Home Blog Page 123

{DAAWO MUQAALKA} Sida ay u soo Afjareen Koonfur Galbeed Ciidankii Baydhabo kula Dagaalamay.

0

Khamiis 5 Feb 2026 {HMC} Mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaciyey in Ciidamada Ammaanka ay si guul ah u soo gebagabeeyeen howlgal ballaaran oo maanta ka socday magaalada Baydhabo, kaas oo lagu bartilmaameedsaday kooxo hubeysan oo carqalad ku hayay amniga iyo nolosha shacabka.

Warbixin ay baahisay Telefishinka Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in howlgalka uu bilowday saacadihii hore ee subaxnimada, islamarkaana lagu beegsaday kooxo ay mas’uuliyiintu ku sifeeyeen kuwo ka soo horjeeday nabadda, kana shaqeynayay falal amni darro ah oo si toos ah u saameynayay dadka ku nool Baydhabo.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Koonfur Galbeed, Maxamed Ibraahin Bilaal, ayaa si rasmi ah u sheegay in kooxihii hubeysnaa ee khatarta ku ahaa amniga magaalada la wiiqay, lana joojiyay dhaqdhaqaaqyadoodii.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Dowladda Soomaaliya oo Si rasmi ah ugu dhawaaqday Tirada dadka ay Abaartu saamaysay.

0

Khamiis 5 Feb 2026 {HMC} Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa sheegay in Abaartu waxa ay saamaysay ku dhowaad 4.8 milyan oo qof”

Golaha Wasiiradda Xukuumadda JFS ayaa kulankoodii maanta kaga hadlay xaaladda daran ee abaaraha dalka ka jira, waxa ayna soo saareen baaq Qaran oo ku socda bulshada Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka.

Kulanka oo uu shir Guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa warbixin ka dhagaystay Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan, waxa ayna goluhu Alle uga baryeen shacabka tabaalaysan in uu ka dulqaado dhibaatada.

Golaha Mustaqbalma oo War saxaafadeed kasoo saaray Dagaalkii ka dhacay Baydhabo.

0

Khamiis 5 Feb 2026 {HMC} Golaha Mustaqbalma oo War saxaafadeed kasoo saaray Dagaalkii ka dhacay Baydhabo.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa sheegay in xalka arrinta Baydhabo ka dhacday ay tahay in Doorasho si deg deg ah loo qabto.

Doorasho hala qabto waxa ay sidoo kale wadno xanuun ku noqon doontaa Maamulada Galmudug iyo Hirshabelle oo muddo xileedkoodii mar hore ladhaafay.

Soomaaliya iyo Masar oo Yeeshay La-Tashiyo ay ku Xoojinayaan Iskaashiga Labada Dal.

0

Khamiis 5 Feb 2026 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali ayaa maanta magaalada Qaahira kula yeeshay la-tashiyo rasmi ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane Dr. Badr Abdelatty, kuwaas oo hoosta ka xarriiqay qotodheeraanta iyo adkaanta xiriirka istaraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

Kulamada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah iyo isku-duwidda mowqifyada arrimaha gobolka, iyadoo Masar ay mar kale adkaysay taageerada buuxda ee ay u hayso midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale,

labada dhinac waxay ka wada hadleen dardargelinta dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo nabadda, amniga, iyo xasilloonida guud ee Geeska Afrika.

Iiraan oo qabatay laba markab oo shidaal qaada xilli ay ku sugnaayeen Gacanka Faaris.

0

Khamiis 5 Feb 2026 {HMC} Iiraan ayaa qabatay laba markab oo shidaal qaada xilli ay ku sugnaayeen Gacanka Faaris, waxayna xirtay ku dhowaad 15 shaqaale ajnabi ah oo la socday.

Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa sheegay in maraakiibtaas loo qabtay eedo la xiriira tahriibin shidaal, balse lama sheegin dalalka laga leeyahay iyo halka ay ka soo jeedaan shaqaalaha la socday , sida ay werisay wakaaladda wararka Iiraan ee Tasnim.

Qabashada maraakiibta waxay dhacday xilli xiisadda gobolka bariga dhexe sare martay, kaddib markii Mareykanku uu ciidan badeed u diray gobolka.

{DAAWO MUUQAALKA} Deg deg Koonfur Galbeed oo sirasmi ah u shaacisey in la soo Afjaray Dagaalkii Baaydhabo.

0

Khamiis  5 Feb 2026 {HMC} Deg deg Koonfur Galbeed oo sirasmi ah u shaacisey in la soo Afjaray Dagaalkii Baaydhabo.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Ciidamada Puntland oo Gacanta ku dhigay Keeydkii Miinada ee Calmiskaad.

0

Khamiis  5 Feb 2026 {HMC} Ciidamada Puntland oo Gacanta ku dhigay Keeydkii Miinada ee Calmiskaad.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu Waa Weeyn Soomaaliya Caalamka 05-02-2026.

0

Khamiis  5 Feb 2026 {HMC} Wararka ugu Waa Weeyn Soomaaliya Caalamka 05-02-2026.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

Somali Cabinet Approves National Disaster Fund and Maritime Pact with Turkey; Drought Response Tops Agenda

0

Thursday  5 Feb 2026 {HMC}-The Council of Ministers of the Federal Government of Somalia, chaired by Prime Minister H.E. Hamza Abdi Barre, convened for its weekly meeting on Thursday, February 5, 2026. The session was dominated by urgent discussions regarding the country’s climate challenges, resulting in the approval of a critical regulatory framework for disaster management and a strategic maritime agreement with Turkey.

The Cabinet began proceedings with a detailed review of the current drought situation affecting the nation. Reports presented to the Council highlighted the severe impact of water shortages and food insecurity on vulnerable populations. In response to these findings, the government announced it is finalizing a series of immediate tactical measures to mitigate the crisis and support affected communities.

To institutionalize these relief efforts, the Council officially approved the Regulation for the National Fund for Risk and Disaster Management. This new legal framework is designed to unify the country’s preparedness, prevention, and response mechanisms for both natural and man-made disasters. The regulation aims to foster a system of self-reliance, integrating government resources with community contributions to ensure a sustainable response to future crises.

In a move to strengthen Somalia’s sovereignty and economic infrastructure, the Cabinet also ratified a significant Memorandum of Understanding (MoU) between the Federal Government of Somalia and the Government of Turkey regarding maritime transport cooperation. This agreement is expected to bolster trade logistics and port operations between the two nations.

Furthermore, the Council adopted a suite of international maritime protocols to bring Somalia into compliance with global standards. These include the Maritime Labour Convention (2006), the Nairobi International Convention on the Removal of Wrecks (2007), and the International Convention on Tonnage Measurement of Ships (1969). These ratifications signal Mogadishu’s intent to modernize its maritime sector and improve safety and labor conditions within its territorial waters.

The session concluded with a briefing from the National Committee on Combating Smuggling and Human Trafficking. The Committee presented a stark assessment of the dangers posed to Somali youth by illegal migration networks. The report detailed the physical and human rights abuses suffered by victims, emphasizing that human trafficking remains a severe threat to the country’s future human capital and national development.

Source sonna

{DAAWO MUUQAALKA} DEG DEG Hub laga soo furtay AS Oo lasoo Bandhigay.

0

Khamiis  5 Feb 2026 {HMC}DEG DEG Hub laga soo furtay AS Oo lasoo Bandhigay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA