Home Blog Page 1228

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {15.02.2025}

Sabti, 15 Feb 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Ali Ahmed

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Imaaraadka oo war kasoo saaray qorshaha Trump ee barakicinta Reer Gaza.

0

Sabti, 15 Feb 2025 {HMC} Danjiraha Imaaraadka Carabta ee Washington, Yousef al-Otaiba, ayaa taageeray qorshaha muranka badan dhaliyay ee Madaxweyne Donald Trump ee Mareykanka, kaas oo ku talinaya in Falastiiniyiinta laga raro Marinka Gaza, isaga oo sheegay inuusan arag “ikhtiyaar kale.”

Hadalladan, oo uu ka jeediyay Shirweynaha Dowladda Adduunka ee Dubai Arbacadii, ayaa yimid xilli iska caabin xooggan oo caalami ah iyo mid goboleedba loo muujiyay qorshahaas, kaas oo lagu tilmaamay isir sifeyn.

Intii lagu guda jiray shirka, al-Otaiba ayaa la weydiiyay haddii Abu Dhabi ay la jaanqaadi karto maamulka Trump marka ay noqoto arrinta Gaza.

“Waan isku dayi doonnaa,” ayuu ku jawaabay, isaga oo qiray in Mareykanku si adag u wajahayo qalalaasaha Gaza.

“Laakiin ugu dambeyn, dhammaanteen xal-baaris ayaan ku jirnaa, welina ma naqaan halka ay wax ku dambayn doonaan,” ayuu yiri diblumaasiga.

Markii la weydiiyay haddii Imaaraadku ka shaqeynayo qorshe kale oo ka duwan kan Trump, al-Otaiba wuxuu ku jawaabay: “Ma arko wax kale oo lagu beddeli karo waxa la soo jeediyay. Haddii ay jiraan dad soo jeedin kara mid kale, diyaar baan u nahay inaan ka wada hadalno, balse weli lama soo bandhigin.”

Hadalladan ayaa yimid iyadoo Masar ay Talaadadii ku dhawaaqday qorshe lagu dhisayo Gaza iyada oo aan la barakicin dadkeeda.

Madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi ee Masar iyo Boqor Abdullah II ee Urdun ayaa ku celceliyay diidmada ay ka qabaan in Falastiiniyiinta si khasab ah loo raro, iyaga oo carrabka ku adkeeyay baahida degdegga ah ee dib u dhiska Gaza iyada oo dadka reer Gaza ay ku sii negaanayaan dhulkooda.

Arbacadii, Madaxweynaha Imaaraadka, Maxamed bin Zayed, ayaa telefoon ka helay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, kaas oo uu uga hadlay muhiimadda ay leedahay in laga shaqeeyo “nabad cadaalad ah oo Bariga Dhexe laga gaaro” iyada oo lagu saleynayo xalka laba dal, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee WAM.

Si kastaba ha ahaatee, Israa’iil ayaa weli ku sii haysa Gaza xannibaad adag oo socotay 18 sano, iyada oo xaddidaysa sahayda cuntada, biyaha iyo daawooyinka. Ku dhowaad 2 milyan oo ka mid ah 2.3 milyan oo qof oo reer Gaza ah ayaa hadda gudaha ku barakacay, taas oo ka dhalatay dagaalka.

Qorshaha Trump ee barakicinta ayaa yimid xilli ay jirto xabbad-joojin iyo is-weydaarsi maxaabiis oo dhaqan galay 19-kii Janaayo.

Xabbad-joojinta ayaa u muuqata mid sii wiiqmeysay maalmihii u dambeeyay, iyadoo Israa’iil ku hanjabtay inay dib u bilaabi doonto dagaalka, halka Xamaas ay hore u sheegtay inay dib u dhigi doonto sii deynta la haystayaasha haddii Israa’iil aysan fulin dhammaan shuruudaha heshiiska.

In kasta oo xabbad-joojintu si ku-meel-gaar ah u hakisay duqeymihii Israa’iil, haddana in ka badan 61,709 Falastiiniyiin ah ayaa la dilay tan iyo Oktoobar 2023, halka in ka badan 14,000 oo kale lagu tuhunsan yahay inay ku hoos jiraan burburka, lagana cabsi qabo inay dhinteen.

Imaaraadka ayaa xoojiyay xiriirka uu la leeyahay Israa’iil 2020-kii, iyada oo la saxiixday Heshiiskii Abraham, kaas oo ay si weyn u cambaareeyeen Falastiiniyiinta iyo shacbiga Carabta. Tan iyo xilligaas, Imaaraadku wuxuu xiriir dhow la lahaa Israa’iil inkasta oo dagaalka Gaza uu socdo.

{DAAWO MUQAALKA} Howlgal Cir iyo Dhul ah oo Maanta Lagu qaaday Kooxda AS.

0

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kooxda Al shabaab ku qaaday Howlgal Cir iyo Dhul ah kadib markii ay yaraadeen fatahaada wabiga oo in mudo ah gooyay wadada isku xirta Magaalada Muqdisho Iyo Jowhar.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO SAWIRADA} Maxaa Looga Hadlay Kulankii dhaxmaray Madaxweyne Xasan Shiikh iyo RW Abiy Ahmed.

0

Jimco, 14 Feb 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galaya Meeratada 38-aad ee Shir-madaxeedka Midowga Afrika ayaa kulan-doceed la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya, Mudane Abiy Ahmed.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay xasilloonida Gobolka iyo mideynta dadaallada lagu cirib-tirayo argagixisada, waxa uuna sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xaqiijinta iskaashiga heer gobol ee ku aaddan nabadda, daris-wanaagga iyo adkaynta xasilloonida.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Labada dal, iyadoo la dhiirri-gelinayo iskaashiga horumarineed ee ku salaysan daris-wanaagga iyo is-ixtiraamka, si waafaqsan danaha wadajirka ah ee labada dal, madaxbannaanida iyo midnimada dal kasta.

DHAMMAAD

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {14.02.2025}

Jimco 14, Feb 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Macalin Muse

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

Masuul Kooxda AS u Waday Boonooyin oo Lagu qabtay Gobolka Hiiraan.

0

 Jimco 14, Feb 2025 {HMC} Ciidamada Deegaanka ee loo yaaano Macawiisleyda ayaa Gacanta ku dhigay Maxamed Rashiid Cabdi Xuseen oo Waday Documentiyo aay leeyihiin kooxda AS.

Ciidamada ayaa ka qabtay Maxamed Rashiid Deegaanka Ceel Xeero oo Hoos Yimaaado Degmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan.

Marka aay Qabanayeen Ciidanka Deegaanka wuxuu waday Gaari Nooho ah oo aay saarnaayeen warqadaha ama Documentiyada aay kooxda AS Siiyaan Dadka aay lacagaha ka qaadaan.

Ninkaan aay Ciidanka deeganka gacanta ku dhigeen ayaa mar ahaa Gudoomiyaha Deegaan hoos tago Degmada Maxaas oo la yiraaho Ganuuribad.

Maamulka Degmada maxaas ayaa xaqiijiyay in uu ku xiranyahy xabsi ku yaalo Degmada maxaas oo uu Baaritaan ku socdo.

“Ninkaan mar ayuu ahaa gudoomiyaha Deeganka Ganuuribad, Maamulka Degmada maxaasna uma magacaawin xilkaas, waxaa u Gartay Dadka Deegaanka, saas ayuu ku ahaa gudoomiyaha deegaankaas, Waxaa soo qabtay Ciidanka Deeganka, Wuxuu ku Xiranyahay Degmada Maxaas Baaritaan ayaa ku socdo” Ayuu Yiri Gudoomiya ku xigeenka Amniga Degmada Maxaas, Daahir Xuseen Cilmi.

Gobalka Hiiraan gaar ahaan dhanka Bari ayaa ahaa meelihii aadka looogula dagaalamay kooxda AS, Waxa qeeyb weeyn ka qaatay ciidamada deeganka ee loo yaqaano macawiisleeyda.

{DAAWO MUQAALKA} Ciidanka Danab oo Xoog ku soo furtay gaadiid iyo dad shacab ah oo u xayirnaa AS.

0

Jimco 14, Feb 2025 {HMC} Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururada 175-aad ee guutada 17-aad Gorgor iyo 146-aad ee guutada 14-ka October ayaa howlgalo qorsheysan oo ka dhan ahaa kooxda Al-shabaab ka fuliyay saacadahii lasoo dhaafay gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Howlgalka ayaa ciidamadu waxay si gaar ah uga fuliyeen tuulada lagu magacaabo Gumeysidiid oo kooxdu ku laheyd baro koontarool, islamarkaana ay ku xayirnayeen gaadiid iyo dad shacab ah.

Taliyaha Guutada 14-ka October ee ciidanka Dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle sare Nuur Maxamed Gaabow ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay iney cagta mariyeen dhamaan barahii koontaroolada ee kooxdu ku dhibaateyn jirtay gaadiidka iyo dadka masaafurka ah.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay iney sii wadi doonaan howlgalada noocaan oo kale ah oo ay uga hortagayaan dhibaatooyinka kooxdu ay ku hayaan gaadiidka iyo dadka shacabka ah ee ku safra wadooyinka gobolka Shabeellaha Hoose.

Gabar abaalmarin caalami ah ku heshay shaqo ay ka qabatay Soomaaliland.

Jimco 14, Feb 2025 {HMC} Ayaan Xasan, waa kalkaaliso caafimaad oo si gaara u baratay umalisonimada, waxay muddo dheer ku nooshahay dalka Sweden, halkaas oo ay ku baratay culuumta caafimaadka gaar ahaan kuwo haweenka.

Waxay BBC-da u sheegtay inay is waydiisay sidii cilmiga ay baratay dib ugu celin lahayd dalkeedii iyadoo ku tabarucaysa waqtigeeda, lacagteeda iyo aqoonteedaba.

“Go’aan waxaan qaatay inaan dalkaygii dib wax ugu celiyo, dhowr jeer oo waddankii aan tagayna waxaan arkay goobaha caafimaadka inay u baahan tahay in wax weyn laga qabto. Marka waxaan isku xilqaamay inaan sanad walba intaan tikitkayga iska bixiyo an sanadkii bil tago waddankii oo wax Alle waxaan ka caawin karo ka caawiyo,” ayey tiri Ayaan.

Waxay sheegtay inay xoogga saartay xagga waxbaridda howlwadeennada caafimaadka ee haweenka ah, sida loo gacan qabto hooyada marka ay foolanayso haddii ay ku yimaadaan dhiig-bax ama kalamasiyo.

“Abaalmarinta waxaa la igu siiyey shaqadii is-xilqaanka ahayd ee aan isku xilqaamay, si aan hooyooyinka isku dhimanaya xilliga foosha u badbaadiyo, cilmigeediina aan ugu gudbiyo umulisooyinka, dhaqaatiirka iyo kalkaaliyaasha ka shaqeeya qaybta hooyada iyo dhallaanka,” ayey tidhi Ayaan.

Hay’adda abaalmarinta bixisay ayaa sidoo kale Ayaan ku maamusay $3,000 (saddex kun oo dollar), lacagtaasoo ay sheegtay in ay dharka shaqada ugu iibin doonto umulisooyinka ka hawlgala isbitaalada magaalada Gabiley, si ay ugu dhiirrigeliso shaqadooda.

“Lacagtaas waxaan go’aansaday in aan kaga farxiyo gabdhaha umulisooyinka ee gobolka Gabiley, oo aan ka caawiyo dharka shaqada. Sidaas darteed, iyaga ayaan u hibeynayaa,” ayey tidhi.

Waxay sheegtay in markii ugu horreysay ay la soo xidhiidhay maayarkii hore ee Gabiley, Maxamed Amiin, isla markaana ay u bandhigtay qorshe ay si bilaash ah wax ugu barayso hablaha umulisooyinka ah, halka dawladda hoose ee Gabiley-na ay siisay goob ay degto. Tan iyo markaas, siddeed sano oo ay hawshan waday, hablaha ay tababartay ayaa hadda wax ka dhiga jaamacado, waxayna kaalin weyn ka qaateen badbaadada hooyada iyo dhallaanka.

Dumarka ka shaqeeya caafimaadka Soomaaliland ayaa 20-kii sano ee u dambeeyay sameeyay isbeddel muuqda oo la taaban karo, gaar ahaan badbaadinta hooyada iyo dhallaanka. Edna Adan Ismaaciil, oo ah umuliso caan ah, ayaa iyaduna abaalmarin caalami ah ku heshay waxqabadkeeda caafimaadka ee Soomaaliland .

Maxkamad ku taal Dalka Sweden oo xukun ku ridday nin lagu Helay in uu ku Daacish biiray.

0

Jimco 14, Feb 2025 {HMC} Maxkamad ku taalla Sweden ayaa maanta oo Jimce ah xukun saddex sano iyo saddex bilood ah ku riday nin 22 jir ah.

Ninkaan ayaa lagu helay dambiyo la xiriira argagixisada, kuwaas oo ay ka mid yihiin ka mid noqoshada ururka Daacish (IS), maalgelinta argagixisada, iyo safarro uu u galay ujeeddooyin la xiriira kooxaha xagjirka ah.

War ka soo baxay maxkamadda ayaa xaqiijiyay in safarrada uu sameeyay ninka la xukumay ay dhammaantood ku wajahnaayeen Soomaaliya, halkaas oo lagu tuhunsan yahay inuu xiriir la lahaa Daacish. Xukunkan ayaa ah kiiskii ugu horreeyay ee lagu fuliyo sharci cusub oo Sweden ay meel marisay sannadkii 2023, kaas oo mamnuucaya ka kamid noqoshada kooxaha argagixisada.

Dowladda Sweden ayaa sanadihii la soo dhaafay xoojisay shuruucda la dagaallanka argagixisada, gaar ahaan tan iyo weerarkii 2017 ee Stockholm, halkaas oo qof u dhashay Uzbekistan, oo sheegay inuu Daacish taageersan yahay, uu gaari ku jiiray dad shacab ah, taasoo dishay shan qof.

Dastuurka Dalka Sweden oo hore u ogolaa xorriyadda ururaysiga ayaa dib u eegis lagu sameeyay, taasoo fududaysay in la meel mariyo sharci mamnuucaya ka mid noqoshada ururada argagixisada. Arrintan ayaa sidoo kale kusoo beegantay xilli Sweden ay dadaal ugu jirtay inay xubin ka noqoto NATO, kadib markii Turkiga uu shardi ka dhigay in ay tallaabo adag ka qaaddo kooxaha xagjirka ah ee ka hawlgala gudaha dalkaas.

 

Strengthening International Labor Union Cooperation: SOCOTU Signs Historic Agreement with Azerbaijan Trade Union.

0

Friday 14, Feb 2025 {HMC} The Somali Congress of Trade Unions (SOCOTU) has signed a historic agreement with the Azerbaijan Trade Union. This landmark agreement aims to bolster the protection and representation of workers’ rights in both countries.

During an official visit to Azerbaijan, SOCOTU Chairman Mr. Mohamed Osman Haji Ali and Deputy Chairman Hamda Osman met with the Chairman of the Azerbaijan Trade Union, Mr. Sahib Mammadov. The meeting focused on strengthening bilateral relations and building on the visit of the President of Somalia, Mr. Hassan Sheikh Mohamud, to Azerbaijan, marking a new beginning in economic cooperation and diplomatic relations between the two nations.

The Azerbaijan Trade Union shared a detailed report on ongoing reforms in the labor system, new initiatives to promote workers’ rights, and implemented and planned projects to support workers and social welfare. In turn, Mr. Mohamed Osman Haji Ali highlighted SOCOTU’s vital role in defending workers’ rights, social justice, and improving working conditions in Somalia.

The visit culminated in the formal signing of a Memorandum of Understanding (MoU) between SOCOTU and the Azerbaijan Trade Union. This agreement focuses on strengthening cooperation to improve the lives of workers, defending workers’ rights and social justice, sharing experiences and knowledge exchange programs, and implementing joint projects on labor and social issues. During their visit, the SOCOTU delegation also toured the “Kurort” Tourist Center, learning about the modern system that allows trade union members in Azerbaijan to access tourism opportunities and social services.

The agreement heralds a new era in international trade union cooperation, ensuring the strengthening of workers’ protection and representation while fostering cooperation between Somalia and Azerbaijan in labor and social development fields. SOCOTU remains committed to promoting Somali workers’ rights through international cooperation with trade unions worldwide.