanta wax walba waa idiin dhammeystiran yihiin waxaan ku kalsoonahay inaad ciqaabi doontaan Khawaarijta.”
Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa u mahadceliyay saraakiishii gacanta ku heysay muddadii tababarka iyo qalabeynta dufcada 5-aad ee Daraawiishta Hirshabeelle.

Nin lagu Dilay Burco oo Xiisad ka Dhalatay oo ka taagan Magaaladaas
Isniin 17 Feb 2025 {HMC} Magaalada Burco waxaa maanta ka taagan Xiisad ka dhalatay Nin lagu dilay Magaaladaas, marxuumka ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamuud Maxamed Xadhigle Shiine kana tirsanaa Wakaaladda Biyaha Magaaladaan.
Dilka waxa uu yimid kaddib markii uu biyaha ka jaray Guri lacag badan lagu yeeshay balse qof kamid ah Dadka mas’uulka ka ah Gurigaas uu dilay sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay Maamulka Wakaaladda Biyaha Magaalada Burco.
Maamulaha Wakaaladda Biyaha Burco ayaa sheegay in Marxuumka ay goob kawada quraacdeen isla markaana uu u sheegay in uu biyaha kasoo jari doonno guri laga bixin waayay lacagtii lagu soo dallacay isticmaalkooda.
Laamaha ammaanka Maamulka Magaalada Burco ayaa sheegay in ay qabteen Qofkii dilka geystay iyo xubnihii kale ee hubeysnaa isla markaana la socday si baaritaan loogu sameeyo looguna maxkamadeeyo haddii aanay labada dhinac iska fahmin.
Magaalada Burco waxaa ku badan Kooxaha hubeysan ee ka dhashay qulqulatooyinka Siyaasadeed ee Magaaladaas ka jira, waxa ay Bulshada Magaaladaas dalbatay in la xareeyo Ragga hubeysan oo marar kala duwan geystay Dil, Dhaawac iyo Dhac.
{DAAWO MUUQAALKA} Galmudug oo Gurmad Gaarsiisay Ciidamada Puntland ee la Dagaalamaya Daacish.
Isniin 17, Feb 2025 {HMC} Galmudug oo Gurmad Gaarsiisay Ciidamada Puntland ee la Dagaalamaya Daacish.



