Home Blog Page 1227

Ciidamada Jubbaland oo soo xiray kuxigeenka Maxkamadda AS ee degaanka…

0

Sabti, 15 Feb 2025 {HMC} Wararka ka imaanaya degaanada Jubalanad ayaa sheegaya in Hawlgal qorshaysan oo ay Ciidanka Jubaland ka fuliyeen Deegaanka Lafo-gari oo hoos taga Degmada Dhoobley lagu Soo qabtay nin magaciisa ay ku sheegeen Macalin Maxamed oo ahaa kuxigeenka Maxkamad ay tuuladaasi ku lahaayeen Kooxda Al shabaab.

Warbaahinta Jubbaland ayaa sheegtay in Hawlgalkaan oo loo qorsheeyay si xirfadaysan ay Ciidamada Jubbaland ku qaarajiyeen afar xubnood oo kamid ahaa dagaalamayaashii Al shabaab ee isla degaankaan ku sugneyd.

Taliyaha amniga ee Degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose Korneyl Maxamed Heybe ayaa sheegay in goobta ay weerareen ay ugu tageen 20 dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab oo cowshado goobta ka sameeystay kuna dhuumaalaysanayay, dagaal kooban oo goobta ka dhacayna ay ku dileen 4 dagaalame labana ay uga dhaawaceen.

Dadka la dilay waxaa kamid madaxii Al shabaab ee degaanka Lafo-gari u qaabilsanaa dhinaca Maaliyadda balse ay ciidamada Jubbaland ay u suurta gashay inay gacanta kusoo dhigaan Kuxigeenka Maxkamad ay Al shabaab u adeegsan jireen inay shacabka degaanadaasi ugu yeeraan.

Ciidamada Jubbaland ayaa dhowaanahaanba waday howlgallo ay ku sheegeen inay ku baacsanayaan Dagaalamayaasha ka tirsan Al shabaab ee ka dhaq dhaqaaqayada degaanada Dowlad Goboleedka Jubaland ay maamusho.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Koonfur Galbeed oo war kasoo saartay xukunadii ka dhacay Baydhabo.

0

Sabti, 15 Feb 2025 {HMC} War saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si weyn waxa ay u taageertay xukunadii todobaadkii lasoo dhaafay ee dilka toogashada ahaa ee lagu fuliyey gacan ku dhiiglayaal geestay Dilal Baree ahaa oo ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Bayaanka kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu yiri “Waxa ay Wasaaraddu si dhow ula socatay Xukunka Lagu Fuliyey gacan ku dhiiglayaasha geystay Falalka arxan darrada ah ee kafog Dhaqanka Islaamka, xeerarka iyo Dhaqanka Soomaalida u degsan, waxaan si buuxda ugarab istaageynaa Xukunkii Cadaaladda ahaa ee ragaasi lagu fuliyay”.

Ugu dambeyntii war saxaafadeedka wasaaradda ayaa shaaca looga qaaday in looga baahan yahay Dhammaan Bulshada ku dhaqan Deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya in ay si buuxda u garab istaagaan dadaalada ay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay wado kuwaas ay ku xaqiijineyso Amniga iyo Cadaaladda.

Laba maalmood oo isku xiga oo todobaadkii lasoo dhaafay ayay Koonfur Galbeed fulisay dilal toogasho ah rag ku eedeysnaa inay haweeyneey kufsi iyo dil ay iskugu dareen iyo mid kale oo sanadkii lasoo dhaafay nin ku tooreeyay magaalada Baydhabo.

Bulshada ku dhaqan deganaada Koonfur Galbeed ayaa dhankoodi booriyay tallaabada maamulkaan ee uu u qaaday in cidii wax disha tiirka toogashada la geeyo, qaar kamid ah dadkii dhibanaha u ahaa kuwa la toogtay ayaa u mahadceliyay Maamulka Koonfur Galbeed sida ay cadaaladda u marsiiyeen dambiilayaasha.

{DAAWO MUQAALKA} Sidee u dhacaysaa Doorashada madaxtinimada midowga Afrika:

0

Sabti 15, Feb 2025 {HMC}  Sidee u dhacaysaa Doorashada madaxtinimada midowga Afrika:

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Warshadii qaraxyada Daacishta Soomaaliya oo xalay la Bur-buriyay.

0

Sabti, 15 Feb 2025 {HMC} Duqeymo culus ayaa xalay lagu garaacay fariisimo ay kooxda Daacish ku lahaayeen degaanka Sheebaab ee buuraha Calmiskaad, waxaana duqeynta la sheegay in si gaar ah loogu bartilmaameedsaday saldhigyo ay lahaayeen kooxda Daacish.

War saakay kasoo baxay taliska ciidamada difaaca Puntland , ayaa lagu sheegay in duqeynta xalay lagu gubay warshaddii qaraxyada iyo biraha gawaarida u samayn jirtay kooxda ISIS, waxa ayna taliska sheegeen in duqeynta khasaaro badan kasoo gaartay warshada Daacish iyo raggii halkaasi joogay.

“Duqeynta xalay ee hawlgalka oo laga fuliyey deegaanka Sheebaab-Calmiskaad, waxaa lagu gubay warshadii Argagixisada Daacish Qaraxyada iyo biraha gawaarida ku sameyn jirtay iyadoo halkaasi lagu dilay xubnihii ku sugnaa” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay ciidamada difaaca Puntland.

Saraakiisha ciidamada Puntland ayaa sidoo kale sheegay in duqeynta xalay ka dhacday deegaanka Sheebaab lagu dilay saraakiil iyo xubno kale oo katirsanaa kooxda Daacish, kuwaa oo xilliga weerarka dhacayay ku sugnaa halkaasi.

Duqeymo culus ayaa mararka qaar lagu garaacaa buuraha ay ku sugan yihiin dagaalyahannada kooxda Daacish, waxaana duqeymahaasi Puntland ka taageera dowladda Mareykanka iyo sidoo kale Imaaraadka Carabta, halka ciidamada Puntland howlgal dhinaca dhulka ah wadaan.

{DAAWO MUQAALKA} Maxay tahay abaalmarinta caalamiga ee ay gabadhan ku heshay shaqo ay ka qabatay Somaliland?

0

Sabti 15, Feb 2025 {HMC} Maxay tahay abaalmarinta caalamiga ee ay gabadhan ku heshay shaqo ay ka qabatay Somaliland?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Maxay ka wada Hadleeyn M/Xasan shiikh iyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya.?

0

Sabti 15, Feb 2025 {HMC} Maxay ka wada Hadleeyn M/Xasan shiikh iyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne trump Oo booqanayo Dal Carbeed Xili ay taagan tahay Xiisada Barakicinta dadka Qasa

0

Sabti 15, Feb 2025 {HMC} Madaxweyne trump Oo booqanayo Dal Carbeed Xili ay taagan tahay Xiisada Barakicinta dadka Qasa

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} FAAH FAAHIN:.Duqeeyn lagu Burburiyay Keeydkii Hubka Daacish.

0

Sabti 15, Feb 2025 {HMC} FAAH FAAHIN:.Duqeeyn lagu Burburiyay Keeydkii Hubka Daacish.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Maxay tahay Sababta Guurka u Bato Markii uu Ramadaanka Soo dhow yahay.

0

Sabti 15, Feb 2025 {HMC} Maxay tahay Sababta Guurka u Bato Markii uu Ramadaanka Soo dhow yahay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Madaxwayne Cirro oo si adag ugu hadlay qorshaha dadka Gaza loogu soo raro Somaliland.

0

Sabti, 15 Feb 2025 {HMC} Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa si cad u beeniyay wararka sheegaya in dowladdiisu wadahadallo la yeelatay Mareykanka oo ku saabsan dib-u-dejinta qaxootiga Falastiiniyiinta ee Gaza, isagoo carrabka ku adkeeyay in aan la soo bandhigin wax codsi rasmi ah.

Wareysi uu siiyay Sky News Arabia, Cirro wuxuu ku sheegay in Somaliland aan loo tixgelinayn meel dib-u-dejin loogu sameeyo Falastiiniyiinta laga barakiciyay Gaza, kaddib hadallo uu jeediyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ku saabsanaa dejinta qaxootiga dalal kale.

“Somaliland waxay aad u qiimeysaa iskaashigeeda dhaqaale, milatari iyo diblomaasiyadeed ee ay la leedahay Mareykanka, balse arrintan na lagama soo hadal-qaadin. Wax kasta oo miisaankaan leh waxay u baahan yihiin wada-hadal qoto dheer,” ayuu yiri Cirro.

Cirro wuxuu mar kale caddeeyay taageerada Somaliland ee xuquuqda Falastiiniyiinta, wuxuuna ku baaqay xal diblomaasiyadeed oo waafaqsan mowqifka guud ee Carabta.

Waxa uu intaa ku daray in Somaliland ay xiriir dhow la leedahay dalal badan oo Carbeed, isla markaana ay ka go’an tahay in ay door wax-ku-ool ah ka qaadato arrimaha gobolka.

Hadalka Cirro ayaa yimid xilli sii kordhayaan wararka la xiriira hadalladii Donald Trump oo soo jeediyay in Falastiiniyiinta Gaza loo raro dalal kale. Warbaahinta Israa’iil ayaa soo wariyay in Somaliland iyo Puntland ay ka mid yihiin meelaha la tixgelinayo, hase yeeshee, ma jiro wax xaqiijin rasmi ah oo ka yimid Washington ama Hargeysa.

Hadalka Cirro ayaa ku soo beegmay xilli xasaasi ah oo gobolka uu wajahayo xaalado siyaasadeed oo cakiran.

Cirro oo dhawaan ka qeybgalay Shirweynaha Dowladaha Adduunka ee Dubai, ayaa mar kale xaqiijiyay in maamulkiisu diiradda saarayo horumarinta dhaqaale, xoojinta xiriirrada diblomaasiyadeed iyo ilaalinta xasilloonida siyaasadeed ee Somaliland, xilli Gobolka Geeska Afrika uu wajahayo xaalad aan degganeyn.

Qorshaha Trump ayaa waxaa si weyn uga soo horjeestay inta badan dalalka Carabta.

Madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi ee Masar iyo Boqor Abdullah II ee Urdun ayaa ku celceliyay diidmada ay ka qabaan in Falastiiniyiinta si khasab ah loo raro, iyaga oo carrabka ku adkeeyay baahida degdegga ah ee dib u dhiska Gaza iyada oo dadka reer Gaza ay ku sii negaanayaan dhulkooda.