Jimco, 14 Feb 2025{HMC} Hooyo Soomaaliyeed oo ku Geeriyootay toogashadii ka dhacday Sweden
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Jimco, 14 Feb 2025{HMC} Hooyo Soomaaliyeed oo ku Geeriyootay toogashadii ka dhacday Sweden
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Jimco, 14 Feb 2025{HMC} Millatariga israa’iil oo Duqeeymo Culus oo ka Fuliyey Bariga dhexe.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Friday, 14-02-2025 {HMC} – Officials from Ethiopia’s National Electoral Board announced on Thursday that they had suspended the membership of the once-ruling Tigray People’s Liberation Front (TPLF) due to violations of a political agreement made two years after the devastating Tigray war.
The TPLF, which was added to the list of terrorist organizations during the 2020-2022 conflict, was later re-recognized as a political party after the war ended.
The 2024 agreement mandated that the TPLF hold an official election to choose new leadership before February 10 of this year.
The National Electoral Board of Ethiopia stated in a post on its social media account that the party failed to meet this requirement, which was considered a direct violation of the agreement.
“The party is prohibited from engaging in any political activities for three months,” the statement read. “The party’s registration will be revoked if it does not take corrective actions within this period,” it added.
Getachew Reda, a senior leader of the TPLF, did not respond to a request for comment from AFP.
The TPLF ruled Ethiopia for nearly 30 years until Prime Minister Abiy Ahmed, who is not from the Tigray ethnic group, took power in 2018. Abiy’s rise to power sparked growing tensions, which eventually led to the two-year war between the federal government and Tigray forces in 2020, a conflict estimated to have claimed over 600,000 lives.
New tensions have now emerged within the TPLF, particularly between Getachew, who led the interim Tigray administration appointed by Addis Ababa after the war, and Debretsion Gebremichael, the longtime leader of the party.
The ACLED organization, a non-governmental body that tracks global conflict-related losses, warned weeks ago that these tensions could escalate into further violence.
Jimco 14-02-2025 {HMC} – Mas’uuliyiinta Guddiga Doorashooyinka Qaranka Itoobiya ayaa Khamiistii shaaciyay in ay hakiyeen xubinimada xisbiga hore u talin jiray ee Tigrayga (TPLF) sababo la xiriira jebinta heshiis siyaasadeed oo la gaaray labo sano ka dib dagaalkii dhiigga badnaa ee Tigray.
Xisbiga TPLF, oo intii uu socday dagaalkii 2020-2022 lagu daray liiska kooxaha argagixisada, ayaa dib loogu aqoonsaday xisbi siyaasadeed kadib markii colaaddaasi dhammaatay.
Heshiiskii 2024 ayaa farayay in TPLF ay qabato doorasho rasmi ah oo hoggaan cusub lagu soo doorto kahor 10-ka Febraayo ee sanadkan.
Guddiga Doorashooyinka Qaranka Itoobiya ayaa bayaan ay ku daabaceen barta X ku sheegay in xisbigu ku guuldareystay fulinta shuruuddaas, taasoo jebin cad ku ah heshiiskii la gaaray.
“Xisbiga waxaa laga mamnuucay in uu qabto wax hawlo siyaasadeed ah muddo saddex bilood ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.
“Diiwaangelinta xisbiga waa la tirtiri doonaa haddii uusan muddadaas gudaheed qaadin tallaabooyin saxitaan ah,” ayaa lagu daray.
Getachew Reda, oo ka mid ah hoggaanka sare ee TPLF, ayaan ka jawaabin codsi AFP ay uga dalbatay jawaab.
Xisbiga TPLF ayaa Itoobiya xukumayay ku dhawaad 30 sano ilaa uu talada la wareegay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, oo aan ka soo jeedin qowmiyadda Tigray, sanadkii 2018.
La wareegidda Abiy ayaa hurisay xiisado sii kordhay oo 2020-kii isu beddelay dagaal labo sano socday oo dhex maray dowladda iyo xoogagga Tigrayga, dagaalkaas oo lagu qiyaasay in ay ku dhinteen 600,000 oo qof.
Xiisado cusub ayaa hadda ka dhex curtay TPLF, gaar ahaan u dhexeeya Getachew, oo hoggaaminayay maamulka ku-meel-gaarka ah ee Tigray ee ay soo magacowday Addis Ababa dagaalka kadib, iyo Debretsion Gebremichael, hoggaamiyihii muddada dheer soo maamulayay xisbiga.
Hay’adda ACLED, oo ah urur aan dawli ahayn oo dabagasha khasaaraha colaadaha caalamka, ayaa toddobaadyo ka hor ka digtay in xiisadahan ay halis ugu jiraan in ay isku beddelaan rabshado hor leh.
Khamiis, 13 Feb 2025{HMC} Ilhaan Cumar miyaa laga Masaafurinayaa Mareykanka?
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Khamiis, 13 Feb 2025{HMC} Maxay tahay Doorashada ay Itoobiya kaga guuleystay Soomaaliya iyo Ruwanda?
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Khamiis, 13 Feb 2025{HMC} Madaxweyne Xasan oo soo Arkay hub la filayo in Df ay soo iibsato
Khamiis, 13 Feb 2025{HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii Ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
Khamiis, 13 Feb 2025{HMC}Maanta ka dib Waxaan rabnaa in meesha laga saaro Gaal-Jecel dagaalka AS kuma jiro.
Khamiis 13-02-2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday xarummo muhiim ah oo ku yaalla magaalada Baku ee caasimadda Azerbaijan, kuwaas oo iskugu jira xarummaha tamarta, difaaca, iyo hormarinta adeegyada dowliga ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa booqday Xarunta BP Sangachal Terminal oo ka mid ah xarumaha ugu weyn ee caalamka ee qaabilsan soo saarista shidaalka iyo habeynta gaaska dabiiciga ah, isagoo uga gollahaa in uu dul istaago awoodda dalkan Azebaijan ee dhanka tamarta, maadaama ay dhawaan labada dowladood kala saxiixdeen heshiis iskaashi oo ku saabsan arrimaha shidaalka iyo tamarta.
Intii booqashada uu ku jiray Madaxweynuhu, waxa uu warbixin ka dhageystay khubarada farsamada oo la wadaagay sida ay xaruntu uga shaqeyso amniga tamarta ee gobolka iyo suuqyada caalamka, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu tilmaamay in booqashadan ay fursad weyn u ahayd is-dhaafsi khibradeed, maadaama Soomaaliya ay haatan waddo sahanno lagu baarayo shidaalka oo la qorsheynayo in la soo gabagabeeyo sannadkan.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa booqday Kumaandooska Ciidanka Qaranka Azerbaijan, halkaas oo uu kusoo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Azerbaijan, Mudane Zakir Hasanov. Madaxweynaha waxaa loo soo bandhigay qalab casri ah oo ciidan oo lagu sameeyay gudaha Azerbaijan.
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqday Xarunta Adeegyada Casriga ah ee ASAN, isagoo ku bogaadiyey dowladda dalkan hannaanka horumarsan ee casriyeynta adeegyada dadweynaha, waxa uuna xusay in Soomaaliya ay ka faa’iidaysan karto khibraddan, si loo horumariyo addeegyada dowliga ah ee danabeysan (E-Governance)
