Home Blog Page 1224

{DAAWO MUUQAALKA} madaxwayne ku xigeenka maraykanka oo eedeyn u jeediayay madaxda dalalka yurub

0

Sabti 15, Feb 2025 {HMC} madaxwayne ku xigeenka maraykanka oo eedeyn u jeediayay madaxda dalalka yurub

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeeyb galay Shirka Midowga Africa

0

Sabti 15, Feb 2025 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeeyb galay Shirka Midowga Africa

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Maxuu ka Yire Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka Warqada Maxkamada G.Banaadir?

0

Sabti 15, Feb 2025 {HMC} Maxuu ka Yire Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka Warqada Maxkamada G.Banaadir?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO SAWIRADA} MW Xasan Sheekh Oo Addis Ababa Kaga Qeyb Galay Meertadada 38-aad Ee Midowga Afrika

0

Sabti, 15 Feb 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay furitaanka Meertada 38-aad ee shirka Madaxda Dowladaha iyo Hoggaamiyeyaasha dalalka Midowga Afrika, oo ka socda magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxda ayaa ku howllan doorashada Guddoomiyaha Cusub ee Midowga Afrika iyo Kuxigeenkiisa, iyadoo dowladda Federaalka ay ka qaadanayso doorkeeda ku aaddan isbeddelka hoggaanka Midowga iyo sidii dib u habayn loogu sameyn lahaa hannaanka shaqo ee Hay’adaha Midwoga Afrika.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ka qaybgalay Shirka Nabadda iyo Amniga Afrika oo lagu qiimeynayey caqabadaha iyo guulaha laga gaaray hawlgallada nabad-ilaalinta ee ka socda qaaradda Afrika. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii sare loogu qaadi lahaa awoodda Midowga Afrika ee xal u helidda caqabadaha kajira Qaaradda si looga wadashaqeeyo horumarka iyo xasilloonida.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an xoojinta midnimada iyo wadajirka Afrika, waxayna uga mahadcelinaysaa Midowga Afrika taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca amniga iyo hawlgallada xasilinta.

  

Gudoomiye Aadan Madoobe Oo Kulan La Qaatay Kusimaha Safiirka Safaaradda Itoobiya

0

Sabti, 15 Feb 2025 {HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Kusimaha Safiirka Safaaradda Itoobiya ee Soomaaliya Ketema Haile Minuta oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada wadan gaar ahaan Baarlamaanada labada dal, Waxaana Kusimaha Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya uu sheegay inuu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka labada Wadan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa kusimaha safiirka Itoobiya ee Soomaaliya uga mahadceliyay sida uu uga shaqeeyo xoojinta xiriirka Baarlamaanada labada dal.

{DAAWO MUUQAALKA} Shabakaddii Daacish ee Telegram-ka ku faafin jirtay wararka kooxda oo hawada laga saaray

0

Sabti 15, Feb 2025 {HMC} Shabakaddii Daacish ee Telegram-ka ku faafin jirtay wararka kooxda oo hawada laga saaray

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Qiimaha Lacagta Xajka oo go aan rasmi ah Laga gaaray

0

Sabti 15, Feb 2025 {HMC} Qiimaha Lacagta Xajka oo go aan rasmi ah Laga gaaray

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Maxkamadda Gobolka Banaadir Oo Looga Yeeray Hantidhowrka Guud Ee Dowladda Soomaaliya

0

Sabti, 15 Feb 2025 {HMC} Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa u yeertay Hantidhowrka Guud ee dowladda, oo lagu eedeeyay inuu faragelin toos ah ku sameeyay galalka maxkamadda iyo isku day uu ku doonayay inuu saameyn ugu yeesho go’aannada garsoorayaasha.

Qoraal kasoo baxay guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir, ayaa lagu faray in Axmed Ciise Guutaale oo ku eedaysan qodobka 254, 257 iyo 267 XCS, uu horyimaado maxkamadda maalinta Axada, 16-ka Febraayo 2025, saacadda 10:00 subaxnimo, si wax looga waydiiyo ugana jawaabo eedaha uu kusoo eedeeyay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

“Axmed Ciise Guutaale ayaa ku kacay faldambiyeedyo ay kamid yihiin fulin la’aan iyo Is-hortaag go’aan Maxkamadeed iyo in uu ishortaag ku sameeyay bixinta kharashaadka socodsiinta howlaha Maxkamaddaha iyo diiwaangalinta heshiisyada ay Maxkamaduhu galeen, taasna ay ka dhalatay in ay istaagto Shaqada maalinlaha ah ee Maxkamaddaha,” ayaa lagu yiri qoraalka maxkamaddu ay soo saartay.

Maxkamaddu waxay sheegtay haddii uusan kasoo xaadirin, maxkamaddu waxay qaadi doontaa tallaabo sharci ah oo waafaqsan xeerarka dalka.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaamiyaha Cusub ee Midowga Africa oo la doortay

0

Sabti 15, Feb 2025 {HMC} Hogaamiyaha Cusub ee Midowga Africa oo la doortay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Amar Macawisleey ayaa Lagu deeyn karaa qofkii ay soo xiraan.”Gudoomiye Nuurdheere.”

0

Sabti 15, Feb 2025 {HMC} Amar Macawisleey ayaa Lagu deeyn karaa qofkii ay soo xiraan.”Gudoomiye Nuurdheere.”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA